Thursday, May 23rd, 2013

Tartanka Ramadaan Oo Caawa Soo Gebageboobay, Degmadeese Ku Guuleysatay “Dhageyso+Sawirro”

Published on August 17, 2012 by   ·   27 Comments  ·   16,882 views

Tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan ay Warbaahinta Qaranka u baneysay degmooyinka Dalka ayaa si rasmi ah usoo gebageboobay ayadoo barnaamijkana ay taabagelisay shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Caawa oo aheyd habeenkii ugu dambeysay ee tartanka Ramadaan sanadkan 1433Hijria ayaa waxaa barnaamijka lagu tartansiiyey tartameyaasha Afar degmo oo iyagu uka tartamayey kaalinta Seddexaad iyo tartanka Finalka oo ay ku tartameen tartamayaasha degmooyinka Dayniile VS Kaaraan.

Tartanka Koobaad ayaa dhexmaray tartamayaasha degmooyinka Qardho VS Boondheere oo ka kala tirsan gobollada Bari iyo Banaadir waxaana labada degmo ay u tartamayeen Abaalmarinta kaalinta Seddexaan ayadoo natiijada tartaankaasina ay noqotay sidan:-

Qardho

Tartamayaasha degmada Qardho ee gobolka Bari ayaa su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Lix ka mid ah,hal su’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin,mana jirin wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Qardho ay noqotay 12Dhibcood.

Boondheere

Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Lix ka mid ah,hal su’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Qardho waxaana wadarta guud ee dhibcaha ee tartamayaasha degmada Boondheere ay noqdeen 14Dhibcood oo ay ugu guuleysteen abaalmarinta kaalinta Seddexaad ee tartanka.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartanka Qardho VS Boondheere

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Qardho VS Boondheere

Tartanka Labaad ayaa ahaa tartankii sida aadka ah loo wada sugayey ee Finalka ama kama dambeysta waxaana uu dhexmaray tartamayaasha degmooyinka Dayniile VS Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir waxaana natiijada tartankii Finalka ee caawa ay noqotay sidan:-

Dayniile

Tartamayaasha degmada Dayniile su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Seddax ka mid ah,Afar su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Kaaraan waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Dayniile ay noqdeen Sideed Dhibcood.

Kaaraan

Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Kaaraan su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Afar ka mid ah,Seddax su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,si ka faa;ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Dayniile waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Kaaraan ay noqdeen Toban Dhibcood oo ay ku guuleysteen.

Tartamayaasha degmada Kaaraan ayaa iyagu ku guuleystay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Sanadkan oo ay taabagelineyso shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom waxaana ay yihiin horyaalka sanadkan ee tartanka degmooyinka ayaga oo heli doonna abaalmarin la mid ah abaalmarintii ay sanadkii hore heleen tartamayaasha degmada Waaberi oo koobka ku guuleystay.

Degmada Dayniile ayaa iyaduna waxey tartameyaashooda galeen kaalinta Labaad ee tartanka ayaguna waxey heli doonaan abaalmarinta ay shirkadda Hormuud ugu talagashay halka ay kaalinta Seddexaadna tartanka sanadkan ka galeen tartamayaasha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gudiga tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka Liibaan Cabdi Cali oo gebagebadii tartanka hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahad celiyey Shirkadda barnaamijka taabagelineysa ee Hormuud Telecom,howl wadeennadii ka qeybqaatay habsami u socodka barnaamijka iyo tartamayaasha degmooyinka waxaana uu xusay in barnaamijka faa’idooyinka badan ee laga dhaxlay ka sokoow kororsiga aqoonta ay ka mid tahay isbarashada degmooyinka oo habaan walba degmooyinka tartamaya ay tartamayaashooda is dhaafsan jireen macluumaad la xiriira degmooyinkooda.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SNTV) Mudane C/raxmaan Xasan Jimcaale oo isaguna hadal kooban ka jeediyey gunaanudka barnaamijka ayaa uga mahad celiyey gudiga barnaamijka iyo howlwadeennada sida hufan ee ay barnaamijka u daadihiyeen waxaana uu dhanka kale ku ammaanay shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom sida ay isku xirka umadda gacan uga geysaneyso islamarkaana u dhiiragelineyso aqoonta dadka maadaama ay barnaamijkan ka qeybgaleen degmooyin badan.

Tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee sanadkan ayaa waxaa ka qeybgalay tartamayaal ka kala socday 32degmo oo ka kala tirsan gobollada Dalkeenna ayadoo sanadkanna uu barnaamijka ka duwanaa sanadkii hore maadaama ay ka qeybgaleen degmooyin sanadkii hore aan sababo ammaan uga qeybgelin.

Degmooyinka ku guuleystay Abaalmarinnada kaalmaha koobaad,labaad iyo seddexaad ee kala ah Kaaraan,Dayniile iyo Boondheere ayaa waxaa abaalmarinnadooda lagu gudoonsiindoonaa xaflad la qabanayo maalmaha ciidda kadib haduu Alle idmo ayadoo sidoo kalena ay jiri doonaan abaalmarinno loo ballan qaaday degmooyinka kale oo loogu qiimeyn doono dhinacyo kala duwan.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartanka Ramadaan Final Dayniile VS Kaaraan

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Ramadaan Final Dayniile VS Kaaraan

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Tartanka Ramadaan Final Dayniile VS Kaaraan

Photo By:- C/rashiid Nuur Xuseen(Nuune)

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                                                     +442035190460

USA & CANADA                                                  +17124327760

Readers Comments (27)

  1. ibrahim haaji omar says:

    ASC maasha alaahu aad baan ugu faraxsanahay sida eey sharafta ku dheehantahay ee aad inooga haqabtirteen barnaamijka radiomuqdisho jazaakalaah kheyran
    wlhi caawa waa iiga duban tahay habeenada kale maxaa yeeley degmada aan aadka u jeclahay ee kaaraan ayaa ku guuleesatey koobka amah abaal marinta ugu qaalisan iyo kaalinta koowaad
    reer kaaraan waxaan idin lee yahay dadaalka halkiina kasii wada waad soo dadaasheen intii guushaas inoo soo hoyseyne waxaan lee yahay ilahey ha idin xifdiyo allaahuma aamin

  2. dulmidiid says:

    fiifa kaaraan hoyga aqoonta

  3. Cumar says:

    Asc waxaan leehay reer kaaraanow nabad iyo barwaaqo ku jira waligiin waana ku faraxsanahay guusha aan gaarnay allaah ayaana ku mahadleh

  4. aadan ugu faraxsanahay guleysiga tartanka bisha ramadan e radio muqdisho degmada kaaraan madama ay mujisay howl karnimo dheri ah

  5. yaasalaam ilaahaw gadaal hanooclin

  6. Lii-adde says:

    Waaw!! Guul wacan degmada kaaraan aad ayaan ugu faraxsanahay guushii wacneyd aad ka so hoydeen tartan aqooneed viva for ever

  7. wiil bari says:

    AAD AYAN UGU FARAXSANAHY TARTANKU QAABKU U SOCDAY IYO DAGMADAYDA OO TIMI WAREEGA AFARAD EE QARDHO QUMAN WAANA KU OGAA BOOSKA WAXBARASHA IN AY MEEL FIICAN KA GALAYSO DHINACA PL IYADA BADANAA QAADA GUUL AYAN LEEYAHAY DAGMADAYDA CADEEY TAN KALE WAXA MARKA HORE MAHAD ISKA LEH ILAHAY OO NA FUDUDEEYAY IN UU TARTANKU SI NABADA U SOCDO CAASIMADA WADANKANA AY NABAD NOQOTO WAXAN RAJAYN SANADKAN SANADKISA KALE IN UU NABAD BUUXDA NOOGA DHIGO WADNKOO DHAN WANA MHDSANTIHIN TVGA QARANKA IYO DHALINTII WADAY BARNAAMIJKA WANA U HANBALYAYNAYA DEG KARTAN

  8. cabdi says:

    Masha allaaaah reer kaaraan caadi ma tihidiin hee alaha idin dhooro

  9. salman says:

    viva karan
    guul wacan dagmada karaan

  10. Liibaan dhicisow says:

    Asc marka hore dadweynahay rer karaan mel kasto oo jogdiin hambalyo ayaa nilehay dadalkiin iyo aqoondina ialahey hanii siyadiyo hoyde aqoonta

  11. INA-DHUBBAD says:

    A/C Dhammaan reer KAARAAR Hambalyo ayaan idin leeyahay. (Aqoon la’aani waa iftiin la’aan) Dadaalka Aqoonta halkiina kasiiwada. Wa billaahi Toowfiiq.

  12. yaxye says:

    QARDHO WAA AY SOO DHAWEYSEY WAXAA LASOCOTAANI N AY TAHAY MID KU FAANTA AQOONTA Qardho waa hoyga aqoonta waxbarashaada ee mamlgoboleedka puntlaan ee somaliyed
    inshaa allah sanadaha ku xiga ayaa rajeyn in ay qardho guul soo hoyn doonto

  13. wadani10 says:

    asc ciid wanaagsan dhamaan umadda soomaaliyeed kaaraan hambalyo ayaan leeyahay tartankii ay qaadeen. sidoo kale dhamaan degmooyinkii ka qeey qaatay iyo goboladaba hambalyo ayaan leeyahay. sidoo kale shirka hurmuud oo taabo galisay aad beey u mahadsan yihiin, radio muqdisho barnaamijka gudaha iyo dibaddaba waa lala socday anaga dibadda ayaan kala soconay barnaamijkaan qiimaha leh sida wacan oo loowaday waadku mahad san tihiin halkiina kasii wada dadaalkiina guuleesta weligiin.. waanku farxay sida nabadda leh ee uu barnaamijka noogu dhamaaday maashaa allaah ilaah baa mahad iska leh..

  14. Xidiga kaaraan says:

    asc dhamaan hanbalyo dagmada kaaraan anigo kamitah dhalinta reer kaaraan dhamaan ciid wanagasn iyo hanbalyo koobkan ankugulesnay by

  15. Maxamud cumar maxamed says:

    Masha allah karan vivaa magacin hajiro

  16. Maxamud cumar maxamed says:

    Masha allaah ciidwanagsan dhaman umada muslimintaa ah melwaliba eeyjogan ilahba mahad iskaleh bisha bisheda ismadhafno ciidmubarag

  17. Maxamud cumar maxamed says:

    Masha allah karan vivaa magacin hajiro waxan idinleyahay kudadala waxbarashada macadalahiye waledinku ogaye gesinimada iyo fir firconide masha allah waligin sidas iyo sikafican mahad sanidiin dhaman bahda dadiinyasha radiomuqdisho iyo gudiga howsha degmada dhamantod

  18. maxamuud omar mohamaed says:

    ciid wanagsan dhaman umadamuslimintaa ciidmubaarag ciidulfidrii

  19. MR KaRaaN says:

    vvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvvviiiiiiivvvvvvvvvvvva kaaraaaaaaaaaaaan KARBUUNO MUGDI WAA U KAAH KAARAAN DADKA WAA U KEED

  20. hambalyo hambalyo dagmadeeda kaaraan waxaan idin leeyaahy waligiin horjooga baad aheedeen waligiina ahaada hgaaamga dagmooyinka waa kaaraan hooyada dagmooyinka waa kaaraan allow mar walbo guul idin sii

  21. Wadani says:

    Viva kaaraan wlh aad baan ugu faraxsanahay guusha aan gaarnay hadaan nahay reer kaaraan kaaraan waa hooyada dagmooyinka thnks meyl walbo aad joogtiiin ciiiiiiiiiiiid wngsn walaalayaaaaal kaaraan.com

  22. Ayuub maxamed cumar says:

    Hanbalyo kaaraan waad uqalanteen inaa guuleysataan guushana waa xagiina waxaa kaloo amaan mudan deyniile oo dadaashay dhib malaha hadaa gasheen kaalinta labaad dadaal ayaa muujiseen viva kaaraan

  23. najma says:

    masha,allah

  24. abuukar says:

    waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay guusha ay gaartay kaaraan mashaa allaah waa hoyga aqoon weligiin dadaala

  25. Kadija says:

    Asc dhamaan ciid wngsn aad ban ugu faraxsanay sida wngsn e u usoo gebagebobay tartan cilmiyedki bisha ramazan waxan ad ugu hambalyeyna dagamada kaaraan iyo degmoyinka ku xiga xagga kalinta sida wngsn e aqontoda uso bandhigen waxana leyahay dadalkina sii wada, mida kale waxan ka xumahay in degmadeda warta nabadda ay ku hortay waregi 1ad e tartanka on urajeynayey iney gul ka so hooyn donto tartanka lkn sanadada kale ayan rajeyneyna guul iyo nabadd insha allah, ugu dambeyn waxan mahad ucelinaya alle kasokow warbahinta qaranka SNTV RM ,iyo Hormuud telecom. Waxan si gar ah ugu mahad celina guddiga tartanka, so gudbiya yaashi iyo qabanqabiyashi tartanka gaar ahan Abahaa oo haben kasta afurka iga bixin jiray qosol dartis looooooolz dhaman wad mahadsantihin asc mar kale.

  26. Muhammed says:

    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE
    VIIIVA DAYNIILE

  27. Waaaw kaaraan aadbaan ugu faraxsanaha guuusha kaaaraaaan viiva kaaaaraaan viiva kaaaraaan viiva kaaaraan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 23.5.2013
Al-Shabaab Awood Daciifid 4

Maleeshiyaad ka tirsan shabaab oo qasaare loogu geystay xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia

Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
south africa

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka S/africa iyo S/zerland oo soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada ay uga noqdeen mushinka

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  ku nool dalalka South Africa ...
DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013
DSC03786

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga oo Galabta booqday Meelo dalxiis iyo Xarumaha Sports-ka ee Raacsaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiin ...
DSC00908

DAAWO SAWIRRADA;-Sida Ay Shacabku Ugu Damaashaadaan Xeebta Liido Maalmaha Aan Jimcaha Aheyn

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
PM AU (4)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
20130518_141000

DAAWO SAWIRRADA:- Bandhig dhaqamed ay ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Turkiga

Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
shabaabaaa-620x330

Haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo boob ku haya xoola dhaqatada G/Hiiraan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 22.05.2013
naafada

Naafada danyarta ah ee ku nool degmada Dhuusamareeb oo gargaar loo geybiyay

Deeq Raashin gargaar ah  ayaa maanta loo qeybiyay ...
k 1

Bukaanada jiifa cisbitalka Keysaney oo loo qeybiyay deeq lacag ah”Sawirro”

Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
kulanka baarlamanka

Baarlamanka oo maanta kulmay iyo mudanayaasha oo dib uga laabtay mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
Fiqi

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo la kulmay madaxweynaha dalka Sudan.

Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka Subax ee Radiomuqdisho

War Subax Arbaco 22-05-2013
Qadar 10

Shirka Isku-imaatinka 13-aad ee Doha oo maanta la filayo in lagu soo gabagabeeyo magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
r

Maamulka Galmudug oo ganaax lacageed dul dhigay Gawaari ay ku rarneyd Dhuxul laga jaray deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka beeraha iyo xaanaanada xoolaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*