Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Booqday Dekada Muqdisho”SAWIRRO”
Published on June 16, 2012 by Canab · 6 Comments · 7,980 views
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca dalka iyo xubno ka tirsan wasiirada xukuumadda KMG ah ayaa maanta booqday markab ku xeran dekada Muqdisho oo bada ku soo burburiyay Gawaari iyo qalab dhismo oo saarnaa iyagoo kulan la qaatay ganacsatadii uu u rarnaa Islamarkaana magacaabay guddi soo qiimeeya qasaaraha ka dhashay.
Xubnaha wasiirada ah ee maanta booqday Markabka Redtawer oo kuxiran dekada Muqdisho islamarkaana mowjado xoog badan oo kudhiftay intii uu bada kusoo jiray awgood burburiyay gawaari saarneyd iyo qalab dhismo ayaa waxaa hoggaaminayay kuxigeenka R/wasaaraha ahna wasiirka gashaandhiga.
Wasiirada maanta booqday dekeda Muqdisho ayaa kulan la qaatay ganacsatadii uu u rarnaa markabka si loo ogaado inta uu la’egyahay qasaraha kadhashay.
Wakiilka shirkada uu markabka u rarnaa Cabdi Maxamed ayaa kacodsaday mas’uuliyiinta dowladda in ay gacan kasiiyaan wixii ay awoodaan maadaama markabka ay ku qasaartay hantidii u saarneed.
Wasiirka maaliyada iyo lacagta C/naasir Maxamed Cabdulle ayaa isna sharaxay ilaa hada qasaaraha ay indhahooda ku arkeen isagoo kudhawaaqay guddi ay dowladdu u saartay qiimeynta heerka uu gaarsiisanyahay qasaaraha ka dhashay markabka.
C/samad Macalin Maxamuud wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay samraan isagoo balan qaaday in dowladdu ay waxa kala qaban doonto arintan marka ay baaritaanka soo gabagaboobo.
Kusimaha R/wasaaraha ahna wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa tilmaamay in ganacsatada ay door muhiim ah uga jiraan samatabixinta dalka isla markaana ay dowlddu gacan u fidin doonto dadkii ku hanti beelay markabka.
Sidoo kale Ganacsatadii goobta kahadashay oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa uga mahadceliyay madaxda dowladda sida ay ula wadaageen dhibaatada qabsatay iyo balanqaadka ay usameyeen.











Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa boob u ...
Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddo Bil ah ...
Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon ...
Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish ...
Dadka soomaaliyeed ma yihiin dad la xukumi karo ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Madaxweynaha Cusub ee isbedel doonka ah ee Dalka ...
Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay awood milatari ...
WAR HABEEN 17-06-2013
Ardayda jaamacadda Plasma ayaa maanta lagu talaalay xarunta ...
Iyadoo tartanka CECAFA Kagame Club cup lagu wado ...
Kulankan wadatashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay ...
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ...
war duhur 17.06.2013
Wafdigan uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan ...
Taliayah hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Soomaaliya ...
Mas’uuliyiin ka titsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ...
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee soomaaliya ...
Shirkii Hogaamiyaaha wadamada G8ka oo maanta ka furmay ...
Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika iyo Haweenka ...
Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ...
WARKA SUBAX 17.6.2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Ciimada ammaanka ee dowlada ayaa saaka howlgalo dad ...
Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ku ...
Waxaa Xalay Magaalada Denhaag ee wadanka Holland lagu ...
Ururka ay ku mideysan yihiin guddiyada Olombikada wadamada ...
Qaraxyo ah oo loo adeegsaday gawaari laga soo ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshado cusub ayaa ka qarxay magaalooyinka Ankara iyo ...
WAR HABEEN 16.06.2013
Ardayda iyo macalimiinta Jaamacadaha Dalka, Cuuryaamiin,Haweenka Soomaaliyeed,Ururrada Bulshada ...
Wafuud isugu jirto wasiirro iyo aqoonyahano ka kala ...
Wasiirka horumarinta adeegga bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed ...
Soomaaiya sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...
Sanadkii 1963 ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta ...
mansha alah waxeyka midtahay nimcada dalkena alaha noo deesto..
asc waan garankaraa dhibta ay leedahay arinkan ganacsatada qabsatay lakin waxaa loo bahanyahay in la dhiso caymiska dadkuna ay bixiyaan lacagta caymiska baabuurlayda iyo gaadiidka baduba waa in lagaliyaa caymis si ay marka dhibtaan u dhacdo caymiska uu bixiyaa qasaarada soo gaartey ganacsatada . dadka ganacsatada ahi dowlada waa in ay lashaqeeyaan oo ay maqlaan warka dowlada hadii uun markii dhib dhaco uun dowlada layiraah hana caawiso marka kalena la yiraah dowlada waa musuqmaasuq laba is qabanaysa maahan somalida dowladnimada waa in ay barataa dowladu waa angoo is xurmeenaa waxi nala yiraah qaadanaa kadibna la xisaabtano cidii aan xilsaaranay ma dhib badno si loo noqdo dowlad waa intaas kaliya ee ha la dadaalo soomaaliyey.
wa figrad aad u fican
Guul ayaan urajenaa ganac satada oo dhan waxi oo ka buburay baaburta waxan le yahay sorry markale ayaa libanesaa markale sorry
asc marka hore aad iyo aad ayaan ugu naxay ganacsatada soomaaliyeed ee qasaarahan soo gaaray shirkada markabka iska leh iyadana caymiska wax haka bixiso waayo maraakiib loogu talo galay ayaa jirta xamuulka baabuurta oo hoos gododo ku leh iyo xargo loogu talo galay oo hadii muujado ku kacaan markabkaas aan baabuurtaas dhaq dhaqaaq aan sameeyn dowladana waxaan ka codsanaynaa in ay xooga saarto siday ganacsatadaas xaqooda u heli lahaayeen mahadsanidiin dhamaan RM
Asc hala samro maa,asaaba min musiibatin ilaa bi,idnilaahi ………….