Munaasabad ballaran oo lagu soo gebo gebeynayay Tababar u socday ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga tababarka ciidammada ee Bihaanga iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin k atirsan dowladda soomaaliya uu hogaaminayay Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise.
Munaasabadani oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Sareeye Guuto C/qaadir Sh cali Diini, Safiirka Soomaaliya ee Uganda ambassor Sayid Axmed, General Maxamed Xaashi , wasiirka Gaashaandhigga Dalka Ugandha Dr Crispas Kiyonga,Taliyaha ciidamada lugta Uganda, Idward Katumba wamala, Taliyaha ciidamada amisom,iyo ku xigeenkiisa, wakiillo ka socday dowladaah midowga reer yurub uu kmaid ahaa safiirka Yurub ee Uganda Danjire Rpopert Redolf iyo martisharaf kale.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammadda Xoogga dalka iyo kuwa dalka Uganda oo isku dhaf ah,waxaana goobta ay ciidamadu kusoo bandhigeen gaada ka cayaar ay si weyn ugu riyaaqeen madaxdii kasoo qeybgashay munaasabadda lagu soo gebogebeynayay tababar muddo 6 bilood ah u socday ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Munaasabadaasi hadal ka jeediyey ayaa kula dar daarmay Ciidammada inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda isagoo madasha xaflada ka ballan qaaday inay Dowladdu diyaar u tahay inay bixiso waxasta oo ay u baahanyihiin ciidammada.
Sidoo klae Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Gen C/Qaadir Sh Cali Diini oo isna ka hadlay goobta ay xafladdu ka dhacday ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamadaasi iyagoo qalabeysan uga howlgali doonaan gudaha magaalada Muqdisho.
Ambasador Ropert Wakiilka midowga yurub ee qaabilsan tababarka ciidamada ayaa waxa uu ballan qaaday inay sii wadayaan dadaallada ay ku raadinayaan soo celinta xasilloonida iyo kala dambeynta soomaaliya isalamarkaana uu Midowga Yurub sii wadayo tababarka uu siinayo ciidamdada Xoogga.
Dhanka kale Wasiirka Difaaca dowladda UgandaDr Kiyonga ayaa isna ballan qaaday in dowladda Uganda ay mar walbo garabkeeda taagantahay dowladda Soomalaiya isagoo farta ku fiiqay inay diyaarinayaan ciidammo kale oo ay dowladiisu u direyso soomaaliya.
Waa dufcaddii Afaraad ee ka tirsan ciidamada Xoogga oo tababar heer sare ah loogu soo gebogebeeyo dalka Uganda iyadoo tababarkaasi ay gacan ka geysatay bixintiisa dhaqaalaha ku baxaya Midowga Yurub waxaana ka faa’iideystay tababaradan ku dhowaad 1000 Askari oo ka tirsan xoogga dalka kuwasaoo diyar u ah inay difaacaan Dalka, Diinta iyo Dadka.
HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA.
Maxamed C/qaadir Daahir (MCD) Kampala,Ugandha
aad baan ugu hanwayn nahay
waan qiirooday waa calaamad rajo i galisay wsc wrm wbr
ciidammo Xoogga Dalka waxan i din rajay naa nasiib wacan iyo xor nimo insha allah next year soomaalia oo nabad ah
Asc/ Maashaa Allaah ayaan leenahay CXD Soomaaliyeed, waxaanna ka rajayneynaa inay noqdaan kuwo dalkooda, Diintooda iyo dadkood aba anfaca Aamiin, waxaan kaloo u mahad Allaah (SWT) marka kale waxaan abaal u haynaa cidkasta oo na garab istaagta waqtigaan aan tabarta yarnahay .
BAL EEGA SID AY NABADU U QURUX BADAN TAHAY
ARIMAHANI MAANTA KA SOCDA MUDISHO WAXAY INOO IFTIIMINAYAAN IN WAX WEYNI DALKA ISKA BEDELEEEN WAXAA LOO BAAHAN YAHAY SIDII LOOGA QAYB QAADAN LAHAA HORUMARKA IYO NABAD GELYADA DALKA
asalamu calekum subax wanaagsan bahda radio muqdisho waxan aragna gabar somali ah oo millitery ah tababar uso dhamaadey waa arin aad loogu farxi karo lana taageeri karo thanks our forces,s country
gooooooooooooooooooooooooooal! — waa guul usoo hoyatay ummada soomaaliyeed