Xaaladda Beledwene Oo Deggan Iyo Ciidamada XDS Oo Ku Sii Siqaya Magaalooyin Kale ‘Dhageyso’
Published on December 31, 2011 by Mowliid · 10 Comments · 2,919 views
Xaaladda Magaaladda Baladwayne ayaa daggan kadib markii ay Ciidamadda Qalabka sida ee Somalia si buuxda ula wareegeen Magaaladaasi. Iyadoo haatanna ay Ciidamaddu ku sii siqayaan Magaalooyin kale oo ku yaala Gobalka Hiiraan.
Xildhibaan C/raxmaan Cabdi Waare oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Beledweyn ayaa sheegay in xaaladda magaaladaasi ay deggantahay ciidamaduna ay si buuxda ula wareegeen magaaladaasi barqanimadii maanta, wuxuuna intaa ku daray in gudaha magaaladda uusan dagaal weyn ka dhicin isagoo tilmaamay in dagaallo culus ay ka dhaceen xareeraha magaalada shabaabkuna ay ka baxeen magaalada kadib markii la hareereeyay.
Sidoo kale xildhibaanku waxa uu xusay in malleeshiyaadka shabaab ay qasaaro kala duwan iyo jab xooggan oo asan ka soo waaqsan u geeysteen ciidamada XDS, ciidamaduna waxa uu sheegay in ay haatan ku sii siqayaan deegaanno hor leh iyagoo baacsanaya malleeshiyaadka Shabaab.
Xildhibaanku waxaa tibaaxay in haatan xarunta gobolka uu ka socdo kulan looga hadlayo amaanka magaalada iyo sidii looga nadiifin lahaa miinooyinka iyo walxaha qarxa oo ay shabaabku uga tageen magaalada, isagoo ugu baaqay dadkii ka barakacay magaalada in ay dib ugu soo laabtaan magaaladda isagoo ballan qaaday in ciidamadu ay si buuxda u sugi doonaan amaanka shacabka.
Tallaabadan ay ciidamada XDS kula wareegeen magaalada Beledweyn ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda KMG ah ugu jirto sidii dalka guud ahaan looga xoreyn lahaa malleeshiyaadka shabaab ee dhibaatada aan la soo koobi Karin ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Dhageyso Wareysiga Xildh Cabdiraxman Cabdi Waare oo Jooga Beledweyne
Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka ...
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
WARKA SUBAX May 17.05.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
War Habeen 16-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
WARKA DUHUR 16.05.2012
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
Dadweynaha iyo gadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magacaabay afhayeenka cusub ...
Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
WARKA SUBAX 16.5.2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...
hambalyoo ciidanka xds
A S C WAA GUUL LAKIIN WALAALAYAL SIDI LEYDINKA BARTAY HAKA SOLABANA OO MASAAKIINTA HA KU CARMAMINA CADAOWGA DHIBKA BADAN ALLA HA KHABTO INTI XUN OO DHAN AAMIIN GUULEYSTA WALIGIIN
Maasha alaah waan si dhaweeynayaa is badalka ka dhacay gobalka hiiraan, iyo horumarka eey sameeyeeyn ciidan xoogga dalka soomaaliye, waxaanse tala ku soo jeedin lahaa in sidii lagu yaqiinnay eeysan sameeyn oo ah dhaca shacabka iyo bakhaarada magaalda gaar ahaan, galbeedka magaalda, halaga shaqeeyana nabadgalyada muawaadiniinta reer hiiran. guul ummadda soomaaliyeed..guul….guuul/
Allahu akbar wey jabeene jebiya khawarijta erya erya guul cxds
Guul hambalyo xds alaahu akbar
waa ilaah mahadii hadiiba shabaab ay meesha ka sii baxeyso aan wada hadalno waxa ay ka doorteen in la lga waayo saaxada siyaasada somaliyeed waxseee naga dardaaran ah in la arko isbadal dhinvyo badan taabanaya in ay la yimaadaan ciidamada qaranka somalyeed…nabad..cadaaladiyo wacyi galin
waakaas shabaab jab iyo hoog xaqii umada baa kasoo baxeeyso guuleeysta cxds masha allaah baxa hadaa tihiin dhiigya cabyaal yahoow balo idinku dhacdee xaqee umadana waa idinka soobaxee
Maashaa,alah waa ilah mahadii isagaana awoda leh dhamaanteedna isagey usugnaatay,
Hadeynu nahay soomaali degan qurbaha aad iyo aadbaa ugu faraxsanahay in laga xureeyao xuduntii gobalada dhexe gaar ahaan.
magaalada,,Beledweyn,,
wAXAANA IDINLEENAHAY GUULEYSTA,,
Bulshada reer beled weyne ,
waxaan idinka codsaneynaa inaadan aaminin mardambe (Alshabaab)
waayo waa qawaarij diintana asal kuma lahan waana lahubaa ee balxasuusta waxey faleen mudadii labada sano ahaey eey idinlajogeen,
Soomaliya hanolato ,
gacmaha isqabsada oo caawiya ciidamada qaranka iyo walaalihiin..
masha alaah ilaah hanaga qbato shayaadiinta diinta ku qaraabta waxaan ka codsana ciidamda soomaliya in aysan ka so laaban ilaa ay ka qabsanaay suuqa xoolaha tuugadaan diinta ku qaraabta
Dhamaan waxaan halkan ka salaamyaa shacabka reer hiiraan.
Maanta waxaad heysataan fursad qaali ah haddii aad tihiin shacabka gobolka hiiraan ee inta aad hurdada ka kacdaan u guntada sidii aad garab, hiil oy hooba leh u siin laheydeen ciidamada xooga dalka soomaaliyeed oo aad u hanan laheydeen gobolkiina, waayo khawaariijta waxaa looga adkaan karaa waa iyadoo shacab walba u istaago deegaankiisa iyo gobolkiisa, sida gobolada qaar oo ay kamid yihiin Puntland, Galmudug, Xibin, oo ku caan baxey in ay iska ilaaliyaad ficilada ay ku caanka yihiin khawaariijtu.
Dowladu waa dowlad dhexe oo waxay hiil iyo hooba lagarab taagan tahay cidwalba oo khawaariijta iska xoreyneysa. Yaan la,isdhigan oo la dhihin wax walba waxaan ku dhaafeynaa dowlada. Markii ay dowladu xoreyso gobol iyo deegaan waa in dadka deegaankaasi muujiyaad in ay diyaar u yihiin difaacida deegaankooda, lana kaashadaan dowlada Soomaaliyeed iyo xulufadooda ay ka midka yihiin dhamaan wadamada daneeya nabada Soomaaliya.
Aammiin