Wednesday, September 3rd, 2014

Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo Maanta London Qado Sharaf ugu sameeyay guddoomiyaha Jabuuti.”sawirro”

Published on May 26, 2013 by   ·   No Comments  ·   1,708 views

Wakiilka xaga maamulka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta u fadhiya dalka Ingiriiska ahna guddoomiyaha ururka White Star Association Dr Cabdi Colaad Raage ayaa hogaamiyay munaasabad qado sharaf ah oo lagu sagootinayay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti ahna xeer ilaaliye ka tirsan FIFA Mundane Suleymaan Xasan Waaberi oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada London halkaas oo uu ka mid ahaa madax ka socotay caalamka oo lagu casuumay daawashada cayaartii finalka ee tartanka UEFA champions league 2013.

Xaflada Qado sharafta ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay cayaaryahano hore, macalimiin uu ka mid ahaa macalinka xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed u qaabislan isu ururinta ciyaartoyda ku sugan Yurub Macalin Cabdirashiid Islow Axmed iyo taageerayaal ayaa waxaa loogu talagalay in lagu sagootiyo Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi isla markaana looga mahad celiyo wada shaqeynta balaaran oo uu la leeyahay xiriirka kubada cagta dalka Soomaaliya oo tartamadiisa caalamiga ah iyo koosrooyinkiisa heer caalami intaba ku qabsada dalka maadaama Soomaaliya aysan wali ahayn meel ay ka jirto xasiloonidii loo baahnaa oo suuragal ka dhigi karta in lagu marti geliyo cayaaraha heer FIFA, CAF iyo CECAFA .

Tifaftireyaal caan ah oo uu ka mid yahay Maxamuud Ismaaciil ayaa munaasabada kasoo qeyb galay. Sidoo kale guddoomiyaha jaaliyada sportiga Soomaaliyeed ee UK Dahir Cali Kulmiye iyo Mudane Xuseen Deeq oo ka socday Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa munaasabada lagu casuumay iyagoo ku amaanay mudane cabdi Colaad xilka weyn ee uu isi saaray.

Wakiilka maamulka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta U jooga dalka Ingiriiska Dr Cabdi Colaad Raage oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in isagoo k u hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu aad ugu faraxsan yahay qaabilaad heerkan oo kale ah in ay u sameeyaan guddoomiyaha kubada cagta dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

“Mudane Guddoomiye waan ognahay in aad u qalantay in lagugu sagootiyo munaasabad ka weyn mida maanta aan u fadhino—waan hubaa in hadii aanu joogi lahayn Muqdisho ama meel kale oo Soomaaliya ka mida ah in munaabado muddo maalmo ah soconaya aan kuu qaban lahayn inkastoo munaasabadan lafteedu ay ku tusineyso in aan xushmad weyn iyo walaatinimaba u heyno adiga iyo dhamaan shacabka reer jabuuti ee aanu walaalaha nahay”ayuu Dr. Cabdi Colaad Raage ka sheegay munaasabada guddoomiyaha lagu sagootinayay.

“Waxaa marag ma doonto ah in waligiiba uu jiray xiriir wada shaqeyneed oo si weyn u horumarsan oo u dhexeeya xiriirada kubada cagta Soomaaliya iyo Jabuuti—tani ma ahan wax afka uun laga sheegayo, laakin munaasabadan qiimaha badan ee maanta London ka dheceysa ayaa tusaale ugu filan waxa aan soo sheegay, aniga oo ku hadlaya codka labada xiriir ayaana balan qaadayaa in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada xiriir kubad cag ee Jabuuti iyo Soomaaliya uu waligii jiri doono siina xoogeysan doono”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo munaasabada sagootinta qadka teleefonka kaga qeyb galay isagoo Muqdisho ku sugan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in mutadawiciinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay shaqooyinkooda sii laba laabayaan hadii ay dalka Joogaan iyo hadii ay dibadaha ku sugan yihiin intaba, waxaana ku rajo weynahay in shaqadan wada jirka ah ay gacan weyn ka geysan doonto horumarka kubada cagta dalka”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab oo si aad ah ugu mahad celiyay wakiilka maamul ee xiriirka u fadhiya dalka Uk Dr.Cabdi Colaad raage iyo Macalimiinta la shaqeysa Cabdirashiid Islow Axmed iyo Rabiic Muuse.

Dhankiisa ayaa guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi waxaa uu bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed ku amaanay isku xirnaantooda iyo sida ay uga go’antahay in ay horumariyaan cayaartan dalka Soomaaliya meel kasta oo ay caalamka ka joogaanba.

“Run ahaantii waxaan aad idinkaga mahad celinayaa qaabilaada iyo soo dhaweynta balaaran oo aad ii sameyseen tan iyo markii aan London soo gaaray Jimcihii , dhab ahaantii waxaad itusideen wax aad uga badan intii laga filan karay dad sidiina oo kale dibad joogayaal ah oo dalkoodii hooyo ka maqan—waxaan jeclaan lahaa in halkan aan kaga dhawaaqo in aan aad iyo aad ugu faraxsanahay shaqada aad halkan ka heysaan oo aan la socodo in caruurtiina ka yar 12-ka sanadood ay dhawaan ku guuleysteen koobka tartan loo qabtay caruuraha jaaliyadaha kala duwan ee ku nool London iyo agagaareheeda oo ay koobka soo hooyeen”ayuu guddoomiye Suleymaan Xasan Waabeir ka sheegay munaasabada sagootintiisa.

“Xikmad Soomaaliyeed ayaa waxaa ay oraneysaa ninkii Gurigiisa kaa soora waa rag, laakin ninkii guri kale kaa soora ayaa rag ka roone ah, sidaa daraadeed waxaan anigu qof ahaan idinku tilmaami karayaa geesiyaal wax qabad leh, maadama aad munaasbadan quruxda badan igu sagootineysaan adinkoo dalkiinii aan joogin—waxaan si kastaba ha ahaatee aad ugu qanacsanahay walaalnimada aad ii muujiseen iyo casuumadaha aad ii sameyneyseen tan iyo markii aan imid”ayuu munaasabada sagootintiisa ka sheegay guddoomiye Suleymaan Xasan Waaberi oo kaddibna u baqoolay dhanka Jasiirada Mauritius oo uu kagasoo qeyb geli doono shir weynaha 63-aad ee ururka kubada cagta aduunka ee FIFA.

Soomaaliya iyo Jabuuti iayaa ah laba dal oo walaalo ah, dadkooduna ay ka siman yihiin dhinacyada diinta, dhaqanka, luqada iyo midabka, waxaana taasi ay keentay in xiriirka kubada cagta Soomaaliya uu jabuuti ku qabsado cayaaraha caalmiga ah iyo kooroosyinka si shuruud la’aan ah isla markaana aanay la kulmin wax xanibaado ah.

SAM_0208

 

SAM_0210

SAM_0214

SAM_0219

 

 

SAM_0203

SAM_0230

 

SAM_0256

SAM_0272

SAM_0277

SAM_0280

 

 

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Wasiirrada

Golaha wasiirrada oo go’aanno ka soo saaray shir aan caadi aheyn oo ay Muqdisho ku yeesheen (Sawirro+Dhageyso)

Muqdisho, September 02, 2014—Shirka aan caadiga aheyn ee ...
IMG_6821

Shirkii Looga Hadlayay Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Argagixisada Qaarada Afrika oo Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay “SAWIRRO”

Shirkii looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa ...
DSCN0247

Ku Simaha Madaxweynaha Oo Baydhabo Kulammo Kula Qaatay Odayaal Dhaqameedyo Iyo Siyaasiyiin“SAWIRRO”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku ...
Abaar

Waa sidee xaaladda abaareed ee dalka?

Sanadkii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka dhacay abaar xooggan ...
Drones

Tirada horjoogayaasha Shabaab ee lagu dilay Baraawe oo korortay

Wasaaradda difaaca ee Mareykanka oo ka hadashay duqeymo ...
ciidamada xds

Ciidamo ka soo tegay Beladweyne oo raashin u sida shacabka Degmada Buulo Burde

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad ...
warsheekh

Horumarinta adeegyada guud ee bulshada degmada Warsheekh oo laga hadlay

Kulan looga hadlayo sidii adeegyo horumarineed looga hirgelin ...
IMG_7882

Dr Cabdiweli Gaas oo dhagax dhigay dib u dayactirka waddo bur bursan “SAWIRRO”

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-DUHUR-02-09-2014-.mp3"][/audio]
astaanta_qaranka11 ok

Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda FAO

Wasiirka Kheyraadka iyo kalluumaysiga badda ee Xukuumadda Soomaaliya ...
4

Xaflad qalin jebin ah oo Arday Soomaaliyeed loogu sameeyay dalka Kuwait “SAWIRRO”

Ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait ayaa soo ...
IMG_65411

shir looga halayo argagixisada oo ka furmay Kenya

shirka oo ay ka qeybgalayaan Hoggaamiyaasha dalalka Bariga ...
SHIRKA7

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Siminaar loogu soo gabagabeeyay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ”SAWIRO”

Siminaarkan oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/Bandhiga-Waraysiyada-Mustaf-Warcadeeye-01.09.2014-ok.mp3"][/audio]
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-HABEEN-01.09.2014-ok.mp3"][/audio]
DSCN0150

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Baydhabo “SAWIRRO”

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka ...
01 (12)

DAAWO VIDEO:Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay taliyaha ciidanka Mareykanka ee Geeska Afrika (Sawirro)

Taliyaha ciidammada Mareykanka ee dalalka Geeska Afrika Jeneral ...
1

Maamulka Gobolka oo gaadiid loogu adeegayo bulshada guddoonsiiyay shan Degmo(Sawirro+Muuqaal)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta 5 gaadiid ah ...
somali-president-hassan-sheikh-mohamud

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kenya uga qeyb galaya shir looga hadlayo argagixisada

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-DUHUR-01.09.2014.mp3"][/audio]
DSC08902

Jaamacadda Jamhuuriya oo soo bandhigtay arday cusub oo ay qaadatay “SAWIRRO”

Munaasabaddaani dib loogu furayay Jaamacadda Jamhuuriya oo ay ...
unnamed (2)

Daawo Golaha Wasiirada oo meel-mariyay hindise sharciyeedka xeerka saxaafadda “SAWIRRO”

Muqdisho, September 01, 2014—Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...
Sawirka Gudoomiye Jawaari

Ku-simaha Madaxweynaha Dalka oo Baydhabo kula shiraya odoyaal dhaqameed

Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ...
DSC00796

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo soo bandhigay warqado been abuur ah “SAWIRRO”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali ...
vlcsnap-2014-09-01-13h44m54s131

Wasiirro Iyo Xildhibaano Ka Qeybgalay Xaflad Lagu Furayay Shirkada Duulimaadka Som Air(Sawirro+Muuqaal)

Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
heshiis

Dibadbaxyo Lagu taageerayay Heshiiski Barre Hiiraale Iyo Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan G/Jubbada/Hoose

Dibadbaxyo lagu taageerayay heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka SUbax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-1-9-2014.mp3"][/audio]
IMG_65111

Ambasador Cali Americo oo Xalay Kulan La Qaaday Soomaalida Ku Nool Xaafada Islii iyo Saraakiisha Ammaanka “SAWIRRO”

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
vlcsnap-2014-08-31-16h39m16s249

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan labada Shabeelle iyo Hiiraan “SAWIRRO”

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/08/WARKA-HABEEN-31.08.2014.mp3"][/audio]
dhalinyaro

Guddiga maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo la taageerayay

Kulankani lagu taagerayay magacabista guddiga maamul u sameynta ...
waali6

Wakiilada beesha caalamka ee joogo Soomaaliya oo soo dhaweeyay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Kismaayo

Muqdisho, 31 Agosto 2014 – Qaramada Midoobay, Urur ...
wasiirka warfaafinta

Weerarakii gaadmada ahaa ee Al-shabaab ku qaaday xabsiga Jilicow oo guuldaro ku dhamaaday War-saxaafadeed

Agosto 31, 2014....Ciidamada amniga ayaa gaashaanka u daruuray ...

Tubta Toosan

Abaar

Waa sidee xaaladda abaareed ee dalka?

Sanadkii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka dhacay abaar xooggan ...
Sh Cali Wajiiz

Sheikh Cali Wajiiz oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda kooxaha xag jira

  Taariikhda Islaamka kuma cusba kooxaha xag jirka ah ...

Islaamka iyo Xagjirnimada Dhageyso

Shareecada Islaamku waa diin dhex dhexaadnimo waxayna ka ...