Thursday, February 23rd, 2012

Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Baaq U Dirtay Dhallinyarada Wali U Dagaallanta Shabaab

Published on January 27, 2012 by   ·   5 Comments  ·   1,484 views

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka Al-Shabaab weli u dagaallamaya iney ku soo biiraan dowladda si ay uga faa’ideystaan qorshayaal lagu diyaarinayo saraakiil da’yar oo loo tababarayo ciidammada dowladda.

Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna wasiirka gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayuu  ugu baaqay dhallinyarada uu wali ku dambeeyo fikirka qalafsan ee al shabab iyo  afkaaraha aan diinta ku saleysneeyn oo ay kooxdaasi ku dhaqanto in ay soo galaan gacanta dowladda kana waantoobaan fikradaha lagu duminayo Diinta islaamka iyo qarannimada dalka waxa uuna wasiirka Difaacu sheegay in uu iminka dalku u baahanyahay dhallinyaro difaacda.

hadalka wasiirka gashaandhiga ahna ku simaha Ra’isulwasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli muddooyinkii u dambeyay ay isa soo tarayeen dhallinyarada ka soo goosanysa al shabaab ee isku soo dhiibaysa dowladda kadib marki ay gebi ahaanba baa ba’day awooddi kooxdaas inkastoo ay  wali jiraan dhallinyaro Soomaliyeed oo loo adeegdaso baa bi’inta iyo burburinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                            +442035190460

USA & CANADA                         +17124327760

 

Readers Comments (5)

  1. Wiil Yar oo Weyn hadii la dhageysanayo says:

    Dhalinyarad ka soogosanaysa Alshabab waa in la baraa xirfado farsamada gacanta ah iyo tacliin heersareba ah oo ku shaqeystaan iyada oo dawladu kaa shaneyso dawladaha ay saaxiibka yihiin. Waxaan ka cod sanaynaa dalka Jarmalka in ay soo celiyaan Mashruuhii weynaa ee tabarka shaqaalaya GTZ-ka si loo helo xirfadlayaal badan. Farsamada gacantu waa muhiim laf dhabar u ah in wadanka waxsoo saarkiisa iyo iskufilnaanshihiisa iyo dhismiihiisuba horu u kacaan.

    Waa in la soo celiyaa Kuliyadii Xooga Dalka dibna loo shaqaaleysiiyaa khubaradii tabarayaasha iyo stratiigiyada ee militeeriga, ciidanka cirka, iyo kan bada woxoodii nool ee aan ka qayb qaadan dagaalka sokeeya. Ciidan bad waa in la helaa. Ciidan cir waa in la helaa oo la bilaabaa in wadanku yeesho duyuurado dagaal iyo helikotaro. Militeerigu ma haysto gawaari gaashaaman mana garanayno waxa ay taasu ku dhacday. Ma daba taagnaan karno taagiga Yuganda waa in aan helnaa kuwo aan anagu leenahay una diyaar garawnaa sidii aan aayahaga iyo dalkayaga iyo dadkayagaba ugu tashan lahayn.

    Dawladu waa in ay iskuulaadkii wadanka oo dhan soo celisaa. Dibna u nashqadeysaa sidii la iskugu dhafilahaa maleeshiidka dawlada taageersan oo looga dhigilahaa ciidan qaran kuwooda kartideeda iyo tabarteedaba leh una qalma in ay horu ukacaan. Ciidanku waa in uu gidigiis hoos yimaadaadaa Kumando Seerjido lana tashadaa dadka iyo saraakiishii hore ee wali dalka daacada u ah loona huraa hiil iyo hooba. Saan kuma jiri karno waa in ay wax weyn isbedelaan si deg deg ah.

    Mida kale ciidamadii daraawiista ahaa ee pooliiska waa in al soo celiyaa si reer badiyaha hubka looga dhigilahaa waa ayo marka magaalooyinka la xoreeyo waa reer baadiyaha colaadooda la xakameeyaa oo sidii dawladii militeeriga aheyd iyo tii sifilyanka ahayd loo helaa ciidan adag oo reer baadiyaha xakameyn kara oo ka baxsan militeeriga wadanka. Marka la xoreeyo wadanka oo dhan waxa loo baahan yahay booliis daraawiis ah oo farta toogta kana celiya reer miyiga oo federaal ah una qaabeysan sidii xooga dalku uu umuujin jiray in uu yahay mid kulmiya ummada Soomaaliyeed.

  2. cabdala says:

    axyaa wadini maashaa allaah waxaan idaacada kacodsan lahaay in aad nalabaro dowladnimo iyo waxay tahay sida aan kafir saday SnTV boliska oo gaardinayo iyo ereyo hal kudhigeedu yahay fadlan taageer dowladnimada iyo ereya kale sidas oo kale idin koo soo aruurinayo wax qabadka dowlada sida wasaaradaha howl galay dadka sar sare ee madaxda eh iyo sida wadoyinka yihin idinko haben iyo malinbo sawiro kasoo diyarinayo tankale dadka hadaladoda wax dhisayo oo shacabka kamid ah waxaan idin ka codsanayaa sidag deg eh inaad usoo diyaarisaan inshaa allah wadanka wuu hagaagi doonaa

  3. mr halane says:

    bahda reer radiomuqdisho waxaan ka codsanayaa in ugudbiyaan dowlada hey adkasta iyo shirkadaha ganacsiga sida garka loleyahay iyo scholada iyo dhaman wasaradaha dowlada in aysameyaan xarumo gaar ah oo kuyaala melaha aydaganyihiin kuwaas oo kashaqeynayo isku xirka shacabk wacyi galintooda iyo in ay ba raan nabad kuwada noolanshaha bulshada dhexdeeda taas oo runtii kasacidi karta dowlada in ay hantaan niyada shacabka somaliyeed wana hubaal hadey la dhaqan galiyo in hormarka somaliyeed kor u qaadmaayo mahadsanidiiin.somaliyey nabad

  4. cabdi jabuutii says:

    asc wr wb dhamaan soomaaliweeyn gaar ahaan kuwa jacel soomaalinimadda,soomaali meel kasta ha joogo maanta farxad uma seexdo waa haddii u damiir soomaalinimo leeyahay.aniga oo ah soomaali ka soo jeedda jabuuti waxaan joognaa dhamaanteen taariikh madoow haddii soomaaligu uu ahaa qof afrika ka dhex muuqda oo tusaale iyo tiilmaanba u ah afrikadda madoow maanta waan bahdilan nahay.haddii aan aheen umadda keli ah ee afrikadda madoow een iibsigii dadka madoow ka bad baaday karti iyo sharaf awoow yaalsheen lahaayeen darteed oo diidey inuu carab iyo european iibsaddaan dhalinyarta soomaaliyeed.maanta meel walba addoonsi magac laheeyn baa soomaali haaysta.gabdhaheenii ugu qaalisana afrika dhibaato aan la qiyaasi kariin baa haaysta.xeryo qaxooti,badaha adduunka,lama degaanadda afrika ku yaal,carabta,xataa waddankooga guddahiisa baa lagu kufsaddaa,kuwa dagaaladda wadda ee shabab lagu sheeko gumeeysi baay ku jiraan waxaa lagu amraa inay dilaan dadkooga mana diidi karaan waayo xoogaa lacag ah baa la siiyaa,dowlada madaxa laga haaystaa waayo waay baahan tahay nin baahan banaanka looga taliyaa.aqristoo u fiirso arintan,umadda carabtu waa 20 dowladdood marka laga reebo soomaaliya iyo jabuuti,allah fursaddaha uu siiyey lama qiyaasii karo,waa isku af aqlabiyadda waa isku diin,waa isku wadda xadduud oo dalal kali uma dhaxeeyaan,700 oo sano in ka baddan baay spain,france oo qeeyb ah ka talinayeen,europa oo waxba haaysan baay horuu mar sameeyeen,maanta haddii aay mowqif mid ah yeelan lahaayeen,caalamka waay u talin lahaayeen,allah ku manaaystay qaniyadda dahabka madoow loo yaqaano[batroolka]nasiib daro kama ay faaiidaaysan waa la isku diraa,cadow baay isku yahiin.aqristo soomaali saas oo kale baay noqotay.qeeyb qeeyb baa loo shiriyaa si loogu taliin karo. waxaa looga baxii karaa inuu soomaaligu waddanii noqdo,joojiyo naceebka walaalkii,dhulkiisana abaalkiisa u celiyaa.
    rajadda allah lagama quusto,allah naga saarii karaa tanii,bilaahi towfiiq

  5. masha allah waxa aan aad ugu farax sanahay in la,diyaariyo saraakiil difaacda wadanka lkn halagu daro dadka qurbaha ka,yimid iyaga ayaa arkay mcnaha dowladeed ama dhalinyarada qurbaha jooga si ay wadanka u yimaadaan maxaa yeelay wadanka dowlad heegan u eh hadii ay aragto dhalinyarada aniga aan kamid ahay oo idin la,hadla,yo waan ka, soo tagayaa qurbaha waxa aad u daneenayaa anigoo naqday sarkaal ama jininaraal sare lkn shaqo inkastooy u baahantahay dowlada haku darto quruba joogta inay diyaar u tahay xafiisana ha,uga furto garoonka diyaaradaha maxaa yeelay dhul waa dhulkaaga asiga ayaa nooga baahan hiilo cadawka ka,difaaco allahu akbar allahu akbar waxa aan qalday naf iyo sheydaan ayeey ka,ahaadeen waxa aan saxay famina laah wabilahi towfiiq




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

IMG_4392

DAAWO SAWIRRADA:-Qeybta Seddexaad Ee Nolosha Iyo Waxbarashada Ardayda Cusub Ee Turkiga

Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

Bandhiga Wareysiyada Oo Caawa Intiisa Badan Looga Hadlay Howlgalkii Lagu Xoreeyey Baydhabo”Dhageeyso”

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo habeen walba ka baxa ...
Fiqi

Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Oo Ciidammada Ugu Hambalyeeyey Xoreynta Baydhabo Janaay”Dhageeyso”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin ...
Dr.Cabdiweli-Gaas1

Ra’isulwasaaraha Oo Ciidammada Ugu Hambalyeeyey Xoreynta Baydhabo Sheegayna In Howlgalka Uusan Hakan Doonin”Dhageyso”

Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey Ciidammada ...
Baydhabo

Dadka Baydhabo Janaay Oo Caawa Xoriyad Ku Hoyanaya Iyo Howlgalka Lagu Baacsanayo Al-Qaeda Oo Gobollada Koonfureed Xowli Uga Sii Soconaya”Dhageyso”

Xaalada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ...
x2

DAAWO SAWIRRADA:-R/wasaaraha Soomaaliya iyo kulamadiii uu la yeeshay madaxda Midowga Yurub

R/wasaaraha Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 22-February-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
ciidamada_som_jubooyinka

Faah faahinno ku aadan la wareegitaanka Baydhabo ee ciidammada dowladda

Faah faahinno dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya ...
war-deg-deg-ah1-150x150114211

Ciidamada XDS Oo Si Buuxda Ula Wareegay Magaalada Baydhabo

Ciidamada XDS ayaa la wareegay magaalada Beydhabo iyadoo ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

WAR DUHUR 22 02 12
UN somal

Q.M.Oo Liiska Xannibaadda Ka Saartay Shaqsiyaad Iyo Shirkado Soomaali Ah

Qaraar ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada ...
Ciidamada_Qaranka

Ciidmada Dowladda Oo Sii Wada Howlgallada Ay Ku Sugayan Amniga Muqdisho

Ciidamaad qalabka sida ayaa maanta howlgallo ballaaran oo ...
Baydhabo

Shabaab Oo Ka Qaxay Baydhabo Iyo Ciidamada Oo Ku Sii Siqaya

Malleeshiyaadja Shabaab ayaa billaabay in ay maanta ka ...
Sequence 56.Still001

Agaasimaha W/Warfaafinta Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Kormeeray Dhismiha Hotelkii SYL Oo La Dayactirayo

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta ...
xabsiga1

Munaasabad Lagu Maamuusayay Aas’aaska Ciidamada Asluubta Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Munaasabad lagu maamuusayay xuska 42 guuradii ka soo ...
ciidamada_som_jubooyinka

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Baydhaba

Wararkii ugu danbeeyay ee aynu  ka heleyno magaalada ...
Dr.Cabdiweli-Gaas1

Ra’iisul wasaaraha dalka oo faah faahiyay kulammadii Brussels uu kula qaatay madaxda Yurub

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo soo gabagabeeyay socdaal ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 22.2.2012 Janaury               Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Madaxweynaha London

Madaxweyne Shariif oo xalay gaaray magaalada London

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu ...
Bardaale

Ciidammada dowladda oo kaabiga ku haya Bardaale

Malleeshiyaadka kooxda Al-Qaacidda ayaa isaga baxay degmada Bardaale ...
DSC09983

DAAWO SAWIRRADA:-Hub Iyo Maxaabiis Maanta Lasoo Bandhigay Kuwaasi Oo Ciidammada Qalabka Sida Kusoo Qabteen Howlgallo Caasimadda Ka Socda

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Ahmed El-Tayeb

Baaq Imamka Al Azhar uu ku taageerayo Shirka London.AKHRISO

Ayado hal malin oo qur aay ka harsantahay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 21-February-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Isqarxinta Maxay Shareecada Islaamku ka qabtaa?

Sanadahan  dambe waxaa dalkeenna Soomaaliya ku soo kordhay ...
tubta-toosan1-150x150151

Mas’uuliyadda Bulsho Dhegeyso

Qof kasta oo ka mid ah bulshada Waxaa ...
MSF

Maxay Shareecada Islaamku ka qabtaa afduubka samafalayaasha?

Falalka Afduubka Shaqaalaha Gargaarka ee Soomaaliya u yimid ...