Wasiirka arrimaha gudaha oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Suudaan
Published on January 2, 2013 by Canab · 1 Comment · 1,014 views
Wasiirka arrmiha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi wax ayna isku afgarteen arrimo ay ka midyihiin tababaro loo fidinayo ciidamada Booliska Soomaaliya iyo maamulada gobollada dalka.
C/kariim Xuseen Guuleed wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya oo socdaal shaqo ku joogo dalka Suudaan ayaa magaalada Khartuum kulan kula yeeshay dhigiisa dalkaasi iyagoo ka wada hadlay sidii ay dowladda Suudaan gacan uga geysan laheyd hormarinta ciidamada booliska Soomaaliya iyo sidii tababar loo siin lahaa.
Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhigiisa dalka Suudaan ay ka wada hadleen sidii ay tababaro u siin lahaayeen saraakiisha booliska, ciidamada, waaxda hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha iyo sidii ay dowladda Suudaan gacan weyn uga geysan lahaayeen tababar loo fidinayo ciidamo gaar ah kuwaas oo loogu talagalay in ay si gaar ah u sugaan amaanka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi ku daray in dhigiisa dalkaasi ay ka wada hadleen sidii loo sii ambaqaadi lahaa heshiisyo hore iyo kuwo cusub oo lagu soo kordhinayo kii hore, isagoona xusay in kulanka uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarada.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka mid ah wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo mudo laba maalin ah socdaal ku joogo dalka Suudaan.
WARKA SUBAX 18.6.2013
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa boob u ...
Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddo Bil ah ...
Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon ...
Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish ...
Dadka soomaaliyeed ma yihiin dad la xukumi karo ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Madaxweynaha Cusub ee isbedel doonka ah ee Dalka ...
Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay awood milatari ...
WAR HABEEN 17-06-2013
Ardayda jaamacadda Plasma ayaa maanta lagu talaalay xarunta ...
Iyadoo tartanka CECAFA Kagame Club cup lagu wado ...
Kulankan wadatashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay ...
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ...
war duhur 17.06.2013
Wafdigan uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan ...
Taliayah hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Soomaaliya ...
Mas’uuliyiin ka titsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ...
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee soomaaliya ...
Shirkii Hogaamiyaaha wadamada G8ka oo maanta ka furmay ...
Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika iyo Haweenka ...
Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ...
WARKA SUBAX 17.6.2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Ciimada ammaanka ee dowlada ayaa saaka howlgalo dad ...
Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ku ...
Waxaa Xalay Magaalada Denhaag ee wadanka Holland lagu ...
Ururka ay ku mideysan yihiin guddiyada Olombikada wadamada ...
Qaraxyo ah oo loo adeegsaday gawaari laga soo ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshado cusub ayaa ka qarxay magaalooyinka Ankara iyo ...
WAR HABEEN 16.06.2013
Ardayda iyo macalimiinta Jaamacadaha Dalka, Cuuryaamiin,Haweenka Soomaaliyeed,Ururrada Bulshada ...
Wafuud isugu jirto wasiirro iyo aqoonyahano ka kala ...
Soomaaiya sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...
Sanadkii 1963 ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta ...
Dowladda waxaan usoo jeedinaynaa ammaan balaaran, waxaan u aragnaa inay u shaqeynayso sidaan rabnay, ilaahayna ka baryeynaa inuu guuleeyo dalkeenana noo dhiso! Walaalaha soomaaliyeedna waxaan leenahay codkiina ku biiriya nabadda iyo qarannimada, dulli iyo gunnimo waa soo aragnay maanta waxaan higsanaynaa nabad iyo horumar. Qofkasta wuxuu dantiisa ku gaarikaraa qaranimada iyo gobanimada kala qoqob iyo gunnimo dambe maya maya maya.