Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhigyada ciidamada Booliiska ee degmooyinka Wardhiigleey iyo Howlwdaag ee G/Banaadir.
Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed ‘Jahweeyn’ wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo ay wehliyaan taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska C/xakiin Daahir Siciid iyo saraakiil kale ayaa maanta kormaer howleed ku tegay saldhigyada Ciidamada booliiska degmooyinka Wardhiigleey iyo Howlwdaag isagoo ku soo wareegay qeybaha ay ka koobanyihiin saldhigtadaasi isla markaana warbixinno ka dhageeystay taliayaasha saldhigyadaasi.
Wasiirka warfaafinta boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/qaadir Xuseen Maxamed ‘Jahweeyn’ ayaa si faahfaahsan uga hadlay ujeedada booqashadiisa isagoo tilmaamay in wasaaraddiisu ay diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato dayactirka iyo horumarinta saldhigyadaasi.
“Annagoo ka duuleeyna hadafka iyo ujeedada dowladda iyo go’aankii golaha Wasiirada oo ahaa in la dedejiyo lana howlgeliyo dhismaha saldhigyada booliiska Degmooyinka gobolka banaadir ayaa wasaaradda warfaafinta boostada iyo Isgaarsiintu si gaar ah u daneeyneeysaa dib u dayactirka saldhigyadaasi maadama ay wasaaraddu deggantahay degmada Wardhiigleey xaruntii isgaarsiintana ay Deris la tahay saldhigga Wardhiigleey”ayuu yiri wasiirka warfaafinta boostada iyo Isgaarsiinta oo maanta kormeeer ku tagay saldhigyadaasi.
Saraakiisha booliska iyo taliyayaasha saldhigyadaasi ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin kormeerka uu maanta wasiirku ku tagay saldhigyadaasi iyagoo u riyaaqay hadalka wasiirka ee ahaa in wasaaraddu ay kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonto dib u dayactirka saldhigyadaasi.
Kormeerka wasiirka ayaa ka dambeeyay kadib markii golaha wasiiradu ay dhawaan soo saareen go’aan ku aadan in wasaarad kasta lala mataaneeyo Saldhigyada booliiska si ay u dayactirto taas oo muujineeysa sida ay xukuumaddu uga go’antahay dib u soo nooleeynta saldhigyadii booliiska si sare loogu qaado Amaanka guud ee Muqdisho.
waxaan leeyahay ilaahey ha idiinku garab galo shaqo culus ayaa idin sugeysee
ascw maashaa allaah sidaas kusiiwada garabkiinna allahagalee aamiin annaguna waa idiingarab taagganahay hiil iyo hoba. wabillaahi towfiiq
good job
good job in the right direction.
very good wasiirka iyo saraakiisha police-ka aad iyo aad ayaan ugu mahad celinaynaa dhamaantood haowsha ay shacbiga u hayaan ajra alllaha ka siiyo waxana leenahay hore u wada shaqada waad mahadsantihiin noqdana kuwii cadowga ka nixiya
DAWLADU MEEL FIICANBAY MARAYSAA
ascw fadlan dadka shaqalaha dowlada amankoda hasugto kuwa guryaha rinjiyeyo kuwa dhulka xaaqo kuwa korontada galiyo ana waxa igu wajib ah inan kuso biiro cidanka xds walahi nabada waxyar aya ka dhiman guuuuuuul insha,alah
ASCW MAMOYINKII XAQDARADA LAGU DILAY HOYADEY AA KAMID AHEYD EE JANATUL FIRDOOS ALAHA KAWARABIYO. MAMULADA SHABAABNA JAHANAMA ALAHA WAJI WAJI UGU RIDO AMIIN WAXA IGU WAAJIB NOQOTAY INAN QORTO CIDANKA XDS NABADA WAXYAR AA KADHIMAN WAN GUULEYSANEYNAA INSHA,ALAAH
ASCW WEYNO CADATAY NABADA CAASIMADA IN LAGA SO HORJEEDO CIDANKA KU MAANDOOSTA WA INAAN KU BIIRNAA SI DAG DAG AH INSHA ALAH GUUUUUUUL
WALAAHI WAA IDINKU RAACSANAHAY IN LAGU BIIRO CIDANKA XDS SI DAMBILAYAASHA SI LO SO QABTO EE MAMULAYASHA ALSHEEYDAAN GGUULEYSTA INSHA,ALAH
ASCW WAJIGA ILAHEY ANIGANA WAAN IDINKU RAAXSANAHAY IN LAQORTO CIDANKA XDS SI LO SO QABTO ALSHEYDAN
FU,ADSHUNGULE ,
GODANE
AWEYSDAHIR
CALIDHERE
KOBO KUDUKADE
IYO AJANIBTA QAWARIIJTA AH
MARDOOGA IN QOORTA LAGA GOOYO INSHA,ALAAH GUUUL E KU DHAMANE
saas waaye..howsha waan idin kula jirnaa ..dhisa ciidanka qaran baliis iyo xoogba..ilahoow soomaali xafid…
mashalah dadalkiina halkiina kasiiwada anagana hadan shacabki nahay waa nii garab taaganahay guul dowlada
Guulest ciidanka somaliyet waayo waayo ayaan. Soxasusanaya waxan jooga south africa waan kufaraxasanah xooga daalka isha alaah guul ayaan urajeenena radio muqdisho guul bye
Wadankeena waxuu noqday Nabad.. Insha allah wan u labaneynaa.. Waxana ka mid noqoneynaa kuwa keena maskaxda Yurub. Wadankane wax ugu tara.