Saturday, October 25th, 2014

Taliska Ciidammada Booliiska Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Shaqaaqo Uu Ku Dhaawacmay Taliyaha Ciidammada Nabad Gelyada Wadooyinka “sawirro”

Published on December 4, 2012 by   ·   31 Comments  ·   7,933 views

Taliska Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey shaqaaqo uu ku dhaawacmay Taliyaha ciidammada Nabad Gelyada wadooyinka gobolka Banaadir General Cali Xirsi Cali Gaab shaqaaqadaasi oo ka dhacday degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Taliyaha hogaanka dambi baarista CID ahna afhayeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise oo maanta saxaafadda kula hadlay isbitaalka Daar Al-Shifa ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo dhaawaca taliyaha Ciidammada Nabad Gelyada wadooyinka ayaa sheegay in taliye Cali Gaab uu soo gaaray dhaawac fudud kaasi oo ka dhashay shaqaaqo ka dhacday degmada Waaberi halkaasi taliyuhu ku hogaaminayey howlgal lagu qaadayey isbaaro si sharci daro ah loosoo dhigay saakay islamarkaana lagu guuleystay qaadisteeda.

Sidoo kale Taliyaha Ciidammada Nabad Gelyada wadooyinka gobolka Banaadir General Cali Xirsi Cali Gaab oo isagana la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in dalkiisa,dadkiisa iyo diintiisa isagoo u adeegaya uu ku dhaawacmo islamarkaana ay aheyd waxa uu u dhaartay dhiigga maanta ka daatay waxaase uu shacbiga Soomaaliyeed ugu bishaareeyey inuu caafimaadkiisa aad u wanaagsanyahay islamarkaana la qaaday isbaaradii ladoonayey in lasoo dhigo.

Taliyaha Ciidammada Nabad gelyada wadooyinka gobolka Banaadir Sareeye Guuto Cali Xirsi Cali Gaab ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray lugta waaberigii saakay sida ay dhaqaatiirta isbitaalka Daar Al-Shifa ee magaalada Muqdisho sheegeenna caafimaadkiisa aad ayuu u wanaagsanyahay oo wey dabiibeen mana jiro wax laf ah oo ka jabay.

Howlgalka saakay uu ku dhaawacmay tliya Ciidammada nabad gelyada wadooyinka gobolka Banaadir Sareeye Guuto Cali Gaab ayaa qeyb ka ah howlgallo mudooyinkan ka socday gudaha dalka kuwaasi oo lagula dagaalamayo Maleeshiyooyinka dhigta isbaarooyinka lagu qaado lacagaha sharci darada ah waxaana xusid mudan in magaalada Muqdisho hada laga dhigay goob ka caagan isbaarooyinka.

Readers Comments (31)

  1. asc radiomuqdisho waad ku mahadsantihiin dadaalka aad sameynaheysiin cali gaab shaqada aad shacbiga aad u hayso waad ku mahadsantahay insha alaah ilaahey waxaan kaaga baryaa cafimaad qer qabo in uu ku siiyo ama cafimaad inuu ku sodedejiyo

  2. Xuseen Noor says:

    Janaral Cali xirsi bare dhaawiciise Waan ka xuntahey alaha caafiyo

  3. Asc waxaan ka salaamayaa dhamaan shacbiga soomaaliyeed iyo radio muqdisho waxaan halkaan uga duceynayaa taliha waxaan leeyahay alaha ku caafiyo. Amin aamiin

  4. Ali allaha caafiyo dhibka waa jenen aan karko jenan haysan soomaliya oo hal ah oo dhamaan gobolada dalka looga taliyo hal meel ayaana jenan u talin jirin ee marka hore sharafta jenenka ha la dhawro. Bariise ,Goobaale, Indha cadda,iyo kuwo kale oo badan ciidamadooda waa beel ee halaga dhigo ciidan qaran hana la xareeyo waxaa la baray in ay beel u dhintaa ka dibna ilahay cadaabtiisa ayan jirin wax ka difaacaya ee ha la baro diinata dalka iyo dadkooda inay difaacaan walahay degmooyinka haysta waagii dagaaalka sokeeya ilaa iyo hadda iyna ha la xareeyo hana loo raadiyo siminaro dibadda ah oo aqoontooda lagu kordhiyo micna ma samaynayso anaa qabsaday halkaan ninka ugu daran e aan leeyhay halaguu duceeyo ee waxbarasho aad waa Axmd Daac Gudoomiyaha Degmada AWadaji oo aan ognahay in dhawac ku gaaray lakiin madoona ma lihid beel ahaan waxad tahay reer Gololeey ee dalka iyo dadka u naxariiso.

  5. maxamed husen says:

    Allaha caafimad siiyo sareye guuto general ali gaab shaqo fican ayuu noohayay,waxan rajeynayaa in gacanta luguhaayo ninki dhawacay taliyahay somalieed,insha allah cadAalada weybilabatay ee sidaas halugu wado insha allah

  6. shuusha says:

    asc caafimaad ayaan kuu rajaynaya anigoo ah mid kamida shacabka sida aadka ah u taageersan waxqabadaka cali waana kaxunahay dhibka kugaaray lkn waxan ka cosdanaya ciidanka nabad galyada qaabilsan in lasoo qabto qofkii xabada riday lana hor keeno maxkamad taas ayaa ah mida kaliya ee xalku yahay waayo hadii malin walba qof ladilo maxaa maamul ah oo meesha yaala waa in lakeena maxmada horteeda qofka xabada ku dhiftay cali xirsi siloo helo niyada shacabka jecel dadka wanagsan ee wadankooda jecel in ay wax u wabtaan

  7. daahir says:

    waxaan salaamaya marka dhamaan shaqalaha radiyo muqdisho waxaan kaloo salaamaya geesiga dalkiisa iyo dadkiisaba daacada u ah e dhiisa kubixiyay in aysa soolaban isbaradi laqaday ninkasta e masool ahna waa in ow kudayda janaraal cali gaab o dhiigisa u hura sida ow kudifacilaha in an ibaaro ladhigan ilaah caafimaad kasiiyo janaraa

  8. mubarak says:

    alle ha ku caafiyo

  9. maracadde says:

    allaha caafiyo wa geesi dalkiisa jecel soomaalidana waxaan leeyaha u ducete in uu ilaah caafiyo

  10. c/naasir says:

    ilaheey haku caafiyo wadani soomliyed baa tahayee

  11. ruqiyo says:

    asc waa ka xumahay waxa gaaray geesiga dalka ilaah waxaan kaaga baryayaa caafimaad ku waar dhamaan CXDS inta jiran allaha noo caafiyo taariikh idin xuseyso j/cali gaab waa kaama mahadcelinaynaa dhibtii aad ku soo shaqaysay iyo meel jajaban gursi kuu yaalay waa kula soconaa hadan nahay shacabka somaliyeed meelwabo oo aan joogno mahadsanid j/caligaab noolow

  12. maryam says:

    ilaahay haku caafiyo aamiin mida kaloon shiigi halagu daysado geesiga u dhaartay xoraynta dalkiisa iyo dadkiisa hana loo dhiso meel lagu xusuusto mid kastoo uhuro naftiisa qaaliga ah in ay kuna daysadaan wax magaratada agoonta iyo masaakiinta dheceyso oo tuugada ah eeyna ugu horeeyaan shabaabta iyo isbaarooyinka kuwa jidadka iyo dhuumaalaysiga ku dhigto isbaaraha muddane madax weyne dad meesha ku maad heysid ilaah aad ka tustiid dhabtii marxuum maxamed siyaad alaha u naxariisto waa iinaad gacan birr ah kuqabataa oo qaaynuun aay kacabsadeen soosaartaa xukun dil ah iyo xabbsi daa/in si kaloo loo xasilinkaro ma leh umaddaan aad bay u waalatay oo iimaankii baa ka tagay marka waa il laysugu daraah toogasho iyo xabsi/daa/in insha alaahu waxan jeclahay inaan noqdo maxaamiyad cadaalad ah oo xaqa wax ku xakunto inshaa /alaahu waana inmaan wadankayga hooyo awsc

  13. waxaan ka xumahay dhibka uu ugestay cadowga shabaab cali gaab sorry

  14. cabdi jabuuti says:

    asc wr wb isbaaro waa sharcii daroo,dowlad diid weeye nin isbaaro dhigtey waa loola dagaalamo sidda kuwa argagaxisadda ah waayo al qaacida waa dowlad diid ,isbaaro dhigte waa dowlad diid,micno maleh in la qaado bes jidgooyada waan la qabtaa kuwa ka danbeeya. allah deg deg caafimaad u siiyo taliyaha.ninkii dhaawacey ma la qabtey ama mala toogtey duliga?

  15. Mohamed says:

    Caafimaad Dag dag Ah Insha Allah Taliye Ali Gaab si Fiican baan u aqaanaa Nin Howshiisa Si fiican u guta waaye.

  16. Cosoble says:

    Bravo jen.Cali.Alle ha ku caafiyo. Add ayaa soomaaliya ugu baahan tahay jeneraallo iyo wasiirro ku dhiirrada la dagaallanka falalka sharcidarrada ah ee dalkeenna diloodey.

  17. maanyo says:

    Waa halyey Soomaaliyeed Allah ha caafiyo. Aamiin

  18. xiis says:

    asc waxaan halkaan salaamayaa dhamaan umada soo maaliyeed gaar ahaan ciidamada qalabkasida iyo inta xumaanta iyo dhibaatada shacabka soomaliyeed kasoo hor jeedo inla xumeeyo ilaahay dhib kaaga caafi maad qab hakuugu badalo janaral cali xirsibare waa geesi naftiisa uhuray shacabka soo maaliyeed dhibaa tada eyku hayaan is baara leyda waana cadow ninka dhaa wacay jananka waana insidaga dag ah maxkamad lagu saaro lana marsiiyo wixii cin qaab uu lee yahay haba u bad naato inla toogto hadii aan latoogan wado ayay unoqo naysaa jananada in isbaa riistuhu beeg sadaan walaahi waanin ka qeyb qaatay daganaanta muqdisho alaha noo caafiyo janan keena soomaaliyeed

  19. taliye allaha ku caafiyo aad ayaan kuugu soo duceyneynaa anagoo kugu xushmeyneyna shaqada qaran ood u dhaawacantay adiga iyo dhamaan inta u dhintay ama u dhaawacmay dalkiina ilaahey denbigiiina ha dhaafo dowladana waxaan kula talineynaa wixii aad qabataan ayaad la shir imaan doontaan beri waqtigiina markoow dhamaado taas ogaada indhaha aduunkana waa idin eegayaan anaga qurbaha waanka soo laabaneynaa insha allaah markale allaha caafiyo muwaaadinka ciidiisa u dhaawacmay

  20. masay says:

    ded deg usookabo kanadabatak tuugada iyo qaaimiinta siidabargoàaya oowaqtigoodii dhamaaday ayaan alla kaaga baryetnaa taliye

  21. C/qadir muclin maxamud says:

    Wan kaxumahy e haladilo ninka dhawacy taliyaha alahana hacaafiyo aamin aamin

  22. MOHAMED says:

    allaha caafiyo cali gaab waa geesi waana wax loo baahnaa noociisa oo kale soomaaliya soomaali baa leh waa in aan marna la niyad jabin lagana hortaa kuwa ibliiska ah oo nabadda iyo nolosha ka soo horjeeda

  23. tunisia says:

    A s c salan kadib waxan kaxunahay taliye cali xirsi bare kuna magac dheer cal waxan ilaah kaga barya inuu ilaahey cafimad taam ah kusiyo waxa tahay nin geesi ah waad hele inshaa alaah samarikaga hane kaniyo jabin wajibkad udharata wuxu ilaahey kugu abaal guda janatul fardowsa adnukane cimri dher iyo cibado suban iyo olad salixin ah

  24. Musse says:

    Waxan halkaan ka salaamaa shaqaalaha radiyo muqdisho.
    geesiga dhaacmay allaha caafiyo, waxaanse rabaa in aan ka codsado madaxda in ay taxaddiraan, askeri qori wata waa in loola dhaqmaa qaab ciidan, waa in la yiraa qoriga dhulka dhig hadduu diidana dhinacyada laga maro oo habkii millateriga loo isticmaalo muhiim maaha in aan halkaa ka sheego habkaas, ninka taliyaha ahna ma aha in uu meesha ka soo dhawaado oo waa in uu dhufeys ku jiraa waayo ninkaan qoriga waxa uu u sito oo uu dadka u dhacaayo waa in uu kula diriro dawlladda taliyuhuna dawladdii ayuu metelaa. waxii dhici lahaa lama celinkaro laakiin ha la taxaddiro waa na dhibaysaa in aan maqalno taliye ciidan ama madax sare ayaa la dhaawacay ama wax la gaarsiiye.
    waad mahadsantihiin

  25. Aw.Rage says:

    taliyaha ciidanka N.G.wadooyika S. guuto Cali Gaab.waa ninka kali ah ee ka muqda saraa kiisha muqdisho ka howl gala.anaga oo koox ah waxaan u bixinay Cali Ma daale waana run. waxaan ilaah uga baryeynaa cafimaad taam ah siiyo.amiin

  26. fos says:

    Caafimaad dag gad Allah fiiyo taliya ciidamad wadooyinka, Amiin yarabi

  27. fos says:

    Caafimaad dag dad Allah siiyo taliya ciidamad wadooyinka, Amiin yarabi

  28. muxyadiin sh says:

    ALAHA KU CAAFIYO jnr cali gaab balse waxan ku farax sanahay inuu jnraal ku dalkiisa iyo dad kiisa si geesinimo leh ugu dhaawac may balse ilaahay waxan oga rajeyneynaa caafimaad deg deg ah inuu siiyo

  29. Siyad says:

    Asc ali gaab dhawacan ku soo garay waa hooshi aad u dhartay inta dantena u dhartayne hadaani nahay shacabka somaliyeed waxan amini donaa hadeey nooku shaqeyaan sidii sareye gute ali gab alle ha ku cafiyo wana shaqadaada la soco cagta mesha aad dhigeyso u fiirso mahadsanid

  30. zaki yahye ibrahime says:

    asc taliyaha ciidanka n.g.wadooyink s. guuto ali gaab waa ninka kaliya oo ah kana muuqda magaaalada muqdisho ale waxaan kaa ga bar yayaaaaaaaaa in uu cafimad siiiyo amiiiiiiiiiiiiiin

  31. laki says:

    Asc marka 1 kowad iyo mar 2 allaah ayaa mahad leh dadaal kada sii wad ayaan kuleyahay taliye dhawaca kusoo garay neh danbi dhaaf ilahey hakaaga dhigo wariyashane waxan idiin leyahay dadaalka aad codkina ugu adeygeysiin wada hana cabsanina geyrida waa xaq qof kasta wey dhimaneysaa mahad sanidiin byy




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

IMG_7746

Madaxweyne Xasan oo waraaqaha safiirnimo ka guddoomay danjiraha Sudan ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
Kulanka Baarlamaanka Maanta (38)

Xildhibaannada oo ansixiyay Hindise sharciyeedka kalluumeysiga dalka. (DAAWO VIDEO)

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-25.10.2014.mp3"][/audio]
dagaal

Ciidamada oo la wareegay deegaanka Kudhaa iyo deegaanno kale

Ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa ...
Dibadbax-Muqdisho

Dibad bax nabadeed oo ka dhacay Beledweyne

Banaan bax lagaga soo horjeeday rabshado dhawaan ka ...
DSC07842

Qof ku dhintay gaari ku qarxay goob baabuurta la dhigto “SAWIRRO+VIDEO”

Hal qof ayaa dhintay midkale dhaawac ayaa ka ...
DSC00108

Cayaartooyda Degmooyinka C/waaq iyo Cadaado oo kulan adag dhexmaray “SAWIRRO”

Munaasabad lagu furayay goroonka kubadda cagta ee magaalada ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-5-10-20141.mp3"][/audio]
beyle 2

Wasaaradda arrimaha dibadda oo sheegtay in maalgashi lagu sameyn doono waddanka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Soomaaliya ayaa ...
Mustaf-Dhuxulow

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay.(DAAWO VIDEO)

Mogadishu, 25 October 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane ...
baarlamaanka2_large

Baarlamaanka oo maanta shiraya

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa saakay magaalada Muqdisho ...
wasirka boostada

Dawladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Codeynta shirka Isgaarsiinta Caalamka

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Aadan ...
golaha ammaanka

Golaha ammaanka oo oggolaaday in la baaro maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya

Shan iyo tobanka dal oo ku jira golaha ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421154

DEG-DEG: Isku-shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada-DHAGEYSO+AKHRISO

Isku-shaandhayn ayaa lagu sameeyay golaha xukuumadda ayadoo dhowr ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Habeennimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-HABEEN-24.10.2014.mp3"][/audio]
10557324_1511228629115891_5934649784209096446_n

“Muungaab” oo tababar u furay howlwadeennada mashruuca tirakoobka iyo deriseeynta G/Banaadir+Sawirro

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahana Duqa magaalada Muqdisho mudane ...
IMG_08431

Qaar kamid Ah Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka Barta Jaamacada Mount Kenya Ee Nairobi Oo Cabashooyin u soo Gudbiyey Danjire Cali Ameriko“SAWIRRO”

Qaar kamida ardayda soomaaliyeed ee waxka barata jaamacada ...
MENG9832

Agaasiamaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta oo Maanta Booqday Xarunta Wakaalada Wararka ee Shiinaha ee Xinhua ee Nairobi “SAWIRRO”

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-24.10.2014-sax.mp3"][/audio]
EBOLA

Siminaar Ebola ku saabsan oo Muqdisho lagu qabtay. (DAAWO VIDEO)

Siminaarkaani oo bulshada looga wacyi gelinaayay y sida ...
DSCN1393

Dhallinyaro tababar Sports loogu furey Muqdisho”sawiro”

Akademiyadda kooxda Banaadir  Sports Club ayaa tababar ciyaarta  ...
20141023_122822

“Daawo Sawirrada”Qeybta Labaad booqashada madaxweynaha ee gobollada Galguduud iyo Hiiraan

             
download

Tababar loo soo xiray askar ka tirsan ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.(DAAWO VIDEO)

Tababar loo soo xiray askar ka tirsan ciidanka ...
DSC07790

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay mashruuca deriseynta (Dhageyso+Sawirro + DAAWO)

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho ...
IMG_0385

Shaqaale ka tirsan SNTV UK oo tababar wariyenimo ka qeybgalay+Sawirro

Qaar ka mid ah shaqaalaha taleefishanka qaranka laantiisa ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-24-10-2014.mp3"][/audio]
10347248_1473634609548763_3356529823124609855_n

Wasiir Beyle “waxaad arkeysaa dalal badan oo daneeynaya iney wadankan maalgashadaan” (DAWO VIDEO)

Wasiirka arrimaha dibadda iyo maalgashiga ee xukuumada federaalka ...
20141023_111411

“Sawirro + VIDEO”Madaxweynaha oo booqasho taariikhi ah ku tagey Ceelbuur iyo Beledweyne

Madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh ...
calanka qaramada midoobay1

FARRIIN KU AADAN MUNAASABADDA MAALINTA QARAMADA MIDOOBAY  24 Oktoobar 2014

Qaramada Midoobay ayaa loogu baahanyahay si ka badan ...
vlcsnap-2014-10-23-14h07m34s90

Ciidamada Amaanka Galmudug oo gacanta ku soo bandhigay  walxo qaraxyada loo adeegsado

Saraakiisha ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugida Galmudug Maamulka ...

Ganacsatada Jubbooyinka oo beeniyay eedeynta ay u soo jeedisay Monitoring Group

Iyadoo dhowaan kooxda la socodka xayiraada hubka ee ...
Waajid

Wefdi Xildhibaano ah oo maanta gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool

Wefdigan oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano ka tirsan ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/war-duhur-23-10-2014-ok.mp3"][/audio]
Madaxweynaha Baraawe

Wefdiga Madaxweynaha oo gaaray Beledweyne kulamana la qaadanaya maamulka gobolka

Wefidga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah ...

Tubta Toosan

Qarac

Dilka Rayidka Diintu maxay ka qabtaa?

Maleeshiyada Alshabaab tan iyo markii la dilay hoggaamiyahoodii ...
Tadaruf

Xag-jirnimada maxaa laga dhaxlay? Dhageyso

Xag-jirnimada aad ayay uga digtay Shareecada Islaamku, waxa ...
Jihaad

Jihaadku ma dagaal oo kaliyaa? Dhageyso

Qur’aanka iyo Sunnaha waxaa ku soo arooray JIhaad, ...