Wasiirka arimaha gudaha oo maanta xariga ka jaray xarun cusub oo ay yeelatay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaliya”Sawirro”
Published on January 13, 2013 by Gaani · 15 Comments · 8,112 views
Munaasabadan xariga looga jarayay xaruntan cusub ee waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaliya oo Maanta lagu qabtay garoonka diyaaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho ayaa Waxaa ka qeybgalay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo jinsiyadaha Gen.C/laahi Gaafoow Maxamuud danjiraha dowlada Japan ugu Qeybsan Soomaaliya iyo mas,uuliyiin kale.
Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen.C/laahi Gaafoow oo ugu horeyn goobta Kahadlay ayaa sheegay in hay’adda IMO ay hirgelisay xaruntan islamarkaana ay gacan ka geysatay Dowlada Japan waxa uuna xusay iney qeyb weyn ka qaadan doonto howlaha garoonka iyo dadka Imaanaya iyo sidoo kale kuwa ka duulaya.
Danjiraha dowlada Japan u qaabilsan Soomaaliya oo isna goobta kahadalay ayaa tilmaamay in howshan Ay mudo ka shaqeynayeen islamarkaan ay dowlada Japan diyaar utahay sidii loo horumarinlahaa Hay’adaha dowlada ee mudada kabadan 22 sano ku burburay dagaaladii wadanka kasocday.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo xariga kajaray Xaruntan cusub ayaa u mahad celiyay cid kasta oo gacan kasiisay waaxda socdaalka howshan iyo Maamulka waaxda socdaalka Soomaaliyaba isagoo intaa ku daray in waaxda socdaalku muhiimad gaar Ah uleedahay dalka maadama loo bahaanyahay in la hubiyo dadka soo galaya dalka iyo kuwa ka sii Duulaya maadama xiligan uu isbedel weyn ka dhacay dalkeena oo ay kordheen dadka kusoo qulqulaya.
Ugu danbeyntii wasiirka ayaa kusoo wareegay qeybaha ay kakoobantahay xaruntan maanta xariga laga Jaray oo wax weyn ka bedeli doonta howlaha garoonka diyaaradaha maagalada mqudisho.
Horumaro waaweyn oo dhinac walba leh ayey gaartay sanadihii ugu danabeeyay magaalada Muqdisho Iyadoo dowlada Soomaaliyana ay dhexda u xiratay sidii ay wadanka ugu soo celin laheyd heybadii uu lahaa intii aanan burburin kahor.
























Photo by. Canab Maxamed Barqadle
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
WAR DUHUR 23.05.2013
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
WARKA SUBAX 23.5.2013
Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka South Africa ...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
WAR HABEEN 22.05.2013
Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin ...
Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
WAR DUHUR 22.05.2013
Deeq Raashin gargaar ah ayaa maanta loo qeybiyay ...
Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...
War Subax Arbaco 22-05-2013
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wasiirka beeraha iyo xaanaanada xoolaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ...
Booqashadaan oo ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdi ...
Kulankan oo ay maanta yeelanayaan xubnaha golaha shacabka ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
waa wax aad loogu farxo, lakiin maxaa kenay in meel kasta oo la furayo loogu qoraa luuqada gumeystaha ,aaway afkeeni hooyo oo ahaa af soomali,
as dhmn waa wax luku farxo markasto siidan guul markasto insha alaah
maansha alaaha waxaa ladhihi karaa soomalia horumar ayay gaartay,dhamaan madaxda wadanka iyo umada nabada jacelba oosoomaliyeed waxaan leeyahay hanbalyo iyo horumar iyo kaladabeen iyo nolal cusub dowlad cusub oo waxgal ah.alaha naga qabto nabad diidka iyo alqaacidaba,ishiibugtaay kubikaacso ayaan leeyahay
masha allah allow noo siyadi nabada iyo guulaha ay umada soomaliyeed garayan
Maaaaaaaaaaasha alaaaaah
Waa arin lagu farxo ilooow inta no harsan inoo dhamestir. Insha alaaaaaaah
Waa guul maashaa alaa Somalia ha noolaadto.
masha allaah allow noo siyadi nabad iyo waxqabad ka iyo nimcad
1.warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada qaranka oo ku qornaa afka ingiriisiga.
2. national intelligence nd security agency
3. imigiration ceremeony of new somalia.
grty dalkii wuu burburey maanta waakana wuu hagaagey, lknse luuqadii wey burburtey maaantana waa looziyaadiyey burburkii, hadi la gu heshiin lahaa luuqada 2aad ee somalida ku hadasho wa english haa waa war lkn dawladii hadey sidan sameyneyso wxn u arkaa xayeysiin iyo iidheh luuqada engliishiga.
aad ayn ugu faraxsanhy horumarka dalkeyga illaah ha inioo ziyaadsho aamiin
Maasha alaah guuul weyn waaye oo usoo hoyatay umada somaliyeed meel walbo ee jogaan waaku farax sanahay guusha aan gaarnay alloow nosii siyaadi nabadda aan hafda haasano amiin amiin
waa wax lagu farxo balse sida qof iga horeeyaba u sheegay away luqadii umadda somaliyeed ee afsomaliga englishku muxuu yahay war wadaninimo muujiya
maaasha alaah waaxaha jisiyadaha dalalka waa shaqeeyaan taasne ineey shaqeeso ayaaa loobaahanyahay
masha allaha alow no siyadi amiga wadankeena
qof banaan jira ayaa garan qiimaha wadaniyada
waa wax lagu farxo in maalin walba la furo xarun cusub si dib loogu noqdo dhabihii runta ahaa iyo in ay hesho ummadda soomaaliyeed xarumo loogu adeego danaha ummadda
Yasalam
maashaa allaah hambalyo guul guul guul…