Friday, May 24th, 2013

Waxqabadka Xukuumadda Badbaado Qaran Ee Uu Hogaamiyo Ra’isulwasaare Dr C/weli Gaas…WARBIXIN+SAWIRRO

Published on June 24, 2012 by   ·   30 Comments  ·   13,307 views

23kii bishii June sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2011ka ayaa si rasmi ah loogu magacaabay xilka Ra’isulwasaarenimo ee Soomaaliya Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayadoo magacaabistiisana ay kusoo aaday xili dalku uu ku jiray xaalad adag oo ay sabab u ahaayeen dagaallo ay Dowladdu kala kulmeysay Maleeshiyada Al-Qaeda iyo Abaarro saameeyey nolosha dadka ku nool gobollada Koonfurta iyo bartamaha Dalka.

Sawirka Maalintii xilka Ra’isulwasaarenimo loo magacaabay Ra’isulwasaare C/weli Maanta oo Kale sanad ka hor

Kadib shan cisho magacaabidiisa ayuu Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas cod caqlabiyad leh ka helay Baarlamaanka Soomaaliya ayadoo isla goobtii ay Baarlamaanku ku ansixiyeenna lagu dhaariyey Ra’isulwasaaraha 28kii bishii June sanadkii 2011 waxaana khudbad uu ka jeediyey kulankii Baarlamaanka uu ku ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tiro yar islamarkaana dalka ka gudbisa xaalada adage e uu ku jiray.

 

Sawirka Dhaarinta Ra’isulwasaare C/weli 28kii June 2011

Waxyar kadib dhaarintiisa ayuu Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas bilaabay odorosid uu ku sameynayo xaaladda guud ee dalka sida wax looga qaban karo waxaana ka hor inta uusan soo dhisin Xukuumadiisa bilaabay inuu booqdo furimaha dagaalka magaalada Muqdisho taasi oo isugu jirtay indha indheyn iyo dhiiragelin uu Ciidammada u sameynayey isagoo booqashadii ugu horeysayna ku tagay furimaha dagaalka Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Muuqaallada Ra’isulwasaare C/weli oo booqanaya furimaha dagaalka xiligaasi degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag

20kii July  sanadkii 2011 ayuu Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas soo magacaabay xukuumad tira yar oo ka koobneyd 18 wasiir ayadoo Golahaasi Wasiirradana la dhaariyey 28kii July 2011.

Sawirka Golaha Wasiirrada oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Lagu Hordhaariyey.

Hadaba markii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda la dhaariyey sidee Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Xukuumaddii uu hogaaminayey ay u wajaheen xaaladii adkeyd ee dalka ka jiray gaar ahaanna arrimaha Ammaanka,Siyaasadda,maamul Wanaaga,La Dagaalanka Musuq Maasuqa, xiriirka maamullada gobollada,midka dibadda,isku xirka Bulshada iyo gurmadkii Abaaraha?

Ugu horeyn talaabooyinkii uu ku dhaqaaqay Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa ka mid ahaa magacaabida ama sameynta gudi la dagaalama Musuq Maasuqa taasi oo keentay in Xukuumaddu ay guuleysato bixinta xuquuqda ama mushaaraadka Shaqaalaha iyo Ciidammada Dowladda.

Ammaanka

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah dalka uga bilowday howlgallo lagu xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda waxaana howlgalladaasi oo guud ahaanba gobollada dalka ka bilowday ay kuwoodii ugu xoogan ahaayeen in caasimadda dalka ee Muqdisho ayadoo maalmo kooban gudahoodna lagu guuleystay in Maleeshiyada Al-Qaeda ugu dambeyn laga xoreeyo Caasimadda Muqdisho Lixdii August 2011.

Sidoo kale waxaa Maleeshiyada Al-Qaeda laga xoreeyey qeybo ka tirsan gobollada sida gobollada koonfureed iyo Bartamaha oo ay Dowladdu kula wareegtay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Jubooyinka,Gedo,Baay,Bakool,Hiiraan iyo Shabeelada Hoose waxaana Ra’isulwasaare C/weli iyo xubno ka tiran Golihiisa Wasiirrada ay kormeer howleed ku tageen gobollada la xoreeyey qaarkood sida kormeerkii uu Ra’isulwasaaruhu ku tagey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Lixda bishii January ee horaantii Sanadkan.

Muuqaallada Ra’isulwasaaraha iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo 06-01-2012 booqanaya Beledweyne

Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa si wax looga qabto Ammaanka dalka ka sokoow in dalka laga xoreeyo Maleeshiyada Al-Qaeda waxey Xooga saartay dib usoo nooleynta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayadoo sanadkii aynu kasoo gudubnay Ciidammo tiradoodu kumaankun gaareyso tababar loo diray kuwana loosoo xiray.

Sawirka Ra’isulwasaaraha Oo Dhiiri Gelinaya Askari ka mid ah Askar uu Ra’isulwasaare Gaas Tababar ugusoo Xeray Duleedka Muqdisho

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Ammaanka caasimadda oo ay Xukuumaddu hanatay oo ay ka xoreysay Maleeshiyada Al-Qaeda ay keentay in magaalada Muqdisho ay Booqasho ku yimaadaan Madax ka tirsan Caaalamka sida booqashooyinkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, Ra’isulwasaare Recep Tayib Erdogan iyo xogahayaha guud ee Q.M Banki Moon ay ku yimaadeen Muqdisho.

Siyaasadda

Dhanka Siyaasadda Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Xukuumadiisa ayaa la yimid siyaasad fur furan taasi oo lagu tilmaami karo waxyaabaha yareeyey khilaafaadka siyaasadeed Sanadkii uu xilka Ra’isulwasaarenimo hayo Ra’isulwasaare Gaas waxaana ay Xukuumaddu ku guuleysatay in shirarkii arrimaha Soomaaliya quseeyey ee lagu qaban jirey dalka dibaddiisa lagu qabto gudaha dalka sida shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay Muqdisho,Gaalkacyo iyo Garoowe ayadoo sidoo kalena ay xusid mudantahay in xiligan Muqdisho uu ka socdo shir ay Odayaal Dhaqameedyada Soomaaliyeed uga arinsanayaan aayaha dalka.

Shirarkaasi lagu qabtay gudaha dalka ayaa waxaa badankood lagu gaaray heshiisyo daba socday hirgelinta qariidad dalka looga saayo KMGnimada qariidadaasi oo loogu magac daray Road-Map kaasi oo hirgelintiisa ay Xukuumaddu wax badan ka qabatay hadana uu marayo meel gebo gebo ah oo ay dhowdahay guusha inuu Dalku yeesho Dowlad buuxda oo aynu ka gudubno KMG.

Raisulwasaare-C.weli-Oo-Qudbadii-ugu-Horeysay-Shirka-ka-jeedinaya Shirkii Wadatashiga Ee Golaha Shacabka Lagu Qabtay

Raisulwasaaraha-Soomaaliya-oo-Geed- ku Abuuraya Albaabka Golaha Shacabka

 

 

Xiriirka Dibadda

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa mudada Sanadka ah ee aynu kasoo gudubnay waxaa uu si aad ah muhiimad u siiyey wanaajinta Xiriirka ay Dowladda Soomaaliya la leedahay Caalamka waxaana uu safarro shaqo ku tegay dalal dhowr ah oo caalamka ka kala tirsan halkaasi oo uu kulammo gaar gaar ah kula soo qaatay Madaxda dalalkii uu tegay kulamadaasi oo dhamaantood qeyb ka ah waxyaabaha suurta geliyey sida hada ay Soomaaliya xiriir wanaagsan ula leedahay caalamka.

 

Xiriirka Gudaha

Siyaasadda furfuran ee Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas Xukuumadda oo hogaaminayo ay la timid waxaa kaalinta ugu weyn ay aheyd in Ra’isulwasaaruhu safarro dhowr ah ku tago gobollada Dalka si’uu ula socdo xaaladda ay maamulladaasi ku sugan yihiin waxaana uu booqday deegaanno iyo magaalooyin ay ka taliyaan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Midnimada iyo Isku Xernaanta Umadda Soomaaliyeed

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa mudada sanadka ah ee uu hayo Xilka Ra’isulwasaarenimo ee Dalka waxa uu xoogga saaray sida ay isugu xirmi lahaayeen Umadda Soomaaliyeed guud ahaanba waxaana dalal dhowr ah oo caalamka ka tirsan uu kulasoo kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed isagoo dhanka gudahana magaalada Muqdisho kaga qeybgalay barnaamijyo ku aadan Is dhexgalka Bulshada taasi oo ay wehliyeen booqashooyin dhiiragelin ah oo qaarkood uu ku tagay iskuullada Waxbarasho ee dalka ku yaala.

Ka Sokoow kulamadaasi kala duwan ee uu Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali mudada sanadka ah ee uu hayo xilka Ra’isulwasaarenimo la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada waxa uu Ra’isulwasaaruhu shacbiga Soomaaliyeed fursad u siiyey iney weydiiyaan Su’aallo islamarkaana uu uga jawaabo ayada oo sidoo kalena uu aragtiyadooda ka dhageysanayey sida barnaamijyo dood wadaag ahaa oo kala dhacay muqdisho gaar ahaan xarunta Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta oo Ra’isulwasaaraha uu Ardayda Jaamacadaha Su’aallo uga jawaabay, Barnaamij kale oo lagu qabtay dugsiga tababarka Booliiska ee General Kaahiye oo qeybaha Bulshada ay Su’aallo ku weydiiyeen iyo Barnaamijyo ka baxay Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka oo Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibadda ay Su’aallo kusoo weydiiyeen.

Ra’isulwasaaraha Oo Ardayda Jaamacadaha Muqdisho Su’aallo Uga Jawaabaya

Ra’isulwasaaraha Oo Su’aallo Uga Jawaabaya Shacabka Gudaha iyo Dibadda Isagoo Ku Sugan Istudiyaha Radio Muqdisho

Gurmadka Abaaraha

Abaarihii sanadkii 2011 sida aadka ahaa u saameeyey gobollada koonfurta iyo Bartamaha Dalka waxaa Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ay si’aan hagar laheyn gurmad ugu sameysay dadka abaaraha kasoo barakacay ee Muqdisho ayadoo xerooyin barakacayaasha magaalada Muqdisho looga sameeyeyna ay xukuumaddu si joogta ah ugu quudin jirtey dadka ku dhibaateysnaa waxaana uu Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas xiligaasi kormeerro uu ugu kuurgalayo in dadkaasi Xukuumadda waxa ay ugu talagasho la gaarsiiyo iyo inkale uu ku tagay xerooyin dhowr ah oo Muqdisho ku yaala sida xerada Badbaado.

Guulaha ugu waaweyn ee ay gaartay Xukuumadda Badbaado Qaran oo uu hogaamiyo Ra’isulwasaare Dr C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa ka mid ah in gudaha dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho lagu ansixiyo Dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo taasi oo ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn qariidada Road Map-ka ee dalka looga saarayo KMGka xuquuqda badan aynu ku weynay ayadoo ayadoo hada magacii KMG sidii shacabka Soomaaliyeed looga reebi lahaa oo dadaal badan ay Xukuumaddu ku bixisay guul laga gaaray.

Waxaa cad in mudada sanadka ah ee uu xilka hayo Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ay Xukuumadda uu hogaaminayo mudadaasi sanadka ah dalka ka qabatay waxyaabo badan waloow ay xusid mudantahay in waxqabadkaasi oo dhan Xukuumaddu muujisay ayadoo ay jireen caqabado kala duwan sida dhaqaalihii wax lagu fulinlahaa oo aanay Dowladdu ka helin caalamka.

Balse caqabadahaasi oo jira ayey Xukuumadda Badbaado Qaran ee uu hogaamiyo Ra’isulwasaare Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ku guuleysatay hirgelinta Road Mapka ,dalkana hada waalaga saaray KMG waxaana umadda Soomaaliyeed guud ahaanba ay ku wada jirto rajada Dowladnimo islamarkaana uu muuqdo iftiinkii Dolwadnimo,

By:-Abdifitah Dahir Jeite

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

Readers Comments (30)

  1. buuloxubey says:

    aad iyo aad ayaan ugu hanbalyaynayaa, rasailwasaare prof. c/wali gaas oo an muwaadin run ah oo wax qabad badan alow ku dhowr umada somaliyeed waxay u bahan maanta waa hogaamiye muwadhin isaga ayaa ka saari kara dhibka midanyn kara xoogooda iyo caqligooda tusina ka cadowgooda.

  2. moo says:

    hambalyo hambalyo mudane cabdiwali gaas shaqo wacan oo lugu xasuusto ayaad qabatay ninki dalkiisa, dadkiisa, iyo diintiisa sifiican ugu adeego wakaa tariiqda ayaa xusi.

  3. shucayb abshir says:

    aad iyo aad baa wax fiican oo lagugu xasuusan karoh ayaa ilahay kugu manaystay waxaan rajeenayaah in aad sidoo kale aad naga saartid xiliga kala guurka ee kumeel gaarka ah insha allah ilahay howlihiina idiinn fududeeyo insha sanadka soo socda somali oo wada namad ah ooo dowlada somaliya ay kawada talisoh dhamaan gobolada wadan oo dhan insha allah

  4. MASSAGO says:

    Shaqa wanaagsan Cabdi Wali Gaas faanoole faru kama qodno wali arinta Somalia laakiin yagleel fiican ayaaad heesataaa iyo taageero buuxdo waxaan rajeeynaa inaad mar noogu timaad Sweden si aan su,aalo u baahan jawabo kaala hadalno

  5. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    mahadsanid

  6. nin culus says:

    msha alaah dhamaan madaxdi iyo dadki kaqeyb qaatay hormadka hormarka dalka waxaan leeyahay waad kumahadsantihiin dadaalkina

  7. gadare muwaadin says:

    cabdi wali waa in markale aan ku dooranaa dadalada sii wad cadowgaga allah qabto

  8. Subane says:

    Radio muqdisho wan idin salamey qasatan mr jeyte o so diyariyey warbixintan mr c wali gas aad ayu wax ugaqabtey xalada wadanka runti rajadi dhimatey ayu dib u so noleyey isaga o km gar ku shaqeynaya walahi wanin ad u wax qabad badan in sha alah in dib xilka logu si dhibo o dowlada so socota raizul wasare ka ahaado ayan ad u jeclan laha gulaysto shikh sharif team

  9. abdi wali says:

    waan u hanbalyeynayaa raisul wasaaraha soomaliya mr cabdi wali cali gaas hol kar nimada iyo sida uu u gutay waajibka alle uu saaray nin kasta oo u mada wanaag u sameeya taariiqda ayaa xusi doonta

  10. Xaji says:

    Raisul wasarehena mudane c/wali maxamed cali gaas hambalyo. waxba noqabatay_ sharafba shacabkaga ka mudantahay. mudane nolow. ilaahay madaxaga harajiyo. dalkan. wuxu u bahanyahay nin ado kala. Waxana ad kaga mahadcelina. WAXA TAHAY RAISULWARIHII UGU DANBEYEY OO SOMALIYA SO MARA UMADADII. AY DHIBATADA JIRTAY SIDO KALE. WAXA TAHAY. MUDANI UGU DANBEYEY EE XILI KU MELGAR KA BIXIYA DALKISA. UNA GUDBIYA DOWLADNIMO.? Macsalama bye.==

  11. cabdi casiis says:

    Dr. Gaas waxaan u jeedinayaa hambalyo diiran, halka sano uu xilka hayay iyo horumarka la gaaray waa wax aad u wayn

  12. daljir says:

    waxaan leeyahay hanbalyo mudane ra isul wazaare

  13. Maxamed cali nuur says:

    Habbaliyo habbaliyo raisul wasare cabdu wali noolow waligaa alle cumriga hadhereyo

  14. ugaas koti says:

    raisil wasaraha waxan ugu hambaklyenaya shaqadii uu qabtay mudadii sanadka aheyd waxaan leeyhaay wadani jira oo joga noqo tariqdana weey ku xuseysaa walaal wax qabadkaaga

  15. gacalo says:

    Asc hanbalyo Raiisalwasaare C/wali Shaqada wanaagsan ee aad umadaada u qabtey hanbalyo hanbalyo .

  16. gabar somaliyed says:

    hambalyo raisulwasare abdiwali runtii dalku waxaa uu u bahanyahay wadani abdiwali iyo shiq shariif oo kale ah aloow kuwa kale ee siyaasada radinaayo sidan iyo ka fiican inooga dhig

  17. moha says:

    MASHAALLAH ILAAHAY AJAR IYO XASANAAD AAN LASOO KOOBI KARIN HAKAA SIIYO DR.KA
    RUN AHAANTII RAJO WAYN AYAA NA GASHAY HADAANU NAHAY SHACBIGA SOMALIYEED WAXANA AAMINSANAAY CABDIWALI HADII AYNU DOORANO INUU DALKA KA SAMATA BIXIN KARO DHIBAATADA UU KU JIRO BI’IDNILLAH.
    MAHADSANID MUDAN CABDIWALI GAAS WANU KU JECELNAHAY HADAANU NAHAY SHACBIGA SOMALIYEED KHAASATAN REER MUQDISHO

  18. Abdullahi says:

    Maasha Allah prof Abdiwali M C Gaas hambalyo Alle waxaan kaaga baryeynaa cimri dheer iyo shaqo wanaagsan,
    taariikduna waa ay ku xustay waana ay ku xusi doontaa Insha Allah.

  19. ali says:

    Hambalyo mudane Prof Gaas waxaan oran karaa intaas meesha ku qoran iyo kabadanba waaa qabtay waana ku mahadsan yahay laaa shukri calal waajib waa intii muwaadin uu dalkiisa u qaban lahaaa waxaaan leeyahay mudane sharaf ayaaad ku yeelatay somalia ilahaya ha kaa abaal marinyo wanaaga aad somalia u qabatay

  20. lamiis says:

    asc allah macaakum madaxda soomaaliyeed dhamaantiin masuuliyadana allaha idinla garab galo weligiin u adeega shacabkina xitaa hadii aad jaga weydaan .alfa mabruuk

  21. IBRAHIM says:

    S.A HANABLYO AYAN LEEYAHAY R/W & UMADA SOMAALIYEED DHAMAANTOODA MEEL KASTA AY JOGAAN MARKA U HOREYSA MAHAD WAXA IS LEH ILAAHEY & TOWFIIQDIISA KA DIB HALKAN KA CADEYNAYAA SHAQADA UU QABTEY PRO ABDIWALE & WASIIRADIISA OO DHAMAAN MUUJIYEY SHAQO WANAAGSAN IYO NIDAAM IYO KALA DAMBEYN TAASI OO BILAABATEY XILIGII R/W HORE MOHAMED FARMAJO TAASI AY ASAAS U AHAYD BILOWGII HEERKA MAANTA AY MAREYNO SHAQADA RUNTII WAXAA KALOO HALKAN AMAAN IYO XUSUD MUDAN JENARADA XOOGA DALKA OO UU UGU HOREYO G/GAAS ABDULKQADIR SH ALI DIINI IYO KU XUGEENADIISA & TALIYAHA CIIDAN BOOLISKA SOMALIYEED IYO DHAMAAN KU XIGANADIISA UGU DAN BEENTII WAXAA KULA DARDARMAYAA UMADA SOMALIYEED IN AYA OGADAAN IN OWLADNIMADA WAX WEYN TAHAY OO LA IDIKA RABA IN AAD NOQATAAN MUWADINIIN SAALAH AH WAAYO WADANKA WAA NAGA WADA DHAXEEYA EE AAN IS KAASHANO INA LAAHA MACA JAMAACA WABI LAAHI TOWFIIQ

  22. mashaa lah waa nin wadani ah alaha lajiro guuleysta waligin nolaada guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuul Gaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaas guuul viva radiamuqdisho

  23. khadar, says:

    DHAMAANTOOD WAXAY QABTEEN SHAQO FIICAN,

    WAXAAN ODHAN LAHAA DIB HALOO

    DOORTO,MADAAMA AY YIDHIIN KUWII ALSHABAAB

    KAXOREEYAY MUDISHO,WAXAY KUDADAALEEN SOO

    CELINTA NABAD GALYADA IYO NIDAAMKA

    DOWLADNIMADA, GOORMAA IDIINKU DANBAYSAY

    XEEBTII LIIDO OO LAGU DABAALANAYO,THANKS

    TO ALAAH IYO DOWLADA MAANTA JOOGTA,WAXAA

    TIHIIN GEESIYAAL, WASIIRKA GAASHAANDHIGA

    WAXAAN LEEYAHAY HALKAA KAWAD SHAQADA,

  24. liibaan says:

    dhamaaaanteeeen allaha nala wadajiro soomaaaliyeey aamiin dhaha

  25. qadar says:

    waxaan halkaan kasalamaya dhamaan saxaafada radio muqdisho,salan kadib,dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ku dhihi lahaa hala doorto Dowladaan hada jirto marlabaad wax qabadka sidheer oo runtii r/w c/w Gaas uu wadanka wax ugu qabtay waa mid aan horay loo arag,aniga waxaa igu fil need markuu tusay dhalin yarada muqdisho iyo kuwa dibada jooga in xeebihii muqdisho in mar labaad lagu dabaalan karo,waa guul,waxaan ILAAH kabaryayaa inuu mar danbe dib Soomaali u celin,dhamaan Soomaalidana ha is cafiso.

  26. ilhaan says:

    maasha allaah guuul iyo hablayo mudane c/wali iyo dhamaan dowladeena ilaahow noo dhowr

  27. Mohamed Abdimalik says:

    Waxaan halkaan hambalyo iyo amaaan uga gudbinaayaa Dr.Abdiwali Mohamed Gaas waxaan ugu baaqaayaa xildhibaanada cusub inaay noo dooraaan hogaaan xalaal ah kuna doortaaan shaqsiga waxqabadkiisa….xukuumadihii Farmaaajo iyo Dr.Gaas ayaan u baahanay in naloo soo celiyo August

  28. wadani says:

    radiomuqdisho waxaad qabataan shaqo aad u fican runtina waxaand niyada dhlinyarada somaliyeed ku soo celinaysaan wadaninimada ilahay ha idin garab galo

  29. yacquub bashir warsame says:

    waxaa wax lagu farxo ah guusho uu umada soom aaliyeed u soo hooyey prof: c/wali (gaas), hadal badan haan ma buuxsho wixii aan oran lahaa sxbaday qaaliga ah ayaa horay u soo yiri waxaan yeelahay ra’isul wasareheena sharafta leh howsha halkaga ka sii wad waxaan kuu rajayniyaa guul, waxaa kale oo umada soomaaliyed ka cod saniyaa in doorashada la doorto, waayo waxan arkayno hada ma ahan wax indhaha laga saaran karo, waxaan hubaa rajayniyaa in prof: gaas u gasoo bixi karo howsha badan ee u taala madax waynaha cusub, waxaan u rajayniyaa prof: gaas iyo madaxda kale ee sharafte leh ee dowladeena guul iyo horumar…….

  30. Ayaan Xirsi says:

    Hadaanu nahay Umada ama Shacabka Soomaaliyeed… Mudane PM DR-Prof. Abdiweli Mohamed Ali Gaas (Xafidahullaah): Wuxuu naga mudan yahay, Xasuus sharaf iyo qiimo leh, iyo Abaal-gud wayn.
    Shaqadoo ka qabtay.. Xamar gaar ahaan, iyo Soomaalia guud ahaan, dhinaca Siyaasada, Dhinaca Amaanka, Dhinaca Dhaqaalaha, Dhinaca Hormarka… way cadahay, miraheeduna waa la taaban karaa.
    Dad badan uu shacabka Soomaaliyeed ka mid ah… waxay jeclaan lahaayeen in uu isku sharaxo jagada Madaxwaynanimada,
    sababtoo ah.. shaqadoo qabtay baa dadka dhiira galisay in ay Doortaan.

    Aad buu u mahad sanyahay Mudane-Abdiweli wuxuu.. Diintiisa iyo Dalkiisa iyo Dadkiisa uu u qabtay.
    Allaha kaa abaal Mariyo.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0432

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013
DSC03786

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga oo Galabta booqday Meelo dalxiis iyo Xarumaha Sports-ka ee Raacsaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiin ...
DSC00908

DAAWO SAWIRRADA;-Sida Ay Shacabku Ugu Damaashaadaan Xeebta Liido Maalmaha Aan Jimcaha Aheyn

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
PM AU (4)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
20130518_141000

DAAWO SAWIRRADA:- Bandhig dhaqamed ay ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Turkiga

Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
shabaabaaa-620x330

Haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo boob ku haya xoola dhaqatada G/Hiiraan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 22.05.2013
naafada

Naafada danyarta ah ee ku nool degmada Dhuusamareeb oo gargaar loo geybiyay

Deeq Raashin gargaar ah  ayaa maanta loo qeybiyay ...
k 1

Bukaanada jiifa cisbitalka Keysaney oo loo qeybiyay deeq lacag ah”Sawirro”

Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
kulanka baarlamanka

Baarlamanka oo maanta kulmay iyo mudanayaasha oo dib uga laabtay mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*