Wednesday, October 22nd, 2014

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Wada Saxiixday Heshiis Iskaashi Oo La Xiriira Dhinacyada Gaashaandhigga Iyo Hormarinta,,,WARBIXIN

Published on December 6, 2012 by   ·   38 Comments  ·   11,402 views

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa saxiixday heshiis iskaashi ah oo ku aadan hormarinta hay’adaha kala duwan ee Dalka ayadoo heshiiskaasina lagusoo bandhigay magaalo madaxda dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Kadib shir dheer oo qaatay saacado oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Turkiga Cabdalla Guul ayaa waxaa labada Madaxweyne shirjaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Ankara ay kusoo bandhigeen heshiis iskaashi oo dhinacyo kala duwan oo ay labada dowladood si rasmi ah u kala saxiixdeen.

Heshiisyadan oo dhammaantood ah iskaashiga hormarinta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeeya iskaashi labada dhinac ay ka yeeshaan Gaashaandhigga ayadoo heshiiskaasina uu si rasmi ah Soomaaliya fursad ugu siinayo dib u dhiska iyo hormarinta arrimaha Gaashaandhigga oo ay ugu horeeyso dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa labada Madaxweyne hortooda ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka Gaashaandhigga ah ayadoo heshiiskaasina uu sahlayo in Turkigu ay tababar iyo qalabeyn siiyaan Ciidamamda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed waxaana heshiiskaasi dhanka Gaashaandhigga ah goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamamda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maalliyadda Soomaaliya.

Heshiiskan waxa uu wax badan ka bedelayaa in Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ka helaan tababarro iyo qalabeyn joogta ah taasi oo horseedeysa in Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay noqdaan Ciidammo leh awood buuxda ayadoo qalabkoodana uu u dhameystiranyahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal jeediyey saxiixidda heshiisyadaasi kadib waxa uu uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga taageerrada lexaadka leh ee ay nala garab istaageen lagasoo bilaabo saameyntii Abaaraha ee dalka ku dhuftay bartamihii sanadkii 2011ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu heshiisyadaasi ku tilmaamay iney yihiin kuwo dhaba u xaaraya hormarka Soomaaliya iyo halka ay Umaddu hiigsaneyso oo ah iney dib u helaan hay’addo Dowladeed oo dhameystiran kuwaasi oo si hufan u gata dhammaanba howlaha ay shacabku ka sugayaan ayadoo sidoo kalena uu Madaxweynuhu Ballan qaaday in Soomaaliya ay xoojin doonto xiriirka soo jireenka ah ee walaalaha Turkiga kala dhaxeeya.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Cabdalla Guul oo isaguna dhankiisa hadal jeediyey heshiisyadaasi kadib ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Turkiga ay ka go’antahay iney si dhab ah u taageeraan walaalahooda Soomaaliyeed ilaa inta uu dalkooda cagahiisa isku taagayo waxaana uu Ballan qaaday iney sii socon doonto taageerrada Turkiga uu siiyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxey si wadajir ah u saxiixeen heshiisyo horseedaya iney Dowladda Turkigu door weyn ku yeelato dib u dhiska iyo hormarinta Hay’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiisyadan lagu saxiixay magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga ayaa noqonaya heshiisyadii ugu waaweynaa ee mar qura ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho dal ka mid ah dalalka dunida hormartay ayadoo sidoo kalena heshiiskan lagu tilmaami karo heshiiskii ugu horeeyey oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la saxiixdo dal ka tirsan Qaaradda Yurub.

Inkastoo guud ahaan heshiisyadaasi ay yihiin kuwo hormarinta Dalkeenna gacan ka geysanaya hadana dad badan heshiiska ay sida gaarka ah ugu arkaan inuu yahay mid muhiim ah waa heshiiska ay qalinka ku wada duugeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga Mudane İsmet Yılmaz     .

Sababtu waxa ay tahay Turkiga waa dal Ciidankiisu aad u dhisanyahay waana dalka labaad ee ugu Ciidanka iyo Hubka badan Ciidammada la isku yiraahdo Gaashaanbuurta NATO taasi oo dad badan ay u arkaan iney Soomaaliya u tahay fursad ay dib u dhis iyo qalabeynba ugu sameynsan karto Ciidammadeeda Qalabka Sida.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in mudooyinkii ugu dambeeyey ay Dowladda Soomaaliya si aad ah ugu howlaneyd dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida taasi oo ay Dowladdu la kaashaneysay dalal Afrika ku yaala waxaana taasi ay keentay in Ciidammada hada uu ka muuqdo dib u dhis waayo gudaha dalka iyo dalalka Afrika qaarkood waxaa tababarro kala duwan loogu soo xeray Ciidammo hada ka tirsan kuwa Qalabka Sida oo iyagu gudaha dalka ka howlgala.

Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu ahaa mid soo jireen ah balse dad badan waxa uu si aad ah ugu muuqday sanadihii ugu dambeeyey xiligaasi oo ay walaalaha Turkigu door weyn ku lahaayeen gurmadkii uu Caalamku Soomaaliya ugusoo gurmaday markii ay gobolka saameysay abaar xoogan ayadoo kolkaasina uu Ra’isulwasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho taasi oo indhaha caalamka Soomaaliya si aad ah ugusoo jeesiday islamarkaana bedeshay aragtidii ku aadaneyd in Soomaaliya ay tahay Dal aanan Madaxda Caalamku tegi Karin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hada socdaal ku jooga magaallada Ankara waxa uu maalinnimada khamiista berri ah u ambabixi doonaa magaalada Istanbul halkaasi oo uu kula kulmayo Ra’isulwasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayib Erdogan.

By:-Abdifitah Dahir Jeite

Radio Muqdisho Web Editor

Readers Comments (38)

  1. JAMES FIDOW says:

    somalia wa haddi ay leedahay nasiib heshiiskan wa uu hergeli doona anigu waxan u leeyahay aqoon wanagsan dalka iyo dadka turkiga iyo sida ay u shaqeeyan siyasadahooda ku adan arimaha dibeda somalia wa u dan in heshiiskan uu hirgalaa

    • abdirisaag says:

      alxamdu lillaah
      waa arin aad loogu farxo in dowlada ay heshiiskaan soo saxiixaan waayo
      1- turkigu waa dal islaam ah
      2- waa dal ka mid ah NATO(waan u baahanahay quwad noolaga cabsado waayo cadawgu kuguma soo dhiiran karo )
      3 – waa dal maalintii aan gaajada la tacaaleynay noo soo gurmaday
      4- waa dalkii indhaha caalamka soomaaliya u soo jeediyey
      abaalka dawlada turkiga marna ma iloowi karno soomaalaay aan dhowrno xiriiirkaan

  2. mohamed says:

    mudane madaxweeyne waxaan kugu salaanta islaamka mida ugu sareeysa madaxweyne maskaxda aad aad turkiga kulla saxixatey dhinaca gaashaandhiga alaha ku siiyaadsho maxaa yeelay ciidan islaameed waxba nooma tarayaan berri hadeey baxaan kuwii diinta ka beeen sheegay weey soo laabanayaaan merci madaxweeyne hassan sheekh mohamuud

  3. waa guul u soo hoyatay wadankena oo dhan inta uu dagan yahay qof af somali ku hadla. waxaana leeyahay walalahen turkiga waligiin waad mahadsantihiin ,

  4. cabdulkhadir says:

    Madaxweeynaha jamhuuriyada Soomaaliya his excellence Mudane Xassan sheekh maxamuud allaha lagaarblo howsha culus uu wadanka u hayo. Waxaan hubaa inuu afarta sano ee soosocota uu Soomaaliya meeshan meelkasareeyso gaarsiindoono. God bless.

  5. cawale says:

    masha allah turkiga waa dada dacada aha waan ku mahadasanyahin hishisa aan la galaye waan ku farxasanahaye waxen naga cawinya wax yabo badan xaga cidan iyo hayadaha dowliga aha

  6. maasha alllah ,waxaan ugu mahad celeyo turky garan mahayo lkn waxaan ugu dardaarmayaa ciidankaa la dhisayo inaysan madaxdo uga faaiidaysan kula dagaalanka qabiil gaar ah ama ku cburinta aliin gaara ah lkn ay u istimaalaan badbaadinta soomaaliyed ,ilaahay waxaan waydiisanayaa inuu hal mar i tuso soomaliya oo quwad afrika laga qadariyo ah. aamin aamin

  7. iidaan says:

    mansh alah waa wax lagu farxo wana u mahadcelineynaa dowlada turkiga iyo madaxweynaheena mudane xasan sh maxamud aniga waxan ku dari lahaa dhinaca bada waayo oo aanba u dhibi lahaa mudo si ay u ilaaliyaan cidamadee nana u taba baran heshiis mudo koban ah si cidamada aaan xadka iyo mudada laheen ee badeena joga uga baxan xataa ma lahan dowlado cayiman waa open dowlad kaste ayaa iska soo dirsato makab waxeey ka sameyana lama oga marka dowlada waxan ka codsanaya in ay ilgaar ah ku fiiriso arintaas bada somalia iyo maraakibta dhooban wamahadsantihin guul iyo nabad warta insh ahu

  8. Arday waxkabarto Malaysia says:

    Mansha allah.
    Hadanu nahay ardayda wax kabarata wadanka malaysia waxan aad iyo aad ugu faraxsanahay hormarka ay wado dowlada iyo wadanka Turkeyga waxana ALLAH waynaaye ka baryeenaa in uu naga dhigo kuwii ka faa’iidaysata tusana wadada toosan

    aamin aamin aamin

  9. Cabdixafiit says:

    Fursadaan waanu ka faaiidaysanaynaa in shaa allah. Waxaan indha gooniya ku eegi doonaa dowlado aanan magacaabaynin hadda sida ay udhaqmi doonaan markay arkaan heshiskaan dhaxalgalka ah ee soocelinya awoodii ciidanka Soomaaliyeed. Waxaan codsanaynaa in umada soomaaliyeed ay qadiyadaan si isku midda u ayidaan kana fikiraan muhimada taariikhiga ah oo ay noo leedahay. Hoolka aan higsanayno waan gaari karaa hadii aan muujino isku dubni buuxda

  10. masha alah mdx wynaha somalia oo socdal gaban ku tagay magalda istanbul ee wadankaa turkiga oo lagu soo dhaweya turkiga oo somalia ugar garay xiligii ay jirtay dhaibatoo abaared walalkena jira

  11. I love SOMALIA says:

    Ilaah ayaa mahadleh madaxda dalka waxaan ku amaanaya dardar galinta howshii loo idmaday waxa muuqata in aysan jiifin heshiisyadan ku qotoma horumarinta ciidamada waa muhiim waxaana hubaa in ay wax weyn ka badali doonto aqoonta iyo awooda cxds insha Allah Somalia waa guuleysaneysaa dhan walba

  12. Asc mudane shiiq maxamud waguul uso hoyatay umada somaliyed mudane madx weye wamid lobahan yahay xaga dhisida cidanka wayo her lagu gari mahaa cidan wadanlale kayimid makar waxa lobahan yahay cidan somliyed ilahey halkula garap galo isha alh thankis madawene

  13. asc marka hore umada somaliyeed awalan koley qof waliba oo mudin somaliyeed ah wuu daremi karaa koley ar hadii turkiga uu yahay wadan hurumary misne kamid ah NATO quwada ugu weyn wa in an anagana tixgilin ga ah sina maxa yelay anaga agoon ayaa nahay marka wa in an tagerna shaqs waliba oo ina garab istagaya wana in eynu ka wada fa ideysana janis waliba ama fursaw waliba oo ina so marta wana in eynu ka wada hortagnaa wax waliba oo hurunarka ka hor ian kara

  14. C.fatah says:

    Asc mahad dhaman teed allaa iska leh .intaa kadib waxan dhihi laah somaalia way tag tay madax deena waxan leeyahay guulees ta turki ga waa wadan ka kaliya ee cadees tay taageerida uu nala garab istagay lkn madaxda somalia waxan dhilahaa cadaalada iyo amni ayaa la idin kasuga turkiga waad had san tihin tariq baal dahab ah ayad naga jirtan

  15. asc mudane madaxwene waxanu kulenahay hishiskani ha ahado mid lagadhabeyo dhanka dowladada o ha ahado mid ladhowro wanu ognahay walalaha turkiga in ey rawan in ey gacanta naqabtan lkn adi iskailali in ad naqato nin dhulka isku celinayo mida kale in wadan kasta hishis lalasaxixdo wax wen makenayo o ama ayaga waxbo galin ama an dacad ku ahen walalaha turki awod cidan wey leyihin dacadna wey noyihin e ada wakil inoga ah wax laqabsashadoda mudane madaxwene guul wcn

  16. hooyo somali says:

    waan ku faraxasanahey soomaliya meesha ey mareyoso marka lawada shaqeyo waxa walbo waa la gaara waxan kaloo kufaraxa sanahey wasiirada aremaha debada shali iyo maanta ufirsa qaligee wanagsa etaal intkaroonahey bal eega

  17. Ahmed Abtidon kulmiye: says:

    Madaxweynaha & Xukuumadda uu hogaaminayo Dr Saacid, waxaan kula tallinlahaa in aysan maanta lumin fursadaha & taageerada uu caalamku la garab taagan yihiin ummadda soomaliyeed. Waxaa nasiib darro & wax laga xishoodu ah in caalamku noo aqoonsado dadka ugu musuqmaasuqa badan caalamka oo aan ka liidano kuwa aan diimaha lahayn. Dadka waxaa xakameeya Diinta, Damiirka, Dhaqanka etc, suaashu waxay tahay, maxaa naga duway ummaddaha addunka anaga oo muslim sheeganaya, dhaqan leh, ma damiirkii ayaa naga xumaaday? Waxaan ku tallin lahaa in la qabto shirar lagu falaqeynayo sidii arrimahaan wax looga qaban lahaa…Mahadsanidin.

  18. mohamed ali says:

    asc walalayaal marka hore
    marka labaad aad ayaan uga mahadcelinaynaa walaalaha turkia hadeeynu nahay shacabkii soomaaliyeed sida sharafta iyo walaaltinimada leh ay inoo garab istaageen hadeey ahaalaheeyd taakuleeyntii abaarii dalka ka dhacday , iyo dhinca waxbarashada , maantana marlabaad aad ayaan uga mahadcelinaynaa in ay naga taakuleeysto dhinaca gaashaandhiga oo ah run ahaantii wax aad muhiin ugu ah umada soomaaliyeed si ay mar labaad cagahooda isku taagaan viva walaaheen turkia

  19. Amin Mo,allim Hassan says:

    marka hore waxaan amaan u soo jeedinayaa warbaahinta qaranka, marka xigta waxaan amaan u jeedinayaa madaxweeynaha dalka waxaana ugu hanbaliyeeynayaa hishiiska cusub eey la gaareen walaalha dalka turkiga. waan duceeynayaa ee amiin ha la ii dhahao. ilahoow waan daalnay ee nibta naga bixi oo dowladaan ka dhig tii dalka iyo dadkaba ka samata bixisa dhibaatadii sanooyinka tirada badan na heeysay amiin amiin amiin

  20. abdinaasi says:

    Maashaa alaah waa wax lagu farxo arintaan shacabka soomaaliyeedne aad ayuu usoo dhaweynayaa madaxweynaha iyo dowlada oo dhane guul ayaan u rajeyneynaa ilaahna halagarab galo hoosha culus ee hortaala

  21. garyaqaan says:

    Asc. Marka. Hore. Waa. Idin. Slaamay. Somalia. Maanta. Aad. Ayaan ugu. Faraxsanahay. Heshiiishka. Wadanka. Turkiga. U. Laqaatay. Madaxwayne. Xasan. Sheekh. Waxaan. Aad. Uga. Xunahay. Socdaalkan. Socdaalkii. Kahoreeyay. Ee. Uukutagay. Wadanka. Xune. Ladhaho. Ethiopia. Ahna. Wadan. Inoo. Dhaxayso. Colaad. Dheer. Oo. Lama. Ilaawaana. Waana. Kaxumahay. Maanta. Inay. Siyaasdeena. Kaqyb. Galaan. Somalia. Waa. Wadanka. Doonaya. Inuu. Qaato. Dhamaanba. Somalia. Isticmaalo. Khayrkeena. Dakadeena marka. Dowlada. Ethiopia. Waxay. Isku. Dhabar. Jabinaysa. Kahor. Tagto. Waxa. Ladha. Somali.wayn. Hadaba. Taasoo. Haday. Dhalato somaliwayn. Ethiopia. Cabsiwayn. Kaqbto. Inay. Kalo. Kulanto. Amaba. Danaha. Ay. Kaleedahay. Gudaha. Somalia. Hadaba. Isku. Soo. UruRiyoo. Dowlada. Ethiopia. Waa. Cadowgeena. 1aad. Madaxda. Somaliyeed. Hayska. Ilaaliyaan. Dowlada. Ethiopia. Waxay. Wada. Waa khyaamo. Waxaa. Kamida. Waxyaabaha. Ay wado. in somalia. Ay. Waligeed. Ahaato. Somalilald. Putland. Iyo. Waxyaabo. Lamida. Kana. Ilaalinayso. Dhacdo. Waxa. Loogu. Yeedho. Somaliwayn.

  22. Waa wax aad u wanaagsan arinkani waana kufaraxsanahay

  23. Adan Ismail says:

    MUDANE MADAXWAYNE XASSAN SHIIKH MAXAMUUD,AAD IYO AAD AYAAN UGU FARAXSANAHAY TALAABADANIYO HESHIISKA AAD LAGASHEEN DAWLADDA TURKIGA KHAASATAN KAN USAABSAN DHINACA GAASHAAN DHIGA,WAA GUUUUUUUUL USOO HOYATAY UMADA SOMAALIYEED MEEL KASTA OO AY JOOGTO.INSHA,ALLAH WAYNU KABIXI DOONAA GUNIMADII OO GOBANIMAA BADALI DOONTA.DULIGIYO QABIILKII ALLAW NAGA DULQAAD.ILLAAHOW NASII CIIDAN QARAN OO UMADA USIMAN.

  24. ciise says:

    Asc dhamaan umad somaliyeed mel waliba ay jogaan asc aya idin leyahay =aad ayaa umahad sanyihiin walalahena turkiga oo mar waliba nala garab tagan yihii tageerada aadka uqiimaha badan ee wad kumahad santihiin turkiya nolada weligiina madax weyne xasan waxan leyahay masuuliyada aad heyso ilah garb haku siiyo somali haisracdo somali hanolaato somali hajirto waxan leyahay qoliya qoriga wadata haiska dhigaano walalihiina dhigooda habaneysanina biri wlhi illahay ayaa idin adaabaya ciqaabta qiyaamo ayaa kutaalaa wlhi kama baxsan kartid ilaa hadii ilahay kuugar garo moyee saxiibkaga waxkuutarimaye wataquu yowman laatajii nafsun cansin shey an walaa yuqblo walayal hadilin walalkaga muslimka ah adiga naftada hahaligin ee jooji qaladkan walaa taqtuluu anfusakum inalaaha kaana biku raxiiman

  25. Xagaley says:

    Asalamucaleykum waxaan halkaan ubu bishaareynayaa umadda soomaaliyeed inuu ufurmay baal cusub kaasoo unoqondoona dhameystirka horumarka yar ee kamuuqda hada wadankeena. maxaa yeelay dhisitaanka ciidankeena waa muqadas waana kuwa aan faano doono iney wadankeena looga baqo. ilaahey waxaan ka baryeeynaa inuu ciidanekna noogadhigo kuwa kataya wanaagsan kuwii ina soo maray. Dowlada Turkigana qofkasta oo somaliya oo wadani ah wuu umahadcelinayaa. Waa walaala najecel innaguna waan jecelnahay.

  26. NIMCO says:

    MAANSHAA ALAAH WAA MUHIIM DADKA AAD TAALO IYO WAXWADA QABSI AADLA SAMEYNAYSO INAY YIHIIN DAD DIINTAADA HEYSTA AMA KAAGA RAALI AH ,MARKA GUUUUUUUUUUUUUUUUL IDIIN RAJEYNAYNAA .

  27. wan ku farax sanahay madaxwayne xasan ilahay hakula garab galo waxaad tahay muwaadin u hagoogtay inaad xukunto somali madax adeeg waxaan ka codsanaya dowlada iyo xukumada in sida ugu dhaqsiyahay badan naloo dhiso xds waa muhiim inaan lahaano ciidan quwad leh fursadaana aan ka faaidaysano

  28. jimcaale says:

    waa guulo aan la hilmaami karin qofwalbo soo maali ah waxaan weydiin lahaa waligaa wax ma u qabatey dalkaaga in uu wax kuu qabto mooyaane walaalayaal cadowgeenu waa badan yahay marka aan taageerno madaxweynaheena iyo madaxdeena si aan u gaarno aduun yadaan hore u socoto si gabdhaheena waalidkeen iyo walaalaheen u nabadgalaan odayaasha dhuuni raaca ah na ee horu marka noodiidan uga hortagno waxaan leeyahay hanbalyo

  29. mudane madaxweyn allaha kula garab galo hoosha culus aad umada somaaliyeed uheeso illah hakuufududeeyo culees kaas

  30. Abdurahman Shekahmed says:

    ALLAHU AKBAAR, ALLAHU AKBAAR WA AL CIZAATU LIL ISLAAM…

  31. fahad says:

    maashaa alaah beelo walaahi waa walaal turkiga ilaah nagama qaado wilaa aan walaal lahayn siduu u noolaado waa ay adagtahay maantana waxaan leenahay walaal naga weeyn mida kale waxaan aan aad u jeclaan lahaa madaxweeynah in marka uu soo laabanaayo uu si toos ah uga dago caasimada dalka uu san ku leexan dalalka jaarka ah daladka jaarka ahan waxaa ay dareemaayaan in aan nahnay wadan la socdo wadamada waaweeyn oo ay kor uga baxeen wadamada yaryar

  32. mohamed says:

    dad badan oo somali ah wexey ogeyn in wax cusub ayna ahayn taageerada military turkey ay siiso. 500 oo sano ka hor awoodi military ee boqortooyadii ujuuraan waxaa dhisay turkey. Axmed Gurey oo somalidu ku faanto wuxuu ahaa guddomiye gobol dawladda cuthmaniyiinta ku matalayay. waa wax aad loogu farxo in markale iskaashigeynii qadiimka ahaa soo labto.

  33. wadani114 says:

    maashaa allaah waa horumarkii ugu weeynaa aan maqlo waana wax lagu farxo.. guul soomaaliya albaab ayaa u furmay ilaah nabadda hanoo sii kordhiyo

  34. Adan Madow says:

    Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxaa ilaahay kaga baryayaa in aad noqto mid cadaalad ah oo ka dhawrsan xumaan ,musuqmaasuq oo ah kan qaxooti naga dhigay dadka soomaaliyeed ee Wadamada kale ku nool ay dhibaato xun ku jiran ayaago dhalaankooda ay maalin kasta mid ka mid ah u qaadayaan Qabuura,kuwa kalena dhalaankooda laga qaato,Hadaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud badbaadi Seddexda Milyan oo soomalidda qurbaha ku nool jeceylana inay Wadan kooda ku soo laabtaan NABAD IYO CADAALAD Nooloow Nooloow Waligaa Madaxweyne

  35. muwaadin mohamed says:

    Waa guul usoo hoyatay ciidamadda xooga dalka

  36. MARKA HORE SALAAN QIIMA BADAN SOMALIWEY IYO BAHDA RADIOMUQDISHO,,,, SALAN KADIB RUNTII SOMALI MANTAY WEXEE HEESATA FURSADII UGU WEYNEE WANA INEE KA FAAIIDESATA .. MANTAY ADUUNKA WENA DANEHESA INTEE NADANEHESO WAA INAAN KA FAAIIDESANAA ..DOWLDA TURKIYA WXAAN U HENAA RUNTII HADII ANAHAY SOMALIYA QIIMA AD U WEYN WALH MANNA ILAAWI DOONO AWAAL;KA AYA NOO GASHAY

  37. samiir says:

    mash aallah walalaheen tuky we love you, abdi risaag akhii masha allah fikir aad u fiican ayaad amin san tahay dhamaan dadka somalied waa dad fiican oo is jecel laakiin cadow ayaa nagu dhex jira waana fahamnay meesha dhibta ka jirto




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

amniga

Guddiga Amniga Oo Shir Aan Caadi Aheyn Caawa Ku Yeeshay Muqdisho+Go’aanno”

Kulan Aan Caadi aheyn oo uu shir guddoominayay R.wasaare ...
wasirka boostada

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo khudbad ka jeediyay shirka Busan, South Korea

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mduane Maxamed Aadan ...
shabaabaaa-620x3301

Shabaab oo laba nin ka afduubtay tuulada Shadoor ee Degmada Ceeldheer

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa ...
DSC07539

Wasaaradda Kalluumeysiga oo maanta soo gaba gabeysay aqoon is weydaarsi looga hadlaayay kheyraadka badda”sawiro”

Aqoon is weydaarsigan  oo lagu   baranayey  sida ugu ...
fatahaad beledweyn

Webiga Shabeele oo ku fatahay xaafaddo ka tirsan Beledweyne

Iyadoo lagu guda jiro xilliga Dayrta isla markaana ...
dalxa. uuseey

Xildhibaan Dalxa oo la kulmay Madaxda dalka Switzerland”Dhegeyso”

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibadda ee Barlamaanka ...
j

“Daawo “Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo fariin muhiim ah u diray bulshada Soomaaliyeed

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ...
10606257_768656859855134_4896910870940779898_n

JAAMACADDA SIMAD: Kudhawaad 30 arday oo qaatay shahaaddada Master-ka-SAWIRRO

Jaamacadda SIMAD ayaa maanta shahaaddada heerka labaad ee ...
astaanta-warka16

Dhegeyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

  [audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-22.10.2014-sax.mp3"][/audio]
baarlamaanka2_large

Barlamaanka Soomaaliya oo maanta loo gudbiyay 10 Hindise sharciyeed oo uu ku jiro hindise sharciyedka la dagaalanka Argigaxisada. (DAAWO VIDEO)

Mudo 24 sano kadib markii ugu horeysay maanta ...
DSC07490

Arday soo saartay hab cusub oo loo beeri karo cawska”sawiro + VIDEO”

Ardaydani  oo   wax  ka barata  Jamacadda  Jazeera    magalada ...
cadale

Dowladda oo raashin gargaar ah gaarsiisay degmooyinka Cadale iyo Baraawe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa raashin gargaar ah ka ...
DSC07381

R/wasaaraha oo saaka dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro + VIDEO)

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. C/weli Sheekh ...
shabaab

Rag qorsheynayay falal argagixiso oo lagu qabta Dooloow

Degmada Dooloow ee gobolka Gado ayaa  lagu qabtay ...
howlgal-ciidanka-dowladdaii_large

Ciidanka nabadsugidda oo xalay toogtay dhagar qabe ku hubeeysnaa Bistoolad iyo bambaanooyin

Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka ayaa xalay howlgallo ay ...
kulanka baarlamanka

Barlamanka oo maanta fadhi yeelanaya

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa ineey maanta ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-22-10-2014.mp3"][/audio]
Cabdiweli sheekh axmed

R/wasaaraha oo lagu wado inuu saaka dalka dib ugu soo laabto

Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh ...
IMG_5006

Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Ku Jira Isbitaallada Muqdisho “SAWIRRO+ VIDEO”

Guddiga Adeegga Bulshada u qaabilsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150 (1)

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Dadaab-camp

Soomaali Qaxooti  ah oo dalkooda ku soo laabanaya

Qaar ka mid ah dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-HABEENIMO-21.10.2014.mp3"][/audio]
astaanta.qaranka-300x2282

Guddiga Amniga xukuumadda Soomaaliya oo go’aano ka soo saaray arrinta ka taagan gobolka Hiiraan

Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga Amniga ee ...
DSCN1179

Qaar ka mid ah ehelada qoysas ay dhibaatooyin u geysteen Shabaab oo lacago la siiyay “SAWIRRO”

Ururka Haweenka Gobolka Benaadir ayaa maanta deeq lacageed ...
DSC07320

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha oo furay siminaar ku saabsan soo xulidda guddi maamula kheyraadka “SAWIRRO”

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa maanta furay kulan ...
wasiirka warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta: “Kalsooni dhisidda shacabka waxa uu muhiim u yahay in horumar dhanka nabadda iyo xasiloonida laga gaaro Soomaaliya” (DAAWO VIDEO)

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Musftaf Sheekh ...
astaanta.qaranka-300x228

Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha oo ka shiray xoojinta wadashaqeynta

Kulun looga hadlayay waxqabadka Wasaaradaha iyo xoojinta xariirka ...
amniga

Hay’adaha amniga oo la wareegay garaash ku yaalla degmada Warta Nabadda. (DAAWO VIDEO)

Ciidamada hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa maanta ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WARKA-DUHUR-21.10.2014.mp3"][/audio]
DSC00102

Maamulka Godinlabe oo dib u habayn ku samaynaya canshuuraadka  “SAWIRRO”

Kulankan maanta lagu qabtay magaalada Godinlabe ee mamulka ...
EU

Midowga Yurub oo taageeray horumarka ay ku talaabsatay dowladda

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay horumarka ka jirta ...
Wasiirka warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta oo booqday weriyeyaal siyaabo kala duwan ugu dhaawacmay Muqdisho. (DAAWO VIDEO)

Booqashadan uu Wasiirka Warfafainta iyo Hanuuinta Dadweynaha ee ...
macalin

Ururka Suxufiyiinta Carabta oo abaal marin guddoonsiiyay Qoraa Soomaaliyeed

Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa ...
astaanta-warka

Dhageyso warka subaxnimo

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/10/WAR-SUBAX-21-10-2014.mp3"][/audio]

Tubta Toosan

Tadaruf

Xag-jirnimada maxaa laga dhaxlay? Dhageyso

Xag-jirnimada aad ayay uga digtay Shareecada Islaamku, waxa ...
Jihaad

Jihaadku ma dagaal oo kaliyaa? Dhageyso

Qur’aanka iyo Sunnaha waxaa ku soo arooray JIhaad, ...
Godane & Barawe

Alshabaab Godane iyo Baraawe ka dib?? – FALANQEYN DHAGEYSO

  Maleeshiyada Alshabaab waxaa dhowrkii toddobaad ee la soo ...