Monday, May 21st, 2012

Warsaxaafadeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Shalay.AKHRISO

Published on January 27, 2012 by   ·   No Comments  ·   770 views

Shir ay manta oo 26-Janaayo-2012 yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen, amniga, gubashadii suuqa Xamarweyne iyo warbixino laga kala dhageystay guddiga wacyigelinta, Wasiirka Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga iyo Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha.

Wasiirada amniga ayaa sheegay in horumar balaaran laga sameeyey dhanka sugidda amniga, oo roondooyinkii ay si wanaagsan u shaqeeyaan, isla markaana ay maamulada degmooyinka iyo shacabka ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ha’adaha amniga.

Golaha wasiiradu waxey u tacsiyeeyeen ganacsatadii uu khasaaraha ka soo gaaray dabkii xalay ka kacay suuqa Xamarweyne. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u saaray guddi baaritaan ku sameeya sababta keentay dabkaas, isla markaana qiimeyn ku soo sameeya khasaaraha inta uu la’egyahay. Guddigan ayaa waxaa ku jira wasaaradaha Ganacsiga, Arrimaha Gudaha, Howlaha Guud, Maalyadda iyo Warfaafinta.

Guddiga heer wasiir ee wacyigelinta ayaa golaha soo hordhigay qorshaha wacyigelinta ku wajahan sidii dhismayaasha dowladda u howlgali lahaayeen oo shacabka loogu adeegi lahaa. Guddigan ayaa la filayaa 12ka cisho ee loo qabtay dadka degan dhismayaasha dowladda inay sameyn doonaan wacyigelin baahsan si dadka degan dhismayaasha loogu sharaxo faa’iidada dhismayaasha dowladda ee ku wajahan in danta guud loogu adeego oo diinteena suuban ay qabto in danta guud laga horumariyo danaha qaaska ah.

Wasiirka Caafimaadka ayaa laga dhageystay warbixin safar uu ku tegey Geneva iyo Nairobi oo uu sheegay in WHO ay oggolaatay fikirkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in shaqaalaha ka howlgala dalka ay intooda badan noqdaan muwaadiniin Soomaaliyeed. Sidoo kale wasiirku waxuu sheegay in WHO ay kaalin fiican ka qaadaneyso dib-u-dhiska adeegyada caafimaadka ee dalka gudihiisa.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey shir ay isagu yimaadeen waddamada geeska iyo bariga Afrika ee wajahan in la doorto guddoomiyaha Ciidamada Bariga Afrika. Dowladda Soomaaliyeed waxey ku guuleysatay inay dhexdhexaadiso waddamadii isku heystay jagadaas oo xalkii Soomaaliya la qaatay, laguna guuleystay in guddoomiyihii hore uu sii hayo labada sano ee soo socota. Sidoo kale IGAD waxey go’aamisay in howlagalada Soomaaliya la dar-dargeliyo si kooxaha Al-Shabaab looga sifeeyo dalka gudihiisa.

Ugu danbeytii Wasiir ku xigeenka Macdanta , Biyaha & Tamarta ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta luqadda Soomaaliga taas oo uu sheegay in loo baahanyahay ereyada iyo hikaada ay tahay in la ilaaliyo, isagoo tusaalayaal badan soo  qaatay. Wasiir-Ku xigenka ayaa codsaday Warbaahinta ay sameeyaan wacyigelin lagu xoojinayo luqada hodanka ah ee Soomaaliyeed.

 

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

japanes vehicles

Ciidamada Booliiska Oo Soo Bandhigay Qalab Iyo Gaadiid Loogu Deeqay

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay gaadiid ...
IMG_3148

DAAWO SAWIRADA: Munaasabad Lagu Soodhoweynayay Wasiirka Qorsheenta Oo ka Dhacday Minnisota

Munaasabad lagu soo dhaweynayay wasiirka qorsheynta iyo xiriirka ...
large_FILE_USA_NEW_YORK_BANK_OF_A

Xawaaladaha Soomaalida Mareykanka oo billaabay in lacaggahooda kala baxaan Bangiyada dalkaasi

Xawaaladaha Soomaalida  dalka Mareykanka qaarkood ayaa  billaabay in ...
0131-African-Union-summit-disunity-display_full_600

Magaalada Addis Ababa oo lagu wado in uu ka furmo shirka Road Map-ka looga hadlayo

Waxaa saacaddaha soo socda magaalada Addis Ababa ee ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 21.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Geeeeeeeeeele

Madaxweyne Shariif oo Jabuuti kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xalay dhiggiisa dalka Jabuuti ...
Jahweyn

Wasiirka Warfaafint “Road Map-ka Horumar ayaa laga gaaray, dadka dowladnimada waxyeelleynayana tallaabo ayaa laga qaadayaa”

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Horumar laga gaaray ...
DSCF0407

Safaaradda Soomaaliya Ee Koonfurta Sudan Oo Xarigga Laga Jaray “DAAWO SAWIRRADA”

Maalinnimadii Sabtida ee horaantii Todobaadkan oo ay taariikhdu ...
Wasiira wasaaradd

Wasiirka Warfaafinta Oo Dhageystayaasha Gudaha Iyo Dibadda Su’aallo Uga Jawaabay “Dhageyso”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane ...
7

Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Khartoum Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Sudan”SAWIRRO”

Wafdigan oo habeenkii xalay ahayd Khartuum ka dagay ...
Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa kulammo muhiim ahna la qaatay beesha caalamka

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali iyo ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 20-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Madaxweynaha Sawirkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Xafiiska Ku Qaabilay Taliyaha Cusub Ee Amisom Kadibna Jabuuti U Ambabaxay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Duhurnimo

warka duhur 20.05.2012
sawir safar weli

Wafdi Uu Hoggaaminayo R/Wasaaraha Oo U Ambabaxay Adis Ababa

Muqdisho, Axad, 20, May,  2012---------- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. ...
Taraafiko

Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka Oo Hirgelinaya nidaamka Caalamiga Ah Ee Marista Waddooyinka

Taliska Ciidamada ilaalada nabadgelyada Waddooyinka ee Loo yaqaano ...
mahiga

Q.M. Oo Walaac Ka Muujisay Xukunkii Maxkamadda Maamulka Somaliland Ay Ku Ridday Dad Rayid Ah

Qaramada midoobay ayaa walaac ka muujisay Xukunno  ay ...
saabeey

Guddoomiyaha Deg. Yaaqshiid “Waxaan Ku Howlannahay Adkeeynta Ammaanka”

Maamulka degmadaYaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa Faah faahin ...
YE_16194f

Dowladda Yemen oo sheegtay in ay dileen malleeshiyaad ka tirsan Al-Qaacidada Soomaaliya

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in dagaalka ka dhacay ...
Astaan_war7192101129

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

WARKA SUBAX 20.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Road Mapka

Wafuudda ka qeyb galeysa shirka looga hadlayo Road Map-ka Soomaaliya oo Addis Ababa ku sii qul quleysa

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku ...
Dood madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda “Shirka Istanbul waa in loo diyaar garoobaa”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan ...
SAM_1054

DAAWO SAWIRRADA:-Arday Soomaaliyeed Uu Guullo Kasoo Hooyey Tartan Lagusoo Bandhigayey Hidaha Iyo Dhaqanka Oo 40 Dowladood Ay Ka Qeybgaleen

Adayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada KONYA ...

Tubta Toosan

tubta-toosan1-150x150151

Islaamka & Faafinta Nabadda

Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
tubta-toosan1-150x150151

Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...