Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya U.N.OGH ayaa dalbaday lacag ay ugu talagaleen in Soomaaliya lagu caawiyo seddaxda sano ee soo socota.
Lacagtan uu xafiisku dalbaday ayaa gaareysa 1.3 bilyan oo doolar taas oo isugu jirta gargaar bani’aadanimo iyo hormarinta adeegyada ay u baahanyihiin dadka barakacayaasha ah.
Bayaanka kasoo baxay xafiiska Q/M uu qaabilsan gargaarka beni’aadannimada ayaa yimid kadib shir hal maalin ah oo maanta 21 sano kadib lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay hay’adaha dhinaca gargaarka u qaabilsan Q/midoobay halka dhinca dowladda Soomaaliyana uu uga qeybgalay wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka C/kariim Xusenn Guuleed.
“Kulankan waa mid Bini’aadanimo ee ma ahan mid siyaasadeed, waa kulankii bini’aadanimo ee ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Muqdisho muddo ka badan 20 sano Soomaaliya iyo dadkeeda wax ay ku faraxsanyihiin in bulshada bini’aadanimado ay shaac ka qaadistaan noogu soo bandhigeyso dalkeena gudihiisa” ayuu yiri wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed.
“dhibaatooyinka bani’aadanimo waxaa lagu xalinkaraa oo kaliya dadaal xoogan oo ay wada sameeyaan qeybaha kala duwan ee is kala sheynaya howshan oo isugu jira heyadaha caalamiga ah iyo qeybaha gudaha ah ee ka shaqeeya, waxaana bulshada caalamka uga mahad celineynaa deeqsinimada ay noo muujisay waqtiyadan adag iyo taageeridda howsha bani’aadanimo ee dalkeena, waxaana dhamaan Soomaalida uga baaqayaa in ay bulshada bani’aadanimada gacan ku siiyaan wax u qabashada dadkeena jilicsan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka,
“in kastoo xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay wali cakirantahay hadana xaaladda haqab-beelka cuntada ee soo wanaagsanaaneysa iyo xaaladaha ammaanka iyo siyaasadda ee soo ifbaxay ayaa ina siinaya fursado cusub oo lagu kala gooyo meertada dhibaatooyinka soo noqnoqda ee ay sababeen abaarta iyo colaadda ayaa yiri mr Stefano porreti oo ah ku simaha isu duwaha gargaarka bani’aadanimada ee Soomaaliya, xoojinta awoodda ay dadka Soomaaliyeed kula qabsan karaan abaaraha iyo fatahaadda ayaan kaga hortagi karnaa in dhibaatooyinka mustaqbalka dhaca ay noqdaan muusiiba bani’aadanimo” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr Stefano.
Hadalkan ka soo baxay xafiiska Q.M ee Soomaaliya u qaabilsan gargaarka ayaa ah kii ugu horeeyay oo looga dhawaaqo magaalada Muqdisho tan iyo markii ay xafiisyadooda ka furteen magaalada Muqdisho.