Wareegga Seddexaad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ay Warbaahinta Qaranku u qabneyso degmooyinka Dalka ayaa si rasmi ah caawa u bilowday ayadoo isla caawana barnaamijka lagu tartansiiyey tartameyaasha Afar degmo.
Barnaamijka oo sanadkan ay taabagelineyso shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa wareegiisa Seddexaad waxaa usoo gudbay Sideed degmo oo kala ah:-
Qardho,Garoowe,Wadajir,Dayniile,Boondheere,Xamarweyne,Kaaraan iyo Jawiil waxaana caawa barnaamijka ku tartamay Afarta degmo ee kala ah:-
Qardho VS Garoowe oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Bari.
Tartanka Labaadna wuxuu dhexmaray degmooyinka Dayniile VS Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Banaadir,
Tartanka koobaad ayaa dhexmaray degmooyinka Garoowe VS Qardho oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Bari waxaana ay tartamayaasha labada degmo tartan aad u adag islamarkaana xamaasad badan ayadoo natiijada tartankii koobaad ay noqotay sidan:-
Garoowe
Tartamayaasha degmada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa Todobadii Su’aalood ee la weydiyey si sax ah uga jawaabeen Afar ka mid ah, Seddex su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,mana jirin sidoo kale wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha Garoowe ay noqdeen Sideed Dhibcood.
Qardho
Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Qardho ee gobolka Bari su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Shan alka mid ah,laba su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,mana jirin sidoo kale wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Qardho ay noqdeen 10 Dhibcood oo ay ku badiyeen.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Tartanka labaad ayaa dhexmaray tartamayaasha degmooyinka Dayniile VS Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Banaadir waxaana uu ahaa mid aad u adag ayadoo natiijada tartankaasina ay noqotay sidan:-
Wadajir
Tartamayaasha degmada Wadajir Todobadii Su’aal ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen hal ka mid ah,Lix su’aalna jawaabahooda wey hareer mareer mareen,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Dayniile waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay caawa heleen tartamayaasha degmada Wadajir ay noqdeen Afar Dhibcood.
Dayniile
Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Dayniile Todobadii Su’aal ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Shan ka mid ah,Laba su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen Seddex su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Wadajir waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Dayniile ay caawa noqdeen 16Dhibcood oo ay ku badiyeen.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Tartamayaasha degmooyinka Qardho VS Dayniile ayaa caawa usoo gudbay wareegga Afaraad ee tartanka oo ah Semifinal waxaana haduu Alle idmo barnaamijka Habeen dambe ku tartami Afar degmo oo kala ah:-
Boondheer VS Xamarweyne Tartanka Koobaad waxeyna ka wada tirsan yihiin gobolka Banaadir.
Kaaraan VS Jawiil Tartanka Labaad waxeyna ka kala tirsan yihiin gobollada Banaadir iyo Hiiraan.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Maasha allAAh
Waaa demooyinkeeena