Taliyaha Ciidammada Xoogga “Qaadista Cunaqabateynta Hubka Muhiimad Weyn Ayey U Leedahay Howlgalka”
Published on October 19, 2012 by Jayte · 5 Comments · 2,289 views
Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in qaadista cunaqabateyna hubka ee saarneyd Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay howlgalka dalka ka soconayo ee looga xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda.
Taliyaha oo saakay ka qeybgalayey barnaamijka Kulanka Jimcaha oo todobaadkiiba maanta oo kale ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa xusay in cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay muhiimad u leedahay howlgalka soconaya iyo dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya .
Mar uu taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini howlgalka ka soconaya gudaha dalka ayuu tilmaamay in howlgalku uu marayo meel wanaagsan islamarkaana dhowaan lasoo afjari doono gebi ahaanba Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM waxa uu ugu hambalyeeyey guullaha isdaba jooga ah ee ay kasoo hooynayaan howlgalka lagu xureynayo maleeshiyada Al-Qaeda.
R/wasaare ku xugeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo ...
Wafdigii ka socday Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo maalmihii ...
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa markii ugu horeysay waxa ...
Iyadoo shalay dugsiyada waxbarsho ee kuyaala deeganada mamaulka ...
Warka Subaxnimo ee Radiomuqdisho Axad 19-05-2013
Xili uu isasoo tarayo horumarka laga gaaray amaanka ...
Kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigeenka gudoomiyaha gobolka ...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ...
Madaxwaynahamaamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Ciyaar Saxiibtinimo ah oo kubadda Koleyga ah ayaa ...
WAR HABEEN 18 05 2013
(Muqdisho, 18 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ...
Akhristeyaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineyna ...
war duhur 18.05.2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa maanta ka hadlay arrimaha ...
Wasiirka Warfaafinta Isgaarisiinta iyo Gaadiidka ayaa kulan la ...
Wafdi ka socday Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayay ...
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay xarunta degmada ...
Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa qaabilay ...
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa kormeer ...
Wafdigan oo maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho ...
Warka Subaxnimo Sabti 18-05-2013
Ganacsatada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa ...
Kulankan oo lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka ...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar been abuur ah ...
Mas’uuliyiin kasocotay safaaradda Soomaliyeed Ee dalka Koonfur Africa ...
Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ...
Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka ...
Barnaamijka Imaqashii Imadadaali waxa uu ka mid yahay ...
Muqdisho, 17, May, 2013..... Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
Barnaamijka Kulanka Jimcaha waa Barnaamij Todobaadle ah oo ...
Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayey iskaashi cusub ...
WAR HABEEN 17.05.2013
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
asc masha, alaah marakan leeyahay mahan inaaan kawado cuna qabatenta hubka hala qaado laakiin waxaan kawadaa cxds ilaheey hakalmeyo madaxdoda iyo askarta intoodaba aamii. TANKALE SOOMALIYEY WAXAAN JECLAN LAHA INAAN QILAFKA IYO NIN JECLESIGA MEEL ISKA DHIGNO OON GACMAHA ISQABSANO AAN WADAN KEENII WAX UQABANO QOFKA WAXAA LAGU TIXGELIYAA WANAGA KAGA DHEXMUQDA HADAN NAFTEEDA KAHADLO ANIGU HADA WAXAAN ILAAHEY DARTIIS UJECLAHAY WALAHI ANON AQOON SOOMAI WAXKABADAN C/QADIR SH CALI DINI WAXAN UJECLAHAY WADANI NIMADA IGA MUQATA
Taliye, Somalia rajadeedu waxay ku xiran tahay in la dhiso ciidan dishabiliin leh oo ey wadaniyadu ku fog tahay. Hadaan la helinna, Waxaan ku laabanaynaa wadadii qodxaha badnayd. Marka waxaa iga talo ah in sida ugu dhaqsaha badan loo dhiso ciidan xaqiijin kara amaanka MUWAADINKA SOOMAALIYEED. Maanta Taliye, Adiga ayaan kaaga danbaynaa inaad xaqiijiso hadafkaas, hadaad samaysaan taariikhda ayaa idin xusi doonta adiga iyo waxgaradka kula shaqaynaya. Mahadsanidin adiga iyo Bahda wacyigalinta Raadiyo Muqdisho.
Hadda ku meel gaarkii waa laga baxay, waxaana loo gudbey dowlad taam ah. Somaaliya dhibaatooyin aan la soo koobi karin bey soo martay, welina dhibaataas qaar ka mid ah wey jiraan. Beesha caalamka fikrad xun bey somaliya ka haysataa. Marka hore waxaa loo baahan yahay inay dowlada wax qabad dhab ah la timaado oo dhan waliba ah taas ay ku muteysan karto inay kalsooni buuxda ay ka hesho beesha caalamka. Ciidamada waa in mushaharkooda iyo daryeelkooda la siiya si joogta ah, shaqaalaha dowlada waa in mushaharkooda la siiyaa, dhalinyarada waa in shaqo loo abuuraa, isbitaalada waa in la hormariyaa, dadeegyaha bulshada sida korantada, biyaha, iskoolada, caafimaadka, nadaafada, wadooyinka iyo wixii la mid ah waa in dib loo dhisaa. Siyaasada dowlada gudaha iyo dibeda waa in la hormariyaa, taas waxaan u jeeda inay somaliya iyada tashato oo aan loo talin. Dawlada waa inay kalsooni buuxda la heshaa shacaka. Waa in la balaariyaa xabsiyada si ay u qaadaan maxaabiista, waa in la hormariyaa maxkamaha. Waa in garsoonka si cadaalad ah oo loo siman yahay loo maamulaa. Haddii ay somaliya intaas iyo wixii kale oo jira ay si dhab ah u qabato, waxaan shaki laheen inay soomaliya heleyso wax kasto ay u baahan tahay. Indha hadda waxay eegaayaan dowlada cusub oo somaliya ka dhalay. Guul baan idiin rajeynaaya. Somaaliya ha noolaato.
Gananku sarkaal culus guulayso waxaanrajaynayaa in cunaqabataynta nagala qaado si ciidankeenuay uhelaanqalabkoodii oo dhamaystaran markaasna aan ciidamada ajnabiga ahaan ka kaaftoono guulaysta CXD somaaliyeed
Mudane taliye somaliya maanta waxay ubahantahay marka ugu horaysa cidanki qaranka somaliya o weliba ah kuwa wadaniyada iyo xilkasnimada kudhertahay kedibna lahela qalabki cidan laha diyaradaha dagalka ha ahato tangiyal iyo marakibti dagalka gebi ahanba markas waxa ladhihi kara somaliya wa sonolatay cidamo shisheyena wan kamarmayna