Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryan Qaasim ayaa su’aallo uga jawaabtay shacbiga Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayadoo sidoo kalena ay Wasiiraddu shacabka ka dhageystay aragtida ay jecelyihiin iney Wasaaradda u shaqeyso.
Drs Maryam Qaasim ayaa xalay marti ku aheyd barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo ka baxayey Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) waxaana shacabku ay toos usoo weydiiyeen su’aallo kala gedisan oo u badan sida ay u arkaan in dib loogu soo nooleyn karo Waxbarashada iyo Caafimaadka Dalkeenna.
Ugu horeyn Wasiiraddu waxey faah faahin ka siisay shacabka qaabka ay u shaqeyn doonto Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada maadaama ay ka mid tahay Wasaaraddaha ugu ballaaran Xukuumadda cusub ee Dalka islamarkaana ay ku kulansanyihiin dhowr wasaarradood sida:- Caafimaadka, Waxbarashada,Dhalinyarada,Sportiga,Shaqada,Shaqaallaha iyo kuwo kale oo badan waxaana ay xustay in Wasaarradaha la kulmiyey ay fududeyneyso in hal meel laga wado ayna aaminsantahay in shaqadu ay fududaan doonto.
Wasiiradda oo su’aallihii lasoo weydiiyey ay u badnaayeen dib usoo nooleynta Waxbarashada ayaa tilmaantay in qorshayaasha ugu horeeya ee Wasaaradda ay ka mid yihiin mideynta Manaahijta dalka,dib u yagleelida iskuullada ay dadku sida lacag la’aanta ah wax uga baran jireen iyo dib u howlgelin iyo tayeyn lagu sameynayo isbitaalladii Dowladda.
Mar ay Wasiiraddu ka hadleysay sida Waxbarashada dib loogu soo nooleyn karo ayey tilmaantay in dhowaan ay Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada ku qaban doonto magaalada Muqdisho shir heer Qaran ah kaasi oo ay kasoo qeybgeli doonaan quburro,macalimiintii hore ee Waxbarashada iyo kuwa hada islamarkaana ay aaminsantahay in shirkaasi ay kasoo bixi doonaan go’aanno dhaxgal u noqda sida Waxbarashadeenna lagu hormarin karo.
Drs Maryam Qaasim Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada oo wax laga weydiiyey waxa ay Wasaaraddu u qorsheysay fursado shaqo abuuris loogu sameynayo dhalinyarrada Soomaaliyeed ayey sheegtay in qorshayaasha Wasaaraddu ay ka mid yihiin in dhalinyaradu ay helaan shaqooyin ayadoo xitaa qofkii aan shaqeyn loo diyaarin doonno barnaamij uu ku qaato biil uu noloshiisa ku dabaro qaabkaasi oo ah qaab ay u dhaqmaan dalalka horumaray.
Mar ay sidoo kale ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada xiriirka Wasaaradda iyo maamul goboleedyada ayey xustay in Wasaaraddu ay xiriir aad u wanaagsan la leedahay maamul goboleedyada ka jira Dalka si xiriirkaasi loo adkeeyana ay dhowaan booqasho ku tegi doonto gobollada Dalka.
Qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadaha gudaha iyo Dibadda oo Barnaamijka Telefoonka ugasoo qeybgalay waxey Wasiiraddu weydiiyeen waxa uga qorsheysan iney ka qabato musuq maasuq lagu sameeyo deeqaha Waxbarasho ee laga helo dalalka Soomaaliya saaxiibada la ah ayey ballan qaaday ineysan jiri doonin wax musuq maasuq ah oo deeqahaasi loo maareyn doono si caddaalad ah.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada ayaa ka codsatay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iney si isku duubni ah ula shaqeeyaan Dowladooda si dalku uu u noqdo mid la gaarsiiyo hormar.
Barnaamijkan ay shacabka Soomaaliyeed su’aallaha kusoo weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada ayaa qeyb ka ah barnaamijyo taxane ah oo ay Warbaahinta Qaranku ku marti qaado madaxda kala duwan ee Dowladda ayadoo u jeedada barnaamijyadaasina ay tahay iney shacabku fursad u helaan iney Madaxdooda toos ula xisaabtamaan islamarkaana ay talooyin usoo gudbiyaan.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Jawaabaha Drs Maryan Qaasim 11-December-2012
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Jawaabaha Drs Maryan Qaasim 11-December-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +14156550815
GUULEESTA MASH ALLAAH
maasha alalh waaa hooyadeena oo kale guuleyso hooyo macaaan
Maryan Qaasin Waa Wasiirka ugu Edabta Badan Wasiiradda Soo Maray Xakuumadda Hada Socda iyo Ku Wii Lasoo Dhaafay Waxaana Edaabteeda Kamid ah:Aqlaaqda Hadalka,Labiska Islaamka,Aquunta IWM Sidaa Daraadeed Waan u Hanbalyeenayaa Wasiirradda Wayna Ku Mahadsantahay Suulaha Muhiimka Ah
Masha allaah mama maryan qasim howsha qaran ee adnoo heyso ilaah hakuu fududeyo
maryan qaasim waa wasiirka umacquulsan wasiirta aad iyo aad baan usalamayaa
maansha alaah wasiirada wlh waxaa ka muqata edab iyo shaqa daacadnima ah maama wadani ayaad tahay
asc ilah ha kula garab galo hiil iyo hooba weynu garab taaganahay dowladeena iyo waddankeena hoyo.WAB.TOW.
Maasha alaah Ahle Ha dhowro Maamo Maryan Qaasin guulayso Maamo
asalaamu caleeykum dhammaan walaalaha soomaaliyeed meel walba ay joogaan maashaa,allaah walaalka qaaliga ah c/xakiin waa saad u sheegtey walaal wasiirada maryama qaasim allaha xifdiya allaha cimrigeeda dheereeya indhaheeyga ilin ayaa kusoo istaaftey markaan dhageeystey qaasatan walaal su,aala kasoo weeydiiyey norway sheegey inay kahor aqrisey aayada kahadleysa markhaatida ee suratul nisaa kujirta ay soo qaadatey maalimtii baarlamaanka….
Aniga waxaan dhihi lahaa mamadeena allaha ku garab gala howlaha loo dhibey weligeey ma arkin wasiirad ayadoo kale ah ee ilaaheey ha u barakeeya aqoonteeda diiniyan iyo mida maadigaba, anagna inshaa,allaahu tacaalaa hadaan nahay qurba joogta waa inaan badinaa saacidaada wadanka inshaa,allaah.
Waxaan mahad gaar ah u jeedinayaa walaalaha radio muqdisho ee kuhowlan kahaqatirida baahida saxaafada.
waan idin salaamay marka hore salan sharaf badan waxn jogaa waa sudan waana dhagaystay barnamijkan wana uga mahad celinayaa dhaman shaqalaha soo diyarshay iyo waliba wasiirada sida wacan oo ay nooga haqab tirtay jawabaha aan ubahnayn waxn kaloo umahad celinayaa fu,ad o joga isla sudan sida uu runta uga shegay mesha an jogo waliba wasirada waxn ushegayna in aan lashaqayn dono oo raga gadanaya dadkana ka gada minxoyinka aan dhihi karno maanta hebel iyo hebel xiligii cadoow allaha unaxariistee uu wax ka qabtay lkn dhimashadiisii kadib ay soo laabten mantana ay masuliyiin noo yihiin waa waxa an lagubano runtii ee wasiiradu hana soo garto dadka ay la kulmaydana hanagu darto waa ay mahadsantahay
maasha allaah maama maryan qaasim.
Anigoo ah muwaadin somaaliyeed muddana ka soo shaqeeyey waxbarasha dalka, ayaan waxaan jeclahay in aan fikirkayga ka dhiibto barnaamijka waxbashada ee ka baxay “Radiyaha & TV” qaranka 12ka December 2012, oo wasiirka adeega bulshadu ay martida ugu ahayd.
Marka hore, waxaan ugu hambalyeyn warbaahinta qaranka & intii soo qaban-qaabisay barnaamijyada noocaan oo kale ah waayo waxay fursad siinayaan in dadku ra’yigooda ka dhibtaan horumarka dalka & dadka . Haddaba, aniga oo soo koobaya fikirkayga waxaan soo jeedin lahaa dhowr arrimood oo aan is-leeyahay way habboon tahay in la sii lafaguro way haboonaan lahayd.
1. Waxaan qabaan in aan dawladdu ku deg-degin in ay furto dugsiyo (schools) badan oo dawladdu maamusho waqtigaan labo arrin awgood: a) Dawladdu dhaqaale badan oo ay ku maamusho dugsiyadaas ma hayso hadda, b) Baahida kowaad ee waxbarashu ma ahan “Dusiyo badan oo cusub ee la furo” ee waxaan qabaan in baahida kowaad tahay in la habeeyo, la tayeeyo waxbarasha faraha badan ee hadda socota, iyada oo laga bilaabayo in loo sameeyo “hal manhaj” ama curriculum qora oo haga waxbarashada dalka, mid gaar ah & dawladba.
2. Talaabada xigta waa in la mideeyo imtixaanadka dalka (standardised Exams) mid dawlad & gaarba oo la sameeyo xaafiis imtixanaad oo dad tayo leh loo xulo; arrintaani waxay keenin in tayada waxbarashu markiiba kodhorto oo tartan waxbarasho caafimaad qabaa yimaado, waliba waa in la amaalmariyaa dugsiyada ugu waxbarasho wanaagsanaada & ardaydoodaba.
3. Waxaan qabaa in afafka (languages) dugsiyada lagu dhigayo laga dodo oo la nidaamiyo si looga fugaado khaladaadkii ku dhacay waxbarashada xiliyadii 1974-1990 oo af-soomaliga kaliya laga dhigi jiray dugsiyada, Jaamacaddahana Talyaaniga.
4. Waxaa fursadihii waxbarashu lumiyey dhalinyaro badan oo Soomali ah, waxaan wasaaradda waxbarashada kula tallin lahaa in ay xoogga saarto dugsiyada farsamada (polytechnic schools) maadaama aysan jirin dugsiyo farsamo oo gaar ah (private).
5. Ugu dambeyn, waan taageerayaa waana fikir fiican arrinta wasiirku sheegtay ee ah in la qabto dodo qaran oo looga hadlayo waxbarashada dalka.
Mahadsanidin; Ahmed Abtidon kulmiye (ex-15 may).
Masha ALah wasiiradu shaqo fiican bay u haysaa umada soomaliyeed.
MAAMA MARYAN GUUL HOOYO ADIGAA MUDNAANTA LEH
WAXAA HUBAAL AH HADII DAD BADAN OO DAACAD AH LA HELO IN AAD DHIB BADAN KA BAD BAADI LAHEEN.
asc Abayo maryan adig oo aha madax dowlad waxa an usheek wiilas iyo gabdhaha somaliya oo ku nolool wadanka ingiriiska waxa ha lokabato waxa barsho iyo shaqo malasiiyo iyo xabasika ee ku jiiran somaliya oo aha communi aha hal halak dhiko maryan haddi aa tahay madax dowl somaliya / waka num 00 44 79 602 10 704/