Tartameyaasha Degmooyinka Dharkeenley VS Kaaraan Oo Tartan Adag Uu Dhexmaray “Dhageyso”
Published on August 12, 2012 by Jayte · 4 Comments · 3,011 views
Tartameyaasha degmooyinka Dharkeenley VS Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa caawa tartan adag uu dhexmaray ayadoo tartankaasina qeyb ka ahaa tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ay Warbaahinta Qaranka u qabaneyso degmooyinka Dalka islamarkaana ay sanadkan barnaamijka taabagelineyso shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.
Tartameyaasha labada degmo ee Dharkeenley VS Kaaraan ayaa muujiyey tartan xiiso leh oo ay ku dheehantahay aqoon iyo asluub ayadoo sidoo kalena barnaamijka ay qeyb ka ahaayeen xubnaha dhextaalka u ah ee isbarashada degmooyinka iyo su’aasha ay shirkadda barnaamijka taabagelineysa ee Hormuud Telecom abaalmarinnada kusiiso dhageystayaasha Radio Muqdisho waxaana natiijada tartankaasi xiisaha lahaa ay noqotay sidan:-
Dharkeenley
Tartamayaasha degmada Dharkeenley su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Afar ka mid ah,Seddex su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,mana jirin sidoo kale wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee Dhibcaha tartamayaasha degmada Dharkeenley ay noqdeen caawa Sideed Dhibcood.
Kaaraan
Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Kaaraan su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Afar ka mid ah,Seddex su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen Laba su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Dharkeenley waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Kaaraan ay noqdeen caawa 12Dhibcood oo ay ku badiyeen.
Habeen dambe hadii uu Alle idmo waxaa barnaamijka ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Jawiil VS Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Afgooye waxaana tartankaasi uu yahay tartanka ugu dambeeya ee wareegga Labaad ayadoo habeen dambe wixii ka dambeeya uu bilaaban doono wareegga Seddexaad ee tartanka oo ah mid aad u adag.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartanka Ramadaan 11-August-2012 Dharkeenley VS Kaaraan
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Ramadaan 11-August-2012 Dharkeenley VS Kaaraan
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Tartanka Ramadaan 11-August-2012 Dharkeenley VS Kaaraan
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
WAR HABEEN 24.05.2013
Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
War Duhur 24-May-2013
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
WAR HABEEN 23 05 2013
Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
WAR DUHUR 23.05.2013
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...
WARKA SUBAX 23.5.2013
Iska hor imaad geystay qasaaro iskugu jira dhimasho ...
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka South Africa ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
asc dhaman umada somaliyed salan kadib waxan halkan uga hambalyeyna asxbta xalaytu guusha usoo hoysay degmada kaaraan oo ah meel aan marnaba ilobeyn waxana urajayna dagmadayda inay noqoto hormuudka banamijka tartan cilmiyedka sanadkan iyo sanado kale iyo hormar dhankasta wanaga ah iyo barwaqo insha.allah
asc radiomuqdisho iyo dhaman umada somaliyeed
Dagmadii riyada kaaran waaye xeebtii raaxada kaaran waaye xaafadaha dalxiiska kaaran waaye wiilasha laga daba dhacay reer karan waaye gabdhaha sanadkan reer kaaran waaye ciyartoyda sanadkan heer kaaran waaye ciidanka qalabka sida heer kaaran waaye hoyga tacliinta kaaran waaye horseedka nabada kaaraan waaye Meesha aan jeclahayne kaaraan waaye Viiva KARAAN Guusha kaaraan ayaa leh <3
Dhalinta reer Kaaraan waxaan leeyahay kuwii guul soo hooyo marwalba alle ha.idinka dhigo alle na nabad haku soo dabaalo guud ahaan dal keena
masha allaah guul wacan dagmada kaaraan waa dagmada ku bar baaray waxana leyahay guul wacan guushi xalay ee gaar dagmada kaaraan waxana u rajeynayaa inee noqoto horyaal ka aqoonta dagmooyinka dal keena