Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Addis Ababa”DAAWO SAWIRRADA”
Published on January 27, 2012 by Jayte · 26 Comments · 8,468 views
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo uu ka socdo shir ay leeyihiin Madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD.
Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayadoo soo dhaweyn heer sare kadibna uu Madaxweynuhu ka qeybgalay Shirka Madaxda IGAD.
Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Saciid Yuusuf Nuur oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in shirka hada socda ee Madaxda IGAD ee uu Madaxweynuhu ka qeybgalay ajandayaasha looga hadlayo ay Soomaaliya ka mid tahay ayadoo dhanka kalena Madaxda IGAD ka hadli doonaan xaalada koonfurta Sudan.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale inta uu joogo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxa uu kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madax kala duwan oo Afrika ka tirsan isagoo sidoo kalena ka qeybgeli doona shir ay yeelanayaan Madaxweynayaasha dalalka Afrika.
































Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo habeen walba ka baxa ...
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin ...
Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey Ciidammada ...
Xaalada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ...
R/wasaaraha Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ...
War Habeen 22-February-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ...
Ciidamada XDS ayaa la wareegay magaalada Beydhabo iyadoo ...
WAR DUHUR 22 02 12
Qaraar ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada ...
Ciidamaad qalabka sida ayaa maanta howlgallo ballaaran oo ...
Malleeshiyaadja Shabaab ayaa billaabay in ay maanta ka ...
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta ...
Munaasabad lagu maamuusayay xuska 42 guuradii ka soo ...
Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno magaalada ...
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo soo gabagabeeyay socdaal ...
WARKA SUBAX 22.2.2012 Janaury
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu ...
Malleeshiyaadka kooxda Al-Qaacidda ayaa isaga baxay degmada Bardaale ...
Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
Ayado hal malin oo qur aay ka harsantahay ...
War Habeen 21-February-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada ...
Sanadahan dambe waxaa dalkeenna Soomaaliya ku soo kordhay ...
Qof kasta oo ka mid ah bulshada Waxaa ...
Falalka Afduubka Shaqaalaha Gargaarka ee Soomaaliya u yimid ...
amiirkeena shiikh shariif alle hala garab galo hooshaan culus rabow
maansha allaaah saas oo kale ayaan rabaa in loo qadariyo qaranka somalia in madaxdiisa waana mahadsantihiin bahda radiomuqdisho warka somalia oo dhana na soo gaarsiiye ayaan meel kalia focuska la saarin sababtoo ah dalka ma joogna
woooooow qurux badnaaa waxaad modaa in aan nahay dowlad weligeet jirtay
sxb waligeen waan jirnmay ee xooga bay inaga yara liicday, waa so kabanaynaa inaga oo intii hore kadhaqaala badan , ka aqoon badan ka waaya aragsan oo garanayna sxb keen iyo cadowgeena. aan gacmaha is qabsano somali, dad walaala ah baan nahaye, dhiig, islam nimo iyo somalinimo intaba waa inaga dhaxaysaa.
Madaxweyne nolow, waliga hadhicin.
asc mansh alaahu aad baan ugu faraxsanahay sida sharafta leh ee loogu soo dhaweeyey madaxweynaha jamhuuriyada somaliya al ustaad sheekh shariif sheekh ahmed sheekh maxamuud waxaane lee yahay howsha aad wado mesheeda kasii wad ilahey ha idinla garab galo umadaan sida aad u samata bixin laheedeen insh alaahu aamin bahda radiomuqdisho waxaan lee yahay aad baan idinkugu mahad celinaayaa sida sharafta leh aaad noogu soo gud biseen sawirada madaxda dalka dank u wel thanks
asc waxaan kaloo salaan qaaliya hawada u marinaayaa agaasimaha guud ee radiomuqdisho sheekh cabdiraxiim ciise cadoow iyo dhamaan wariyayaasha radiomuqdisho waxaan lee yahay howsha aad u heysaan umada somaliyeed halkeeda kasii wada jzkl kheeyran
Soomaaliya guul aay gaari doontaa ee dhalinyarooy waa in aad noqotaan dad wadaniyeen ah ka taga qabyaaladda iyo is faquuqa aad ku heysaan dadka walaalahiin ah soomaalia waa soomaalia ma jiro qof ka sareeya qof kale ama ka nasabsan dadka waa aaay simaan yihiin dhamaantood ee wadankiina jecelaada waaa iga talo waxaa meesha na dhigay waa wadanimo xumm iyo qabiil naceeb war aduunka waa hor maray ee fadhiga ka istaaga .guul soomaaliya guul
sharaftii dalkeeniyo astaanteeni wacneyd dib u soo celi shariifow sheydaan yuu ku duufsanin shareecada ku taagnoow shaahidkey ha kula jiro shangeesoole calankii shabaab ay ku dheeleen sharaftiisi soo celi
SHARIIFOW DADAAL WAAD GAARI DOONTAA
Madaxweynaha Qaranka Dhaha Wlalayaal Erayga Shariif Wax Magaratada ayaa Isticmaashee Ok Our President
maasha allah maasha allah dawladeenay weligaa ahaaw tii fadhiga looga kaco aduunka cirifyadiisa insha allah, madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliyo sheekh shariif sheekh axmed sheekh maxamuud sheekh muuse cigale waa la ogaa heerka uu la egayahay wanaagaaga waxaad na tahay nin jecel umadiisa inay nabad hesho maasha allah waadna ku guulaysan doontaa insha allah, haday kuwa garabkaaga taagan iyo shacabkuba kugu mowqif noqdaan, maasha allah sheekheena sharafta leh xiligii uu maxaakiimta horkacayayna waa la ogaa, inkastoo dadkaan shabaab la leeyahay ku ganbabayeen magaca maxaakiim laakiin markuu ogaaday uu u tanaasulay danta umada soomaaliyeed, waana waxa lagu garto qofka wadaniga, guul guul insha allah dawladii alaaa ya raxma aabe siyaad iyo mid ka sii heer saraysa ayaanu sugaynaa insha allah,,waana iga waano in xabashi lagula heshiiyo oo keliya inay xuduudkeeda ilaashato, keenyana sidoo kale, maxaa yeelay nimanka shabaab ah hada ayay taageero helayaan oo ku qaraabanaayaan wadankii waa lagu soo duulayaa ayana dadka ku kicinayaan,,, maasha allah radiomuqdisho iyo hawlwadeenadeeda waad mahadsantihiin meeshiinana ka sii wada insha allah………….
madaxwaynaheena iyo wasiirkiisa arimaha debada shaqada ay qaranka u hayaan ilaaahey hala garab galo
A S C HAGUULEYSATO DOWLADNIMAADA HAJABO SHABAAB IYO INTII SHAR WADAYAALAH OO DOWLAD DIIDAH SOOMAALIWEEY HAJIRTO WALIGEED CADAWGEEDANA HA JABO GUUUUUUUUUUUL SHEEQ SHARIIF IYO DHAMAAN INTII NABADA JECEEL AAMIIN ALAHAYOOW
madaxwaynaha jamhuuriyada waxaan lee yahay guulayso shafka u garaac sharafteena wixii ka hor imaanaa aan lee yahay ciidamada xooga dalka somalina waxaan lee yahay xasan daahir aways iyo cali dhere soo qabta hor keena maxkamada ciidamada qalabka sida aan lee yahay ayagana nolada
asc.mudane madax weene iinoolaaw
jir marwalba
maasha Allaah Allow noo siyaadi nabada 20sano beynu mugdi ku jirnay hadase waan soo ifbaxeynaa ilaahow somalia ka dhig mustaqbalka danbe ee afrika wadanka ugu xasiloon dhexdhexaadiya dalalka kale ee afrika qaxootiga dalalka kalena ay iska soo dhiiban si uu qani unoqdo dalkeena Allow sidaa nooga dhig Aamiiiiiin.
waa arin qurux badan maashaa allaah ee dad weeynaha booqda webka sharafta badan aadna u daneeya doowlada somaliya hanaga ahaato mid daacad ah oo lab laab aanu ku jirin ra,i geena ha ahaado mid waxku ol,ah dadbaa jira ku hadlaan waxyaabaha caruurtu eeyka xishoonayaan rabi nagama yeelo anigu shaqsi ahaan doowlada haguuleeysato ayaan dhahayaa ma ahan tageera shaqsiyeed somaliyana kuma ekandonto dowlada iminka jidho kaliya kuwa imanayaana waan soo dhoweeynayaa tana waansoo dhoweeynayaa dalka iyo dadka qofki wax uqabanayo waan tagerayaa
Tani waa markii ugu horeeso oo sidaan oo kale loogu soo dhaweeyay taasina waxey cadeyneesa in dowlada somali ay naqatey mid meel walbo ku leh qadrinta ay dowladha kala leeyahiin mar walbana qofka waa meesha uu asiga is geeyo hadii lana ixtiraamo anaga kasbaney hadii lana ixtiraami waayana anaga ayaa kasbadey wax walbo gacanteena ayaan ku kaseeney ee soomaliyaa dadaal meel walboo aad joogtaan moojiya wanaaga ay leeyahiin ummada somaliyeed meel walbana waa inaan si wanaag ku jiro waa inaan ugu muuqan waadna mahadsantahiin bahda radio muqdisho dadaalka aad wadaan iyo dowlada dhamaan iyo shacabka somaliyeed meel walba ay joogaan mar walbo waxaan u rajeynaana homar insh alaah
soomaliya waxaan uragaynayaa nabad, Nolol, Horumar Dowladnimo,dhanka kale waxaan ku la dardaarmayaa oo aan kula talinayaa madaxda Dowlada anay dadaalka daacadnimo ku daraan iyo cadaalad ku daraan markaas ayuu eebe guulaynayaa maxaa yeelay alle makaalmeeyo mufsidiin dhula fasahaadinaya oo kushaqaynaya Qabyaalada, qoqolaysi iyo nin jeclaysi ee walaalayaal Alle uga baqa shacabka Alle madaxda idinkaga dhigay maalin maalmaha ka mid ahna xisaabi inay jirto ku darsada qorshe maalmeedka shukran
ASC muddane maddaxaweene allaa wehel kuu ah oo wehel umabaahanid. geesigii dalkoow guleyso weligaa aamin allahayow shjjkh shariif shiikh axamed
Waan ku farax sanahay sida idaacada eey inoogu soo gudbiso isbadala Soomaaliya.
Hambalyo.
Talo
waxaan u soo jedinaa idaacada in eey u gudbiso madaxda dowlada sida eey idiin siisaan bulshada Soomaaliyeed fikradahooda.
mida kale waa in labadiyo doodwadaaga bulshada qurbo joogta iyo madaxda dowlada.
ASC. dhamaan soomaaliyeey !!!!
Salaan kadib waxaan ku raacsaahay Sxbken Maxamed In labadiyo doodwadaaga lagana munaaqishoodo waxyaabaha isu keeni karo Muwaadinka Soomaliyeed iyo dowladdiisa iyo wixii horumar u keeni karo Dalkeenna.
Waad Mahadsan tihiin dhamaan Bahda RM.
Waxa aan idinka codsanayaa hadii aad tihiin war baahinta radio mugadisho in aad si cadaalad ku jirto aad u soo gudbisan fagradaha kala duwan ee shacabka soomaaliyeed hadii uu mucaarad yahay iyo hadii uu muxaafid yahay maadama aad tihiin war baahin qaran una shaqeya dhamaan shacabka soomaaliyeed.waan fahmikarnaa in aad hadalada meesha ku qoran aad ka soo qadateen kan mu xaafidka ah kaliyaha waad mahad santihiin
salama caleekum dhamaan umada somalieed iyo dowlada barakeesan iyo warbahinta idacada qaranka somalieed waa muqtis jiritanka somalieed waa muqatis jiritanka wadamada dariska ee east africa waa inlaga wada shaqeeyaa nabadgalyada iyo wada shaqeenta iyo horumarka danheena ee yaan latageerin dadka neceb nabada iyo NIDAAM DOWLADNIMO MAHADSANIDIIN DHAMNTIIN
ماشاء الله تبارك الرحمن
waad mahadsantihiin dhammaantiin waxaa dhammaan dhallinta qoraalkaan ka qayb qaadanaysa ay ka siman yihiin sida wayn ee ay ilaahay uga rajaynayaan samata bixinta somaaliya arrintaas oo hadda muuqata mid soo if baxaysa maxaa yeelay soomaaliya waxay cagta saartay waddadii nabadda horumarka iyo wanaagga cadawga guduhuna wuxuu cagta saaray waddadii buruburka iyo halaagga waxaana ilaahay ka baryaynaa inu na samata bixiyo, waxaan kaloo dhammaantin aan idiinku bishaaraynayaa in shirkadaha danaynaya in ay soomaliya mal gashadan ay kor u dhaafeen 19 shirkadood kuwaas oo danaynaya ka qaybqaadashada khayraadka soomaaliya oo la caddeeyay in uu ka ballaaran yahay sidii hore loogu haysatay.
markaa dhammantinn isu diyaariya sidaad qayb uga ahaan lahaydeen hawsha baaxaddas leh ee lafilayo in ay dhammaan waddanka ka hir gasho 6da bilood ee nagu soo aaddan.
hana la ducaysto oo gacmaha kor utaaga .
mahadsanidin.