Sunday, May 26th, 2013

Wafdiga Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Oo Ankara Kula Kulmay Ardayda Soomaaliyeed Ee Turkiga Wax Ku Baraneysa Qaarkood “DAAWO SAWIRRADA”

Published on January 20, 2013 by   ·   7 Comments  ·   6,521 views

Wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee socdaalka shaqo ku jooga dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ku baraneysa.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Madane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa kulanka ay caawa la qaateen Ardayda Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala yimid magaalooyinka Istanbul iyo Ankara waxaa soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga.

Ugu horeyn Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa wafdiga waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda ay nolol ahaan iyo waxbarasho ahaanba ku sugan yihiin Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi deeqaha waxbarasho ka helay waxaana uu safiirku xusay in Safaaradda ay mar walba la socoto xaalada Ardayda oo ay ka warqabto.

Markaasi kadib waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah Ardayda oo iyagu faah faahin ka siiyey Wafdiga Dowladda ka socda xaaladooda waxbarasho iyo mida noloshooda waxaana ay dhanka kale Ardaydu goobta kusoo bandhigeen aqoon isweydaarsi ay ku muujinayaan heerkooda aqooneed ayadoo aqoon is weydaarsigaasina ay Ardayda qaarkood hadiyado isku gudoon siiyeen.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda,iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah Mudane Jamaal Baroow oo isaguna kulanka khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay inuu aad ugu farax sanyahay halka ay mareyso waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga ku sugan waxaana uu Ardayda ku dhiirageliyey iney u istaagaan sidii ay waxey bartaan ugu faa’ideyn lahaayeen dalkooda iyo dadkooda marka ay qalin jebiyaan kadib.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo isagu gebagebadii kulanka khudbad dheer ka jeediyey ayaa ugu horeyn waxa uu ardayda faah faahin ka siiyey isbedellada hormarineed ee dalka ka jira gaar ahaanna dhinacyada amniga,siyaasadda iyo dib u dhiska waxaana uu wasiirku xusay iney jiraan guullo aad u ballaaran oo dhinacyadaasi laga gaaray.

Wasiirka Difaaca oo sii wata hadalkiisa ku aadan isbedellada dalka ka jira ayaa xusay in dalka xiligan uu si aad ah u dhismayo waxaana uu Ardayda kula kaftamay in hadii ay dib ugusoo laabtaan goobihii markii hore laga kaxeeyey qaarkood laga yaabo iney garan waayaan guryahoodii,ardaydana wuxuu ku booriyey ineysan marnaba ka tagin dhaqankooda.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa si aad u ammaanay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo uu ku tilmaamay iney tahay safaaradda safaaradaha hogaamisa marka loo fiiriyo buu yiri sida ay isugu xerto islamarkaana ay u wada shaqeeyaan Ardayda,mas’uuliyiinta Dowladda iyo bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga taasi oo muujineysa sida ay Safaaradda waajibaadkeeda u gudaneyso.

 

Readers Comments (7)

  1. laasqoray boy says:

    wasiir fiqi waa mujaahid la hubo alshabaab magiciisa waa ka baqaan xataa hadaay maqlaan

  2. HIIS says:

    MASHA,ALLAAH FARXADAAN NA MA NOO DHIMANEED AILAAHOW ADAA KU MAHADSAN

  3. deeqo says:

    somaliya hanoolaatan leeyahay wlh sawiradaan aadan ugu farxay mxaa yeelay waxan arkayaa oo aan aad ugu faraxsanahay wasiir soomaaliyeed oogarbihiisa ay buuxiyeen madaxdii barito,ayagoo wali wada faraxsan dhamantood,sidoo kale dardarankii ahaa haka tagina dhaqankiina.waxan leyahay dowladnimo jir dowladnimo joog

  4. axmed says:

    maashaa alaah meeshaan waxaa inooga soo baxaayo wax weey oo aan cidina somaliya u qaban marka laga reebo dowladah sudan, yaman iyo maleysiyo kuwaaso horay ugu deeqay ardada somaliyeed wax barasho bilaash ah mida kale aan raacin lahaa ayaa ah in ardaydaan aana labarin wax barasho kaliya ee la baro wadaniyada ka dhaqanto qabyaalada waa in ay soo laabtaa iyagoo tacliin leh wadniyiin ah ruuxdooduna ay dhisan tahay turkiya ha noolaato ayaan dhahayaa maashaa alaah

  5. masha allah
    aad baan ugu faraxsanahay
    isdhexgalka ardaydda iyo wasiirka

  6. wadani114 says:

    maashaa allaah dalkeena iftiin baa soo baxay ee allaha usii kordhiyo…

  7. Mashaa allah, waa guul iyo farxad u soo hoyatay dhammaan umada soomaaliyeed..allahu akbar, allaahu akbar, allahu akbar………




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
DSC01270

DAAWO SAWIRRADA:- Deeq Raashiin ah oo loo qeybiyay shacabka ku dhaqan degaano ka tirsan G/sh/hoose

Akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 25 05 2013
DSC02530

DAAWO SAWIRRADA:- Xuska sanad guurada 50 ee aas-aaska midowga Africa

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Uhuru-kenyatta

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in dowladiisa ay taageeri doonto maamul u sameynta jubbooyinka.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhura Kenyata ayaa sheegay in ...
igad

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirkii urur goboleedka IGAD ee lagu soo gaba-gabeeyay Addis

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya  mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ...
Kismaayo

Odayaasha ku dhaqan Kismaayo oo soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ...
astaanta-warka1

Dhageeyso warka duhurnimo ee radio muqdisho

War Duhur 25-05-2013
Safiirka

Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo Qabanqaabo ugu Jirta Xuska Maalinta Afrika ee African Day

Waxaa ka socda caasimada dalka Kuwait qabanqaabada loogu ...
astaanta_qaranka13

Tababar maanta loo furay shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha iyo aminga qaranka.

Wasaarada arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta ...
janaale

Hay,adda maareeynta masiibooyinka qaranka oo deeq raashin ah maanta gaarsiisay janaale.

Hay,adda maaeaynta  musiibooyinka  qaranka  ayaa maanta deeq raashin ...
simad

Bandhig dhaqameed todobaad socon doono oo maanta ka furmay jaamacada SIMAD.

Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Raashinka ay Soomaalidu dhaqanka ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX I 25 05 13
Bilicda Magaalo Xeebeedka Boosaaso (45)

Magaalada Boosaaso oo xilligan ay dadku ka xagaa baxayaan

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
DSC01079

Deeq xoola ah oo loo qeybiyay dad ku xoola beelay abaartii ugu dambeeysay ee dalka ka dhacday.”sawirro”

Dadka xoolo dhaqatada ah ee  ku nool deegaanno ...
sweeden

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm oo xalay dhigay dibadbax

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
kenya-flag

Shir Looga Hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya Oo Dhawan Ka Furmaya Kenya.

Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
haween

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka soo wajaha haweenka uurka leh oo lagu qabtay dalka koonfur Africa.

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna  soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
IMG_3804

Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka. SAWIRO

Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Astaanta_Barnaamijka_Nasashada

Dhageyso Barnaamijka Nasashada Todobaadka Radio Muqdisho

Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
DSC00223

Ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka wadooyinka muqdisho habeenkii oo sii kordhaya iyo ciidamada oo adkeeynaya amaanka,”sawirro”

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
gud (5)

Gudoomiyaha gobolka Gal-gaduud oo munaasada soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Juba ee wadanka Koofurta Sudan “Sawirro”

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
astaanta-warka

Dhageyso warka Habeennimo ee radio muqdisho

WAR HABEEN 24.05.2013
S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha,Su’aallana Uga Jawaabay Shacabka Gudaha Iyo Dibadda “Dhageyso+Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*