Saturday, May 25th, 2013

Wafdi ka socda Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Oo Maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho “sawirro”

Published on January 13, 2013 by   ·   4 Comments  ·   7,609 views

Wafdi ballaaran oo ka socda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayadoo wafdigaasina si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo uu hogaaminayey xogahayha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,Saraakiil ka kala socotay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,siyaasiyiin,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Markii wafdigaasi diyaaradii waday oo aheyd mid ka mid ah diyaaradaha Shirkadda Turkish Air Ways ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kadib ayaa waxa uu xoghayaha koobaad ee Safaaradda mid mid u gacan qaaday dhammaanba dhinacyadii kala duwanaa ee garoonka kusoo dhaweeyey.

Xogahayaha koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wafdiga hogaaminayey ayaa saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaana uu u mahad celiyey qeybihii kala duwanaa ee soo dhaweeyey isagoo dhanka kalena ka hadlay socdaalka wafdigan ka socda Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ee uu hogaaminayo ay u yimaadeen magaalada Muqdisho.

C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda ayaa tilmaamay in u jeedada ay wafdigan u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay ka jawaabid ay ka jawaabayaan u yeeris ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u yeertay dhammaanba safiirrada,mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalka dibaddiisa.

Dhanka kale Xoghayaha koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa ka hadlay waxqabadka Safaaradda iyo sida ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo ay ugu horeeyaan Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi deeqaha waxbarasho ka helay iyo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

“runtii waxqabadka Safaaradda ma ahan mid aan kusoo koobi karo halkaan cid walba oo Soomaali ahna waxaan aaminsanahay iney ogtahay balse mida ku saabsan Ardayda waxaan mar walba ka warqabnaa xaaladda ay Ardayda ku suganyihiin, noloshooda iyo sida ay waxbarashadooda ay tahay marka aan la socod leeyahayna waan kormeernaa xili walba si aan u ogaano baahidooda iyo halka ay wax u marayaan sababta aan sidaa u sameynana waa in Ardaydu ay yihiin mustaqbalka Dalkeenna ee berrito” ayuu yiri Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Soo dhaweynta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loogu sameeyey wafdigan ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa noqoneysa soo dhaweyntii ugu sareysay ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiinta safaaradaha Soomaaliya ee dalka dibaddiisa ka imaanayey mudooyinkan waxaana soo dhaweynta heerka sare ah ee wafdigaasi loo sameeyey ay muujineysaa sida ay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ugu qanac sanyihiin waxqabadka Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga.

 

 

 

 

 

 

Photo By:- Canab Maxamed Barkhadle

Readers Comments (4)

  1. hassan says:

    asc waxaan halkaan ka salaamayaa umada soomaalıyeed meelwaba ayjoogto waa arın farxad ıyo xusıd mudan waxa maanta kadhacey goroonka magaalada muqdısho ee aadan cade qof walda ay hıdhıhıısa ayaa marqaatı u ah looma kala harın soodhaweyna dublamaansıınta kasocda wadanka turkıga uu hogaamınayo hogayaha koowaad ee safaarada turkıga cabduqadır naxaned nuur ee looyaqaano jamac masuulyınta dowlada ıyo bulshada qeebaheeda kaladuwan waa sıyaası dayar shaqa badan kaqabtey labada wadan xırııka kadhaxeeyo sıda xagar la aanta ıyo fırfıcoonıda waxaan ılaahey ugu baryeynaa farxad ıyo caafımaad

  2. Waxan ku farax sanahay wax qawadka safaratena ey u qawatay bulsha wenteyna somaliyed waxana dowla teyna ka rajey ney naa iney balariso safaradaha anu ku ley nahay dalalka dibatisa si aanu u helno xaqudena anu ku ley nahay dalaka dibatisa mahad sanid

  3. dahir says:

    waxan aminsanhy in safaradaha somalia dadka madaxda ka ah ineysan aheen dad qibrad uleh howsha ay hayaan marka waxaan karajeynayaa wasiirka arimaha dibada iney qashin saar kusameyso waxwalba waxey u baahan yihiin kala sifeyn macnaha badan kood waxey ubadan yihiin dad iskood isku magacababay iyo dad qabiil lagu geeyay waxan rajeynayaa dowladaan iney noqoto tii umada somaliyed u horseeda cadaalad




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX I 25 05 13
Bilicda Magaalo Xeebeedka Boosaaso (45)

Magaalada Boosaaso oo xilligan ay dadku ka xagaa baxayaan

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
Xoolo

Deeq xoola ah oo loo qeybiyay dad ku xoola beelay abaartii ugu dambeeysay ee dalka ka dhacday

Dadka xoolo dhaqatada ah ee  ku nool deegaanno ...
sweeden

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm oo xalay dhigay dibadbax

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
kenya-flag

shir looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga soomaaliya oo dhawan ka furmaya Kenya.

Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
haween

kulan looga hadlayay dhibaatooyinka soo wajaha haweenka uurka leh oo lagu qabtay dalka koonfur Africa.

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna  soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
IMG_3804

Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka. SAWIRO

Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Astaanta_Barnaamijka_Nasashada

Dhageyso Barnaamijka Nasashada Todobaadka Radio Muqdisho

Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
DSC00223

Ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka wadooyinka muqdisho habeenkii oo sii kordhaya iyo ciidamada oo adkeeynaya amaanka,”sawirro”

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
gud (5)

Gudoomiyaha gobolka Gal-gaduud oo munaasada soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Juba ee wadanka Koofurta Sudan “Sawirro”

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
astaanta-warka

Dhageyso warka Habeennimo ee radio muqdisho

WAR HABEEN 24.05.2013
S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha,Su’aallana Uga Jawaabay Shacabka Gudaha Iyo Dibadda “Dhageyso+Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*