Thursday, May 17th, 2012

War-murtiyeedka Wasiirada arrimaha dibadda Afrika

Published on June 30, 2011 by   ·   No Comments  ·   1,039 views

Shirkii Wasiirada Arimaha Dibadda ee lagu qabtay xarunta magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa laga soo saarary war murtiyeed ka kooban sagaal qodob:-

  1. Waxaa lagu soo dhaweeyneysaa heshiiskii dib u heshiisiinta madaxda dowladda KMG Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, sidoo kale waxaa qeybaha kale ee xukuumadda KMG lagu booriyay in ay dar dar geliyaan go’aannada ka soo baxay heshiiskii Kampala oo ka mid aheyd, muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dastuurka KMG Soomaaliya, is casilaada Ra’iisul wasaare Farmaajo iyo doorashada Ra’iisul wasaare cusub iyo ansixintiisa, si wax badan looga badalo dhibaatooyinka lixaadsaday ee ka aloolsan gudaha dalka Soomaaliya.
  2. Waxaa sidoo kale hambalyo loo soo jeediyay Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka sida wacan ee ay u soo afjareen murankii siyaasadeed ee mudada dheer soo jiitamayay, sidoo kale waxaa mahad balaaran loo jeediyay dowladda Uganda iyo UNSRSG oo si aan kala har leheyn u muujiyay dadaalkooda ku aaddan dib u heshiisiinta iyo nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya, islamarkaana loo dhameyn lahaa murunka siyaasadeed ee soo noqnoqday, taa oo u gu danbeyntii guul ku dhamaatay.
  3. Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu soo dhaweeyay magacaabista iyo ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda KMG Mudane Cabdi Wali Maxaxamad Cali isaga oo laga codsaday in uu si deg deg ah u soo magacaabo wasiiro wax qabad u leh dadka iyo dalka Soomaaliya, taa oo ka mid aheed heshiiskii lagu qabtay magaalada Kampala, si dalka iyo dadkaba looga samata bixiyo dhibaatada aan kala sooca laheen ee ay kooxda khawaarijta Al-Shabaab kawadaan gudaha dalka Soomaaliya.
  4. Waxaa sidoo kale amaan balaaran iyo mahadnaq aan la soo koobi Karin loo soo jeediyay dowladaha Uganda iyo Burundi oo ciidamadadooda ugu yaboohay dalka Soomaaliya iyaga oo si hagar la’aan ah naftooda iyo maalkoodba ugu huray sida ay nabad, xasilooni iyo kala danbeyn ugu soo dabaalaan gudahqa dalka Soomaaliya, waxaana ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya loogu baaqay in ay laba jibaaraan dadaalada ay ka wadaan gudaha Magaalada Muqdisho, si gacanta loogu dhigo dhammaan gobolladda dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa baaq xasaasi ah loo diray dowladihii horay u balan qaaday in ay soomaaliya ciidamo u soo dirayaan in ay si deg deg ah u soo gaarsiiyaan dalka Soomaaliya.
  5. Waxaa sidoo kale boogaadin iyo baaq loo jeediyay dowladaha ku midoobay urur weynaha IGAD in ay si gaar ahaaneed iyo guud ahaaneedba uga taageeraan dowladda KMG somaaliya goobo cayiman islamrkaana ay xoojiyaan taageeraha kala duwan ee ay u fidinayaan dowladda KMG soomaaliya iyo ciidamada Ahlu Sunna Wal-jamaaca, si ay ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Wal-jamaaca ay gacanta ugu dhigi lahaayeen goobo farabadan oo ka fara maran gacanta dowladda KMG Soomaaliya.
  6. Waxaa sidoo kale baaq xasuusin ah loo diray Madaxda IGAD iyo Dowladaha ay maamulaan in ay dhaqan galiyaan Heshiiskii 30-kii Janaayo ee sadaka 2011 ka dhacay dalka Ethiopia caasimadiisa Addis Ababa ee ahaa in ay maal galiyaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee jooga gudaha Magaalada Muqdisho, si ay u labo jibaaraan howl galada ay waddanka kaga sifeeynayaan kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee dhibaatooyinka kala duwan ku heyso caalamka oo dhan gaar ahaan dalka Soomaaliya.
  7. Waxaa sidoo kale baaq loo diray hay’adaha Dastuuriga ee dowladda KMG Soomaaliya in ay diirada saaraan xaaladdda guud iyo gaar ahaaneed ee uu maraayo dalka Soomaaliya, islamrkaana ay xoojiso wada shaqeyntooda dowladeed ee xasaasiga ah, taa oo ay wehliso heshiiskii Kampala oo u qabtay waqti go’an.
  8. Waxaa sidoo kale baaqyo gaar ah loo soo jeediyay Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Beesha caalamka kuwaa oo ku aaddan in lagu dadaalo horumarka dalka Soomaaliya, islamarkaana looga baahan yahay wax qabtad iyo gar gaar deg deg ah oo la gaarsiiyo shacabka ku dhaqan degmooyin ay dhawaan xoreeyeen ciidamada xooga Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM.
  9. Waxaa baaqyo is daba jog ah loo diray Beesha Caalamka iyo dhamaan dowladaha kale ee daneeya arimaha soomaaliya in ay labo jibaaraan dadaaladooda ku aadan badbaadinta haweenka iyo caruuta soomaaliyeed ee ku sugan dhamaan goboladda dalka Soomaaliya.

    Readers Comments (0)




    Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

    Wararka

    tartan

    Tartan Aqooneed U Dhaxeeyay Duugsiyada Muqdisho Oo La Soo Gebagebeeyay

    Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka ...
    Kaliil

    Guddoomiyaha G/Gedo”Dhawaan Ayaan Shabaab Ka Cirirbtireynaa Gobolka”

    Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ...
    astaanta.qaranka-300x228

    Wasaaradda M/ iyo Lacagta Oo Tababar U Soo Gabagabeeysay Ciidamo Loo Tababaray Qaadista Canshuurta

    Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa maanta si ...
    NATO

    Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacay Xarar dheere

    Faah faahin dheeri ayaa ka soo baxeysa duqeyn ...
    Astaan_war7192101129

    Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

    WARKA SUBAX May 17.05.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
    Dastuurka wasiirka

    Wasiirka Dastuurka: shirka odayaasha dhaqan waa gabogebo, Dastuurkuna waa la soo bandhiggayaa

    Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ...
    Jeesto-300x225

    Horjoogge Ka Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya Oo Qiray Inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii Uu Umadda Ku Hayey (Dhageyso)

    Horjooge ka tirsanaa malleeshiyada Kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya, isla ...
    Sawirka Fanaan Lafoole

    Fanaan Lafoole”Dalka Horumar Badan Ayaa Ka Jira Waan Imaanaya Dhowaan Si Aan Horumarka Uga Qeybqaato”(Dhageyso)

    Fanaanka Soomaaliyeed ahna Abwaanka Maxamed Xasan Xuseen Lafoole ...
    Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12

    Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

    Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
    1

    Ciidammo Ka Tirsan Midowga Afrika Oo Fariisimmo Ka Sameystay Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”

    Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ...
    al-Qaeda Militia

    Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Qaeda Oo Ku Halaagsamay Qarax Caawa Ka Dhacay Galgaduud

    Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa ...
    Astaan_war7192101129

    Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

    War Habeen 16-May-2012         Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
    Sawir Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligan

    Dhageyso Barnaamijka Daljir Ee Looga Hadlo Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

    Barnaamijka Daljir waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada ...
    xuska-15may13

    Suudan oo laga Xusay Sanad Guurada 69-aad ee Asaaskii Ururkii S.Y.L iyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 15 May”SAWIRRO”

    Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay ...
    Astaan_war7192101129

    Dhageyso Warka Duhurnimo

    WARKA DUHUR 16.05.2012
    astaanta.qaranka-300x228

    Mas’uuliyiin Ka Tirsan He’yadda Maareeynta Masiibooyinka Oo U Ambabaxay Sudan

    Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradsa Shaqada Hormarinta Shaqaalaha Dhalinyarada ...
    Dastuur-qabyo

    Kulan Looga Doodayo Xuquuqda Uu Suxufiyiinta Siinayo Dastuurka Cusub Oo Muqdisho Ka Socda

    Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo ...
    maka maka

    Gaadiidleyda Iyo Qeybaha kale Ee Bulshada Oo Soo Dhaweeyay mashruuca Lagu Hagaajinayao Waddooyinka Muqdisho

    Dadweynaha iyo  gadiidleyda  magaalada  Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ...
    Tarsan

    Guddoomiye Tarsan Oo Afhayeen Cusub U Magacaabay Maamulka G/Banaadir

    Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta  magacaabay afhayeenka cusub ...
    1401

    Kabakudukade iyo malleeshiyaad kale oo deegaanno ka tirsan Galgaduud isaga cararay

    Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa banneeyay deegaanno badan oo ka ...
    Astaan_war7192101129

    Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

    WARKA SUBAX 16.5.2012           Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
    UN-235x300 (1)

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka ...
    Ex

    Saraakiisha Ammaanka” Qarraxyadii Al-Qaeda Muqdisho Ay Keeni Jireen Waan Fashilinay”

    Saraakiisha ammaanka Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa ...

    Tubta Toosan

    tubta-toosan1-150x150151

    Islaamka & Faafinta Nabadda

    Diinteenna Islaamku waa diin nabadeed, sidaba laga dheehan ...
    Residents gather near the covered remains of a suicide bomber at the scene of an attack along a street in Somalia's capital Mogadishu

    Akhlaaqda dagaalka iyo Diinta Islaamka

    Colaadda iyo Nabaddu waa xaalado la soo gudboonaada ...
    tubta-toosan1-150x150151

    Dowlad Wanaagga sidee loo xoojin karaa?

    Dowlad wanaaggu waa tilmaanta kaliya ee ay horumarka ...