Thursday, May 23rd, 2013

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Shacabka Gudaha Iyo Dibadda Ku Kala Nool Su’aallo Uga Jawaabay “Dhageyso+Sawirro”

Published on December 10, 2012 by   ·   3 Comments  ·   3,437 views

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa su’aallo uga jawaabay shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayadoo sidoo kalena uu Wasiirku uu shacabka ka dhageystay fikirro iyo talooyin kala duwan.

Wasiirka ayaa xaley marti ku ahaa Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo ka baxay Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaana ay shacabku soo weydiiyeen su’aallo kala duwan oo la xiriiray Xoreyntii magaalada Jowhar laga xoreeyey Maleeshiyada Al-Shabaab iyo heshiiskii uu dhowaan la saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxa uu ugu horeyn shacabka ugu bishaareeyey guullihii ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM kasoo hooyeen howlgalladii lagu xoreeyey magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay oo gobolka Shabeelada Dhexe waxaana uu wasiirku xusay in howlgalladaasi ay u dhaceen sidii loo qorsheeyey.

Sidoo kale Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Difaaca dalka waxa uu faah faahin ka bixiyey heshiis uu dhowaan magaalada Ankara kula soo saxiixday dhigiisa dalka Turkiga waxaana uu tilmaamay in heshiiskaasi uu gacan weyn ka geysan doono dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Shacabkii kala duwanaa ee Barnaamijka ka qeybgalay ayaa si wadajir ah Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Wasiirkaba ugu hambalyeeyey guullaha laga gaaray howlgalladii lagu xoreeyey magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ayadoo shacabkana ay ballan qaadeen iney Ciidammada la garab joogsan doonaan taageerro hiil iyo hooba leh.

Su’aallaha lasoo weydiiyey Wasiirka oo uu uga jawaabay shacabka iyo talooyinka loosoo jeediyey oo ahaa kuwo aad u tira badan ayey shacabku kusoo gudbinayeen Telefoonno,Emaillo iyo Facebook.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Jawaabaha Wasiirka Gaashaandhigga 09-December-2012

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Jawaabaha Wasiirka Gaashaandhigga 09-December-2012

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-


Yurub                         +442035190460


USA & CANADA       +14156550815

Readers Comments (3)

  1. I love SOMALIA says:

    Waxaa hubaal ah in maanta Somalia ay ledahay dowlad howl kar ah oo leesku haleen karo dowlad waxey guuleysataa marka ay shacabka ay dowlada u tahay ka tala qaadato wixi sax ahna ka qaadato wixi qaldana ku diido waan hambalyeynayaa mudane fiqi iyo madaxda sare oo maanta aan dhihi karno waa raggii Somalia heer gaarsiin lahaa wadajirka ayaan wax ku noqon karnaa iyo tala wadaagiada wasiiradda kale ee dalka waxaan. Ka jeenaa sidaan oo kale in markasta ay talo iyo tusaale dhaliin iyo bogaadin intaba diyaar u noqdaan
    Warbaahinta qarankana waan u mahad celinayaa
    Somalia allaha barakeyo ha waarto Somalia guul insha Allah

  2. Cabdifitaax says:

    Asc wow masha alaaah waan sodhowaynaynaa tilaabada gesinimada leh ee wasiirku u kula heshiiyay turkiya, waxaana leyahay hanoqoto mid wax tar kudhisan o dhab ah cimadana hadad dhistaan waad guleysaten hadi kalena waad qasaarten cidanku hadu helo qalab ku filan taangiyo iyo diyaarado iyo qalbka kale sida isgaarsiinta iyo hubka yar yar iyo gaadiid iyo dhaqaalo wlh wala hubaa wax wayn inay qaban karaan welibana laga maarmayo kuwa shisheye mudane wasiir e kudadal taas mahad sanid

  3. jamac Xsan says:

    Guuleyso jaalle Wasiir sida sharafta leh uga jawaabta soo’aalaha waad ku mahadsantahay iyo saad u jeceshahay in Wadanka xuroobo guuleyso oo Gaashaankaaga naloomakeeno




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013
DSC03786

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga oo Galabta booqday Meelo dalxiis iyo Xarumaha Sports-ka ee Raacsaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiin ...
DSC00908

DAAWO SAWIRRADA;-Sida Ay Shacabku Ugu Damaashaadaan Xeebta Liido Maalmaha Aan Jimcaha Aheyn

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
PM AU (4)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
20130518_141000

DAAWO SAWIRRADA:- Bandhig dhaqamed ay ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Turkiga

Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
shabaabaaa-620x330

Haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo boob ku haya xoola dhaqatada G/Hiiraan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 22.05.2013
naafada

Naafada danyarta ah ee ku nool degmada Dhuusamareeb oo gargaar loo geybiyay

Deeq Raashin gargaar ah  ayaa maanta loo qeybiyay ...
k 1

Bukaanada jiifa cisbitalka Keysaney oo loo qeybiyay deeq lacag ah”Sawirro”

Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
kulanka baarlamanka

Baarlamanka oo maanta kulmay iyo mudanayaasha oo dib uga laabtay mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
Fiqi

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo la kulmay madaxweynaha dalka Sudan.

Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka Subax ee Radiomuqdisho

War Subax Arbaco 22-05-2013
Qadar 10

Shirka Isku-imaatinka 13-aad ee Doha oo maanta la filayo in lagu soo gabagabeeyo magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
r

Maamulka Galmudug oo ganaax lacageed dul dhigay Gawaari ay ku rarneyd Dhuxul laga jaray deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka beeraha iyo xaanaanada xoolaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ...
DSC01526

“Daawo Sawirrada”Gudoomiyaha gobolka Hiiraan kormeerkii uu ku tagey Deegaanada Ceelgaal iyo tuulooyin kale oo katirsan gobolkaasi.

Booqashadaan oo ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdi ...
nn

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta bilaabaya dooda Mooshinka laga keenay xukuumadda.

Kulankan oo ay maanta yeelanayaan xubnaha golaha shacabka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
elman

Isku aadka tartanka CECAFA Kagame Club Cup oo lasoo saaray

Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 21-May-2013
DSCN6980

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Koonfur Afrika oo ka shiray Arimo Muhiim ah “SAWIRRO”

Kulan ay si wada jir ah ugu qeybteen ...
afhayeenka amisom

Ciidamada AMISOM oo sheegay iney guri guri u baaridoonaan Muqdisho

Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Duhur

WAR DUHUR 21.05.2013
1

Baarlamanka oo maanta ansixiyay miisanadiyadda Sadexdii Bilood ee ugu dambeeyay sanadkii hore

Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada  Sadexdii bilood ee ...
odayaasha-hawiye

Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamanka oo ku baaqay in laga naqdo mowshinka laga keenay xukuumadda

Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
IMG_0165 2

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo abaalmarinno guddoonsiiyay wariye iyo Cameromanno ka tirsan SNTV”Sawirro”

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
DSC00586

DAAWO SAWIRRADA:- Dibadbax lagu tageerayo waxqabadka ay xukuumaddu muujisay oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
IMG_3133

DAAWO SAWIRRADA:- dib u dhis xoog leh oo laga dareemayo Gaalkacyo

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
TubtaToosan1

Shirkii London iyo diidmada Al-Shabaab-DHAGEYSO

Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka Subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 21.5.2013
baladweyne1

Maamulka G/hiiraan oo amar ka soo saaray dadka wata hubka iyo dharka shacabka

Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
images

ciidamada dowladda oo howlgal ka wado qeybo ka mid ah dagmooyinka G/banaadir

Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
BOQASHADA  MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN (1)

Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo oo ka soo horjeestay maamulka looga dhawaaqay Kismaayo

Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Fatwo

Horjoogayaasha Shabaab oo Godane Cambaareeyay!

Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...

*