Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa soo gaaray magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayadoo wafdiga gudoomiyahana si heer sare ah loosoo dhaweeyey.
Wafdigan uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Jigjiga mas’uuliyiinta ugu sareysay Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayadoo Madaxweynaha dowlad deegaankana uu kasoo raacay wafdiga Gudoomiyaha magaalada Addis Ababa, Waxgarad yo qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo markii ay wafdiga gudoomiyaha soo gaareen garoonka diyaaradaha lagusoo dhaweeyey ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah,waxaana gudoomiyaha carruur ku labisan dharka Hidaha iyo Dhaqanka ay gudoonsiiyeen ubaxyo.
Markii garoonka diyaaradaha lagusoo dhaweeyey kadib wafdiga uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa loosoo galbiyey guriga Martida magaalada Jigjiga halkaasi oo quraac sharafeed wafdiga loogu sameeyey.
Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo guriga martida magaalada Jigjiga saxaafadda kula hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay sida heerka sare ah ee loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga waxaana uu Gudoomiyuhu mahad celin u jeediyey shacabka iyo madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo isaguna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta ay magaalada Jigjiga ay yimaadaan wafdigii ugu horeeyey ee ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu intaasi ku daray in wafdigan ay waxbadan wadaagi doonaan sidii dhanka hormarka la isaga dayan lahaa.
Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isaguna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu xusay in socdaalka wafdigan uu Gudoomiyaha hogaaminayo ay ku yimaadeen magaalada Jigjiga uu yahay socdaal taariikhi ah islamarkaana ay waxbadan ka faa’ideysan doonaan hormarrada kala duwan ee ka jira magaalada Jigjiga.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maalmihii aynu kasoo gudubnay ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkan Ethiopia ayadoo socdaalka ay hada gudoomiyaha iyo wafdigiisa ku yimaadeen magaalada Jigjiga uu qaadan doono mudo Labo cisho waxaana mudadan uu booqanayaa goobo muhiim ah oo ka mid ah magaalada Jigjiga ayadoo goobahaasina ay ugu horeyso Jaamacadda Jigjiga halkaasi oo uu khudbad ugu jeedin doono kumanaan Ardayda Jaamacadda wax ka barata ah.
Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite, Jigjiga
war yaahee madhaarka jig jiga wuu qurxoon yahay
dhul balaaranna wuu leeyahay
waa waxwanaagsan in is dhexgalka owka bilawdo siyaasiyiinta, dadkuna waa soomaali, waxaan ka cosanlahaa in maamulka somaliland ow kudaysado sidaan.
Masha Allah Maanta hadii dowlada Somalida ay nabad ku tegi karaan Somalida walaalhooda ah. Prof, jawari good plan. Thanks Jeyte for the good pictures.
reer Jigjiga waa dad somaliyeed oo hormuud u ah nabada somaliyeed dhaliyarada dawlada degaanka somalida waa niman karti leh oo horumar gaarsiiyay degaanka somali galbeed horumarka ay gareen waa wax lagu farxo waxaana loo bahanyahay meel kasta iyo degaan kasta somali degantahay in ay ka shaqeeyaan horumarka Somalidub waa qowmiyad dhaqan iyo diin wanaagsn ilaah ugu deeqay aan ka faa,iideysano aqoontiina diinta suuban iyo dhulka wanaagsan ee ilaah nasiiyay somaliyeey sinaanteed xumaanteed somalia somali baa leh viva jigjiga hargeisa bosaso galkacayo burco qabdaidahare jawhar kismaayo muqdisho gaarisa wajeer diri dhaba jabuuti burco godey iyo dhamaan dhulka somaliyeed
AAD AYAAN OOGU FARXSANAHAY MAANTA SOMALI IN AYNA DHIHI KARIN DOWLADA DEGAANKA SOMALIDA ETHOPIA WAA LAGUMEYTAAA INDHAHIINA AYAAD KU ARKAYSAAN HORUMARKA WAXAAN SHARAF II AH MAANTA SOMALI MEELKASTA AY DEGANTAHAY AYA ISDHAXGAL SAMEYNAYO JIGJIGA WAA MAGAALO SOMALIYEED WAXAANA LEENAHAY WELCOME SOMALIYEEY SOO DHAWAADA GACMO FURAN WAADNA ARKAYSAAN MADAARKA AMA GAROONKA JIGJIGA INUU KA QURUXBADANYAHAY MIDKA MUQDISHO
ruuntii waxaaa Farxade weeyn noo ah hadii aan nahay Deeganka Somalida ITOOBIYA in ayaa na Soo boqadaan Dawlada Fadaralka ee Soomaaliya waxaan nahay Dad walaalo ah oo aan Sinaba ku kale maqnaaneeyn Jiidkuna Waa mid Allaah waxaan Markasta ugu Baryaynaa Somaaliya in ay helaan Nabad Waarta Ameen
maan shaa alaah Garoonka magaalada JigJiga quruxda ka muqata inaba caadi ma aha. Somaligalbeed horumar aan aan caadi ahayn ayay ku tilaabsatay.
jigjiga waa magaalo quruxbadan oo horumar kasocdo…dawlada soomaaliya waxaa larabaa inay cashiro kabarato sida dawladaha darisku ushaqeeyaan ee federalka ah , markaa halagu tashado horumarka
asc waxaa farxad noo ah in madaxda soomaalida ayay isku yimadaan si umada loo tuso in hal qura la wada yahay mahadaas ilaah ayaa leh waan ku faraxsanahay pro,jawari safarkiisa iyo madaxda la socoto dhamaan
asc aniga iyo caruurtay waa ku faraxsan yahiin isdhaxgalka madaxda soomaliyeed ee umada sidaas ha u ogadaan isdhaxgalka in uu noo fican yahay soomaali waa hal qura ee meel walba aad joogtaan ogaada
Agga! war haddee annaga waligano dhaqan ayaanu u leenahay soo dhaweynta, Soomaalinimaduna wey nagu weyn tahay oo haddee Sayid Maxamed Cabdille Xassan ayaa naga dhashay.
Weliba ku soo dhawaada:
- Wardheer dal wanaagsanaa
- iyo Godey gacalo
Dowlad deeganka somalida dalka Ethiopia waxaa kan jirta dowlad somaliyeed af iyo diin iyo dhaqan maamulba xor u ah marka Somaliya xudeed Lama leh qoomiyad kale. Hab maamulka federalka waa hab dowladda Ethiopia ku gaartey horumar iyo in deegan walba iskiis isku maamulo.Somali waa hal qoomiyad laakiin waxaan nahay qabiilo waana isku dilnay marka federalku waa nidaam xal i ah somaliya baarlamanka ayaa laga rabaa in uu sameeyo shuruucda federalka maxaa la Kala leeyahay iyo maxaa la isla leeyahay iyo xadka maamul gobaleedyada
waaw noloshu waa iskaashi iyo wax wada qabsi ee somalia ha iska dayso dhaqanka qalafsan ee reer miyinimada ah adaka geeska waa in ay nabad iyo iskaashi kula nooladaan
waa arin luku farxo oo dhacday waqti an lafilanen hanolato 5 ta smalia hana midowdo an leyahay
asc.Maanta deegaanka is maamulka soomalida wuxuu ku talaabsaday horu mar lataabankaro.Aad baan ugu faraxsanahay arinkaa anigoo ah.abdi hassan oo kasoo jeeda Degmada Raaso.
dhamaan madaxda iyo shacabka DDs
hanbalyo ayaan leenahay.iyo sida quruxda badan ee loosoo dhaweeyey madaxda dawlada federaalka soomaliya.
waa wax wanaagsan oo lagu farxo in uubooqdo masuul sare oo ka socodo j.d.s oo booqdo dowlad deegaanka somali galbeed magaalada jigjig taaso dhiseysa wax wanaasan