Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyada Soomaaliya Oo ka warbixiyay lacagta Lagu daabacayo dalka Sudan
Published on January 3, 2013 by Jayte · 45 Comments · 4,991 views
Wasiirka Maaliyada iyo qorsheynta dawlada fadaraalka somaliya Maxmuud xasan Saleebaan oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu ka warbixyay xaalada Lacag dawlada somaliya ku daabaceyso dalka sudan.
Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in lacagtani daabacaadeda ay bilowday dawaladii KMG ahayd ee ka horeysay,isla markaasina haatan meel wanaagsan mareyso daabacaadeeda,waxaana uu wasiirka sheegay in xiligan aan lacagtan la keeni doonin somaliya.
“Lacagta waan soo aragnay daabacaadeeda meel wanaagsan ayeey mareysaa,amaankedana aad baa loo adkeyay”ayuu hadalkiisa ku yiri wasiirka maaliyada dawlada fadaraalka soomaliya oo ka hadlayay halka ay mareyso hawsha daabacadda lacagta shilin soomaliga.
Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in isticmaalka lacagtani haatan diyaar ahayn,balse la sameyn doono hab la isku waafaqsan yahay oo lacagtani loo hirgaliyo marka la dhameyo daabacdeeda,waxaana uu wasiirka maaliyada rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu badali doono lacagta shilin soomaaliga ee haatan la isticmaalo.
“lacagtani waxay noqon doonta mid badasha lacagtii hore ee shilin somaliga,si tartiib ah ayaa la rabaa in suuqa loo galiyo lacagtii horena suuqa looga saaro”ayuu hadalkiisa ku yiri Mudane maxamuud saleeban.
Wasiirka ayaa faah’faahiyay sida ay u sameysan tahay lacagtan qiimo ahaan,waxaana uu sharaxaad ka bixiyay inta qaybood ay tahay,waxaana uu sheegay in ay ka bilaabaneyso 1000,5000,10,000,20,000 iyo sidoo kale 50,000 waxaana lacagtani noqon doonta mid ka fudud lacagihii hore loo isticmaali jiray ee shilin soomaliga.
Dawlada sudan ayaa sanadkii hore heshiis lacag lagu daabacayo la gashay dawladii hore ee KMG ahayd,waxaana haatan lacagtaasi mareysaa heer gabo’gabo ah,iyadoona wafdiga dawlada fadaraalka somaliya soo arkeen sida ay tahay lacagtani iyo sida ay uga duwan tahay lacagihii hore ee shilin soomaliga.
Mohamed Tollman
RM-Nairobi Kenya
Ciidamada gaashaaman ee qaranka ayaa gudaha u galay ...
Wararka aan ka heleeno xarunra UNDP ay ku ...
Iyadoo uu socdo shirka looga hadlayo aayaha gobolada ...
Akhristayaasha Sharafta Leh waxan halkan idinkugu soo bandhigeynaa ...
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa deeq lacageed ...
WARKA SUBAX 19.6.2013
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka ...
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Baarlamaanka u qaabilsan xiriirka ...
Shirka heerka Qaran ee looga hadlayo dib u ...
Munaasabad Shaahaadooyin Lagu Gudoon siinayay arday Dhameysatay Barashada ...
Saraakiil sar sare oo ka tirsan aqalka cad ...
Waxaan ku wargelineynaa Akhristayaasha sharafta leh ee Websiteka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Akhristayaasheena sharafta lahow waxaan halkan idinkugu soo gudbineenaa ...
WAR HABEEN 18-06-2013
Wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ...
Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ...
Xaflad SI heer sare ah loosoo agaasimay oo ...
Hay’adda wada Hadalka Bulshada ee CCD ayaa xarunta ...
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad,siyaasiyiin,aqoonyahano,haween ...
WAR DUHUR 18.06.2013
Ciidmada booliska Kenya ayaa magaalada Mombasa ku toogtay ...
Muqdisho, 18, June 20133…Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ...
Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
Waxaa 10:30 Barqonimo ee maanta magaalada Muqdisho ka ...
Waxaa goor dhow maanta magaalada Muqdisho ka furmay ...
WARKA SUBAX 18.6.2013
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa boob u ...
Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddo Bil ah ...
Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon ...
Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish ...
Dadka soomaaliyeed ma yihiin dad la xukumi karo ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Madaxweynaha Cusub ee isbedel doonka ah ee Dalka ...
Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
Soomaaiya sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...
wlh tala ahaan waan sodhaweyneynaa in an helno lacag wadanka kashaqeyso burburkii dowladii dhexe kadib lkn waxa fiicnaan leheed in lacagtu saniido ledahay ame waxa looyaqaan jabab sida shilimadnkii sanuuda ahaa
lacagta cusub ee lasoo wado hadii laga reebo saddaxda eber ee dambe waa ay is keenee, lacagaha aduunka ka jirana wax waa la qeebsan karnaa. Waxaan qabaa sadaxda eber ee dambe halaga reebo.
midda kale magaca lacagta hala badalo aan talo ahaan qabaa aniga.
500 maxaa loo sameyn waayey?
dhaman waxa an salamaya somalida melkastoy jogto salan kadib waxa an aman u so jedinaya dowlada somaliyed sida darted waxa an leyahay ad ayey ino an faceysa in wadanka lacag cusub lo sameyo bale dowladu waxa ay ku fududatay inta ay ka kobantahay lacagta tane waxan dhihi laha waxa ay ka dhigen lacagta sambawe o kale o an wax tar laheyn mar hadi lacag la sameynayo waxa lo bahan yahay in laga bilabo nambarka ugu hoseya in ay qimo u yelato ta aya iga wana ah ( mahad sanidin)
waxaan wasiirka leeyahay sidaas yaan layeelyaanniga waxaa ilahaboon in qiimo loo yeelo
oo lakeeno 0.5, 1,5,10,20,50,100 shilin
hadii kale shilonkeena qiimo yeelan
wadakeena waa wadan gami ah we ha
laga fiirsado Dan noogima jirto
Asc Amiga maqabo ineey faido ledahay maxayelay qimo wax ledahay markey yartahay side 5 shilling 10-20-50 ilaa 100 shilling magac ahan way yartahay tayan ledahay mahdsanidiin
asc masha allah waa arin farxad leh balse wxn layaabanahay meeye lacagihii 100 sh.so iyo 500sh.so wxn codssanayaa in lagusoo daro iyagane
asc aniga waxay ilatahay sidan 500 /200/100 /50/20/10/5/1 /o.50 /sida carabta sacuudi iyo cumaan iyo masar iyo dubay iyo lubnaan iyo yemen iyo kuweyd sas halag dhigo
asc wan so dhaweyna lakin waxan qaba lacag yar in la sameyo sida 1 shilin nus shilin 5 shilin 10 shilin 20 shilin 50 shilin iyo 100 shilin iyo 500 shilin iyo 1000 shilin markas tayo ledahay wadanka an jogo wa norwey sas tahay lacagtoda tayo ledahay lacagta waxey qeymo ku ledahay in tayo ledahay marka dowlada somali waxan kula talina lacagta tayo yelato tan hada so wado waxey kene qeymo daro lacaged
Lacag Kun kayar dalka kamashaqeyn karto miyaa?
wlh waa wax lagu farxo waxayna wax kabadal’ doontaa lacagta hada socoto umalayso qashinka tirada badan wax faaiido ahna lahayn hadase waxaaan rajaynaa inaan aduunka kala mid nahay insha allah soomaaaliyeey toosa oo isku tiirsada asc
cali sxb saas ayaaan umalaynaaa kunaa uyar 50.000 ayaaa u weyn ınay wax weyn kabadalı doonto ayaan rajaynaaa ınsha allah
lacag in la daabaco waa ok laakin kun ilaa 50 kun aa la sameynaa waa sicir barar aabihiis iyo qiime jab lacagteena ah 50kun isku dhegan waa wax aan fiicneyn mida kale waa in la sameeyaa shilimaan yaryar oo bir ah taas ayaa qiime u yeeleysa lacagteena laakin kunaa uyar kunaa u weyn ma noo fiicna
Asc
Lacagta cusub waxeey ku habooneeyd in laga dhigo, 50,100,200, 500, 1000, 1500, 2000, waxii intaa ka badan waa xadgudub, lacagta adeegeeda waxeey ku xirantahay, wax soo saarka dalka, iyo .
Lacagta cusub waxaa sarif u ah 1000, wax la aqbali karo ma,ahan arinkaas ee wax halaga badalo ayaan qabaa.
WAXA AAN AAD UGU FARAHSANAHAY LACAGTA CUSUB,
WAXA AAN ORAN LAHAA NINKII TALADA LAGU SAMEEYAY LAHAA MID TALA WANAAGSAN LAHAA MA UUSAN AHAYN MAXAA YEELAY WAXA UU UGU TALA LACAG QIIMO LEH IN AYSAN YEELAN SOMALIA SIDEE KU DHICI KARTAA LACAG KA BILABANAYSO 1000 ama 50000 waxa ay aad iyo aad u qiimo dilaysa lacag somaliyeed marka madaxda ninkii wax fahmaayo ha joojiyo lacagta yaana wadanka la galin ani ahaan waa talo kaligay ii ah
ASC xaqiiqdii aad baan u taageere lahaa meesha 1000 kun la ga dhigay in laga dhigo 1 shilin meesha 5000 laga dhigayna 5 shilin meesha 10000 laga dhigayna 10 shilin meesha 20000 laga dhigayna 20 shilin meesha 50000 laga dhigayna 50 shilin intaas ka dib lagu daro 100 shilin iyo 500 shilin iyo 1000 shilin waxan hubaa hadii sidaas laga dhigo in ay ka faaiido badantahay oo lacagtana ay qiimo yeelanayso marka si lacagta qiimo iyo safif macquul ah u noqoto hala kala badalo ayaan qabaa aniga waa fakirkayga inta ii raacsan iyo inta diidan ba waad mahadsantihiiin
Aniga waxan ku talin lahaa hadli wax labadalayo lacagta hal mar oo kaliya hala badalo, 5 ama 10 shilling ha ugu yaraato 1000 ha ugu bato. Qasab maahan dowladaan inay isku miskax noqdan kuwii hore. Waxaase laga yaabaa inay sudan ku qasbayso. Somalia miskax Afrika inay ku shaqayso maahan europe iyo Amerika waa in caqli laga kenaa. Ama Ordegan asagaa turkey ka badalay lacagtii talyaaniga oo kale ahayde ha lala tashto. S.a
Asc, Aniga ahaan cabdinaasir waxaan dhihi lahaa horta lacagta la soo sameynaayo dowlada waxay u tahay faaidooyin badan marka ugu horeyso waxay ka soo saari kartaa wax yaalo badan laakin waxaa wanaagsan oo hadalkeyga ku soo koobayaa in lacagta sidaan loo soo daabicin sawabtoo ah lacag intaas dhan faaido ma lahaaneyso
koo lacagta ha laga soo bilaabo
10 Shiling
20 Shiling
50 Shiling
100 Shiling
500 Shiling
1000 Shiling
Waxaan filaa hada in aysan soo saari karin Laakin hala raadsho dad isku bac bac dhigi karo Qiimaha hada lagu sarfo lacagta in la isku shaan dheeyo
tusaale ahaan
100,000 Boqolka kun qofkii wato ha loogu badalo lacag cusub oo 10,000 shilin la mid tahay
1000 kunkiina lagu badalaayo 100
Marka dowlada ha la isku noqdo
Intii aysan imaan qasaaro daabacadeed
Wabilaahi towfiiq
Asc wax lagu farxo lkn waxan kula talin lahAa in loyeelo lacag qiimo leh sida 05sh,1sh,5sh,10sh,20sh, 50sh, 100sh, 500sh, 1000sh, haddikale somaali qiimo dhalimeyso wadanka maxaa qiimo u yeeli kara wadanka? Jawaabto waa lacag! Haddeesa qiimo laheen ka carar waay nin qurbo laqbsaday in uu is ku soo daa linaayo lacag aan qiimo laheyn umaleemaayo. Waana dhaheysiin wadankiina ulaabta haloo sameeyo dadka wax qancinkara waa iaga talo waziirow (waxaa talo iga ah in loo yeelo lacagta qiimo dad ka waxee jacel yihiin haddii loo sameeyo iyaga ayaa soo daaheen wadanka cuyo ayuu is ku dabadhacaa)
Kuma qanacsani. Mudane wasiir kolleey hadaad lacag keenaysaan lacag qiima leh noo keena.middaani tii hore ayay qiimaha kasoo qaadaysaa.
sida aragtidu ubadantahay waa; maxaa lacagta looga dhigiwaayay nambaro yar yar sida lacagtii waayaydii hore,waxaan leeyay anigaba sidaas ayaa ilawanaagsan suaashuse waxeey tahay hadii lasoo gabiyo soomalidu ma aqbalayaan 100 shilin ayaa udhiganta 1000 kaaga shilin ee kubedelo taaso sababeyse inuu waayo lacagtii tirada badneyd ee uu heystay laakiin aay ubedeshay lacag yar, tayo wanaagsanna leh.
maanta cidina kama dambeys noogama dhigin waxaana insha allaah nasoomari doona jaanisya kale oo lacagta wax looga bedeli karo iyadoo aan laxaadsanay awaamiirta lasiiyana dadku aay qaadanaayaan oo awoodi jirto iyo kalsooni ee aan iska sugno
waxan amaan usoo jedinaa doladena sharafta badan lacagta kunki ayaaba uguyar maxey noo tiri kartaa halaga fiirsado tani lacag noo noqon meysee
Asc shekadan waxa waye halesku dhelo hane lakala dhuglahaado wasirka waxa u dhahay wa lacag qiimoleh oo yar bal intey kayartahay wa tihore oo shatikale Lo so galiyey dollarka Lee qiimo uyelen shillinkenane bertey galshen
subxanallah walahi ani lacagtaan aad ayaan uga xumahay hada ayaanba kunkaan weyninka badan la yaabaneynbee waa maxay sababta kun waxa ka weyn loo keenaayo war aawaya 100boqol shilin ooo aawaya 500 boqol oo shilin oo aawaya 1,shilin oo aawaya 50centigii soo marka waad ina sii nadaam guurineysaan ayaan u fahmay ilaaahow waxaan ka baryay hadaan umad xalaala ahay lacagta aad soo wadiin eysan ina soo gaarin waayo 1000 kii shilin beynu la yaabaneynbee waa maxay 5000ta kun miyeeydnaadan ilaahey ka baqeynin oo eydnaan wax damiir iyo xishood ah idinku jirin fadlan waxaan codsanayaa maamulka qaranka in lacagtaas dadka somaliyeed inta aanan la soo sameynin afti looga qaado waayo qofka markow yahay dhaqaala yahan wax walbo oo wadankiisa dhaqalah kor u qaadi karo waa aw yaqaanaa hadii sharif xasan iyo sharif ahmed sidaa inoo karteen in ey ina sii nadaam guuriyaan dowladii rasmiga aheed oo eynu helnay ayaa hadana isla wadadii u sii sharciyeeynaya war ilaahey ka baqa oo siyaasada foosha xun inaga daaya waan dareemi karaa qofkii lacagtaas markeedii hore saxiixeda lahaay ayaa lagu xushmeynayaa iyo qarashad yar yar oo farsamada lacagta lagu sameynayo idinka qasaari lahaay ayad u xilaneysiin soo marka umada dhowrka iyo TOBANKA milyan miyeednaadan u tureynin
fadlan waxaan codsanayaa in lacagtaas laga fiirsado waayo dhaqaalaha wadanka ma u wanaagsano waayo waxa ka maqan Boqolaadkii iyo shilimaadkii yar yarka ahaay xataa 50 shilin malaha xataa 500 boqol malaha marka KUN ayaa hada dadka somaliyeed wareeriyayee ma waxaad umada somaliyed la jecleysateen in aad adinkana HODAAN inagu sii tuurtaan
FADLAN RAADIYAHA QARANKA WAXEYNU KA CODSANEYNAA IN fariinteena aw gaarsiiyo dowlada iyo madaxdeeda qaasatan wasiirka qaranka hadaba inta eysan qarash galin dowlada fedralka waxana ka codsaneynaa in lacagtaas wax laga badalo waayo waxaa ka maqan 50 kii shilin iyo 20 cent iyo 100 shilin marka RAADIYAHA QARAN waxeynu ka codsaneynaa fadlan lacagtaas waa ina sii nadaam guurineysaa sida wadanka MALAAWI HADA ka hor ka dhacday waxeynu noqon donaa in dolarka aw ka awood badnaada shilin somaliga sida hada aw yahay lkn waa ka sii darnaan doontaa waxey noqon dontaa in mark aad maqaayada aadeyso aad jawaan lacag ah horay u sii qaadan doontid balse faadlan pleas and pleas lacagtaas wax halaga badalo
Asc wr wb waxaan aad uugu faraxsanahay lacagta ee dooladeena ee soo sameeysatay al xamdu lkn mid ayaa kamaqan meeshaas waxwalbana waxeey kufiicnaayeen in lacagta lagadhigo mid sarif leh markaas ayeey qiimo lahaa laheed
Salaan ka dib, waxaan jeclahay inaan wax ka iraahdo talooyinka ay bixiyeen walaalaheyga. Qiimaha lacagta wadan kasta waxay ku xiran tahay dhaqaalaha iyo wax soo saarka wadankaas. Somaliya waa wadan burbursan oon dhaqaale iyo wax soo saar laheyn sidaas bey lacagteena hoos u dhac weyn ay ku leedahay sarifka lacagaha adag. Sababtaas baa keentay bey ila tahay in lacagta waa weyn la daabaco. Marka soomaaliyey waxaa loo baahan yahay inaan wadankeena maal gashno si aan dhaqaalaheena iyo wax soo saarkeena kor ugu qaadno, markaas ka dib lacagteena waxey yeelan doontaa qiimo ka wanaagsan tan ay hadda joogto. Somaliya ha Noolaato.
Haddii lacagtaan ay kumeer gaar tahay waa qorshe dib noogu celin karta lacagihii hori
laakiin 1000 wadan kastaa waxa ay ka tahay lacag weyn oo jajab leh
magaca kun waxaan eheyn lama helli karro allaa deeqda baxshee
Aniga waxan qabaa wey ku sax san yihin dowlada hada wadanka dhaqalahisa stable maha lkn hadhow madaxdu tirada ha ku darsadan in lahelo jajab ama shilimad
bismilaah waadsalaa mantihiin dhamaan walaalahay bahda saxaafada iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed ee wadaniyadu kujirto salaan kadib walaalayaal waxaan soo jeedinaa talo ah marba hadaynu lacag samaysanayno waalaga fiicanyahay inaynu waxtarkeeda iska laalno waayo lacagtu waxay manaafacaad leedahay markay leedahay sarif qurxoon oo kabilaamada cents jajab marka wali fursada waynu haysanaa ee halaga baaraandego inta aanan wadanka lasoogelin ama uguyaraan waa inay kabilaabato 100 /50/20/10/5/1 /o.50 mideeda kale inakadaaya 500 boqol ee iskudhegan taa macnaheedu waxaa aytahay waligeen inaan ka dambayno wadamada aadka u horumaray mahadsanidiin.
Asc dhamaan umada somaliyed melkasto ee jogaan hadii an Fikirkeyga ka dhiibto waxaa ila haboon sida tan 200laboboqol.100boqol.50konton.20labaatan.10toman.5shillin.2shillin.1shillin.50cent.20cent.10cent.5cent. Waxaana hubaal ah wadankeena inoo barwaaqo naqaayo wixi talaa waiga intaa.
Waa arin fiican sida aan ugnahay wadamu badan ayaa suu maray arintena uu kale waxaa kamid ah wadanka turkiga uu gaartey lacagtuda ilaa 500,000 la sameeyu iyo halmilyan hal warqad ah hadana waan ugnahay dhaqalaha turkiga meesha uu garey kadibna waa iska badalen insha alaah marki dhaqaluhu roonadu waa labadali karaa waxa ficnan lahay in lagu suu daru waraqu 500,000 sh ah
Lacagtan waa sicir barar. Waana dhaqaalo xumo kowgeed, ee lacagtan naga daaya
Fadlan Lacagta hada la daabaco hala dhigo 100, 200, 500, iyo 1,000 Sh so.
kadib halala diriro sicir bararka iyo qiima dhaca shilinka ku yimid markii lagu guuleysto kadib hala daabaco 0.50, 1, 5, 10, 20, 50, Marka si tartiib tartiib ah ayaa loo soo celiyay qiimihii shilin somaliga uu lahaan jiray waxaad awooda saartaan qaabkii uu DOLLAR-ka sarifkiisa u noqon lahaa wax ka yar 10,000 Shilin somali, markaa maciishada waa raqiisi waxaana loo baahan in One shilin wax lagu kala gato
asc walalayal waxaan donayaa in aan ka dhibto fikeyga lacagaha la sheegay in ay dowladu soo daabaceyso macquul mahan in ladaabaco 5000 10,000 iyo ka sii badan lagana tago jajabkii sida 500,200 iyo 100, 50 iyo kasii yar maxay faaiido leedahay inoo sheega bal?
dowlad 5000 lacag inooga dhigeysaa dowlad ma ahee ee meesha kala taga fikirkaas qaldan mise sida uganda oo kale ayey naga dhigi rabaan
Lacagtu sarif ma leh ahaa baaqi soo cilin ma leh.wali dhaqaalahu ma fadhiyo dalka ilaa taano iyo kumi la arko mahadsanidiin.
waa arin fiican waxaana kasii fiican ineey lacagta leedahay qiimo jajab micnaha 1 shilin 5 shilin jajab yaryar ayaa fiican..
Halkaa waxa ka muuqata dhaqaalaha wadanku inuu meel hoose marayo halabadiyo kaabayaasha dhaqaalaha si wadanku usoo kabto tankale waxba kama badalayso haddii lacagta nubereeda layareeyo madaama hantidu ayba yartahay amba wan jeclahay iney noqoto 100 500 iyo wixii kayar dadaal kaliya nooga baahantahay
Waxaa haboon in loo qaybiyo 1000 so Ay qiimo u yeelato dowladana lacag u yeelato soo askarta mushaar u helaan soo la sameeyo hay ad canshuur ka qaado so dowlada u shaweyso
shilimo.halagudaro.10c,20c,50c,1shil,2shil,5caadi,ah.10sh,20sh,50sh,100sh
Dowladu wey ku mahadsantahay dadaalka ay samaysay, Laakiin waxaan oran lahaa yeynaan laga dhigin Umadda Soomaaliyeed lacagtooda mid qiimo beesha sida lacagaha Uganda iyo Muzambique…. 5000, 10,000 ilaa 50,000 waa qorshahii dowladii kmg ahayd….. mana ahayn mid dhamaystiran ee halaga fiirsado…
A.s Wr Wb Dhamaan Umada Somaliyeed Meelkasta Ay Joogaan Waa Salaamantihin Salaan Kadib .
Waxaa Talo Ila ah In Sidaan Laga Badalo Lacagta Waayo Qiimaha ayaa Laga Dilay Waa Inay Lahataa 50c 1 Shilin 2Shilin 5 Shilin 10 Shilin 20 Shilin 50Shilin 100Shilin 1000 Shilin Lkn Hada Waxa La soo Wado Mahan Lacag Qiimo Leh Waana Lacag Qaab Daran Dawlada Waxaa Ka Cod Sanaynaa Inay Kalaabtaan Arinkaan Halaga Doodo Qodobkaan lacagta Hadaa Shacabka Somaliyeed Nahay Dooni Mayno
Bismilaah ,
Aniga Waxaan Dhihi lahaa horta way fiican tahay in la soo sameeyo lacag cusub laakin lacag intaan ah
5,000
10,000
20,000
50,000
Qiimo ma yeelaneyso <
Dad badan ayaan dhahay lacag sidaas ah ayaa la soo sameynayaa
Waxay wada dhaheen dhamaantooda
Barako ma yeelaneyso
Marka ha laga fakaro lacagtaan
Sawabtoo ah , Sarifka Bulshada ayaa Dhib noqoneyso
Hadana lacagteena qiimo ma yeelaneyso
Insha allah waxaan jeclaan lahaa in laga fiirsado midaan
Mida kale Hadii wadanka la geeyo dadka iyo ganacsatada uma cuntameyso Sawabtoo ah
Ma soconeyso hadii la geeyo dalka oo idil
laga yaabo in ay ka dhashtaan dhibaatooyin badan ilaah makasee