Xildhibaannada Ku Sugan Galgaduud Oo Gaaray Dhuusamareeb Iyo Banaanbax Taageerro Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyey “SAWIRRO”
Published on January 29, 2013 by Jayte · 16 Comments · 8,326 views
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maantana gaaray xarunta gobolkaasi ee Dhuusamareeb.
Xildhibaannada oo ka ambabaxay Guriceel kadib markii ay kulammo la qaateen waxgaradka,siyaasiyiinta ,mas’uuliyiinta,maamulka degmada Guriceel iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaga oo kala hadlay xaaladda guud ee ka jirta deegaannada ku dhow Guriceel iyo waxyaabaha ay dadku xiligan sida deg dega ah u daneynayaan si loogu soo gudbiyo Xukuumadda.
Markii hadaba xildhibaannada ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi ayadoo dadweynaha Dhuusamareebna ay dhigeen banaanbax ay ku taageerayaan socdaalka Xildhibaannada ay ku marayaan gobolka Galgaduud qeybihiisa kala duwan.
Xildhibaan C/naasir Gaarane Aadan oo la hadlay dadweynaha Banaabaxa taageerrada ah u muujiyey Xildhibaannada ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin sida sharafta leh ee loosoo dhaweeyey ayadoo taasina ay ka turjumeyso sida ay dadka reer Galgaduud xiligan u daneynayaan Dowladnimada Soomaaliya iyo hanaanka hormarka leh ee uu dalku ku talaabsaday xiligan.
Hadaba Xildhibaannada Baarlamaanka ee gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxey kulammo kala duwan la qaadan doonaan maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi oo ay ugu horeeyaan Waxgaradka ayaga oo kala hadli doona xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka.
Photo By:-Maxamed Deeq Cabdi Maxamed
Hadii aad Joogtid USA,Canada,Uk,Norway iyo Sweden wararka iyo barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho kuwooda ugu muhiimsan ka dhageyso telefoonkaaga si lacag la’aan ah adigoo garaacaya nambarrada hoos ku qoran:-
wow masha al;ah jecliyaa dhuusamareeb iyo jawigeeda aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko magaaladii aan ku dhashay oo dowladnimo ku faaneysa calankeenii qurxoonaayna dhexda usaranyahay mahadsanidiin radio muqdisho xildhibaanadeenana waxaan leeyahay soo dhawaada gobolku waa gobolkiiniiye kuna soo dhawaada degmadii ugu horeysay ee tustay umada soomaaliyeed in qawaarijul casrigaan laiska celin karo
waan soo dhaweynayaa in mamulka federal somaliyed meel walba oo dalka ka mid ah la geeyo wana ui hambalyeyneynaa mudanaysha barlanka federalk ee somaliyed ee booqashada ku tagey guriceel waxana aad & aad ugu dhiri gelineynaa arintan gesinimada leh hana ka dhadhiciyan in dalka laga hirgeliyo mamul goboleed hoostaga dowlad dhexe ee federalka somaliyed .. guuleysta
asc marka horre marka waxaan ka codsanayaa doowladda soomaaliya ineey dhamaan u kalla dirto xildhibaanada midka meesha oow ka yimid ka shaqeeyo sidda kuwa ka yimid gobolada BARRI iyo WUUQOOYI
asc masha allaah walalyaal ducada nobadiya in ilahey dowladeena dowlad qerqabta o wadanka iyo dadka wax u qabata ilahey noga dhigo waxana kacodsana xildhibana kuwa dadkoda iyo dalkoda dacad u aha ilahey haka dhigo kuwa qabilka sacan hurina waxan lehay mis weydiseen hortina lahuriyay waxana lagama faidin haku dalina qabil iyo wax aan umada dan ugu jirin hana ku mashqulina ku mashqula sida dadka iyo dalka wax ugu qaban lehedeen cebtana somali uga tiri lehedeen wanaku faraxsanahay midaan
Masha allah Nabada macaanaa noolaada somaali ha noolaato
masha Allah waa wax aad loo gu farxo
Maasha allahu waa guushii u dhimanayd reer Galgadud mar haday awal sharaftooda ilaashadeen hadana si shuruud la aana dowlada ku soo dhaweeyeen
xildhibaanada kale ee dalka waxaan ka dooneynaa ineey u safraan gobolada eey metelaan sida reer galguduud thnks mudane-yaal
bishaaro/owguuriyo
+habalyo
somalia ha noolaato
aamiin yarabi
wow masha al;ah jecliyaa dhuusamareeb iyo jawigeeda aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko magaaladii aan ku dhashay oo dowladnimo ku faaneysa calankeenii qurxoonaayna dhexda usaranyahay mahadsanidiin radio muqdisho xildhibaanadeenana waxaan leeyahay soo dhawaada gobolku waa gobolkiiniiye kuna soo dhawaada degmadii ugu horeysay ee tustay umada soomaaliyeed in qawaarijul casrigaan laiska celin karo
mashalah, somalia hanoolato
forza somalia!
Alaahu Akbar yaa yiri dadkaani dowlad ma rabaan???!
waayo waayo dhusamareebay waan is ilownay.
masha allah reer dhusamareb, geesiyaalka somalia hadi ad alqaacida iska xoreysen hada kasheqeya horumarka
waan soo dhaweynayaa in mamulka federal somaliyed meel walba oo dalka ka mid ah la geeyo wana ui hambalyeyneynaa mudanaysha barlanka federalk ee somaliyed ee booqashada ku tagey guriceel waxana aad & aad ugu dhiri gelineynaa arintan gesinimada leh hana ka dhadhiciyan in dalka laga hirgeliyo mamul goboleed hoostaga dowlad dhexe ee federalka somaliyed .. guuleysta
asc marka horre marka waxaan ka codsanayaa doowladda soomaaliya ineey dhamaan u kalla dirto xildhibaanada midka meesha oow ka yimid ka shaqeeyo sidda kuwa ka yimid gobolada BARRI iyo WUUQOOYI
masha allah reer dhuusamareeb horumar iyo gobonimo//
Ilaahow noo siyaadi, nabad, cadaalad, islaanmo, horumar iyo is jaceel meel aan joogno-ilaahay ha na siiyo.
Awil Alin
maasha allah reer galgaduud iyo dhamaan dadka somaliyeed . somalidu maanta horay beey usocotaa sonoqa meeyseee.