Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo U Ambabaxay Dalka Mareykanka
Published on January 13, 2013 by Jayte · 12 Comments · 3,969 views
Gelinkii dambe ee maanta waxaa magaalada Muqdisho ka ambabaxay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayadoo wafdiga Madaxweynahana ay kusii jeedaan dalka Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusii sagootiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),wasiirro ka tirsan Xukuumadda,xildhibaanno iyo saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka oo afka Ingiriiska ku qoran ayaa lagu sheegay in wafdiga Madaxweynaha ay ka mid yihiin Ra’isulwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyo sidoo kale la taliyeyaasha Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo dalka Mareykanka waxa uu kulammo la qaadan doonaa madaxda Dalka Mareykanka oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan ...
(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
WAR DUHUR 23.05.2013
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
WARKA SUBAX 23.5.2013
Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka South Africa ...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
WAR HABEEN 22.05.2013
Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin ...
Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
WAR DUHUR 22.05.2013
Deeq Raashin gargaar ah ayaa maanta loo qeybiyay ...
Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...
War Subax Arbaco 22-05-2013
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wasiirka beeraha iyo xaanaanada xoolaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ...
Booqashadaan oo ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdi ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
ilahay nabad geeyo hanaha soo nabad celiyo insha allah ,,
asc mashaa allah waa wax loo baahnaa in lasoo celiyo xiriirka caalamiga ah oo ay soomaaliya la leedahay beesha caalamka waana loo baahanyahay talaabadaas wabilaahi towfiiq asc
waan kuu hanbalyeenayaa madaxweynaha somali hasssan shiiq maxmuud naga bixi qaxootimimada walaal meesha nalaga heesto hada ayaa aragtay kusiiyo wad hooshaada walaa mareekanka waxaa looga reey karaan weel came somaalio nabada markaas ayee noo imaaneeysaaa dan taada waa lafiirsadaa mudane madaweeyne in aa lajaan qaado hadii aa rabto wadamada kale mareekanka ayaa nahsto somalio hadii aa ahay kasoo guuleeso see ugu guulesan kartaa mareekanka waa t k dhahdo weel come somalio amirica
Boqashadaan ee madaxweymaha dowladda federalka ee somalia xasan shekh maxamud ku tagayo dalka marekanka,waxay albabada u fureysaa dhowr iyo labatan sano ka dib, in dalka somalia dib ugu biiro dhinaca bulshada caalamka,kana qeyb qaata kaalinta kaga aadan siyaasadaha cusub ee dunida maanta ka jira.
Maashaa ALLAH safar laguuleesto ALLAHA ka dhigo Somalina mahadiso is afgaradka labada Dowladood amiin.
Waa loo baahnaay booqashada Mareykanka in ow tago Madaxweynaha sharaf ay u tahay Dowladda Somalia Mareykanka waa Dowlad weyn ALLAA weyne guul iyo is faham labada Dowladood.
See you in Minneapolis insha alah mr president and the respected deligates
Safarkaani waa mid ay sugayen dadka smliyed gar ahan jaaliyada smlida ee maraykanaka kusug waa in ay kala qortan madaxweynaha iyo madaxda sar sare ee maraykanka warqado oo dib ugegis lagufirinayo waxa kaqabsomay iyo waxii kale allaha kayelo boqosho waxku ool ah
maashaa Allahu xirirka dibadu ka ma liito kan gudaha marka waa wanaagsantahay in uu maraykanka ka soo dhaadhiciyo siyaasadda dowladiisa iyo danaha ka dhaxeeya labada dowladood. Insha Allahu waana guulaysan doonaa
guul kala kulma safarkiina
WAXAAN UGU DUCEYNAYA SAFAR KHEYR QABA IYO NABAD IYO SHARAFTA UMADDA SOMALIYEED SOO LABATO XAQA IYO CADALADA ILAAH HA SOO CELIYO.
WABILAHI TOWFIIQ
Soo dhawaada aayaan leenahay Madaxweynaha & Wafdiga culus ee la socda. Waxaan rajaynayaa inuu waqti u heli doono inay isaga & wafdigiisu la kulmaan Jaaliyadaha waaweyn ee dalka warbxin fiicanna ay siiyaan. Waa safar loo hanweyn yahay runtii.