Wasaaradda Warfaafinta Oo Waqti Kama Dambeys Ah U Qabatay Shirkadaha Isgaarsiinta,Internetyada Iyo Idaacadaha Iney Iskusoo Diiwaan Geliyaan
Published on June 30, 2012 by Jayte · 5 Comments · 4,410 views
War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waqti kama dambeys ah loogu qabtay iney iskusoo diiwaan geliyaan shirkadaha Isgaarsiinta,Internetyada iyo Idaacadaha magaalada Muqdisho.
Warqad qoraal ah oo maanta kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri:-
Iyadoo la fulinaayo siyaasada guud ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta ee la xiriirta ilaalinta nidaamka adeegyada Isgaarsiinta, Warbaahinta iyo Internet-ka, beekhaaminta ilaha dabiiciga ah ee Hirarka Isgaarsiinta ee kooban, dhiiragalinta ganacsiga furfuran iyo tartanka suuqa ee dhamaan Shirkadaha soo bandhiga adeegyada Isgaarsiinta, Teknoolajiyada Internetka iyo Warbaahinta.
Iyadoo Wasaaradu ku howlantahay wax ka qabashada cabashooyin isi soo taraya oo ku saabsan istcimaal sharci daro ah ee qeybo ka mid ah Hirar-Raadiyaha, Lambarada Isgaarsiinta Soomaaliya.
Iyadoo loo hogaansamayo qodobka (26aad) ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee qeexaya in shirkad iyo shakhsi uusan ku shaqeysan karin ama bixin karin adeeg Isgaarsiineed, Inernet, iyo Warbaahin iyadoo la isticmaalayo Hirarka Isgaarsiinta ee Raadiyaha haddii uusan Ruqsad (License) ogolaansho ka heysan Wasaarada.
Haddaba waxaa la farayaa dhamaan Shirkadaha iyo Shakhsiyaadka qabta adeegyadaas kor ku xusan ee aan haysan Ruqsadaha shaqo in ay la soo xiriiraan Waaxda Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada ee Wasaarada si ay isku diiwaan galiyaan, una helaan Ruqsad si waafaqsan sharciga ka hor maalinta Khamiista ah ee ay taariikhdu tahay 05-07-2012.
Ciddii aan u hogaansamin amarkan kor ku xusan waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.
Waaxda Isgaarsiinta & Teknoolajiyada.
Wasaarada Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta
Wadada Jamhuuriya,
Tel: + 252-62747286/+252-615529276
info@mipt.gov.so
DHAMAAD
WARKA SUBAX 18.6.2013
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa boob u ...
Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddo Bil ah ...
Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon ...
Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish ...
Dadka soomaaliyeed ma yihiin dad la xukumi karo ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Madaxweynaha Cusub ee isbedel doonka ah ee Dalka ...
Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay awood milatari ...
WAR HABEEN 17-06-2013
Ardayda jaamacadda Plasma ayaa maanta lagu talaalay xarunta ...
Iyadoo tartanka CECAFA Kagame Club cup lagu wado ...
Kulankan wadatashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay ...
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ...
war duhur 17.06.2013
Wafdigan uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan ...
Taliayah hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Soomaaliya ...
Mas’uuliyiin ka titsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ...
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee soomaaliya ...
Shirkii Hogaamiyaaha wadamada G8ka oo maanta ka furmay ...
Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika iyo Haweenka ...
Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ...
WARKA SUBAX 17.6.2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Ciimada ammaanka ee dowlada ayaa saaka howlgalo dad ...
Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ku ...
Waxaa Xalay Magaalada Denhaag ee wadanka Holland lagu ...
Ururka ay ku mideysan yihiin guddiyada Olombikada wadamada ...
Qaraxyo ah oo loo adeegsaday gawaari laga soo ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshado cusub ayaa ka qarxay magaalooyinka Ankara iyo ...
WAR HABEEN 16.06.2013
Ardayda iyo macalimiinta Jaamacadaha Dalka, Cuuryaamiin,Haweenka Soomaaliyeed,Ururrada Bulshada ...
Wafuud isugu jirto wasiirro iyo aqoonyahano ka kala ...
Soomaaiya sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...
Sanadkii 1963 ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta ...
Asc waa wax loo baahan yahay in sharciga loo hogaansamo qofkii u hogaansami waayana sharciga lagu qaado ilaah dowladena ha inoo taamyeelo Aamin
Asc salan kadib waa wax fican in amarka lo hogansanado
amar waa fiican yahay away fulin
Asc,wan ku farax sanahay hadal ka ka sôo baxay wasarada warfafinta,wana arin aad kala sôo dahdeyn bulshada,marka wax badan ka qabta wadanka faraha ayu ka baxay, yanan lagu xadgub dadka qofki ku xadgubbo sharciga halaga qaado talabta ku habon amar diid madisa iwm ah .
Wasarada warfafinta bostada iyo is garsinta waxan leyahay go ankinu wan ku faraxsanahay wana so dhaweyneyna e wax ka qabta kuwa an sharciga u hogansameynin waxana idinkula talinaya in at isbadal no kentan dowladnimadu wa muhim e alow tager