Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Nuur Sh. Maxamed oo maanta kulan la qaatay gudoomiyaaasha Jaamacadaha dalka ayaa kala hadlay sidii ay loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda iyo jaamacadaha dalka gudihiisa ka howl gala.
Wasiirku waxa uu sheegay in wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ay dadaal xooggan ugu jirto kor u qaadidda heerka waxbarasho ee dalka sida Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee ku shaqeeya duruufaha adag ee dalka ka taagan.
Waxa uu sheegay mudane Cabdi Nuur Sh. Maxamed in wasaaraddu ay amaan ballaaran u soo jeedinayso dadaalka iyo kaalinta ay qaateen dalladaha waxbarasho iyo jaamacadaha dalka markii ay bur bureen hey’adihii waxbarasho ee qaranka kaalintaas oo uu ku tilmaamay mid aan la hilmaami doonin.
Kulanka oo saacado qaatay ayaa wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta qaranka waxa uu xusay in guddoomiyeyaasha jaamacadaha dalka ay u sheegeen in looga baahan yahay in ay bixiyaan deeqo waxbarasho oo la siiyo ardayda ay dowladdu u raadinayso in ay waxbarasho helaan.
Dhanka Mudane Cabdi Nuur Sh. Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan qorshayaal dib loogu soo nooleynayo hay’adihii waxbarasho ee dalku lahaa iyada oo ugu horreyn laga bilaabayo Jaamacaddii Umadda oo goordhow la filayo in laga howl bilaabo taas oo uu tilmaamay in furasad waxbarasho ay u noqon doonto jiilka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii wasiirka ayaa sheegay in gudoomiyaasha jaamacadaha dalka ay aqbaleen tala soo jeedinta wasaaradu ay u gudbisay.
Tan iyo markii ay meesha ay ka baxday hey’adaha waxbarashada ee dalka waxaa dalka ka hana qaaday jaamacado iyo iskuulaad si gaar ah loo leeyahay oo kala taabacsan hey’ado kala duwan kuwaas oo waxbarashadii dalka ka hortaagnaa in ay burburto inkastoo jaamacaduhu iyo hey’adaha kale ee waxbarasho aysan laheyn dallad ay ku mideysan yihiin iyo manaahij ay ka siman yihiin in la siiyo ardayda wax ka dhigata.