Wednesday, September 17th, 2014

Tartamayaasha Degmooyinka Dayniile VS Kaaraan Oo Usoo Gudbay Finalka Tartanka Ramadaan “Dhageyso”

Published on August 16, 2012 by   ·   10 Comments  ·   7,489 views

Wareegga Afaraad ee tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan ay Warbaahinta Qaranka u qabaneyso degmooyinka Dalka ayaa caawa soo gebageboobay ayadoo tartameyaasha Afarta degmo ee usoo gudbay wareegga Semifinalka ay caawa tartameen.

Barnaamijka oo sanadkan ay taabagelineyso shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa Afarta degmo ee usoo gudbay Finalka waxey u tartameen sidan:-

Qardho VS Dayniile oo ka kala tirsan gobollada Bari iyo Banaadir tartanka Koobaad

Boondheere VS Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir tartanka Labaad.

Tartanka koobaad ayaa caawa waxa uu dhexmaray tartameyaasha degmooyinka Qardho VS Dayniile waxaana tartamaaysha labada degmo oo ka kala tirsan gobollada Bari iyo Banaadir ay muujiyeen tartan aad u adag ayadoo natiijada tartankaasina ay noqotay sidan:-

Qadho

Tartamayaasha degmada Qardho ee gobolka Bari su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen hal su’aal,lix su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,mana jirin sidoo kale wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Qardho ay noqdeen caawa Laba Dhibcood.

Dayniile

Iyana dhankooda Tartamayaasha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Seddex ka mid ah, Afar su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,si ka faa’ideysi ahna waxay uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Qardho waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Dayniile ay heleen ay noqotay Sideed Dhibcood oo ay ku badiyeen.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartanka Dhexmaray Qardho VS Dayniile

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Dhexmaray Qardho VS Dayniile

Tartanka Labaad ayaa waxaa isla caawa ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Boondheere iyo Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir waxaana tartamayaasha labada degmo ay muujiyeen tartan qurux badan oo aqoon iyo asluub ay ku dheehneyd ayadoo natiijada tartankaasi dhexmaray degmooyinka Boondheere iyo Kaaraan ay noqotay sidan:-

Boondheere

Tartamayaasha degmada Boondheere su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Afar ka mid ah,Seddex su’aalna jawaabahooda ma aysan haleelin,mana jirin wax ka faa’ideysi ah oo ay heleen waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Boondheere ay noqdeen caawa Sideed Dhibcood.

Kaaraan

Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Kaaraan su’aallihii Todobada ahaa ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Lix ka mid ah,hal su’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin,si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Boondheere waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Kaaraan ay noqdeen caawa 14 Dhibcood oo ay ku badiyeen.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartanka Ramadaan Boondheere VS Kaaraan

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Ramadaan Boondheere VS Kaaraan

Degmooyinka Dayniile VS Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayey tartamayaashooda caawa xaqiijiyeen iney usoo gudbeen wareegga kama dambeysta ee Finalka tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo ay sanadkan taabagelineyso shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Gudiga barnaamijka ayaa go’aamiyey in guud ahaanba habeen dambe barnaamijka lasoo gebagabeeyo ayadoo afar degmana tartamayaashooda ay tartami doonaan waxaana xusid mudan in sidoo kale gudigu wax ka bedelay waqtiga barnaamijka oo loo go’aamiyey inuu bilowdo 09:00 PM fiidnimo halka markii hore uu ka ahaa 09:30PM.

Hadaba habeen dambe tartanka ayaa noqon doona sidan:-

Qardho VS Boondheere oo ka kala tirsan gobollada Bari iyo Banaadir Kaalinta Seddexaad.

Dayniile VS Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir Final.

Shirkadda barnaamijka taabagelineysa ee Hormuud Telecom ayaa abaalmarinno qaali ah ugu talagashay iney ku bixiso kaalmaha Koobaad,Labaad iyo Seddexaad.

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-

Yurub                                                                     +442035190460

USA & CANADA                                                  +17124327760

Readers Comments (10)

  1. c/bashiir says:

    boondheere guul guul

  2. Tartankaan aniga waxaan kalsocdaa qeeybta websiteka waana mid inbadan laga faa iidaday waxaan aad ugu farxay markaan maqlay waxaa tartamaya bari iyo banaadir hambalyo Radio muqdisho

  3. Cumar says:

    Asc ramadaan kariim waan idiin salaamay radiomuqdisho iyo madaxda dalka waxaan rajeynaa in ee ku guuleysato dagmadeena kaaraan viva kaaraan

  4. wlh wan filayay in ay dayniile soo baxeyso final wayna qadi donta insha allah maxa yelay aniga hadiba ay hartay degmadeyda warta nabada ex wardhigley wan ku qasbanahay in an tageero degmada aan aadka dariska u nahay ee Dayniile maxa yelay dariska way shey qali ah koobkan waxa iska leh dayniile in sha allah viva dayniile waa in aad soo celisan sharaftii degmada ad dariska tiihin e wardhigley hadi ad adinka noqada anaga wa farxadena viva deg.dayniile sandki hore dagmada xur wa ahen manta waa xur wad mahad santihin radiomuqdisho and sntv wcs.

  5. masha allaah waxaan u rajenayaa dagmadena kaaraan guul

  6. Shaambal says:

    Waan filayay dagmada aan taageeraha u ahay ee dayniile in ay finalka imaan doonto waxaana finalka kula tartamaya kaaraan caawa waxaan rajaynayaa in ay koobka qaado dagmada dayniile waxaana idinka codsanayaa bahada radio muqdisho iyo tvga qaranka in aad noo soo deysaan marka ay daayniike badiso heesta sida dayniile oo daara qurxoon fanaanada farxiya fiska mahadsanidiin

  7. Mustafa says:

    Qamdn kariim uma somaliyed wxn mahad ujedinaya radio muqdisho o siweyn iska xil saray is dhaxgalka bulshada iyo hor umarka dhanka aqonta runti wax lagu farxo in dhaman dagmoyin iyo goblada wadnka e ku tartama dhanka aqonta iyo in e mujiso dagma kasta aqonteda waxa n umahd celinaya tartamayasha dagmoynka karan vs deynile o mujiyen aqontoda waxan runti leyahy nasib wcn karan guul

  8. yabarow cade says:

    asc dhaman umada somaliyed salan kadib waxan halkan si kal iyo laab uga hambalyeyna asxbta degmada kaaraan tartankan ku mataleysay ee guusha taariikhiga ah u soo hoysay waxana halkan uga rajayna inay noqdaan hormuudka tartankan insha.allah, by

  9. aboosto says:

    MASHA ALLAAH DEGMADA KARAAN GUUL GULLLLLLLLLLLLLLLLL GUUUUUL

  10. CABKA POOL says:

    WAXAAN HALKAAN HABALAYA UGA DIRAYAA DAYNIILE WAXA IDINLEEYAHAAY GUUL AYAA IDIIN RAJEENAAYAA GUUUUUUUUUUUUUUL GUUUUUUUUUUUUUL




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/Barnamijka-Bandhiga-Waraysiyada-ee-Caawa-16.09.2014.mp3"][/audio]
DSC01585

Kulan horumarinta Waxbarashada looga hadlayey oo Muqdisho ka dhacay

Ururka Wadaniga ah ee u Dooda Waxbarasho loo ...
MM

Q.M iyo IGAD oo dowladda ku ammaanay hirgelinta dib u heshiisiinta

Ergada ka qeyb-galeysa shirweynaha dib u heshiisiinta deegaannada ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-HABEEN-16.9.2014.mp3"][/audio]
Psdt

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dadka cabashada qaba waa in la soo dhoweeyo shirka Kismaayana lagu soo biiriyo”

Kismaayo 16 september 2014-Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ...
DSCN0752

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Baydhabo Kula Kulmay Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Ee Gobollada Baay,Bakool Iyo Gedo “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed ...
Sawir Hore

Shaqaalaha Dab-damiska ee gobolka benaadir oo tababar loo soo xiray

[caption id="attachment_145161" align="aligncenter" width="640"] Sawir Hore[/caption] Guddoomiye ku-xigeenka gobolka ...
DSC_9117

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo ka qeyb galaya xaflad lagu qabanayo Birmingham “SAWIRRO”

Ra’iisul wasaaraha dalka iyo wefdi uu hogaaminayo oo ...
7

Bannaanbax lagu taageerayay howlgalka badweynta Hindiya oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Bannaanbax lagu taageerayay guulaha ay ciidanka dowladda Federaalka ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-DUHUR-16.09.2014.mp3"][/audio]
Cawad

Mahad Cabdalla: “Kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka waxa uu furmayaa 20-ka bishan” VIDEO

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamanka mudane Mahad Cabdalla ...
Sawir Hore

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay shirweynaha dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka

[caption id="attachment_204705" align="aligncenter" width="660"] Sawir Hore[/caption] Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
DSCN3344

Wasiirka haweenka oo sheegtay inay soo saarayaan sharciga ka hortaga xadgudubka jinsiga “VIDEO”

Wasiirka haweenka iyo xuquuqda Aadanaha ee Xukumadda Soomaaliya ...
astaanta_qaranka11 ok

Shaqaalaha rayidka ee dowladda oo ka qeyb qaadanaya gurmad u fidinta dadka abaaruhu saameysay

Kulankaan oo ay isugu yimaadeen Agaasimeyaasha Guud ee ...
Xasan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
goodax

Wasiirka arrimaha gudaha oo Kismaayo gaaray

Sawir Hore Wasiirka arrimaha gudaa iyo Federaalka mudane Cabdullaahi ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-16-9-2014.mp3"][/audio]
PM

Ra’iisul wasaaaraha oo gaaray London

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ...
jowhar

Kulan wada-tashi ah oo ka dhacay Jowhar

Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka ...
Jajalaqsi

Maamulka degmada Jalalaqsi oo la kumay qeybaha bulshada

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa kulan ...
Sawir Hore

Madaxweynaha oo ku sii jeeda Kismaayo

[caption id="attachment_204705" align="aligncenter" width="660"] Sawir Hore[/caption] Madaxweyne Xasan Sheekh ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
mi1

Gobollada iyo magaalooyinka Dalka oo yeelanaya cinwaan (POSTAL CODE)

Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraahim ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-HABEEN-15.09.2014.mp3"][/audio]
IMG_9962

Daawo Sawirrada:- Kulankii Madaxweynaha Dalka Uu La Qaatay Madaxda Warbaahinta Soomaaliyeed

Akhristayaal waxaan halkaan idiin ku soo gudbineynaa sawirada ...
DSC01882

Wasiirka Qorsheynta Dalka Iyo Isku Duwaha Q.M Philippe Lazzarini Oo Arrimo Kale Duwan Ka Wada Hadlay “Sawirro”

Wasiirka wasaaradda  qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga Xukuumadda Soomaaliya  ...
IMG_0175

Madaxweyne Xasan Oo Kormeeray Isbitaal Digfeer “Sawirro”

Madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha iyo ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WARKA-DUHUR-15.9.2014.mp3"][/audio]
Kulanka Baarlamaanka Maanta (40)

Kulan Looga Hadlayay Furitaanka Kalfadhiga Shanaad Oo Muqdisho Ka Dhacay “DAAWO VIDEO”

Kulankaan maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka oo ...
cabdiweli1

Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaare C weli Oo U Ambabaxay Britain

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh ...
hiiraan1

Col. Tabane oo ka warbixiyay howlgalka ciidamada ee G/Hiiraan

Taliyaha ciidanka XDS ee gobolka Hiiraan Col. Tabane ...
Kismaayo-1_12

Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo berri furmaya

Mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/09/WAR-SUBAX-15-9-2014.mp3"][/audio]
Xasan-sheekh

Madaxweynaha oo xalay la kulmay madaxda warbaahinta Madaniga ah “VIDEO”

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta madaxtooyada ...

Tubta Toosan

Godane-150x150

Maxaa lagu xasuusan doonaa Axmed Godane ? Dhageyso

Toddobaadkii hore waxaa duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku fuliyeen ...
Godane

Taariikhda Godane, Dhageyso oo akhriso

Shalay oo Jimco ahayd ayaa si rasmi ah ...
Abaar

Waa sidee xaaladda abaareed ee dalka?

Sanadkii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka dhacay abaar xooggan ...