Wafdi Nabadeed Oo Ka Socda Galmudug Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Cadaado “DAAWO SAWIRRADA”
Published on January 2, 2013 by Jayte · 18 Comments · 6,072 views
Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb soo gaaray wafdi nabadeed oo ka socday maamulka Galmudug.
Wafdiga ayaa waxaa afaafka hore ee magaalada Cadaado kaga hortagay mas’uuliyiin heer wasiir ah oo ka tirsan Ximan iyo Xeeb iyo dhalinyaro, si ay ugu soo o dhaweeyaan magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Dr Cumar Salaad Cilmi oo ah lataliye ka ah barnaamij nabadeed oo loogu magac daray Gun ka soo dhiska nabadda G/dhexe , iyadoo ay qayb ka ahaayeen wafdiga ilaa 40-Xubnood qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ka kooban.
Kulan balaaran oo lagu qabtay Baar Tawfiiq ayna ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb iyo qaybahaka kala duwan ee bulshada labada dhinac ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa nabad kuwada noolaashaha shacabka labada maamul iyo xalinta khilaafaadka la xiriira aanooyinka qabiilka ee mararka qaar ka dhex dhaca dadka reer Miyiga ah ee dariska ah.
Dr Cumar Salaad Cilmi oo wafdigan hogaaminayay ayaa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay inay muhiim tahay in nabadda laga wada shaqeeyo.
Xassan Xaashi Gudoomiyaha gudiga nabadaynta u qaabilsan Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb o madasha adal ka jeediyay ayaa ka hadalay mudadii sanadaha ahayd ee ay wadahalada nabadeed soo wadeen.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Galmudug Xabiibo Koofurow ayaa waxa ay iyana waxa ay shirka ka sheegtay in shacabka labada dhinac looga baahan yahay inay si wada jir ah uga shaqeeyaan maslaxadooda.
Ugu dambayn Wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa isna madasha ka sheegay in ka maamul ahaan ay ka shaqayn doonaan isdhexgalka bulshada labada dhinac.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad leh, iyadoo laga soo saaray qodobo iyo baaq ku aadan nabad ku wada noolaanshaha iyo daris wanaaga.









Photo By:-Maxamuud Cabdi Diirshe
WARKA SUBAX 26.5.2013
Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada ...
Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegtay in la ...
Oeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa soo ...
Doodi kama taagna in dalkeennu muddo ka badan ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
WAR HABEEN 25 05 2013
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Madaxweynaha dalka Kenya Uhura Kenyata ayaa sheegay in ...
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ...
Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ...
War Duhur 25-05-2013
Waxaa ka socda caasimada dalka Kuwait qabanqaabada loogu ...
Wasaarada arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta ...
Hay,adda maaeaynta musiibooyinka qaranka ayaa maanta deeq raashin ...
Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Raashinka ay Soomaalidu dhaqanka ...
WAR SUBAX I 25 05 13
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
Hay'adda SYPD ayaa gar gaar lagu caawinayo dadkii ...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
WAR HABEEN 24.05.2013
Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
War Duhur 24-May-2013
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Waa arrin wanaagsan in laga shaqeeyo nabad kuwad noolaanshaha dadka walaalahaa
waxa loo baahan yahay in aad xal u heshaan waa (WIILKA REER MIYIGAA EE QORIGA SIDA)
THANKS
waa arin lagu farxo in dad somaliyeed ay nabad radiyaaan 22 sano kadib dagaal iyo colaad dambo ilaaah noma so celiyo,,, ssafarkaan nabadeed waxa reyneynaaaa safarka ku xigo mid ay ku midobi doonan labada maamul oo ay noqon donan hal maamul insha alah
Maashaa Allah Laa xowla walaa Quwata illaa Billaahil Caliyul Cadiimu
Waa talaabo wax ku ool ah oo loo baahan yahay in loo wajaho si Alle ka cabsi leh lana joojiyaa Dhiiga Macna darada ku daadanaya allaha idin ku guuleysiiyo dadaalkiina.
Ugu dambeyntii aan ku soo gunaanado Qeyb ka mid hees uu tiriyay Abwaan Saciid Xarwo xilligii Dowladii siyaad Barrehalkudhiggeduna yahay Taageero Dadweyne weyne:
*Tubtii laga weeciyay baa mar kale lagu toosinaaya oo talaabo tisqaad leh weeyaan
*Tilmaan la habowshaybaa tubteedii la raadinaayaa taageero Dadweyne weeye
*Talaabadani waa la mid tii 21
taladooduna waa turxaantaa in laga baxshaa
*Wixii aan tabeynay waayahan aan u taaheynay waayahan hadii aad tixgaliseen Taageerada iyo Tusaale la raacaba nagu haleeya
Ilaah dagaalka nabad ha noogu badalo, Aabaartana aaran iyo Barwaaqo Aamiin…
Guuleysta Ilaah idinkiis oo iska ilooba qabiilka iyo Qisooyin waa hore Dhacay Bah Qumis hadaad tihiin,Qaadirkii idin abuuray tala Saarta
Xasbuna Aalaah wa nicmal wakiil
Ma sha alah ani ximin iyo xeb iyo galmudug ha isku tashtan ani magalada quruxddan ubagay caadi ma ahan duqay soo dhexmareen ggaariyasho tolow hadan tago dadka u dhalan malaga burinaa besha ahayn cml
Maya sxb waxaad ugu nooolaan doontaa si xor ah hadaba waxaa ku ganacsada dad ka badan 1000 qof oo beelo kale ah waliba ganacsiyada ugu wanagsan ayey leeyihiin
dhulka somali ayaa leh xaq ayuuna u leeyahay ninkii nabadda iyo xasiloonida ka shaqeeyaa
Asc masha alaaah waa wax lagu farxo walalayaal hadad fahanten inan dagaal waxba kenayn hadana lagu kala adkayn walalayaal waalaga gudbay waqtigii dagaalka. Waxana logudbay waqtigi nabada ilaahay nabad hadhax dhigo gobolada dhexe iyo dhamaan somaliya kuwa wax wada qabsada noqda rer bah qumis waxaadna kuheshiin kartaan sharecada islaamka walalyaal madama adtahiin islaam midka rer miyiga ah e wax dilaya hala dilo wlh mid dambe o wax dila walawaynayaa walalayaal waadna mahad santahin
as war salaan ka bacdi waa wax lagu faxo inaay maanta isu yimaadaan walaalaha galmudug iyo ximin iyo xeeb waa dhamaaday xiligii dagaalka gacanta iyo siyaasada maanta shacabka gobolada dhexe waa inay isku tashtaan oo horumarka cafimaadka aamniga waxbarashada la kordhiyaa wax garadka gudaha iyo dibadaba waa inay ka shaqayeeyaan sidii ay shaqooyin ugu abuuri lahaayeen dhalinyarada wadankooda ka qaxaaya. waa in qayraadka dekadaha laga faa,iidaysto. Aniga waxaan ka soo jeeda dariskiina reer caabudwaaq waxaan ku noolahay wadamada yurub 30 sano hadana waxaan rabaa inaan ku noqdo wadankayga ugana faa,iideeyo wixii aan ka soo kororsaday dibada aanan u furo iskoolo farsamo oo ay dhalinyaradu xirfadaha gacanta ka bartaan loona shaqeeyo wadanka 24 saac oo wax la soo saaro markaasaa gaajo iyo qurbe u carar noogu dambasa anigu waxaan ku dhashay cibitaal martiini kuna soo bar baaray ceel hindi soomaalida cusub markaan u tilmaamo waa taaladii hore ee sayid maxamed c/hassan ee muqdis ho taas waxaan u leeyahay mudisho waa meeshii aan ku dhashay kuna soo barbaaray laakiin maanta waa in wadankii dhamaan loo sara kacaa oo meelwalbaa la dhisaa ilaahay dhamaanteen hanala garabgalo AAMIIN.
waa arin wanagsan marhore ayaba ladhisi lahaa mamul goboleed buuxa oo ah mudug iyo galgaduud ee waxaa hortaagnaa labada belood o walaha ah hadana siyasad ahaan is diidan marka hadi manta isku solabteen hambalyo ayaan lenahey mashaallah………. mamul guri ama xafad yar ma anfaceyso dadka goboloda dhexe so waa in la midoobaa wax la isku darsadaa waa hadi ad dooneysaan horumar hadi ad didan ogaada XIMINIYO XEEB IYO GALMUDUG midna masoconeyso waayo labudaba ma buxinkaraan dasturka somaliya u dagsan ee federal ka ah …………ilahey towfiqda ha idin wafajiyo ayaan idin lenahey walalayan
waa wax aad loogu farxo in walaalaha wada dhashay hadana wada daga inay hishiiyaan waxa ka dhexeeyaana majiraan kaliya waa isfahmi waay yar cadowga ayaana idinka faa iidaysanaya hurdada ka toosa waqtigii dagaalak waa dhamaaday nabad iyo wada shaqayn
WAA ALLAH MAHADIIS BEELAHA WALAALAHA EE REER MUDUG IYO GALGADUUD AY MAANTA GARTEEN QIIMAHA NABADDU LEEDAHAY AYNA SI FARXADI KU JIRTO AY ISUGU SOO HILOOBEEN MEELNA WADDA FADHIISTAAN SI NABADDA IYO ISKAASHIGA LOOGA WADA HADLO. MIDDA MIDNIMADDA IYO DOWLAD GOBOLEED MIDAYSANI WAA IMANAYSAA MARKA FIGRADAHA LAMIDEEYO EE HORAY USII SOCDA ILAA GOBALADDA DHEXE OO DHAN MAHADSANIDIIN. WABILAAHI FOWFIIQ.
buraanbur
waxa badaan baan idin sugeynay oon samaan jeclayn,
haddii sacad iyo saleebaan mar wada saftaan.
somali nabad bay helaysaa hoggaankii toos.
ee ilahow horay noogu mari waa halkaan rabee.
” Haddii ay habargidir midowdoo hal qura noqdaan
hoggaanka dalka ay qabtaan waa hagaagayaa,
ilahow hadafkiinu noqodaa midkii horay u mara.
AAMIIN. ilaah ayaan ka baryayaa ineey Galmudug iyo Ximin iyo xeeb midoobaan. AAMIIN AAMIIN. ilaahayoow labada walaalo aay midoobaan oo ay wax isku darsadaan AAMIIN.
waxaan soo dhaweeynaynaa nabada iyo hesheeska ay wadaan labada maamul iyo waxgaradka kale,waxaana tihiin dad aan marna kala maarmikarin oo rixim ah ,walaal ah,muslin ah dhiigiinunana iskuma banaana,marka ilaahay maantay wuxuu idin haleelsiiyey towtiiq,waxaan marka idin leeyahay dhamaanteen nabada wax kasta u hura,dantiinuna waxay ku jirtaa wada tashi iyo heshiis iyo horumar,waxaan idiinku darayaa qofkii makagiisu galaa waa dhimanayaa ee nabada ha ka caajisinina ilaahayna haydin garabgalo aamiin.
AAMIIN.
MAASHA ALLAH DADKII ADINKA U DANBEEYA EE WAX WADA QABSADA
Waa arin aydaremen lawada mamul in aykashaqeyan nabadoda tasi waa wax aad iyo aad aan u soweyneno hadii aan nahay qurba jogta ku nool norwey anigo ku hadlayo afka dhalanyarta jaliyada smliyed ee casimada norwey kusugan wada tashigasi ad ayan ugu faraxsanahay ee wada heshen walaalaha isla dago oo kunol g/dhexe
mashaa alaah waa arin laku farxaa hadaay mantay tashadeen ximan iyo xeeb iyo galmudug oo walba ahaay dad walaalo ah lkn isku fahmi wayay siyaasada iyo wada noolashaha walayaal halkaas kasiiwada oo iskasha waad guulaysanaysan inshaa alaah oo badbadiya dhiiga muslimka ee macno darada ku dadanaya guul ximan iyo xeeb iyo galmudug
Waaarinaanberyahaanlafileynin inGalmudug iyoximaniyoxeebay maanta wadashirayaan.tolow arintaangoormaayeydhacday.aadayaan ugufarxay markiiaanakhriyey,
guuleeysta