Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana abaal marinno lagu gudoonsiinayey Ciyaartooydii Qarankeena u metelayey Tartannadii ciyaaraha dalalka Carbeed ee lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar iyo Ciyaartooyda degmooyinka guullaha muuqda ka gaaray tartankii shalay Muqdisho lagu soo gebo gebeeyey ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi.
Xafaladan oo uusoo qaban qaabiyey ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo aqriyo SYAO ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda,Xidlhibaanno,Duqa Magaalada Muqdisho,Gudiga Olombikada, Ciyaartooyda tartannada kala duwan ee dalalka Carabta Soomaaliya u mataleysay,ciyaartooyda degmooyinka qaarkood iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Gudoomiyaha ururka SYAO Mudane Maxamed Ibraahim Cali oo furitaankii xaflada qudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay ugu horeyn in ururka SYAO ay sharaf weyn u tahay in abaal marinno uu gudoonsiiyo ciyaartooy kala duwan taana ay uga gol leeyihiin inay ku dhiirageliyaan Ciyaartooyda maadaama ay guullo muuqda keeneen waxaana uu dhanka kale dhaliil u jeediyey Xiriirrada Sports ee dalka ka jira oo uu ku eedeeyey iney weli doonayaan in Sportiga dalka oo burburkii ka badbaaday uu u afduubnaado isagoo Wasaaradda Sportigana ka codsaday iney taasi wax ka qabato.
Mudane Maxamed Ibraahim Cali ayaa tusaale usoo qaatay in maalinnimadii shalay aheyd uu ururkooda isku dayey inay abaal marinno dhiiragalin ah ku wareejiyaan gudiga si loo siiyo ciyaartooyda ku tartamayey koobka degmooyinka balse talaabadaasi dhiiragelinta ahna uu xiriirka kasoo horjeestay bedelkeedana ay maanta hadiyadihii ay ugu talagaleen ku wareejiyeen Duqa magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha gudiga Olombikada Soomaaliyeed Mudane Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) oo xaflada ka hadlay ayaa uga mahad celiyey ururka SYAO sida ay u dhiiragelinayaan Ciyaartooyda waxaana uu mudane Wiish tilmaamay in tani ay gacan weyn ka geysaneyso sidii loo horumarin lahaa Sportiga dalkeena.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isna gebo gebadii tartanka ka hadlay ayaa tilmaamay in sharaf weyn u tahay in uu goob joog ka noqdo meel lagu abaal marinayo ciyaaryahanno Qaranka magac usoo hooyey waxaana uu ugu baaqay ururrada kale ee dalka ka jira iney ku daydaan talaabadan oo kale.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada,Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Sportiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Muxidiin Sheekh Mursal oo isaguna gebo gebadii Munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in tani ay qeyb weyn ka geysaneyso soo celinta Nabadda maadaama uu Sportigu yahay furaha Nabadda.
Gebogebadii Xafladda ayaa waxaa abaalmarinno kala duwan la gudoonsiiyey Ciyaartooydii kala duwaneyd ee Xafladda lagu marti qaaday ayadoo tanina ay noqoneyso markii ugu horeysay oo sidan loo dhiira geliyo Ciyaaryahanno magac iyo Sharaf usoo hooyey dalkeenna.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
mansha ALLAH keep it up
Maashaalaah waa dhiira galin wayn waana ku amaanan yihiin uruka dhalinyarada sportigana waxa cayaaro waa dhalinta ayagana waxay dhiiragalin uga baahanyihiin bulshada inteeda kale waxaan leeyahay dhalinta soomaaliyeed ha guulaystaan milwaliba ay joogaan soomaaliyana hanoolaato,wabilaahi tawfiiq
ASC dhamaan mudanayaasha madaxda iyo dhalinyarada ciyaaraha howsha aad wataan waa tii soomaaliya ay nabad ku gaari lahayd si ALLAAH ka cabsi ah u gutaa howlaha aad u haysaan shacabka soomaaliyeed iin shaa allaah dalka oo nabad ah waana iidin taageersanahay !!!
aad baan ugu farxay in dhalinyarda muqdisho muuqdaan sida qoraxda oo kale oo ay soo baxeen hogaan aad u dhageysto una jecelahay..aax waan ogaa in ilabaxnimada soomaali ay xamar cadde tahay wax walbana waan ka gudubney..syao iyo leadership keeda ilaahoow xafid dhalinyarada soomaali ilahoow xafid iyo kuligeen.radio muqdisho walaalaheenoow noolaada.aad baad u mahadsan tihiin..
asc walaahi waa wax lagu farxo waxa uu sameeyay duqa magaalada muqdisho tarsan iyo waliba umada reer muqdisho waa wax aanan mudo 20 sano ah aan lahelin ee illah nabadaa hyanoo daayo amiin amiin asc
A/C Duqa magaalada Jaale Tarsan nooloow, iftiin baad ubadka, dhalinyarada, iyo haweenka utahay iyo inta nabada jecel, Waxaan rajeynayaa in aad dadka isjecel ku abuurto, si dhibaatada looga baxo, in aad tusto wadani nimada, iyo dhibka qabyaalad. Guuleeyso Waligaa,
Asc asxaabta Radiyo Muqdishu, waxaan ku farax sanahay inay ugu dambayn magaladaan ku dhashay ay heshay hogamiyihii ay sugaysay waxbadan inuu wax ka qabto dhibka haysa. Mr. Tarsan waad ku mahad santahay inaad soo celiso bilicdii iyo qawaniintii the City of Mogadishu.
Asc bahda Radiyo Muqdishu, waxaan ku farax sanahay inay ugu dambayn magaladaan ku dhashay ay heshay hogamiyihii ay sugaysay waxbadan inuu wax ka qabto dhibka haysa. Mr. Tarsan
waad ku mahad santahay inaad soo celiso bilicdii iyo qawaniintii the City of Mogadishu.