Ururka Syl II Oo Qabtay Bandhig Lagu Dhiiragelinayo Dhaqanka Iyo Afka Soomaaliga “DAAWO SAWIRRADA”
Published on December 7, 2012 by Jayte · 6 Comments · 4,904 views
Bandhig lagu dhiiri galinayo dhaqanka iyo Afka somaaliyeed ayaa maanta Naadiga DHaqanka ee ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYLII ku qabtay magaalada muqdisho, bandhigan oo ay kasoo qeyb galeen agaasimahaWasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare mudane Ismaaciil Macalin Cabdulahi ayaa si aad ah usoo dhaweeyay bandhigga sheegayna in wasaaradu ay dhiiri galin doonto dhaqanka soomaaliyeed iyo nooleynta afka Soomaaliga, xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo in badan ka faalooday isbarbardhigidna ku sameeyay suugaanta xoola dhaqatada iyo beeraleeyda, sidoo kale abwaano ay ka mid yihiin Maki xaaji Banaadir, abwaan Maxamed Axmad Abdi Farey, abwaan Cusmaan Cabdullahi Guure oo iyagu dhamaantood halka kasoo jeediyay gabayo kala duwan oo ay ku cabirayeen aragtidooda ku aadan bandhigaasi.
Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah waayo arag iyo cilmi baare afka Soomaaliga ah isagoo ka sheekeeyay taariikhda afkeena Soomaaliga iyo hodantinimadiisa kuna booriyay dhalinyarada in ay ka qeyb qaataan ka hortagga dabargo’a erayga Soomaaliga ah isgoo ula jeeda in aan la isticmaalin erayada qalaad iyadoo la heli karo eray af Soomaali ah. waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Aadan Cali Caseyr oo ah cilmi baare afka Soomaaliga ah buug badana ku qoray afkeena hooyo, fanaaniin, barbaarta gaashaaman iyo dhalinyaro badan oo gabdha iyo wiilalba isugu jira oo iyagu badankood ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka Somaaliyeed.
Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka Soomaaliyeed, maansooyin isugu jiray heeso, gabayo iyomaanso howleed sidoo kale waxaa ciyaaraha hidaha iyo dhaqankeena kusoo bandhigay naadiga dhaqanka Rajo ee ururka SYLII sida ciyaarta dhaantada, beereyda iyo ciyaarta loo yaqaano shiribka oo iyana ay halkaasi kusoo bandhigeen barbaarta gaashaaman .
Ugu dambeeyntii ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay agabka dhaqankeena iyo hidaheena oo aad u qurux badan iyo cunooyin kala duwan oo ku dhex jiray alaabaha dhaqankeena sida xeerada, fandhaalka, dhiillo, toobte, xaarin, kurbin iyo kuwo kale oo aad u qurux badan.Bandhiga ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u qurux badan oo farxadeed iyadoo qof walibaana ay soo dhaweyneysay maadama uu yahay kii ugu horeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo burburkii.




























Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
WARKA SUBAX 23.5.2013
Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka South Africa ...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
WAR HABEEN 22.05.2013
Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin ...
Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
WAR DUHUR 22.05.2013
Deeq Raashin gargaar ah ayaa maanta loo qeybiyay ...
Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...
War Subax Arbaco 22-05-2013
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wasiirka beeraha iyo xaanaanada xoolaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ...
Booqashadaan oo ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdi ...
Kulankan oo ay maanta yeelanayaan xubnaha golaha shacabka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee ...
War Habeen 21-May-2013
Kulan ay si wada jir ah ugu qeybteen ...
Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
WAR DUHUR 21.05.2013
Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada Sadexdii bilood ee ...
Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
maasha’allaaaaaaaaaaaaaah
waa kufaraxsanahay in wax walbo lasoo celsho oo soomaaliya sidii ay ahaan jirtay laga dhigo runtii tani waxay ka mid tahay dhaqanka bulshada hobaladii cayaari jiray haloo diyaarsho tiyaatarka si ay dalka ugu soo laabtan good somalia good.
sanadkan 2012ka mid lamid ah oo nasoo maray 21kii sano maba jiro ilaahey sanadka soo socdana hanooga dhigo mid aan ku faraxno nabad iyo barwaaqo.
wowo masha allah waa barnaamij aad iyo aad u fiican waxaa mahad iskaleh ilaah tankale xigta dadka soo awaawiliya barnaamijkan aad iyo aad ayan aga mahad celinyaa maxaa yeelay wili ma aan arkin dhalinyaro sidaan oo kale waayo waxaan ku soo kornay amaba dhalanay waqtigii doolada ee dhacday. masha allah
mashaalaah dadkeena iyo dalkenu waa wax aad uquruxbadan walalayaal ilahayow dhaqan keeena aana waayin iyo waxaan ku xasuusano yio wax naxasuusiyah intaba dhaliyaro waxan leenahay aduunka uguquruxda badan anga hadan nahay somalia guul guul somalia
Masha Allaah waa arin wanaagsan,waana loo baahan yahay in la dhoowro oo la barto dhaqankeenna. Masha Allaah waa arin wanaagsan. Waana ku bogaadinayaa shacabka soomaaliyeed inay isku duubnaadaan meel walba ay joogaan. wsc wr wb
wadan walba waxa uu ku faanaa dhaqankiisaa waxa wax lagu farxa ah in noola soo celiyo dhaqankeena waayo waxa uu ku dhowyahay markaan in uu lumu aad ayeyna u mahadsanyihiin
Inkastoo aana jecleeyn in wax midkale lagu daro SYLki hore hadana lama inkirikaro maskaxda iyo muruqa aad geliseen howshaan ALLAHA naga dhigo kuwo daacad wax u qabto ee aan maseeyr ku shaqeeyn iyo halagu arko Somalia ha noolaato cadwgeeda cagta hoos aaamiin.