Xuska Sanadguurada 51 aad ee ciidamada Badda oo lagu qabtay Muqdisho”SAWIRRO”
Published on February 17, 2013 by Mowliid · 35 Comments · 11,381 views
Munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii 51 aad ee Ciidamada badda Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ciidamada Badda ayaa maanta u dabaaldegay Toddobo Doonyood oo ay ciidamadu saaranyihiin iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Badda oo Gaardinaya ayaa ka qeyb qaatay dabaal degga oo ka dhacay Sugunto Liido oo ay ku sugnaayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda, Saraakiisha ciidamada Qalabka sida iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Taliyaha ciidamada Badda Admiral Faarax Axmed Cumar “Qare” oo khudbd ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in ciidamadu ay soo mareen shan sano oo ay ku dhisnaayeen duruuf adag maantana ay marayaan heer lagu tashan karo haddii loo helo qalabka ay u baahan yihiin.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/kaiin Maxamud Xaaji Fiqi ayaa khudbad uu jeediyay ugu hambalyeeyay ciidamada munaasabadda isagoo caddeeyay in xalka kaliya ee loo heli karo dhibaatada ka jirta xeebaha Soomaaliya ee ay ku jiraan Burcad badeedda uu yahay in la dhiso lana tayeeyo ciidamada Badda Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay dib u dhis ku sameyn doonto ciidamada Badda Soomaaliyeed afarta sano ee soo socota si ay u soo celiyaan Ammaanka xeebaha dalka.
Dabaal degga Waxaa sidoo kale Khudbado ka jeediyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhuna Maye iyo Abaanduulaha ciidamada XDS Generaal C/kariin Yuusuf Adan Dhegabadan, kuwaas oo ciidamada Badda ugu hambalyeeyay munaasabadda kuna amaanay taliska iyo askartaba duruufaha adag ee ay ku shaqeynayaan.
















Photo By: Qadar Cali Nuur
Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
Warsaxaafadeedka Oo English ah hoos ka akhriso
Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay ...
Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo tababar uga ...
Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday natiijadii ...
R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Madaxwaynahamaamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ciyaar Saxiibtinimo ah oo kubadda Koleyga ah ayaa ...
WAR HABEEN 18 05 2013
(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
Akhristeyaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineyna ...
war duhur 18.05.2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa maanta ka hadlay arrimaha ...
Wasiirka Warfaafinta Isgaarisiinta iyo Gaadiidka ayaa kulan la ...
Wafdi ka socday Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayay ...
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay xarunta degmada ...
Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa qaabilay ...
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa kormeer ...
Wafdigan oo maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho ...
Warka Subaxnimo Sabti 18-05-2013
Ganacsatada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa ...
Kulankan oo lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka ...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar been abuur ah ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
MAASHAA ALLAAH,RUNTII WAA MUQAAL AAD IYO AAD U QURUX BADAN OO QOFKII DAAWADA UU FARXAD LA ILMEYNAYO, KA NAXOOW NAFTA WAA GACALKOOW KU FARAX NACABKOOW KU SAMIR.
GUULEYSTAYAAL GUULEYSTA GAASHAANDHIGEENOOW GUULEEYSTA.
SANADKAAN KIISA KALENA KU GAARA HORUMAR IYO BARWAAQO INSHAA ALLAAH.
maa sha’aalah ALLOW daa ciidankeena bada alow badbaadi qaranimada soomaaliya
great Man Admiral Farah Qare,, Halyaa soomaliyeed oo meel wanagsan soo gaarsiiyey Ciidan badda somalia xili adagna soo shaqeeyey.
masha allah masha allah hambalyo hambalyo aya leyahay cidamada badda somaliyeed ad iyo ad ban ugu faraxsanahay dabaldega cidanka badda somalia dhaman bahda warbahinta qaranka somaliyeed wan idin salamaya salanta islamka aya idinku salamay asc ad iyo ad badna ugu mahadsantihin sogudbinta ad nosogudbisen
war yaab badanaa oo haye kenya ayaaba waxay leedahay waa inaan aniga waardiya ka noqdaa badda somaliya oo la iigu siiyaa 10,000.000 US ah si aan ugu ilaa liyo burcad badeed kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
nimaan wax ogeen ilaahow ha cadaabin
asc Masha ALLAH allah inoo siyaadiyo cidamada qalabka sida iyo kuwa badda Alla u guleeyo shqd adag ay ku jiran Radio muqdisho idinkana aad iyo aad bad u mahadsantihiin sida aadka u hufan aad warbixint u soo gudbineysaan
maan shaa allh
guul guul allaha idinku guuleyo aamiin aamiin nidir baan horay ugalay niyadaydu waa meel hadii aanan soo noqon calankayga nuurow allahayow ku nabad gali
waaaaaaaaaw mansha alah
MAASHA,ALLAAH CIIDAMADADA BADA SOOMAALIYEED ILLAAHEY HAYDIN GUULEEYSIIMO AAMII,AAAMIIN,AAMIIN THANKS RADIYO MOGADISHO
WSC,WRWB.
kor kor guuleesta
hawli kow ma joogto dadaal ayaa laga rabaa soomaaliweyn iyo inanaynu ilaashanu xeebteena africa ugu dheer
Good work
ciidanka allaha guuleeyo dhaqsada kenya kassara badda somaliya hadii kale been gaardiya
maashaa alaah
meeshaas ha laga wado hormarka ciidamadeena si aan igu hormarno wadamadaan na yasaayo insha’ALLAAH.
Aad iyo aad ayaan ugu fararaxsanahay inan arko sawirada ciidamada xooga dalka ani oo la socdo guulaha isdaba joogaa eey u qabteen dhulkeena iyo dadkeena waxaan leeyahay waligiin jira oo jooga oo noqda ku dadka iyo dalka calanka noodu faaco
Masha allah allow noo siyaadi i will came soon somalia i hate qurbo i can’t stay any more
maa shaa alaah waa guul lagu farxi karo ilaahayoow idinla garab gal sida wanaagsan ee udhiidhineeysiin in ay soo noqoto somali wayn inshalaah waa ku socotaaye sii wada walaalayaal nabadana ha lagu dadaalo
mashhallah, guul ciidankeena badda
loong live, we´ll pray for you guys inshallah you´´l defeat burcad badeeda iyo kuwa badeena qashinka ku shuba..
viva ciidanka badda and forza somalia!
Somaliya uma baahna ciidamo shisheeye balse waxay u baahantahay in loo tababaro ciimadeeda, cuna qabateynta hubka laga qaado. Dowlada somaliya waa inay ku dadaashaa sidii loo dhisi lahaa ciidamada badda, ciidamada cirka, ciidamada lugta iyo kuwa kumaandooska ah oo si aad u tababaran. Somali ha Noolaato.
Rajo intee jirto wado ayaa jirto Somalia wee gaari doontaa halkee hiigsaneeso iyo meel ka wanaagsan in sha Allah Somalia ha noo laa to
mASHA alllah aad ban ugu faraxsahay inay badena ilaliyan cidamada bada ee somlaia guul
Masha alaah sanadba sanadka ka dambeeyo waa sii xoogeeysanayaan ciidamada bada dowlada waxaa ka codsanayaa ha qalabeeyso ciidanka bada si aanan nagula mar mar siyoonin in la dhaho bada somaliya ayaa waar diyeeyneynaa bada waa meesha ugu fudud hadeey ciidan shidheeye soo galaan Ay ku qaada karaan waana uga mahad calineynaa wasiirada somaliyeed hor istaaga Ay is hor istaagtay in ciidama ka socda keenya la geeyo bada somaaliya fowsiyo taariikhda ayaa baal dahab ah ka gashay intii dhaqaalo lagu bixi lahaay ciidan shisheyee waxaa ka lacak Yar kana tayo badan ciidan somaliyeed ileen wax waqti dheer soconaayo ayaa la rabaa hee aloow wadankeena nabada ka soo muuuqatay noo adkeey aamiin aamiin aamiin yaarabbi
DAREEN
shaqaalaha radio muqdisho salaan sare iga gudooma
madaxda sooaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in ay il meel fog wax ka araga ay yeeshaan
sida ay qoreen wargeys-yada qaar dowlada kenya ayaa ka codsatay Q M in bada somaliya lagu siiyo ilaa tobal milyan si ay u ilaaliso
somalidu waxay tiraahdaa waxaasi arag waxa ka sokeeyana arag
waxaa intaasi dheeri ah in shir ka dhici doona adis ababa ethiopia oo looga hadlaayo arimaha caalamka itoobiya miyaa bad leh waxaa loo socdaa waa tan somali
mida kale hadii madaxda somaliya xaalka ku adkaado oo ay arkaa in dhibaato damac wadamo kale ah ha u yeerteen wadmo saaxiibo aan la nahay sida turkiga iyo sacoodiya imaaraadka kuwaasi ha ilaaliyeen ilaa laga helaayo ciidan somali
madaxda somaliyeed waxan u sheegayaa in ay isticmaalaan codka viitowga ah inaan u ogolaan doonin wadamada diriska ah waxa ay wadaan lana soo dadajiyaa ciimadaan amisom joogista somalia
wabilaahi tow fiiq
waxaan ku faraxsanahay uguna hambalyeynayaa dabaaldega ciidanka badda soomaaliyeed ha noolaado c b s intaa ka dib waxaan ka codsanayaa madaxda soomaaliyeed in aay si degdeg ah u dhisaan ciidankan badeena ku filan ilaalinteeda runtii ma aqbaleyno hadalka ka soo yeeray KENYA oo ah in ciidama badeed oo kenyaati ah ay ka howl galaan bada somalia kuweena ayaa nagu filan ma rabno tuug inuu boobo rabo qeyraadka yar ee ku haray badeena hadaba waxaan ka digayaa in aan la aqbalin hamiga xun ee kenya aay wado dhar aadan lahayn dhaxan kaama celiyo sharafna nooma ahan in ciidan badeed oo shisheeya sh ay qabsafaan badeena quruxda badan wabilaahi towfiiq
mashalah proff admiral faarax qare aad iyo aad ayaan kuugu mahadcelinayaa proff.waxaad natustay rajo quruxbadan oo wlh aan laqiyaasi karin.taariikhdu waa dhaxale waayo halyaaygii badbaadiyay badeena markii ey adoomeydu isku dayday ney calooshood ushaqeysteyaal hoos ula heshiiso oo sandareerto kuqancisay.allaha ku xafido,adiga iyo asxabtadaba aamiin
ALLE HA IDINLA JIRO
Allow dagaaal sokeeyiyo colaaad waaan ka daalneee dhibaatada naga dulqaaad…. Guuuleysta Xooga Dalka… Dhalinyaro Ducada Yaaa La hilmaaamin mar walba Dalkeena Iyo Dadkeeena Halooo duceeyo.
waxaan ahay garwade Qaran waxaan gashadaa Tuutaha steyla gaariyo Gorgorkiyo Labada Waran Calantu ku gaaran tahay Xidigta garabkeyga suran Geysh baan ahay anigu Guuuleste le yiraa! yaaa salaaaaaam
asc mashaa allah mashaa allah waa guul u soo hoyatay shacabka soomaaliyeed illaah hanoo xafidee ciidankeena bada wixii rag qibrad u leh aqoonta loo dhiibaa waxaa lagu yaqaan dhismaheeda oo aad iyo aad u hagaago guul cbs iyo waliba taliye prfs faarax axmed cumar ha guulaystaano amiin amiin asc
maxaa ka qurux badan dalkaygoo midoobay guul guul guul
waan soo dhaweenayanaa xuska ciidamada cirka ee dawlada federaalka soomaaliyeed
waan soo dhaweenayanaa xuska ciidamada badda ee dawlada federaalka soomaaliyeed
maasha alaah aad ayaan ufaraxsanahay ma ahan dareenkeega waxlasoo koobikaro farxad daraaded ilaahoow kor uqaad moraalka ciidamada dalkeena hooyo da deeydu waa 25 waa markii iigu horeeysay oon arko ciidamada bada soomaliyeed