
Wax Qabadka Xukuumadda Fkmg ah ee
sannadkii ina soo dhaafay 2009 oo kooban:-
Shirkii Dib U Heshiisiinta Djabuuti oo ay ku midoobeen Dowladda Federaalka Kmg ah (TFG) iyo Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed (ARS) ee lagu soo dhisay Dowladii Midnimo Qaran ee Dowladda Federaalka Kmg ah, waxaa lagu soo doortay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Ahmed Bishii Janayo 31/ 2009.
Sida uu qeexayo Axdiga Federaalka Kmg ah wuxuu Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed u magacaabay Ra'iisul Wasaare in uu dalka Soomaaliya ka noqdo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Bishii Feberayo 14, 2009kii.
Ra'iisul Wasaare Cumar wuxuu isagoo tixgelinaayey sida Axdiga uu faraayo wuxuu soo dhisay Xukuumad ka kooban 37 wasaaradood bishii Feberayo 20 dii , isla bishaas Feberayo 26kii, dhaar iyo xaflado sagootin ka dib waxaa dhamaan golayaasha Dawladu u soo guureen magaalo madaxda Somalia ee Muqdisho.
Intaas ka dib waxuu Ra'iisul Wasaaruhu Magacaabay gudi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare xigeenka, ahna Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda Mudne Cabdiraxmaan Xaaji Aaden Ibbi si ay soo diyaariyaan Xilalka gaarka ah ee Wasaarad walba u xil saarantahay. Iyadoo ay wasaarad walba bilawday hawlgalka iyo gudasha waajibaadka loo xil saaray oo ka soo baxay wax qabadyada hoos ku xusan oo ah:-
Arrimaha Siyaasadda iyo dib u Heshiisiinta.
Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Kmg ah ka hortagtay hagar daamidii cadowga la damacsanaa Ummadda Soomaaliyeed ee ahayd in la afgambiyo dowldadda FKmg ah ee lagu soo yagleelay dalka Djabuuti ka dib dib-u-heshiisiin dheer oo dhex martay TFG iyo ARS. Waxaa kaloo iyadna mudan in la cadeeyo in Ummadda laga badbaadiyey calankoodii la rabay in lagu bedelo calan madow oo aan astaan qaran iyo mid ummadeed midna lahayn.
waxey dowladdan horumar weyn oo la taaban karo ka sameysey sidii Mas'uuliyiinta qaranka ay u noqon lahaayeen kuwa si qaranimo ah uga wada shaqeeya howsha dalka iyadoo aysan weli dhicin wax qilaaf ah oo haba yaraatee soo kala dhex galay. Sidoo kale Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadan oo aan iyaguna wax khilaaf ah marna soo kala dhex gelin howshooduna si wada jir ah u wada qabsadaan.
Xukuumadda iyo Baarlamaankaba waxaa markii ugu horreysay taariikhda Somalia ansixiyeen ku dhaqanka Shareecada Islamka;
Waxaa la magacaabay isla markaana Golaha Wasiirada ansixiyeen dhismaha Garsoorka Qaranka oo uu ugu horeeyey Guddoomiyaha Maxmadda Sare.
Dib-u-heshiisiinta oo horumar weyn laga sameeyey oo xubno muhiim ka ahaa Xisbul-Islam ay maanta mas'uuliyiin muhiin ah ka yihiin dowladda midnimo Qaran ee DFKmg ah, isla markaana la sii joogteeyey dib-u-heshiisiintaa oo maalmahanba ay jireen xubno iyaguna muhiim ah oo si isdaba joog ah ugu soo biiraya dowladda.
waxaa sidoo kale heshiis hordhac ah lala galay madaxda sar sare ee Ahlu Sunna Waljameeca, dhawaana la rajaynayo Inshallah in la dhamaystiro heshiiskaas.
Dowladdu waxay si buuxda uga qayb qaadatay nabadeynta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Goboladda dalka waxayna dowladdu ku guulaysatay in ay isu keento Maamul Goboleedka GALMUDUG oo madaxdiisa dhib ka dhex jiray ka dibna tanaasulaad dhexdooda ah ka dib Madaxwaynaha hortiisa ay ku kala saxiixdeen heshiikii taariikhiga ahaa ee dib u yagleelida maamul Goboleedka GALMUDUG oo hogaankiisa loo daayey Mudane Maxamed Axmed Caalin Madaxwaynaha Maamul Goboleedka GALMUDUG.
Waxaa Isbedel lagu sameeyey maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Dowladdu waxay ku dhaqaaqday diyaarinta sharci nidaaminaya habraac qaab dhismeed mideeysan leh, guud ahaan guddiyada dastuuriga ah oo ku xusan qodobka 68aad ee Axdiga FKMG ah, hindise sharciyeedkaas oo haatan horyaal kalfadhiga 10aad ee Golaha Baarlamaanka.
Waxaa kaloo gebageba ah dhismaha gudiyadda lagama maarmaanka u ah howlaha dastuur u sameeynta dalka iyo dhaqan gelinta hannaanka federaaliga ah, kuwaas oo kala ah:
Guddiga calaamadeeynta soohdimaha maamul goboleedyada dalka
Gudiga tirakoobka dadka da'doodu sharcigu u ogolyahay iney u codeeyaan dastuurka cusub.
Guddiga doorashooyinka iyo aftida dastuurka.
Iyo guddiyo howl fulin ah, sida uu qabo sharciga loo adeegsanaayo diyaarinta iyo qoraalada dastuurka.
Ugu dambeeyntii waxaa dib u habeyn lagu sameeyey sharcigii lagu dhisay gudiga madaxa bannaan ee Dastuurka Federaaliga ah, si waafaqsan qaab dhismeedkiisa cusub iyo qorshe hoowleed waqtiyeeysan oo qeexaya hoowlgalka heyadaha u xilsaaran dastuur sameynta dalka sanadka 2010. Sharcigaas oo Golaha Wasiiradu ansixiyeen, haddana horyaalla Golaha Baarlamaanka.
Xiriirka Arrimaha Dibadda
Waxaa dhab noqotay in dowladdan ay tahay mid heysata kalsoonida caalamka oo wax weyn dhankaas laga qabtay, tahayna markii ugu horreysay oo arrimaha Somalia si xoogan looga taageero IGAD, AU, AL, EU, US iyo UN iyo dhamman wadamada kale ee caalamka. Waana markii ugu horreysey ay IGAD iyo AU ku guuleystaan inay Eretria oo loo arkayey inay caqabad ku tahay dowaldda Soomaaliyeed loo gudbiyey Qaramada Midoobay (UN ka) islamarkaana lagu guulaystay in cunaqabateen la saaro.
Waxaa xusid mudan in markii ugu horreysay ee dowlad Somaliyeed uu caalamku u sameeyo yabooh heer caalami ah ka dib markii bishii April 2009ka dhamaadkeedii magaalada Brussels ee dalka Beljim loogu sameeyey yabooh dowladda looga saacidayo dhanka amniga
dowladdan waxay noqotay tii ugu horreysey oo safiir buuxa loo aqoonsado inay ku yeelato Midowga Yurub (EU) iyo dalka talyaaniga (Italy). Isla markaana waxay dowladan aqbashay safiiradii ay soo dirsadeen Dowladaha kala ah India iyo Djibouti kuwaas oo nuqulkoodii aqoonsi u dhiibay Madaxwayne Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Axmed oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka maraykanka (US) si aad ah ugu soo dhaweeyaan isagoo la yeeshay kulamo joogta ah bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan goboladda dalka Maraykanka.
Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Axmed oo ku soo baxay Madaxweynihii ugu horreeyey oo qudbad taariikhi ah ka jeediyey Shirkii Yabooha Soomaaliya ee lagu qabatay magaalada Brusseles ee dalka Belijem, wuxuu kaloo Madaxweyne Sheikh Shariif ka jeediyey khudbad heer sare ah Jaanmacad ku taasha dalka Maraykanka asagoo halkaas ka tusaaleeyey xaaladda dalka uu ku sugan yahay noqdayna taariikhda Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya ee khudbad noocaas oo kale ah ka jeediyo Jaamacadaha dalka maraykanka.
Dowladda Soomaaliya oo leh badda ugu dheer ee Qaaradda Afrika waxa ay hor iyo horraantiiba ku dhaqaaqday sidii ay isugu duwi laheyd ku xeeldheerayaasha arrimaha noolaha badda, si looga diyaariyo qoraal lagama maarmaan u ah habsami u socodsiinta hoowlaha kalluumeeysiga iyo khayraadka badda. Iyadoo lala kaashanayey hayadaha caalamiga ah ee ku howlan arimaha Badda.
Waxaa Dowladda Soomaaliyeed ku guuleeysatey in si buuxda xubin uga noqotay urur goboleedyada kalluumeeysiga ee badweynta Indiya iyo badda Cas sida: SWIOF, WIOMSA, ACP, ASCLME.
Waxaa kaloo Dowladda FKMG ahi ay waqtigeedii ku gudbisey qoraalkii hanashada Badda oo ku beegnaa 13kii May 2009; kaasoo dib u siinayey Shacbiga Soomaaliyeed baddoodii dherersaneyd illaa 200 notical maylis, isla markaana gacanta lagu hayo qoraalkii qaadashada xadka ka baxsan 200 Nootikal Maylis.
Dadaal dheer ka dib, waxaa Illaaheey mahaddii suura gashay in maariikiibtii shirkadda Soomaaliyeed ee (SHIFCO) oo muddo 19 sano ah ka maqneeyd gacanta Doowladda Soomaaliyeed oo haataan si shurrud la'aan ah loogu soo celieyey Bacdallah mahadi haka gaartee Dowladda yeman oo arrinkaa suura geliyey.
Waxaa sidoo kale markii ugu horeeysey shir ay isugu yimaadeen wadamada Baasifiga, Afrika iyo Karibiyaanka oo lagu qabtay Magaalada Kambala ee dalka Uganda, lagu go'aansaday in Soomaaliya wax looga qabto arimaha horumarinta Kalluumeeysigeeda, siyaasadda kalluumeeysiga, xeerka iyo xeer-nidaamiyaha jillaabashada kalluunka. Waxaa kaloo laysku raacay in Soomaaliya looga faa'iideeyo qorshe u sameeynta noole-biyoodyada biyaha Soomaaliya si loo ogaado wixii dabar go'ay, wixii yaraaday iyo wixii tiradoodu kor u kacay sanooyinkii Dowlad la'aantu ka jirtey Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliyeed waxay si rasmi ah uga mid noqotay 18kii Juun 2009 Ururka Ka digista Xallinta Khilaafaadka Reer Guuraaga) (CEWERUS) ee dalalka IGAD shirkaas oo lagu qabtay caasimada dalka Itoobiya.
Sidoo kale waxay Dowladu ku guulaysatay in ay ka mid noqoto heshiiskii Caalamiga ahaa ee isbedelka Cimilada Adduunka laga bilaabo 10kii Dicember 2009. Isla markiina waxay ka mid noqotay heshiiska Caalamiga ah ee nolosha kala duwan (Biodiversity) iyadoo dhamaan heshiisyadan la mariyey Golaha Wasiirada haddana la horgeeyey Kalfadhiga 10aad ee Baarlamaanka. Heshiiskan waxay dowladda Soomaaliyeed ku heshay in loo furo dhaqaalihii hayada maalgelinta Adduunka (JEF).
Waxay dowladdu heshiis la wadaa hayadda caalamiga ee BIIADA UNEP in si deg deg ah loo wada bilaabo qiimaynta xaaladda Bii'adda ee Soomaaliya, isla markaana Dowladda Soomaaliyeed waxaa loo ogolaaday in ay ka mid noqoto Shirwaynaha Adduunka ee Isbedelka Cimiladda oo aan sanooyin badan ka maqnayd iyadoo aan la inoo ogolayn in aan si rasmi ah uga qayb galno, maantana aan nahay xubin rasmi ah.
Waxay dowladdu ku qancisay dowladdaha carabta in cadaadis la saaro dowladaha soo dhoofsada Dhixusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya midaas oo loo arkay in ay tahay xaalufin iyo daryeel la'aan dhirta oo u keeni karta dalka Soomaaliyta abaaro isdaba jog ah, waana la isla qaatay aragtidaa in la joojiyo dhoofka dhuxusha.
Dowladdu wax ay sameeysay sharci lagu maamulayo howlaha batroolka, qeexayana siyaasadda iyo ujeeddooyinka dowladdu ka leedahay soo saaridiisa, si cadna u qeexaya ilaalinta deegaanka dalka (Environment) sida hawada, biyaha, ciidda, dhirta iyo noolaha Soomaalia goonida u ah.
Waxaa la dar dar geliyey keenista shirkado shisheeye oo aqoon, xirfad iyo dhaqaaleba u heysta, diyaarna u ah iney wajahaan khatarta ka imaan karta sahanka iyo baaritaanka shidaalka dalka.
Waxaa la dhaqan geliyey sharcigii batroolka Soomaaliya oo ka kooban 60 qodob; sharcigaas oo ay labada goloba horey u soo ansixiyeen.
Waxey Dowladda xiriir la sameeysay dhammaan shirkadihii shisheeye ee xukuumadihii hore ee Soomaaliyeed ay xaq-dhuleed ka siiyeen dalka baaritaan shidaal, si lo ogaado kuwa ay yihiin, inta ay yihiin sida waafaqsan sharciga batroolka qodobkiisa 59, qeeybtiisa 59.1; waxaana la gaarsiiyey dhammaantood sharciga batroolka Soomaaliya, waxa ayna kala ahaayeen CONOCO, BRITISH PETROLIUM (BP)/ TALISMAN, SHELL, ENI, CHEFRON si lo ogeeysiiyo xuquuqdooda iyo waajibaadkooda.
Wuxuu Golaha Xukuumaddu ogolaaday ka mid noqoshada hey'adda caalamiga ah ee quwadda la cusbooneeysiin karo ee IRENA. Hey'addaas oo lagu aasaasay magaalada Bon ee dalka Jarmalka 2009.
Dowladdu waxa ay ka qeybgashay shirkii looga hadlaayey dhismaha isku xirka Korontada ee geeska Africa oo ay soo qaban qaabisay IGAD JAM II.
Dowladdu waxay ku guulaysatay in ay gaarto dadweeynaha Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah ee ku nool dalka dibadiisa, iyadoo markii ugu horreeysey u dhistay gudiyada Jaaliyadaha Soomaaliyadeed ee gobolada Soomaalidu ku badan tahay ee dalka Mareeykanka, Canada, Dalalka Yurub qaarkood iyo Suud Afrika. Taasoo keentay in Madaxweeyne Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo si aad ah loogu soo dhoweeyey gobolo ka mid ah dalka Mareeykanka USA.
Waxaa meelo badan ka hirgalay in la gaarsiiyo dareenka ummadda iyo baahida loo qabo wax tarka qurba joogta Soomaaliyeed. Iyadoo la go'aamiyey in la soo saaro dhiirigelinta iyo u fududeeynta qurba joogta Soomaaliyeed iyo dadyoowga ay xiriirka la leeyihiinba maal-gashiga wadanka, iyadoo la sameeynayo sharci gaar ah oo loogu sahlayo arimahooda.
Waxaa iyana la meel mariyey sharci qeexaya xuquuqda iyo waajibaadka qurba joogta Soomaaliyeed, sida barashada afkooda Soomaaliga ah, taariikhda, joqoraafiga, cimilada, suugaanta, dhaqanka iyo hiddaha, dhaqaalaha iyo socdaalka iyo jinsiyadaha.
Waxaa kaloo lago'aamiyey in gudiyada jaaliyadaha Soomaaliyeed ka hoowlgalaan :
diiwaan gelinta dadka Soomaaaliyeed ee ku nool dalalka ay joogaan.
Diiwaangelinta dhallaanka ku dhasha wadamada ay joogaan.
Diiwangelinta warqadaha nikaaxa iyo furriinka si waafaqsan sharciga iyo shareecada.
Ka tala bixinta qofka xaq u yeelanaayo qaadashada baasaboorka Soomaaliyeed
Diiwaangelinta dadka dib loogu soo celinaayo dalkooda hooyo iyo hubinta hantidooda.
Kormeerka iyo ka war heeynta xaaladda dhabta ah ee dadka Soomaaliyeed ee xabsiyada iyo cisbitaalada ku jira.
Keydinta iyo bandhigidda agabka dhaqanka, farshaxanka iyo taariikhda Soomaaliyeed.
Ururinta kaalmooyinka lagu gargaarayo dadka tabaaleeysan iyo marka ay dhacdo masiibo dabiici ah.
Arrimaha Amniga iyo Difaaca Qaranka
Waxaa dib-u-habeyn weyn lagu sameeyey ciidanka dowladda oo markii hore kala ahaa maleeshiyaad shaqsiyaad leeyihiin iyo kuwo Ciidan dowladeed ahaa oo maantana ay dhammaantood wada yihiin ciidan qaran iyadoo dhamaan ciidankii faraha badanaa loo kala direy tababaro iyo jahayn howlo qaran.
waxay dowladdu sameysey maxkamadii ciidanka qalabka sida si lagu saxo qaladaadka ciidanka ka galaan bulshada iyo mid dhexdoodaba ah.
Sugida Amniga gegeda Dayaaradaha Aden Cabdulle oo aad loo adkeeyey keentayna in dhoofayaashu si hufan uga duulaan dalka uguna soo degaan iyagoo og in baaritaan dhab ah marayaan.
Ciidamada Ilaalada canshuuraha iyo Kastamiska oo aad loo adkeeyey waxay ku guulaysteen Bishii November iyo Disember in ay qabtaan lacagta DOOLARKA MADDOW oo isku darkeedu gaarayo 4.5 Milyan.
Waxaa la dhameeystiray dayactirka dhamaan dugsiyada tababarka ciidamada sida Dugsiga Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee (Scoula Policia), midka Badda, iyo kan Ciidanka Lugta.
Waxaa la dardar geliyey daraasad laxiriirtana lagu sameeyey fulinta mashruuc ballaaran oo hub ka dhigista maleeshiyaadka rayidka ah, iyadoo laga fulinayo guud ahaan dalka gaar ahaana goboladda ay aadka u khuseyso iyadoo la billaabayo bisha feberaayo 2010.
Arrimaha Dhaqaalaha, Horumarinta iyo Dib u Dhiska.
Isku shaandheyntii dhowaan la sameeyey ee lagu kala saarey wasaaradda Maaliyadda iyo mida Lacagta si wax looga qabto arrimaha dhaqaalaha dalka ayaa markii ugu horreyseyba bilowday canshuur ka qaadista bariga oo laga bilaabey ex-kontrol Afgoye September, 2009 arrintaas oo mira wax ku ool ah laga gaarey
Dowladdan waxay noqotay tii ugu horreysey oo miisaaniyad u samaysa dalka oo xildhibaanada soomaaliyeed iyo dhamman hay'adaha dowladda u qoondeysey mushaharaad muddo afar bilood ahna iyada is maamuleysey tasoo tuseysa in rabitaanka dowladda ee ahaa in la isku tashto ay tahay dariiqo saxa ah ee horumar lagu gaari karo.
Waxaa dib loo soo celiyey markii ugu horeysay xiriirkii banuugta kala ah Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), Bangiga Horumarinta Islaamka, (Islamic Development bank) iyo Bangiga Adduunka (World Bank) Waxaana lagu guulaystay in la isticmaalo bangiga Dhexe ee Soomaaliyeed oo dhamaan dakhliyadda kala duwan ee u soo xarooda Dowladda dhexe lagu shubo khasnadda Dowladda iyadoo la isticmaalaayo hab maamul dhaqaaleedka caalamiga ah (Financial Regulations). Taas oo ku timid dadaal dheeraad ah oo xukuumadu ka samaysay iyadoo la abuuray Guddi heer qaran ah oo ka kooban wasiiro oo ka howl galay dib u habaynta maamulka Dhaqaalaha iyo toosinta maamulka dalka.
Waxaa Golaha wasiirada laga ansixiyey markii ugu horeysay in dowladdu soo samayso Lacagta qaranka ee Shillin Soomaaliga ah si loo hakiyo sicir bararka iyo lacagaha been abuurka ah ee shacabka xoolahooda lagu booboo, isla markaana lagu hakiyo dheelitir la'aanta arrimaha dhaqan dhaqaale ee dalka guud ahaan gaar ahaan suuqyada ganacsiga dalka gudihiisa.
Dowladda oo sameysay hayad ilaalisa hantida lacageed ee dalka soo gasha oo fadhigeeduu yahay Nairobi si loo adkeeyo hufnaanta maamulka iyo hantidhowrnimada adduunka naga filaayo (Price Waters House Cooper).
Dowladda oo adkeysay nidaamka iyo habsami u socodka canshuuraha Dekedda iyo gegida dayaaradaha magaaladda Muqdisho, ka dib markii Guddi loo saaray baaritaan iyo eegid ku sameeya habka daqli ururinta ee Dekedda Muqdisho 22 November 2009 arrinkaas oo ay ka qayb qaateen ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka banaadir meel marintiisa.
Waxaa dib loo yagleelay iskaashatooyinkii kalluumeeysiga ee Xeebaha Soomaaliyeed, sida Iskaashatada Dan-kulmis, Iskaashatada Bashaqle, Iskaashatada Bartamaha, Islaashatada Alla Suge, Iskaashatada Ciilmooge iyo Iskaashatada Jasiira.
Waxaa sidoo kale lagu guuleeystey dhameeystirka dayactirka xafiisyada Ra'iisul Wasaaraha.
Waxaa qandaraas lagu bixiyey laba mashruuc oo dayactir heer qaran ah oo ay ku guuleeysteen shirkado wadani ah. Kuwaas oo dhisay xarunta dembi barista Soomaaliyeed iyo xarunta taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Sidoo kale Injineerada hoowlaha guud iyo shirkado wadani ah waxa ay iska kaashadeen dhisidda xeryo loogu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida xerada saldhigga ciidanka badda Xamar, xeradda ciidanka dhulka ee loo yaqaan Haama dhoowr iyo dekeddii hore ee Xamar.
Waxaa gacanta lagu hayaa daraasado mashaariic dhismayaal oo lagu dayactiri doono oo kala ah:
Wadada isku xirta Airboorka iyo WAGAD (ama FIAT)
Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Warfaafinta, Maaliyadda, Bangiga Ganacsiga Soomaaliyeed, Wasaaradda Kalluumeeysiga iyo Khayraadka Badda, Qorsheeynta Qaranka iyo Hidaha iyo Tacliinta Sare.
Dayactirka xafiisyada Wakaaladda wararka ee SONNA, keeydka iyo qolalka Istuudiyoyaasha Raadiyo Muqdisho.
Waxaa kaloo gacanta lagu hayaa qurxinta taallooyinka Qaranka.
Waxaa lagu guuleeystey in waqti kooban lagu soo tirakoobo hantidii maguurtada aheeyd ee dalka ku burburtay dagaaladii sokeeye, sdoo kale waxey aqoonyahanada ku xeeldheer arimaha dib u dhisku soo jaangooyeen qaabka dib loogu dhisi karo looguna dayactiri karo dhammaan hay'adihii Dowladda ee waxyeeladu ku gaadhey dagaaladii sokeeye, iyadoo laga diyaariyey qoraal kaamil ah dhamaan hantidii Wasaaradaha gaar ahaan guryihii, warshadihii, xafiisyadii qaranka, Dugsiyayadii Waxbarashada hoose/dhexe/sare iyo jaaamacadihii, goobihii caafimaadka iyo beerihii dowladda oo dhamaantood ku cad lifaaqa buugan iyo ku tala galka dowladda ku aadan wax ka qabashada dib u dhiskooda.
Dowladdu waxa ay ku guuleeysatey ineey dib hawada u geliso Idaacaddii Raadiyo Muqdishu ee codka Jamhuuriyadda Soomaaliya . Waxaana la xaqiiiyey in idaacaddu gaartey gudaha iyo dibedda, laguna dhegeeysto aaladaha kala duwan sida Satelaytka, internetka IWM.
Waxaa si buuxda dib ugu howl galay intii ay Dowladdu jirtey Wakaaladdii wararka ee SONNA.
Waxaa markii ugu horeeysey dunida laga aqristay laba Web SITE oo ku hadlaya afka doowladda kalana ah websaadka Raadiyo Muqdisho iyo kan Xukuumadda.
Waxaa dib loo howl geliyey Istuudiyowyaashii Raadiyo Muqdisho.
Waxaa dayactir lagu sameeyey keydkii idaacadda Raadiyo Muqdishu, iyadoo gacanta lagu hayo sidii dhammaan agabka keeydka yaal loogu rogi lahaa Dijitaal (Digital).
Waxaa sidoo kale la hormariyey xiriirka iyo wada shaqeeynta ay Doowladdu la leedahay Saxaafadda xorta ah ee madaniga iyo tan caalamka.
Dowladdu waxa ay ku guuleeysatey dib u dhireynta beerihii bilicda Muqdisho ee goobaha nasashada (Jardiinooyin) sida beerta nasashada Arbaca Rukun, beerta nasashada ee masajidka Isbaheeysiga, Xarunta Madaxtooyada iyo meela kale.
Waxaa dib loo yagleelay xarunta keeydka dhirta e Shangaani.
Dowladdu waxa ay ku guuleeysatey ineey dhisto terminal cusub oo casri ah oo ay dhoofayaashu ka duulaan, ayna u dhameeystiran yihiin qalabyada casriga ah ee caalamka lajaanqaadi kara.
Waxaa Dowladda Soomaaliya dib ugu soo laabtay gacan ku heeynta hayada Duulista Hawada
Waxaa dayactir ballaaran lagu sameeyey masaajidka wayn ee ISBAHAYSIGA ISLAAMIGA EE MUQDISHO oo dowladdu gacan wayn ka gaysatay, Shacabkuna u hureen maalkoodii iyo xoogoodiiba gudo iyo dibad.
Dowladdu dadaal dheeraad ah ka dib waxaa u suura galay in Xoolaha Soomaaliyeed la geeyo suuqyada dalka Boqortooyada Sacuudiga oo dowladdu ka codsatey in Cunaqabateyntii saarneed laga qaado midaas oo wax wayn uga tartay horunmarinta dhaqaalaha dalka iyo ganacsigiisa. Waxaa suura galay in la dhoofiyo xoolo tiradoodu ku dhowdahay 800,000 kun oo neef iyadoo laga faa'iidaysanayey wakhtigii Xajka, midaas oo soo gelisay dalka lacag dhan 45 malyan oo doolar oo dadwaynaha si xoogan u kala gaartay meelaha ay kala joogaan oo xoolaha laga soo iibiyey.
Iyadoo lala kaashaday hayada Cuntada Adduunka (WFP) waxaa dib loo habeeyey Dekedda Muqdisho oo qadarka xirashada maraakiibtu aad u yareyd haddana la gaarsiiyey mugeeda, ka dib markii laga soo saarey qalab badan oo lagu aasay dekeda dhexdeeda, la dayactiray dhamaan bakhaaradii waa waynaa ee dekedda laguna kordhiyey hal bakhaar oo aad u wayn, Masaajid ay ku tuadaan shaqaalaha iyo kaptanada maraakiibta,
Lix iyo toban sanno ka dib markii ugu horeysay la suura geliyey qaybtii nasashada Xoolaha laga dhoofiyo Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho.
waxaa sidoo kale la dhisay bulaacadihii hoos marayey dekedda, waxaa dib loo soo celiyeybilicdii dekedda iyadoo daactir guud ahaaneed lagu sameeyey laguna kordhiyey guryo iyo xafiisyo cusub iyadoo la suura geliyey in habeen iyo maallinta ay dekadda lagu shaqeyn karo ida kuwa xaalamka.
Arrimaha Bulshada
In dowladda hadda jirta ay tahay tii ugu horreysey oo deeqaha waxbarasho u maamusha si caddaalad ah oo ummadda u siman tahay xaflad heer Qaran ahna loo sameeyey ardeydii ku guuleysatay deeqahaas waxbarasho oo awal si aan maamulka waafaqsanayn loogu diri jirey arday nooc walba leh.
Dowladdu waxay markii ugu horeysay samaysay wasiir u xilsaaran Wax ka qabashada arimaha bani aadanimada iyo dib u dejinta ummadda Soomaaliyeed, iyadoo loo abuuray gaarsiinta samafalka dadka tabaaleeysan, kuwa dagaalada lagu barakiciyey, agoonta, dadka tabarta yar, ka hortagga iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka ay keenaan isbedelada cimilada, sida abaaraha, duufaanada, daadadka iwm.
Waxaa sidoo kale lagu guuleeystay in la sameeyo xeer-maamulka siyaasadeed ee NGOyada. Iyadoo la qaabeeyey habraaca diiwaan gelinta, dib u cusbooneeysiinta diiwaangelinta, diiwaangelinta mashruucyada ay hayaduhu ka fulinayaan dalka, iyadoo la qeexayo habka shaqada NGOyada, dadka ka faa'iideeysanaayo, waqtiga uu soconayo, xoogga iyo awoodda lagu fulinayo iyo wadarta xaddiga dhaqaale ee loobaahan yahay in lagu fuliyo mashruucyada. Iyadoo ay tahay markii ugu horreeysey oo taalaabooyinka caynkaas ah uu dalkeenu qaado xiliyadii ugu dambeeysey.
hay'adda Bani aadanimadu waxa ay ku guuleeysatey ineey gaarsiiso dadka tabaaleeysan mucaawinada loogu deeqo ummadda Soomaaliyeed oo iskugu jira cunno, biyo daawo iyo teendhooyin, kuwaasoo inta badan Wasiirka Wasaaradda Banii'aadanimadu uu gacantiisa ku qeeybin jirey.
waxaa la sameeyey hayad baarta cunnadda dalka u soo degta si loo ilaaliyo in dalka aan lagu soo qubin cunnooyinka iyo daawooyinka dhacay ama si khaldan loo soo diyaariyey.
Dowladdu waxay ku dhaqaaqday daryeelka qoyska iyo caruurta iyadoo u samaysay wasaarad ka howl gasho arrimaha Haweenak iyo Qoyska oo si aad ah wax uga qabatay horumarinta dumarka iyo u abuurista goobo waxbarasho si tayada dumarka sare loogu qaado.
Waxuu Golaha Wasiirada ansixiyey go'aankii caalamiga ahaa ee ilaalinta xuquuqda caruurta, waxaana la horgeeyey Golaha Baarlamaanka.
waxaa laga furay xarunta Haweenka Machadka Waxbarashada Teknoolajiyada Dumarka oo loogu magac daray Marxuum Qamar Aaden Cali.
Dowladdu waxaa u suura galay sannadkan in ay maamusho kuna guulaysato iyadoo dhib badan ka jiray xagga Cudurka H1N1 arrimaha XAJKA iyadoo si buuxda looga aaday Soomaaliya Allah mahadiina wax dhib ahna uusan ka dhicin wafdi ballaarana u dirtay ka warhaynta iyo taakuleynta ummadda Soomaaliyeed ee Xajka Alle swt gudanayso. Howlgalaas oo si aad ah uga shaqeeyey Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Xafiiska Raiisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka kmg
Muqdisho, 03/01/2010
|