Tababar loo soo xiray shaqaale la barayay dabdamiska
Published on February 2, 2013 by Canab · 3 Comments · 2,407 views
Tababarkan oo ay bixinayeen Macalimiin ka socday ciidamada howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afirka ee AMISOM ayaa waxaa ka faa’iideystay shaqaale ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar kuwaas oo loo tababarayay howlaha ku saabsan ka hortagga Musiibooyinka uu sababo dabka iyo sida loo maareeyo damintiisa.
Taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya Andarel Guuti oo ka qeybgalay munaasibadda Xiritaanka tababarka ayaa sheegay in la sii wadi doono tababarada la siinaya shaqaalaha dowladda hoose iyo ciidamada kale ee dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur “Tarsan” ayaa isna halkaasi uga mahadnaqay ciidaamada AMISOM tababarka ay siisay shaqaalaha cusub ee dabdamiska.
Qaar ka mid ah shaqaalahii loo soo xiray siminaarka ayaa sameeyay dhoolatus ay ku muujinayaan waxyaabihii ay ka faa’ideen intii uu socday tababarka.
Tababarkan oo socday muddo Afar Isbuuc ah ayaa waxaa ka faa’iideystay intii uu socday 20 Qof oo loo soo xulay in ay bartaan dab Damiska waxaana tababarka ku soo baxay 16 ka mid ah labaatankii Qof ee la tababarayay kuwaas oo shan ka mid ah dhawaan tababar kale oo dheeraad ah loogu qaadi doono dalka Kenya.
Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
WARKA SUBAX 21.5.2013
Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...
Tan iyo markii ay soo shaacbaxday in qilaaf ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka ...
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkaga soo gudbineyna ...
WAR HABEEN 20.05.2013
Kulan lagu tageerayay horumarka dowladda isla markaana looga ...
kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ...
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney muhiim tahay in ...
WAR DUHUR 20.05.2013
Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda ...
Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo ...
Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka oo uu soo ...
Warka Subax 20-05-2013
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Dadka kunool deegaanka Beledulamiin ee gobolka Shabeelada Hoose ...
Xili magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ...
Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio ...
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
Wafdigan uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ...
Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno ...
WAR HABEEN 19.05.2013
Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta ...
Howlahan qaliinka lacag la’aanta ah ee dhaqaatiirta ajaanibta ...
Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ...
Halkan hoose ayaad ka daawan kartaan khudbadii qiimaha ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...
qaran nimada somaliya wey solawatay alow kor uqat cadowkeda na jibi soamliyee too soo kaca wax soolawatay sharaftii k
iyo karmadii ad le he dan soamaliyee toosookaca
Maasha allaah, Waad mahadsan tihiin adiga iyo maamulka aad hogaamiyaha u tahay. Waxaan jeclaan lahaay in aan Talo idiinku darsado, taasoo ah in suuqyada waaweyn in tobankii jiinga ee isku dhagan inta kale loo dhaxeysiiyo 30m oo dhinac walba ah iyo in Isgoysyada waaweyn iyo meelaha loo badan yahay aad u tababartaan dad iskaa wax uqabso (VOLONTEER) ugu yaraan 6 qof oo kaltan u gasha (SHIFT) Dadka xaafadda deggan iyo ganacsatadana ay ugu tabarucaan dhaqaala yar iyo qalab. mahad sanidiin
NB. Soomaaliyeey GACMO WADA JIR BAY WAX KU QABTAAN.
WADANKIINA WAX UBARTA GUULEYSTA WALIGIIN SOMALIYA HANOLAATO