Saturday, May 25th, 2013

SOOMAALIYEY DAGAALKU WAA DILAA DAWADIISUNA WAA NABAD!! Qormo xiise leh! Qalinkii Cabdullahi Calas Jimcaale

Published on January 2, 2013 by   ·   8 Comments  ·   2,429 views

In kabadan 22 sano ayaa dalkeena soomaaliya waxaa ka jira dagaalo galaaftey nolosha in badan oo shacabka soomaaliyeed kuwaasoo haba yaraatee aan waxbagalabsan, dagaaladaas waxay horseedeen oo kale barakac, burbur baahsan oo ku dhuftey wadankeena iyo waliba noloshii dadka, dowladinimada iyo qaranimadii dalka oo meesha ka baxdey, waxaa kaloo diiftii dagaaladaasu keeneen ay abuurtey baahi xoogleh, caafimaad darro, jahwareer bulshadeed, iyo in dalkeena loogu yeero magacyo argagax leh,Tusaale,,Dalkii geeriga amaba xeebtii geerida, dalkii qalfoofta noqdey, iyo wax ka sii daran.

Aan is weydiino hadaba Dagaal waa kuma?Dagaal  waa midkii na diley, nabada iyo farxada noo diidey, nolosheenii qaribey, qabuuraha inagu camirey, qaxooti inaga dhigey, qabiilka noo quweeyey, cadaalada naga oodey,  isbaarada noo qurxiyey, danbiilayaasha darajada uyeeley, qarankeenii qariyey;; Aleylehe Dagaal waa midkii arxanlaawayaal, danbi iyo dulli oo dhan inoo xambaarshey.

Walaalaheyga Somaaliyedow qiimeeya oo xasuusta inta dhibaato ah oo aan ka dhaxalney dagaalada;;Tusaale,,sharta beni’aadamka sideedaba sedex baad uga nabad geli kartaa Aqoon, damiir iyo sharci intaba dagaalka ayaa inaga lumiyey, marka sow xaq maahan in aan isweydiino sida ay ku suurto gashey in dagaalka dalkeenu uu qaangaar noqdo, xisaabiya intuu dad inaga diley, ku curyaamay, waqtiguu inaga lumiyey, sharaf darada uu inoo huwiyey, cabsiduu inagu beerey, walwalkoo nagaliey, daganaantuu inoo diidey.waxaa in la xuso mudan in dagaalada soomaliya ka dhacaya 22 ka sanadood in ay hogaan u ahaayeen, qabqableyaal qariban, qabiilo quwad isbidey iyo quwado shisheye oo qaranjabkeena ku qoslaayey.

Sidoo kale iyana waxaana muhiim ah in aanan halmaamin in hogaamiyayaasha dagaalada dalkeena horseeka u ah waligood waxay dagaalamaanba guul dagaaleed waxa ay u yaqaanaan midna uusan la galban waxaase xaqiiqdo ah in cida kaliya ee laga guuleystey ay yihiin Shacabka Somaliyed oo noloshoda iyo aayahoodaba la lumiyey, anagaa nala qaley, nala qarxiyey, nala qaxiyey, nala qurmiyey,nala qubey, qarankeeniina nalaga qaribey  waxaa qirasho weyn mudan qaladaad wixii dhacay inaan qayb weyn ku leenahay, bal aan isweydiino marka sababta aan udooraney halaagaas iyo  qaabdaradaas in nolosheenu ku tiirsanaato anagoo heli karna inaan ku noolaano nabad, farxad,midnimo, sharaf iyo waliba dowladnimo leh qaran qabweyn oo qiimo ku leh dunida.

Hadaba inigoo ogsoon in aad wax badan ka ogtihiin dhibaatooyinka dagaalku uu leeyahay marka sow xaqiiqo maahan in dagaalku dilaa yahay dawadiisuna ay nabad tahey,, Nabad la’aanina nolol la’aan tahay,jiritaanka beni’aadamkana ay sal u tahay nabada, wax la taageerana nabadi ugu wanaagsan tahay,nabaduna inoo tahay horumar, farxad, wehel, badbaado, naxariis, kalsooni iyo alle ka cabsi. Waxaa nagu waajib ah hadaan nahay Shacabka Somaliyed in aan u istaagno, taageernana, helitaanka nabad waarta oo ka dhacda dalkeena hooyo, si aan ubadbaadino, nafteena, jiritaankeena, sharafteena, mustaqbalka caruurteena iyo waliba dowladnimadeena.

Ugu danbeynitii walaalaheyga Soomaliyedow isu Dardaarankeenu waa Nabad;; Nabadey adaa ehel inoo ah, adaa macalin inoo ah, adigaan kugu hurudnaa, adaa darajo noo ah, Adaa Difaac Qaranimo iyo Daruur noo Unkotey noo ah. Ilahayow adigaa caadil ah oo ay raxmadaadu weyn tahey ee dadkeyga iyo dalkeyga Soomaaliyed dagaalada, diifta iyo darxumada ka bixi, oo  ugu badal Nabad caam ah, Midnimo iyo Dowlad cadaalad ah,Insha Allah:,Soomaaliyey idina AaaMiiN inoo Dhaha!!.

 

Qore: Cabdullahi Calas Jimcaale

Udoode Xuquuqda Beni’aadamka Soomaaliya

Readers Comments (8)

  1. Nabad says:

    Amin amin amin amin amin amin cabdulilahi calas jimcale aad iyo aad ayaa. Uu maahaad santahay 100% wixi qormo ah oo dar daran ah ino iso dir. Thanks for you calas.

  2. maxamed muxidin axmed says:

    waa qormo qaaliya ee allaha nagu anfaco

  3. Cabdirisaaq xasan says:

    aamiin

  4. dhib diib says:

    amiin amiin amiin allaha kaa aqbalo ustaad cabdullahi calas jimcaale waa wadani geesi ah oo ka damqaday dhibaatada ka jirta dadkiisa iyo dalkiisa cimri dheer oo cibaado leh allaha siiyo

  5. Fuad ahmed says:

    aamiin, aamiin aamiin Ilaaheyow dalkeenna meel nabad iyo barwaaqo ah oo lagu nasto nooga dhig. Mahadsanid C.Calas Jimcaale.

  6. ikran says:

    Amiin Amiin Allow no Aqbal ducadaas umadii Rasuulka ayan nahaye dadkeenana ka dhig kuwi wax ku qaato wanada iyo wax sheega dAN TOODANA GARANSII

  7. bariyoow says:

    Amin amin amin amin amin amin cabdulilahi calas jimcale aad iyo aad ayaa. Uu maahaad santahay 100% wixi qormo ah oo dar daran ah ino iso dir. Thanks for you calas.

  8. cabdulahi says:

    waa qormo aad iyo aad uxisa badan alla hanaga yelo kuwa wanada qaata wadankodana colaada kasaaro




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

IMG_3804

Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka. SAWIRO

Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Astaanta_Barnaamijka_Nasashada

Dhageyso Barnaamijka Nasashada Todobaadka Radio Muqdisho

Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
DSC00223

Ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka wadooyinka muqdisho habeenkii oo sii kordhaya iyo ciidamada oo adkeeynaya amaanka,”sawirro”

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
gud (5)

Gudoomiyaha gobolka Gal-gaduud oo munaasada soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Juba ee wadanka Koofurta Sudan “Sawirro”

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
astaanta-warka

Dhageyso warka Habeennimo ee radio muqdisho

WAR HABEEN 24.05.2013
S2170021

Wasaarada amniga Ximan iyo Xeeb oo sugaysa nabadgalyada xilliga doorashada”Sawirro”

  Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

War Duhur 24-May-2013
janaale

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Kormeeraya Degmooyin Ka Tirsan Gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Bole Road Addis Ababa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay “Dhageyso”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
DSC00154

Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha,Su’aallana Uga Jawaabay Shacabka Gudaha Iyo Dibadda “Dhageyso+Sawirro”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
astaanta-warka161-150x150

Dhageyso Warka Subax

WAR SUBAX 24.05.2013
Obama

Madaxweyne Obaama oo sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
R.W Saacid

R/wasaare Saacid oo sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Cabdi-Qeybdiid

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay dib uga laabashada mowshinki laga keenay xukuumada

Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
xukun1

Maxkamada ciidamada ee Puntland oo xukun dil ah ku radday gacan ku dhiiglayaal

Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
rinkesc1

Rabshado ayaa ka socdo Magaalada Stockholm ka dib markii gaadiid iyo goobo ganacsi lagu gubay xaafadaha ay u badan yihiin Soomaalida SAWIRO

Rabshadahan ayaa dhowrkii cesho ee la soo dhaafay ...
LUULIYO

OGEYSIIS: Kulan loogu arinsanayo qaban-qaabada Xuska 1 Luulyo Ee Magaalada Munich ee dalka Germany.

Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku ...
DSC_0376

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga Xarumihii uu tagay iyo Madaxdii uu la kulmay intii uu Sudan joogay oo dhamaystiran.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 23 05 2013
IMG_8547

Madaxweynaha oo qado sharaf u sameeyay mudaneyaasha Baarlamanka “sawirro”

Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ...
safar bye bye

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaya oo Addis Ababa u dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi ...
IMG_8322

DAAWO SAWIRRADA:- Munaasabadii lagu xusayay aas-aaska midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
gafoow

Taliyaha hoggaanka iyo socdaalka oo sheegay in la diwaan galiyay dad badan oo ajaanib ah

Taliyaha Hogaanka Socodaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Cabdulahi ...
wasiroo_3

Xukuumada oo soo dhaweysay ka noqoshadii mooshinka baarlamaanka kana hadashay arrimaha Jubaland iyo wada-xaajoodka Somaliland “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, Majo 23, 2013). Shirkii golaha wasiirada Xukuumada ...
DSC01028

Munaasabad lagu xusayay maalinta Umulisada aduunka oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”

Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisay aduunka laguna soo ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 23.05.2013
qeybdiid Galmudug State President

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasad loo qabtay arday ka qalinjebisay dugsiga sare Mudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad ...
TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Sawirka 1

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur ...
Madaxweyne-xasan-Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ...
dibad_ba_3

Dibadbax lagu taageerayay waxqabadka dowlada iyo mowshinkii la baajiyay oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

Dibad bax balaaran oo lagu taageerayay horumarada iyo ...
Hobyo_view

Duqa dagmada Hobyo oo sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonayo in ay xiisad ka dhalan dil shalay ka dhacay ceel huur

Maamulka dagmada Hobyo ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee ...
muqdisho_1

Odayaasha dhaqanka Muqdisho oo soo dhaweeyay mushinkii ay la laabteen xildhibaano ka tirsan baarlamanka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Khilaafka Al-Shabaab iyo waxa uu salka ku haayo-DHAGEYSO

Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...

*