Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa shaaca ka qaaday in warbaahinta dowladdu ay bisha barakeysane ee Ramadaan ay qabaneyso Tartan Cilmiyeed ay ka qeyb galayaan degmooyin ka tirsan dalka.
Mudane C/qaadir Xuseen Axmed oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Tartankaas oo bilaaban doono 1da bosha Ramadaan looga gol leeyahay in ay ka faa’iideystaan bahda waxbarashada, wasaaradduna ay abaal marin dhiirri gelin ah ku bixin doonto.
Haddaba Waxaan halkaan idiinkugu soo gudbineynaa Xeerka iyo isku-aadka Tartanka.
1- Degmo ama deegaan kasta waa in ay ilaalisaa waqtiga tartanka.
A- Demadu waa in ay xaqiijiso ka qeybgalka tartanka Maalin ka hor xilliga uu dhacayo.
B- Waa in ay tartamayaashu diyaar ku ahaadaan goobta iyo khadka ay barnaamijka uga qeyb galayaan 30 daqiiqo ka hor xilliga tartanka oo bilaabanaya 10:00 Habeennimo.
2- Degmadii maqnaata xilliga tartanka cudur daar la’aan , waxay la mid tahay iyadoo laga badiyay ( Forfaayt).
3- Tartamayaasha waa in ay u tartamaan si asluub leh.
4- Degmadii akhlaaq wanaag muujisa waxay heli doontaa abaal marin gaar ah, xataa haddii laga badiyo.
5- Tartamayaashii wax tabanaya, waxay cabashadooda soo gudbinayaan marka uu tartannku dhammaado ka dib.
6- Su’aalaha loogu talo galay tartanka habeen kasta waa 14 , tartame kastana waxaa la waydiinayaa 7 su’aalood,, waana la badin karaa haddidi ay tartamayaashu kala adkaan waayaan.
7- Tartame kasta waxaa su’aasha loogu celinayaa Saddex Jeer.
8- Waqtiga su’aasha looga jawaabayo waa hal daqiiqo iyo bar ama (90 Second).
9- Tartamayaasha waxaa loo yeerayaa 3 jeer oo kaliya.
10- Jawaab kasta oo dhammeystiran waxaa lagu helayaa labo dhibcood.
11- Jawaab aan dhammeys tirnayn laguma helayo wax dhibco ah.
12- Haddii ay su’aasho soo dhaafto Tartamayaashii la waydiiyay, waxaa si ka faa’iideysi ah loogu gudbinayaa kooxda kale.
13- Ka faa’iideysigu ma laha wax waqti ah iyo ku celin toona.
14- Haddii labada kooxoodba ka jawaabi waayaan su’aasha waxaa ka jawaabaya Guddiga Tartanka.
15- Jawaabta la qaadanayo waa tan uu bixiyo afhayeenka tartamayaashu soo wakiishaan, khalad iyo sax wixii ay noqotaba.
16- Su’aalaha la waydiinayo tartamayaasha waxay noqon doonaan
Kuw isu dhigma.
17- Waxaa mamnuuc ah in qof uu labo degmo u tartamo.
Isku aadka Degmooyinka
| No | Degaannada | 15 | Degmada la tartamaysa |
| 1 | Balanbal | 16 | Howl-wadaag |
| 2 | Beledxaawo | 17 | Waaberi |
| 3 | Boondheere | 18 | Shibbis |
| 4 | Boosaaso | 19 | Yaaqshiid |
| 5 | Xamarweyne | 20 | Cadaado |
| 6 | Xamar Jajab | 21 | Camaara |
| 7 | Wardhiigley | 22 | Colguula |
| 8 | Shangaani | 23 | Dharkeynley |
| 9 | Guriceel | 24 | Bacaadweyn |
| 10 | Maxaas | 25 | Dhinowda |
| 11 | Kaaraan | 26 | Hobyo |
| 12 | Hodon | 27 | Xudur |
| 13 | Gaalkacyo | 28 | Caabudwaaq |
| 14 | Garoowe Ali Jaamac | 29 | Wadajir Cabdisataar |
waad mahad sxantihiin waxaan urajeenaa kuusha tartan kaan WADAJIR VIVA
asc mashalaah waan ku farxsanahy laiain waxaa weydiinaa su aalaha liev
maashaa Allah waa dhiiri gelin ardayda soomaliyeed waan inaad u samesaan boga RM qeyb ugooni ah tartanka si uga fa,idestaan somalida qurbaha jooga,
(رمضان كريم) Waxaan Umadda Soomaaliyeed iyo umada musliminta dhamaan waxaan Ugu Hambalyeynayaa Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan… Allah-na Waxaan Ka Baryayaa In Fadliga Bishan Uu Dalkeena ka dulqaado Culaada iyo Abaarta Ramadaan kisa kalena nagu gaarsiyo Bash_Bash iyo Barwaaqo Nabad Ka Islaaxiyo iyo Qaranimo iyo Dowlad wanaagsan Aamiin Aamiin Aamiin
asc waxaan idinka codsanaynaa haddaan nahay qurba joogta inaad tartanka markuu dhamaado aad webka noosoo galisaan si’aan uga faa’iidaysano mahadsanidiin
waa arin lagu farxo waa horumar aay gaartay radioga iyo tvga qaran hambalyo hambalyo
””””’Shipis vivaaaa forever”””””
asc ramadanul kariim walalyaal meelwalba oo aad jogtan ilah bishaan barakeysan kuwii ka faa ida ilah hanaga dhigo wadan kenana ilaah hanoo dajiyo oo qof walbow uducey in ilaah ubixiyo dalaalo qer qabta oo umada kuleylka haysta uga baxaan doladeynana ilaah haka dhigo tii ku guleysata inay soo caleso nabadii iyo dolad nimadii amiin amiiin amiin yarabi…
walalayaal hadan uso noqdo barnamijka tartanka ramadanka waxan idinka codsaneynaa inaad nosoo dhigtaan boga radiomuqdisho maxaa yelay waxan rabnaa inay carurtena ka faa idestaan cilmigaas iyo in eey wali kajirto wadankena wax barasho walayal hadan nahay quba jogta somaliyed aad ayaan idinku mahad celineynaa sidaad udadaalesaan ilah ayaa idin sin doono badalkeda wabilaahi tow fiiq…
Asc awalan Ramadaan kariim dhamaan umadda soomaaliyeed meel walbey joogaan waxaan leeyahay nabad ku sooma ramadaankaan Allaha nooga dhigo midkii dalkeena oo idil nabad iyo isku duubni Alle inagu siiyo intaa ka dib madaxda wasaarada warfaafinta iyo radiyaha qaranka aad bey ugu mahadsanyihiin barnaamijkaan qiimaha badan ee ay u sameynayaan dadyowga soomaaliyeed ee waxbarashada jecel, waxaan ra’yi ahaan ku darsan lahaa in su’aashii labada tartamayaal soo dhaaftaa la dhexdhigo dhageystayaalka si ay uga faa’ideystaan shacabka intiisa kale aan tartanka ku jirin iyadoo aan su’aasha lagu celineyn lana siinayo sadex dhageyste kaliya hadii la garan waayana ay gudiga ka jawaabaan.
Ramadaan kariim
kulu caam wa antum bikheyr asc
ASC dhmn bahda Radio-Muqdisho wa arin aad u wanagsan isla markaas dhiiri gelinta u ah dadka/ dhalinyarad waxbarshada jecel & kuwa wax yaqaaan in ay helaan fursad ay ku tijaabiyeen aqoontooda. Waxaan kale oon dhmn bahda R Muqdisho lee yahay Ramadaan Kariiin (Kullu caam wa antum bil khayr)!
VIVA WADAJIR
Mashaa,alah dhirin gelintano kale wa mida la idinkaga bahna wadna kumahadsantihin