Wasaarada Waxbarashada oo magaalada Muqdisho ka ambabixisay Arday deeq waxbarasho ka heshay dalka suudaan “SAWIRRO”
Published on October 16, 2012 by Jayte · 12 Comments · 7,860 views
Dufacadii ugu horeysay ee ardada sanadkaan deeqo waxbarasho ka helay Dalka Sudan ayaa maanta ka ambabaxay garoonka Adan Adde International halkaas oo ay ka ambabaxiyeen Agaasimaha Guud Mudane Muuse Faarax Xeyd iyo Masuuliyiin kale ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo qaar kamid ah Waalidiinta.
Ardaydaan oo ay tiradooda gaareysay in ka badan 40 Arday oo muddo ka hor galay Imtixaan loogu tartamaaye Deeqo Waxbarasho oo Dowladda ay u raadineysay ayaa waxay kuras waxbarasho ka heleen Dowladda aynu walaalaha nahay ee Sudan oo sanad waliba Soomaaliya sii Deeqo Waxbarasho.
Agaasimaha guud oo ardayda kula dardaarmay garoonka dhaxdiisa ayaa ku yiri ardayda “waxaa tihiin Mustaqbalkii waddanka Dalkana hoggaamin lahaa Mustaqbalka ha iska dayicina fursadda aad haysataan maanta waxaadna waddanka ku soo laaban doontaan adinkoo mutacallimiin ah”
Sidoo kale qaar kamid ah waalidiinta Ardayda ayaa u mahad celiyay Masuuliyiinta Wasaardda Waxbarashda dadaalka dheer oo ay u galeen sidii ay arday soomaaliyeed ugu heli lahaayeen deeqo waxbarasho Waddanka Dibaddiisa. Lana dardaarmay ardayda in ay muujiyaan dadaal iyo karti dheeraad ah aysan isa seejin fursadda ay haystaan.
Tani ayaa waxa ay kamid tahay dadaallada ay Wasaaradda Waxbarashada ay ku ballaarinayso dhanka Waxbarashada ee Ubadka Soomaaliyeed waxa ayna Wasaaradda horay u dirtay in ka badan 3,000 oo atday oo wadamo kala duwan deeqo looga helay.

















Omar Abdirizak Hussein
Head Section of Examination
Ministry of Education, Culture & Higher Education
Mogadishu-Somalia
E-mail:
education@moesomalia.net
Website: www.moesomalia.net
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +14156550815
WAR HABEEN 19.05.2013
Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
Warsaxaafadeedka Oo English ah hoos ka akhriso
Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay ...
Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo tababar uga ...
Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday natiijadii ...
R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Madaxwaynahamaamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ciyaar Saxiibtinimo ah oo kubadda Koleyga ah ayaa ...
WAR HABEEN 18 05 2013
(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
Akhristeyaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineyna ...
war duhur 18.05.2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa maanta ka hadlay arrimaha ...
Wasiirka Warfaafinta Isgaarisiinta iyo Gaadiidka ayaa kulan la ...
Wafdi ka socday Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayay ...
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay xarunta degmada ...
Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa qaabilay ...
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa kormeer ...
Wafdigan oo maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho ...
Warka Subaxnimo Sabti 18-05-2013
Ganacsatada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa ...
Kulankan oo lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
asc somali yeey aniga wan yaba nahay marna wan ku farxaa marna waxaan is dhaha amaxaa ka imaan doono somali oo dhan waxbarasho aan jirin aa lo wada qaday lkn insha alaah qeer wax waliba ilaah baa og ?
Macnaha aa u danleedahaye ma fahmiin, taclinta jirta noo taboo noo. iska hadloo in gaare!!!!!!
waa arin lagu farxo lkn wadanka waa nabade maxaa wax lagu bari wayey oo dowladu howsha uqabanweysey , waxaa hubaal dhalinyartaa boqolkiba 50% kuso labanmayaan wadanka
Masha Allah walaalow adiga waxaad qabtaa cudur ku dhaca maskaxda oo was-waas la dhoho,qof waxbarasho la sii yey maxaa ka jaban aduunka intii uu jirey ayey jirtey wax la yiraardo Scholarship ama deeq waxbarasho nasiib daro se waxaan u maleynayaa in aadan dowladba soo arkin,marka quraanka akhriso was-waas ayaa ku haayo waa mustaqbaka dalka Soomaaliya dadka hada baxey
Maasha Allah sxbkeey Muqtaar Axmed Cumar ayaan uga dhex jeedaa dhamaan asaxaabta kalena guul ayaan u rajeynayaa
Asagana waxaanleeyahay sxb sare waa ku salaamay iyo ardayda
Radio muqdisho thanks
Yasalaaaam ilaah waxaan uga baryeynaa iney si dacad ah u dhameystaan wax barashadoda
aniga markan iska hadlo wan jeclaa in an helo waxbarasha dibada ah balse maanta ad ayaan u nasiib xumahay madama an ka dhex muqan ardaydaa baxaysa lkn waa dhalin walalahayaga ah marka an u duceyno
asc bahda raadiyaha qaranka iyo mujtamac somaliyeed brqo wcn wax barasho la’aan maka jirto wadanka ee waa deeq lasiiye dalka somalia
Ardeyda Somaalidda gaar ahaan kuwa ku nool Koonfurta Somaaliya iyo Muqdishu waxa ay muddo dheer ahaayeen kuwo aanan marna helin deeq waxbarasho marka laga reebo ardey aan tiro badneyn oo si gaar ah wax loo siin jiray.
Waa guul iyo horumar haddii Wasaarada Waxbashada ay billawday kaalimahii laga filaayay aad ayaan u soo dhaweyeneynaa fursadaha noocaani oo kale ah inkastoo ay weli yartahay deeqda waxbarasho.
Waxaanse Wasaarada tallo ku siin lahaa in dalalka ay la galeyso heshiisyada noocaani oo kale ah in ay ku darto in maanta Somaaliya ay u baahan tahay aqoon dheeraad ah gaar ahaan maadooyinka Cilmiga sida Daawada, isgaarsiinta, injineernimada, muhandisnimada,maamulka iyo maareynta, qaanuunka (Islamic & International law), cilmigiga dambi baarista iyo wixii la halmaalo.
Waxaad oggaataan dawlad la’aan in ay tahay indho la’aan iyo is-daba wareeg tanna Somaaliya waa ku soo daashay.
Wa Billahi Towfiiq.
barbaartii dhulkeeyna nahayoo,balama badan beeynu qaadnay,baraale na dhoowrayaan bulshooy kama baaqaneeyneee.
wax bar aan wax barta aan barwaaqo gaarneee. ilove wadankeeyga,illaahayoow kuu wadanka canfacay ka dhig adigaa weeyne.i love soo much somalia ha noolaato.waxaan kula dardaarmayaa in ay dalkooda daacad wax ugu soo bartaan una faa,ideeyaan dadkeena.
een waxan le yahay waxaa ku fican waxwalbo in laga fiiriyo dhanka wanaga hasa hasa ahaate wan waku faraxsanahay ardaydaas looqaday wx barashada dhanka iyo sudan waxan filaya dhalinta hadey wax bartaan waa dalka iftiinkisa laga dhaadhicin karo jahil nimo ama been sida ey sameyaan quwa yar ee nabad deedka ah ama neceb jiritanka somalia iyo calanka buluuga ah waxan filayaa iney guusha imatay balse dul qaata walalayal somalia waxey ku solaaban dontaa sidee dii hore iyo si ka fiican insha,alah farin yar wax walbo ka fiiri dhanka wanaga ah waxadan arkin ama adan maqlin hafaafin hadey yihin wxad maqashay wax xun qari ama adi hakugu ekadan hadat cee yar qariso rabi waku dhowraya qof walba oo somali ah sharafta dalka iyo dadka diinta masuul liyad aa ka saran aaka wada shaqeeno nabada iyo hor mark asc wabilaahi towfiiq insha,alah
walalayaal noqda arday isku duuwan waxna iska maqla had iyo jerna is caawiya xaga aqoonta iskana ilaalya leesi nimo soonoqda idinkoo nawad ah iyo anakoo nawad ah iinsha Allah
dhaman uma somaliyed meel walba ay jogan wan salama , runtii wa wax lagu farxo arday somaliyed oo deeqo waxbarasho kahelay kana helijiray walalhen sudan .
waxa wax lagu xumado ah in dadka qar ay amin sanyihiin afkar qaldan ama guracan waxan leyahy dadka nucas ah sudan ana ka joogno thousand arday somalyed aya wax kabarta oo wa kuwa wadanka bedelay hada meel walbana kashaqeya marka waxan leyahy wanaga ad jeceshay walalka inad lajeclato aya wajib kugu ah fursadu siisay kana fa ideysan doona inshallah ardayda cusubna so dhawada ayan leyahay .
thnks all of u