Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo kula kulmay Wasiirka Gaadiidka Dowladda Sudan Magaalada Khartoum.Sawiro
Published on February 21, 2013 by Fidow.Mahamud · No Comments · 1,776 views
Kulankan uu la qaatay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dekadaha Mudane: Muxudiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka Gaadiidka iyo Wadooyinka Dalka sudan Mudane: Axmed Baabikir oo ahaa Wasiirka uu Marti qaadka rasmiga ah uu ka helay ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo badan oo labada Dal quseeya.
Kulankaas labada Wasiir oo ka dhacayay Hoyga Wasaarada Gaadiidka iyo Wadooyinka Dowladda Sudan ee khartuom, ayna goob joog ka ahaayeen Khubaro labada wasaaradood ka socda, Danjiraha Safaarada Soomaalida ee Dalka sudan Maxamed C/laahi Ugaas iyo Howlwadeenada Safaarada uu ka mid yahay C/qaadir Maxamuud Cali Guulane ayaa waxa inta badan xooga lagu saaray in Labada dhinac ay iska caawiyaan Dhinacyada quseeya ee aadka u danaynayaan labada Wasaaradood.
Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Wadooyinka ee Dowladda Sudan Mudane: Axmed Baabikir ayaa ugu Mahadnaqay sida ay marti qaadkii ay u fidiyeen Wasaarada Howlaha guud & Dekadaha ee Soomaaliya ay uga mahad calinayaan marka hore.
Wasiirka Gaadiidka Dalka Sudan ayaa sidoo kale Sheegay in ay diyaar u yihiin ka shaqaynta wax uu ku tilmaamay Wax wada qabsi hadii ay Soomaaliyana ay wax u qabtaan aysan ka dhignayn in ay yihiin wadan shisheeye oo ay wax u qabteen hasayeeshee ay yihiin walaalahood ay wax u qabteen.
Dhankiisa Wasiirka Howlaha Guud iyo Dekadaha Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo isagana la hadlayay markii uu soo dhamaaday Kulankaas Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in labada dhinac ay sameeyeen Gudi Khubaro ah oo kasoo shaqaynaya Hishiis hor dhac ah oo labada Wasaaradood kala saxiixan doonaan.
Waxa uu intaas ku daray Mudane Kaalmooy in ay si Dag dag ah ay Khubaro ka socda Wasaarada Gaadiidka iyo Wadooyinka Dalka Sudan ay u diri Doonto Magaalada Muqdisho si ay usoo Diraaseeyaan Baahida Jirta iyo Qaabka looga hor tagi karo.
waxa uuna kusoo dhamaaday Kulamadii oo dhamaantood is Afgarad labada dhinac ay ku wada farxeen.















Photo By: Fiidow Maxamuud Fiidow
Aabaha dhalay Xaashi Cumar Xasan oo muddo 15 ...
Akhristayaasha Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Shirkii wadatashiga ahaa ee looga hadlayay aayaha gobolada ...
WARKA SUBAX 20.6.2013
Iska horimaad xooggan o u dhaxeeyay maleeshiyaad ka ...
Waxaa ka soo reyneysa xaalada Caafimaad ee dadkii ...
Dowladda Mareykanka ayaa si Kulul u cambaareysay weerarkii ...
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Federaalka ...
Riwaayada oo magaceedu uu ahaa “qarsataye ma adin ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir ...
Muqdisho, 19 June 2013 – Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka ...
Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Ban Ki Moon ...
WAR HABEEN 19.06.2013
Shirweynaha qaran ee dib u habeynta waxbarashada dalkeena ...
Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Muqdisho, 19, June, 2013..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...
Mogadishu, 19 June 2013 – Wakiilka gaarka ah ...
Wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan ...
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh ...
WAR DUHUR 19.06.2013
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ...
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda soomaaliya ...
Mashruuc ururka iskaashiga islaamka ee OIC uu ku ...
Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ayaa goor dhow ...
Ciidamada qalabka sida ayaa gudaha u galay xarunta ...
Wararka aan ka heleeno xarunra UNDP ay ku ...
Iyadoo uu socdo shirka looga hadlayo aayaha gobolada ...
Akhristayaasha Sharafta Leh waxan halkan idinkugu soo bandhigeynaa ...
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa deeq lacageed ...
WARKA SUBAX 19.6.2013
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka ...
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Baarlamaanka u qaabilsan xiriirka ...
Shirka heerka Qaran ee looga hadlayo dib u ...
Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
Soomaaiya sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...