Wasaaradda Arimaha Dibadda Oo Kulan Soo Dhaweyn Ah U Sameysay Diblomaasiyiinta Ka Howlgala Safaaradaha Dibadda “DAAWO SAWIRRADA”
Published on January 14, 2013 by Jayte · 12 Comments · 5,104 views
Kulan soo dhoweyn ah oo Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ay maanta ugu sameysay Safari Hotel ee Muqdisho qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaaliya ay ku leedahay dibadda, kuwaasoo dalka dib ugu soo laabtay kadib markii wasaaradu ay u dirtay fariin ku baaqeysay inay Xarunta ku yimaadaan ugu dambeyn 10-ka bishan January, ayaa waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Mas’uuliyiin kala duwan oo Wasaaradda ka tirsan .
Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhoweyn kadib waxa ay tiri “ Diblomaasiyiintu waa inay la jaan-qaadaan isbadalka cusub ee dalka ka socda ,wasaaradeenuna waxa ay aheyd wasaaradaha ugu sareeya geeska Afrika , waxaanu dooneynaa inaan baabi’inno magac xumada Soomaalida loogu yeero ee ah argagaxiso iyo burcad badeed”
Wasiirku waxa ay intaa ku dartay “ Guddi Diblomaasiyiin ah ayaan u xilsaaray dib u habeynta howlaha Wasaaradda ,waxaana ay dib u qaabeynayaan howlaha shaqo iyo shaqaale ee Gudaha iyo Dibadda , waxa ayna dhaqan gelinayaan Sharciga shaqada Dibadda “ Foreign Service Law”, safaaraduhuna waxa ay ka mid yihiin cududa dowladda iyo indhaheeda, waa inaan ka soo dhalaalnaa kaalinteena”.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa isaguna ku booriyay diblomaasiyiinta inay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo dib u habeynta Wasaaraddu ay hiigsaneyso.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Eng. Maxamed Aadan Axmed ayaa madasha ka sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay soo celin doonto sharafta iyo heybadda muwaadinka Soomaaliyeed, ayna horseed u noqon doonto isbadalka cusub ee dalka .
Waxaa kaloo xafladda ka hadlay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Maxamed Shariif Maxamuud , Gudoomiyaha Guddiga dib u habeynta Danjire Yuusuf Xasan ibraahim (Yuusuf Dheeg) iyo Xubnaha Guddiga ee kala ah Danjire Maxamed Muuse Tareey iyo Danjire Maxamed Jaamac Cali ( MJ) , waxa ayna ka hadleen howsha loo igmaday iyo guulaha ay rajeynayaan mustaqbalka dhow, waxaana goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.





















































Deeq Raashin gargaar ah ayaa maanta loo qeybiyay ...
Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
R/waaaraha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga ...
Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...
War Subax Arbaco 22-05-2013
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wasiirka beeraha iyo xaanaanada xoolaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ...
Booqashadaan oo ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdi ...
Kulankan oo ay maanta yeelanayaan xubnaha golaha shacabka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee ...
War Habeen 21-May-2013
Kulan ay si wada jir ah ugu qeybteen ...
Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
WAR DUHUR 21.05.2013
Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada Sadexdii bilood ee ...
Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
WARKA SUBAX 21.5.2013
Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...
Tan iyo markii ay soo shaacbaxday in qilaaf ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkaga soo gudbineyna ...
WAR HABEEN 20.05.2013
Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
waa farxad wayn oo soomaalida fayaaw usoo hoyatay in la isu keeno doblamaasiyiinta dawlada iyo ummada soomaaliya metela ee ku kala firirsanaa aduunka iyadooo la ogaa in ayna isku fikir ahayn laakin wasiirada arimaha dibdd ayaa hadda doonaysa in ay isku fikir kadhigto si ay u xan baaraan hal risaalo oo isku mid ah
Masha allah tani waa isbadalada ay kudhaqaaqday wasarada arimaha dibada waa sodhaweynenaa sada wanagsan ay mareo fawziyo ugu fikirta iskukentaan balaaran
wasaarada arimaha dibada waa meesha kaliya ee sida wanaagsan hadii loo hagaajiyo sharafata dadka soomaaliyeed soo celin karta.mida kale waxaa codsan lahaa talaabada labaad inay noqoto dadka soomaliyeed ee caalamka inooga xiran wabilaahi towfiiq bye
Mashaa alaah waxan hubaa in marwo fowsiyo ay kasoo dhalashay shaqada wasaarada dibada fowsiyo alle hakugu garab galo shaqadaada wanagsan yayna kuudhuuman caade qaate kula jire kaajire ayaa badane ee marwo kafejignow waligaa midakale dhamaan umada somaliyeed walalayaal farkaliya fool ma dhaqdo dowladnimadu ma ahan xukumada oo kaliya ee waxa lag rabaa waa shacabka somaliyeed marka waa in aan u wada istaagnaa wanaaga somaliyey toos oo kakaca duliga aad gacantiina aad isku galiseen
Aniga waxey ila tahay in shaqaalaha mudada dheer joogay dibadda ha lagu badalo dad cusub si ay isula jaanqaadaan maamulka cusub ee dalka ka jiro sida aduunka kale maamul cusub marka ow yimaad waa la badalaa maamuladi hore ayadoo aysan dhicin in la ruqseeyo shaqaalahaas.
Nasta alaaha ilah hasiifududeeyo hoolahaharsan
waaaaaaaaaaaaaaaw masha allaah waan uka mahacilinaa wasada arimaha dibada kulanka wanaAGSAN IYO WASIRDENA MARWO FAWSIYO IYO DHAMAAN XUKUMAD WAXAAS AYAA KA AH DOLIDANIMO WAA MARKI IKU HUREYSEYA MUQDISHO KU WADAA KULMAAN WASARADA ARIMAHA DIBADA WAAN ARINFARXALEHA ALLA NOSIYADIYO
asc wr wbr salaan qaaliya kadib waxaan ka codsaneynaa wasaaradda arimaha dibbada iney badasho dhamaan shaqaalihii hore ee safaaradaha sida muuqata dadka jooga safaarada waa dad dhaafay waqtigii shaqada 70 jir manoqo karo safiir dalku waxow leeyahay dhalinyaro waxbaratay isbedelka cusub ee dalka waxaa wada dhalinyaro fadlan mudane wasiir marwo fowziya bedel dadkaan 10-naanka sano iska fadhiya safaaradaha, qaarkood dhiiga somalida ayeey ka ganacsanaayeen 20 sano, dhalinyarada waxbaratay shaqadaan ha qabteen waad mahadsantihiin abdullahi boohaar switzerland telphone 41765484936
maashaa allaah, waaloo baahan yahay in safaaradaha ay wax qabad muuqdo qabtaan is badalka dalkana lasocdaan, safiirada shaqo wanaagsan ayaan ka fileeynaa…
Waa arinta ugu muhiiimsan ay dowladu ku dhaqaaqday ilaa hada waana wax aad iyo aad loogu farxo dawlad kasto mesha ay ka dhisantahay waa foreign policy iyo diplomy…hadi dawlada ka dhisanato meshaas waxyabaha kale dhan waa iska hagagayaan…
Boqolaal dollar aya lunsadaan safaradaha kuwa kalena meel qaad lagu cuno isku badashay..
Dowlada waa inay dad firfircoon oo wadaniyiin ah oo aqoon iyo waaye aragnimo leh waa inay u dirtaa shaqadaas.
Guul aya leyaahy
Wasiiradu way mahadsantahay balse waxaan door diddi lahaa in dhamaantood xilalkaas laga wada badalo rag cusubna loo soo magacaabo iyagana gudaha dalka laga shaqa galiyaa waayo intooda badan iyagaa dhibaata ku ah howlaha sıyaasadeed ee dowladda sababa dhowr ah aawgood sida:
a) Aqoon dari qaar badan oo masuulinta safaraddaha dibada.
b) qibrad xummi iyo qabiil qaar badan oo iyaga ka tirsan.
c) danaysı shaqsi ahaaneed intooda madan ay ku dhaqaaqaan
Marka hadii manta la samayn waxaan ka codsanayaa dowladda ınay sı tartııb ah u bıloowdo howshaas.
asc marka horre marwo foowsiyo bacda salaan hadaan nahey jaaliyada soomaaliyeeed ee SWITZERLAND GAAR AHAAN MAGALADA GENEVA ee caanka ah in aad noo soo magacoowdo safiir danta soomaali weeyn ka shaqeeya ee aan maamuul goboleed u fadhin sida midka hadda noo jooga oo marka 1 LUULYOaan imaanmarkii putland la sameeyeyna safka horre ah