Wareegga Seddexaad ee tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan ay Warbaahinta Qaranka u qabaneyso degmooyinka Dalka ayaa soo gebageboobay caawa ayadoo barnaamijkana ay ku tartameen tartameyaasha Afar degmo.
Barnaamijka oo sanadkaan ay taabagelineyso shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxaa caawa ku tartamay degmooyinka kala ah:-
Xamarweyne VS Boondheere oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.
Jawiil VS Kaaraan oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Banaadir.
Tartanka koobaad ayaa waxaa uu dhexmaray tartamayaasha degmooyinka Xamarweyne VS Boondheere oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayadoo ay tartameyaasha labada degmo muujiyeen tartan aad u adag islamarkaana xiisa leh,waxaana natiijada tartankii koobaad ee caawa dhexmaray degmooyinka Xamarweyne VS Boondheere ay noqotay sidan:-
Xamarweyne
Tartamayaasha degmada Xamarweyne su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Lix ka mid ah, hal su’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin,mana jirin sidoo kale wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Xamarweyne ay noqdeen 12Dhibcood.
Boondheere
Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Boondheere su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Lix ka mid ah,hal su’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartameyaasha degmada Xamarweyne waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Boondheere ay noqdeen caawa 14Dhibcood oo ay guusha ku raacday.
Tartanka labaad ayaa dhexmaray tartamayaasha degmooyinka Jawiil VS Kaaraan oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Banaadir waxaana natiijada tartankaasi labada degmo dhexmaray ay noqotay sidan:-
Jawiil
Tartamayaasha degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen laba ka mid ah, shan su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,mana jirin sidoo kale wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen.waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Jawiil ay noqdeen Afar Dhibcood.
Kaaraan
Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Shan ka mid ah,laba su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,mana jirin sidoo kale wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Kaaraan ay noqdeen caawa Toban Dhibcood oo ay ku badiyeen.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Ramadaan 14-August-2012 Jawiil VS Kaaraan
Tartamayaasha degmooyinka Boondheere VS Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa caawa ay u suurta gashay iney usoo gudbaan wareegga Afaraad ee tartanka oo ah Semifinal.
Si hadaba la isula jaangooyo waqtiga ka harsan bisha Ramadaan iyo tartammada dhiman waxaa gudiga barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ay go’aamiyeen in tartamayaasha Afarta degmo ee usoo gudbay wareegga Semifinalka habeen dambe la tartansiiyo ayaga oo u tartami doona sidan:-
Qardho VS Dayniile oo ka kala tirsan gobollada Bari iyo Banaadir tartanka koobaad.
Boondheere VS Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir tartanka labaad.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
VIIIIIIIIIIIIIIIIIIVO KAARAAN
ANIGA KAARAAN AYAAN TAAGEERSANAHAY
INSHA ALLAAHU WAANE SOO GUDBAAYAAN ILAAHEY IDINKIIS WAXAANE U RAJEYNAAYAA KOOBKA IN EEY QADAAN HOOYADA DEGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR EE KAARAAN
VIIIIIIIIIIIVO KAARAAN VIIIIIIIIVO KAARAAN
VIIIIIIIIIIIVO KAARAAN VIIIIIIIIVO KAARAAN
anigoo kamid ah taageerayaashii jawiil ee reer hiiraan waxaan leeyahy , JAWIIL WELL DONE , gari 2 nin kama wada qosliso , in badan calanka waad soo lalmiseen , sanadkaan sannadkiisa insha allah annaga ayaa ku leh , viiva all hiiraan
Bondhere baladwaye inta kale buulo viva bondhere guul Ayan idinrajeyna
boondheere guul guul inshalaha
Insha alaah qardho waan ka badain doonaa waxaan u soo gudbi donaa filaanka insha alaah vvivivivivivaviava dayleene degaan loo dalxiis tago
tartankaan waa is dhexgalka bulshada somaliyeed waana mid loo bahanyahay radio muqdisho waad ku mahadsantahay is dhexgalka bulshada somaliyeed waxaan leeyahay halkaas kasii wada
Insha alaah karan ayaa kobka iskaleh viiiva karaan kulwacan insha alah
guul kaaraan
viva bondhere
Koobku Bari baa la geynayaa , Qardho baa guusha leh , dayniile iska samra sxbayaal.
Vivaaaaa Qardho.
Guul boondheere afka ciida udar aan ku dhahay boondheerow llibaax
reer howlwadaag hadaannahay boondhere ayaan taageersannahay. dariska guul ayaan u rajeyneynaa<3
i love kaaraan insha,allah cupka wa dhankeena
Karbuuno mugdi wa ukaah
kaaraana dadka wa ukeyt
wawawawawawawawawaw
viva kaaraan
gull gull dayniile waligaa haharin meel sare ayaad garijirte viva dayniile degan qurxooney
a s c somali weyn meel walbaad jogtaan kaaran vs boondheere waxaan rajeynaya in ey kaaraan kusoo bixi donto insha allah kaaraan kasmada wey kureyn jirtee kariim kor kayeel guul wacan tartamayasha degmada kaaraan
guul bondheer waligan jiira viiv bondheer waa kaa badana kaaran
Masha allah waxaan ahay tageeraha degmada karaan goobka waxaa iska leh degmada karaan goobka yaa ku heysta karaan ILOVE YOU KARAAN