Saturday, July 12th, 2014

Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegtay in ay dib u dhiseeyso ciidamada Cirka Somalia

Published on October 14, 2012 by   ·   22 Comments  ·   4,629 views

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socda qorshe lagu howlgalinayo ciidammada Cirka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale sharraxaad ka bixisay qorshaha mustqabalka ee wasaaradda difaaca kuna aaddan xoreynta dalka iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xiggeen ahna wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Xuseen Carab Ciise oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshayaasha wasaaraddiisu ay ku jirto sidii dib loogu unki lahaa ciidammada Cirka Soomaaliyeed oo qeyb ah kuwa xoogga dalka, isagoo intaa raaciyay kaddib markii ciidammad Xoogga oo kaashanaya kuwa AMISOM ay si awood ah kula wareegeen garoonka diyaaraha ee Billi-doogle oo ay lahaayeen ciidammada cirta dalka.

Waxa uu sidoo kale Wasiirka difaaca sheegay in dhawaan ay rajeynayaan in garoonka Billi-doogle uu noqdo mid ku soo laabta sidiisi hore, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in cunaqabateynta laga qaado Soomaaliya, si loo dhammeystiro dhismaha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxa uu intaa raaciyey in dhawaan la isu furi doono gobollada dalka, qorshahaasina ay wasaaradda Gaashdhigga diyaarisay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in xoreynta gobollada dalka ay barbar socdaan gurmadka loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay muddada gumeysiga ku hayeen Malleeshiyaadka Al-Qaacidda,  taasina ay dowladda Soomaaliyeed ka go’antahay.

Xuseen Carab Ciise wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu bishaareeyay shacabka ku sugan deegaannada ay haraadiga ku yihiin malleeshiyaadka Shabaab in dhawaan ay xorriyaddooda  u soo celin doonto dowladda Soomaaliyeed,  iyagana looga baahan yahay in aysan niyad jabin oo ay garab istaagaan ciidammadooda, si loo bur burriyo cadowga umadda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay qorsha howlleed baaxaddiisa weyntahay, kaddib markii ay u dhabar adeeygtay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Qaacidda, iyadoo mararka qaar ay jiraan daruufo adag, balse taasi ay ka muhiimsantahay guusha ay gaarsiiyeen ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed guud ahaan gayiga dalkeenna, waana ciidammada had iyo goor difaaca Calanka Jamhuuriyaddeena iyo Jiritaanka ummaddooda.

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-


Yurub                         +442035190460


USA & CANADA       +14156550815

Readers Comments (22)

  1. Hamza says:

    asc. bahda radio muqdisho iyo dhamaan umadda soomaaliyeed.. waa arrin fiican in lasoo celiyo ciidankii cirka ee soomaaliya laakiin waxaan kula talinayaa dawladda inay dadka ciidanka u noqonaya ay ka dhisto dhinac kasta..dhanka diinta, dhaqanka wanaagsan oo yaan loo adeegsan dano gaar ah ama qabiil sidii loogu adeegsaday 1988 markii ay burburiyeen caasimaddii labaad ee umadda soomaaliyeed iyagoo ku andacoonaya inay jabhadi ka dilaacday ay ku gumaadeen kumanaan qof. ilaa haddan raadkoodii kasii muuqdo magaalada hargaysaa..

  2. Hamza says:

    wuxu yidhi pilote ka tirsanaa ciidanka cirka oo Axmad dheere la yidhaa.. inta bali doogle laga soo diray ayaa lagu yidhi hargaysa weerar ku qaad, markaasuu yidhi (dadkaa difaac diidi maa.. dalkaa duqee dooni maa) diyaaradiina wuxu ka dajiyay jabuuti. halkaas oo wadamada yurub iskaga dhiibay qaxoonti nimo…dadkaasi oo kale ayuu ciidanka cirku u baahanyay. laakiin niman sida ayga looosoo diro dano gaar ah wada inama anfacayaan waa waxa halkaa ina dhigay..

  3. Dr wadani says:

    Fadlan radiomuqdisho anigaaa doonayo inaa ka mid naqdo iga soo waco teelkan da”deydo 22 jir waxaa ku dhashey muqdisho waxaa dugsiga sare uga baxay isla muqdisho hadii la diiwaan galinayo piolotyada miigaga haleyga soo waco ambarkan waxaa joogaa south afrika imanka weligeey ayaa jeclaa inaa ka mid naqdo inaa hawada somalia ku qoro somalia anigooo isticmaalayo qiica miiga fadlan…..+27737324659 waa nambarkeyga wakhtigii loo baahdo ma ihi nin balwad leh.nadiiif ayaa ahay waxaa rajeeynayaa inaa codsigeyga u godbi doontaaan in sha alah

    • Cabdulkhaadir Jaceylka says:

      Wallaal Dr. Wadani waxaan rabaa in aan kuu sheego ah in aad arjigaagga u dirto wasaaradda Difaaca ama Gaashaandhiga, weeyna fududahay jawaabteeda, sababtoo ah dhalinyaro badan oo jeclaay in eey waddankooda difaacaan ayaa halkaani ka tegey loona ogolaadey araajidooda oo kala ahaa Kamid noqoshada ciidamada :- Kaaristaha, Altelirida, Komaandooska, difaaca Cirka, Badda, Enventeriga, duuliyayaasha. Marka Arjigaaga ku hagaaji Wasaaradda gaashaandhiga. Haddaa qaasatan Madaxtooyada. wabillaahitowfiiq. Soomaaliya ha noolaato hana israacdo

  4. Baabul says:

    Thanks Guuleystayal, really waad naga haqabtirteen newska. Aad bey ufiicantahay in dib loo unko awoodii Ciidanka cirka somaaliya, diyarna waan unahay inan kamid noqono ama aan lashaqeeyno with out getting a cent, sababto ah ayagaa ah hurumarkeena. Waxan ka codsanayaa dowladdeena soo xulista ciidanka qaranka iney base ugu dhigaan education, hadii uu educated yahay wow garan karaa the bad and good.
    Su’aal kuwa jahan Ciidamada Badda. Since dib loo dhisay ciidanka badda, ma aanan arag horumar iyo xitaa maqalkoda oo kalumay dhagahanaga, marka wali ma jiraan? Hadii ayjiraan maxan umaqli la’nahay hurumarkooda iyo meshey wax umarayaan?

  5. sadaq says:

    masha alah ilahay wadanka ka noo ilalsho ilahayna dhalinyaradena ha garadsiiyo in ay leyihiin wadanka ugu qiimaha badan adunka dhabtii waligay waxan ku hamin jiray in an noqdo ciidan dowlad ma jecleen waligay in an qato qori balse hadii wadankayga uu noqdo wodlad iyo hogaan muwadin ah axdi ayan ku maray in an difaaco oo an u dhinto calankayga hadan nasiib leyahay ilahay ha ii rumeyo ciil badan ayaa nala baday africa way nagu dul socotay caloshiis u shaqayste waa nagu danaystay hooyoyinkenii way ilmeyeen gabdhehenii iyo wiilashenii waxay ku xiran yihiin xabsiyaal ma dhici doonto insha alah sanadaha sosocda somalia ha nolato

  6. Khadar says:

    Manshaa Allah, waa wax lagu farxo, in ladhiso ciidanka cirka,Allah anoo fududeeyo waanu ku mahad sanyahay Wasiirka Gaashaandhigu shaqada fiican ee uu uhayo umadiisa iyo dadaalka uu muujiyo had iyo jeer, waxaan leenahay Allah akuu dhib yareeyo’ Keep it up.

  7. Jecliyaa guusha xooga dalka iyo raja soo celinta shacbiga somaliyeed, ciidamada xooga oo dhisan cid nasoo haweysan laheyd ma jiri laheyn umadeena Marka ay marayaan aduunka waxa si gaar ah loo xushmeyn jiray madelkeeda manta la rafaadinaa ayna ugu daran yihiin kuwii Aan garbaha soo qabanay oo aan barbaarinay marka Somalia guul cadawgeeda ha jabo (long live somali forces)

  8. Ugu horeen waxaan salan hawada umarinayaa shaqaalaha R,M, marka xiga waxaan kacodsanaa wasaarada gaashaandhiga hadii eey ubaahantahay ciidamada cirka ama eey bilaawdo qoris beeyloot anigoo ah c,fitaax nuur iimaan waxaan jeclahay inaan kamid noqdo ciidamada cirka hadii leey baahdo waxaa leeyga helaa tell,+211955385420 south sudan_ juuba R M waxan idinka codsanaa inaad noo soo qortaa lambarada xafiisyada diiwaangalinta ciidamada ama aad codsigeeyga gaarsiisaan mahadsanid radiomuqdisho

  9. Mohammed says:

    Mashallah guul

  10. Xuseen xaji says:

    Asc dhamaan umadda soomaaliyeed waa muhiim in dib loo so celiyo ciidamada cirka soomaaliyeed waxaana ka codsanayaa inay dowlada xooga saarto sidii udhisi laheyd ciidamo soomaaliyeed oo awood leh si looga maarmo ciidamda shisheeyaha ah ee wadanka ku sugan

  11. Mohamed says:

    waa wax fiican in ladhiso ciidamada cirka
    balse yaa laga dhigaa
    makuwaan joogaa mise waa koox kale?

    soomaaliya hanoolaato,hana jirto
    horumar iyo barwaaqo soomaalya
    soomaaliya ha,israacdo

  12. fahmo says:

    ascw walaala yaal waxan ahay gabar somaliya wadaniya waalaal jecel wadan jecel waalid jecel dowlad cadaalo ah jecel fadlan waxan dooni inaa metelo taariikhdii duuliyada caanka ahay oo noojooto weli ilaah cimri dheer ha siiyo asli caada oo aad wada ogtihiin geesiyada somaliya waxana joogaa anoo matali doono walaashey asli wadanka imaaratka carabta waxan ahay jaamiciyad inaan nodo sida ugu dhaqsida badan duuliyad somaliya fadlan iimaylkan iga la sooxiriira————————-sumaya-xaaji@hormail.com wabilaahi towfiiqa ascw

  13. fahmo says:

    waan gafay waa asli caabaada ascw

  14. Dr Aden says:

    anigoo ah dhaqtar somaliyeed aad ayaan ugu farxay hadalka kasoo yeeray wasiirka.waxaan aad u daneeynayaa inaan kamid noqdo ciidamada xoogga dalka somaliyed.waxaan ka codsanayaa radiomuqdisho inaan helo e-mailka wasaaradda gaashaandhigga si aan arji ugu qorto.waxaan deganahay Uganda.

  15. Amin says:

    MAGACAYGU WAA CABDI 17 JIR, WAXAAN KU DHASHAY SOMALIYA LAAKIIN WAXAAN WAX KU BARTAA WADANKA HOLLAND. WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY DIB U DHISKA C.CIRKA INKASTOO AY NA SAARANTAHAY CUNAQABATAYN DHINACA HUBKA AH. WAXAAN RABAY INAAN KA MID NOQDO CIIDAMADA ANIGOO XITAA 10 SANO GAARIN OO MAALIN KASTA WAXAAN SUGAAYAY WAR KAN LA MID AH ILLAA AAN GOAANSADAY INAAN CIIDANKA CIRKA NETHERLAND KU BIIRO SI KUMEEL GAAR AH LAAKIIN SOOMAALIYA AYAAN JECLAHAY UMADAYDA INAAN DIFAACO AYAAN JECLAHAY. DUULIMAADKANA WAA TALENTIGAYGA. MAHADSANIDIIN.

  16. jacfar says:

    waaa war lagu farxo waxaan diyaar unahay inaan difaaca dalka diinta iyo dadka kaqeybqaadano anagoo kafogaaneyna dhibaateynta dadka diinta dalka

  17. Amin says:

    dadka anni ila mid ah ee jecel inay noqdaan duuliya waa inay buuxiyaan shuruudo la mid ah kuwaan.
    _waa in aadan ka waynayn 26 jir xilliga billowga dirista araajida
    _waa in aragtida indhahaada ay wanaagsanyihiin
    _waa inaad haysataa shahaaddo u qalanta shaqada
    _waa inaad jir ahaan u adag tahay, si aad uga gudubtid tabarada military iyo g/force
    _Dyslexia waa inaadan qabin

    _ka dheereyn 193 cm. kana gaabnayn 163 cm

    ps. waxaan kasoo qaatay webka ciidanka cirka Netherland laakiin tan soomaaliyana wa ay isku ekaan doonaan maadaama tababarada ay isku mid yihiin. igala soo xiriir izi_amin_13@hotmail.com wixii suaal ah. Mahadsanid

  18. Abdi says:

    Walahi wan ooyay markan maqlay warkan.. Ilahayo noso celi sharaftenii aad iyo aad ban uso dhawenaya warkan waxan kunolahay america usa wana jeclahay inan wadankayga ushaqeyo xata free ilahayo somaliya nabad iyo cadalad kadhali inan aamarkan imado ban raba xamar in sha alah

  19. Jabra ajay says:

    Mahad waxaleh ALAAH kabacdi mahad waxa leh ragii isku dayay in lasoceliyo cidanka cirka ee somaliya hadanu nahay dhalin yarada somali ee qurbo jogta diyay ayan unahay wax walbo dowlada ay ubahantahay ani ahay dhigeyga iyo dhcankeyga ayaan uhura dalkega iyo dadkeyga marabo hada ka bacdi qurbo marabo

  20. Jabra ajay says:

    Waxan asasi rabna dhalin yaro layirahdo alfa gurub amerika ooka cawindona cidanka xds hadad dalka jeceshahay nagala so xarir F C P K IYO hotmail ka jibriilcadow ok

  21. Wan ku faraxsanahay in la dhiso ciidanka cirka somaliya lkn waxan jeclan lahaa in laga dhigo ciidan tayaysan ardayda Jaamacadaha iyo kuwa Dugsiyada sare madama aysan aqoon wax musuq maasuq ah lkn hadii laga dhigo ciidan Mooryanti dalka soo bur burisay waxaa ogahay inuu dalka faraha u galayo wax logu magacdaray Al QA’EDA




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

dhuxulow

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay.

 Mogadishu, 12 July 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane ...
2

Deegaanka Garasbintow Oo Laga Hirgalinayo Adeegyo Caafimaad Iyo Waxbarasho “Sawirro”

Deegaanka Garasbintow oo hoos yimaada degmad Balcad ee gobolka Shabellada ...
gaalkacyo-11

Kulan Lagu Tageerayay Isbedelka Dowladda Ay Ku Sameysay Hogaanka Hey’adaha Ammaanka Oo Gaalkacyo Lagu Qabtay

Kulankani lagu taageerayay isbedelka Dowladda Soomaaliya ay ku ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-SUBAX-12-7-2014.mp3"][/audio]
Tartan Cilmiyeedka

Guuleystayaashii ugu dambeeyay ee Tartan Cilmiyeedka sanadkii tegay oo caawa laga adkaaday

Tartamayaasha degmooyinka Dayniile VS Dharkeenleey oo ka wada ...
tgy

Ambassador Cali Ameriko oo Deeq Lacageed Gudoonsiiyay Muxiyidiin Canbar Khamiis “SAWIRRO”

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-HABEEN-11.07.2014.mp3"][/audio]
1

Olole wax lagu barayo dadka miyiga oo ka socda deegaano ka tirsan Ximan iyo Xeeb “SAWIRRO”

Ololaha akhris iyo qoris la'aanta looga hortagayo ee ...
dhuusamareeb

Maamulka Degmada Dhuusamareeb oo amar adag ka soo saaray gaadiidka Muraayadaha madow

Mas’uuliyiinta degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa amarro ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-11.07.2014.mp3"][/audio]
vlcsnap-2014-07-11-15h31m04s209

Qoysas barakacayaal ah oo la sameeyay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah

In ka badan 200 oo qoys barakacayaal ah ...
Taraafiko

Taliska Ciidanka Waddooyinka oo baaq u jeediyay ganacsatada gaadiidka iibisa

Taliska ciidamada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafikada  ayaa  ...
IGAD_logo1-300x3001

Urur Goboleedka IGAD oo hay’adaha ammaanka dalka ku amaanay ka hortagga falalka argagixiso

Urur goboleedka IGAD ayaa bayaan ay soo saareen ...
DSC08520

Sh. Cismaan Xiddig Oo Dalbaday In Laga Caawiyo Dhameystirka Masjidka Macaarif (Sawirro+Video)

Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud oo ka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Go’aan Ka Gaarista Cidda Qaadankarta Basaporka Soomaaliga

Barnaamijka kulanka todobaadka oo ka baxa Radio Muqdisho ...
dani

Wasiirka Qorsheynta “Waxan Rajeynaya Inan Bil Gudaheed Ku Soo Bandhigidoono Tirakoob Hordhac Ah”

Wasaaradda Qordheeynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa sheegtay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-SUBAX-11.7.2014.mp3"][/audio]
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Galdogob oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “Dhageyso”

Tartamayaasha degmooyinka Galdogob VS Guriceel oo ka kala ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-10.07.2014.mp3"][/audio]
unnamed

Golaha Wasiiradda oo isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Dibadu go’aan ka gaarto cida qaadanaysa Basaboorka diblomaasiga

Muqdisho, July, 10, 2014....Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...
gobolka

Maamulka G/Banadir iyo Shirkadaha ka shaqeeya Nafaada oo shir yeeshay

Muqdisho July 10, 2014-Waxa maanta shir ku yeeshay ...
marwo sahro

Marwada madaxweynaha oo deeq lacageed gaarsiisay arday lixaadkiisa ku waayay qaraxii sayidka

Marwada madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Sahro Cumar Xassan ayaa ...
jowhar

Saraakiisha Ciidanka Boliiska G/Sh/Dhexe Oo Sheegay inuu Isbedelay Amaanka Gobolka

Taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Sh/Dhexe Qaliif C/lle ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WAR-SUBAX-10-7-2014.mp3"][/audio]
IMG_1668-450x300

Allaha U Naxariistee Marxuum Axmed Sh. Jaamac Oo Lagu Aasay Garowe (Sawirro)

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku geeriyooday wasiirkii hore ...
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo si dirqi ah looga badiyay

Tartamayaasha degmooyinka Ceeldheer VS Waaberi oo ka kala ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiyomuqdisho.so/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-09.07.2014.mp3"][/audio]
astaanta.qaranka-300x228

Xukuumadda Soomaaliya oo 24 saac isbaddello waa weyn ku sameysay

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa rabbitaanka shacabka ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421

War Deg Deg ah C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo loo magcaabay agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ...
TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
astaanta_qaranka11 ok

Akhriso:- Fursado Shaqo oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka

JAGADA 1aad: ISKU-DUWAHA QARANKA EE DHANKA HESHIISKA XUQUUQDA ...
IMG_1430

Telefishin cusub oo uu yeelanayo Maamulka Puntland oo la hirgeliyay “SAWIRRO”

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ...

Tubta Toosan

TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
July

Islaamka iyo Waddaniyadda

Iyadoo loo dabbaaldegayo maalintii xorriyadda iyo Qarannimada Soomaaliya, ...
qarax-miino

AKhlaaqda Dagaalka iyo Diinta Islaamka

Diinteenna Islaamku waxay diiradda saartay nabadda, Erayga Islaam ...