Thursday, May 23rd, 2013

Sidee Shacabku ugu qeyb qaadan karaan sugidda ammaanka?

Published on October 23, 2012 by   ·   9 Comments  ·   2,953 views

Dalkeenna Soomaaliya waxaa soo daashaday colaado iyo degganaansho la’aan siyaasadeed., waxaana sanado badan ka maqnaa kala dambeyntii iyo  nidaamkii lagu yaqiin dowladnimada.

Laakiin  Hadda Marka aad eegto sida ay arrimuhu u soconayaan, Dowlad Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay  si buuxda gacanta ugu haysa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka , ka dib markii laga fara maroojiyay maleeshiyaadkii Shabaab ee dhibta ku hayay shacabka.

Laakiin inkastoo la wiiqay itaalkii Alshabaab , Haddana kooxdan gabbalkeedu sii dhacayo waxay wali falal  ammaan darro ka waddaa magaalooyin kala duwan oo dalka ah oo ay ku jirto Muqdisho.

Waxay kooxdu fulisaa weerarro  weerarro naf la caari ah oo isugu jira dilal gaadmo ah iyo qaraxyo ay badanaa waxyeello ka soo gaarto dad rayid ah.

Si haddaba loo sugo ammaanka, loona xoojiyo nidaamka dowladnimada, maxaa la gudboon Shacabka Soomaaliyeed?  Maxayse tahay taageerada iyo gacanta ay shacabku ka geysan karaan sugidda ammaanka guud ahaan dalka.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Readers Comments (9)

  1. suldan says:

    taas waa sahalantahay sida amanka lagu sugi karo waa is aaminaad dhex marta ciidamada dowlada iyo shacabka hadii ciidamada dowlada ay soo jiitaan shacbkooda oo kalsoonida ku beeraan waxaa imanaysa in shacabku gacan ka siiyo meel walba ay ku jiraa kuwa amanka lidiga ku ah lkn bad dhan hal malay baa qurmiya hadii askari kamida ciidama uu fal anshax xumaakula kaco shacabka ciidanka dhan ayay ka aamin baxayaan marka ciidanka ayaa laga rabaa in shacbkooda aytusaan il naxariis le

  2. waris says:

    shacabka ayay amanka dan ugu jiraa ciidamada qaranka ee dhiigooda u daadinaya waa in ay kala shaqeeyaan sugidd amanka oo godadka ay dhuumalaysanayaan usoo sheega ciidamana waa in ay iska qabtaan kuwa dhibataynaya shacabka ee sumcadooda wax u dhimaaya waxa calool xumo nagu beertay askar tirsan dowlada baa dhacay dad shacab oo kufsaday gabdho somaliyeed ee sharafta badan mar ayay u dhimanayan hadii hablihii somaliyeed ee difaaci lahayeen ay ayagu dhibataynayan hala qabto inkaar qaba damiir lawaha ku dhex jira askarta ee sharfkooda dhawacaya shacabkana ka horkeenaya

  3. cumar afyare says:

    asc waxan isleyahay aniga ayadoo xafado xafado leykugubiiro xafadkastaba dhalinyaro lagaqoro gebdho ee musharloqoro dadkasna waa dharcad sas ayalugudarikaraanabad

  4. yusuf says:

    1 qabqalayaasha in la xiro

  5. ali says:

    asc dhamaantiin umada somaliyed meel walibaoo aad jogtan runtii wa su aal muhiin ah oo u bahan in wx leska weydiiyo wayo amaanka muslin iyo gaal intaba wey u bahan yihin marki aan u gudbo fikrkeyga waxa lagu sugi kara in dadka la dira kobo oo losameyo dukumiinti lgana qado muqdishana mees kasta kaamiro la geliuo xamar hadii uu nabad noqdana meel kasto waa nabad wayo waa madaxii somaliyada

  6. mohamud says:

    waa mahadsantiin dhamaan bahda radio moqdisho sida aad bulshada ugu soo gudbisaan haqiiqda dalka ka jirta .

    waxaan kusoo gabageeynayaa salaanteeda xamareey xaalkaadu waa see .

  7. Abdulkadir says:

    Asc wrb waxaan dhamaan halkaan ka salamyaa muslimita gaar oo dhan gaar ahaan intii u istaagty in eey bad baadiyaad dalkeena iyo sharafta somalida kana difaacdy cadawga dalka iyo islaamkaba.aminiga dalka waxaalagu sugi karaa marka hore in dowlada eey kasoo baxdo xuquuqdii ciidanka qarnka sooomaliyedd gaar ahaan nabad sugida boliska iyo dhamaan peace cops oo qaabilsan caasimada.tankale waa in dagma walba eey heshaa ciidamo isugu jira dharcad iyo boolis ku filan sugida degmadaas micnaha tira ahaan eey isu qalmaan degmada iyo cadadka ciidanka xaqoodana meeska la saaraa ,kii dalkiisa iyo dalkaba dibin dabyada ku hayana sharciga la horkeenaa, lana sameeyaa communitty leh lolo walba dad ka masuula amnigeeda misna isla shaqeeyaan ciidanka iyo communittyga xaafadaha

  8. Wadani says:

    ASC DHAMAAN AsXBAATA R.MUQDISHO SALAAN KA DIB FIKRADEYDA- ANI WAXAN IS LEEYAHAY WAA IN MARKA HORE DOWLADDU LA TIMAADA QORSHE CAD OO AMNIGA LAGU SUGAYO KA DIBNA DADKU WAA LA SHAQEYN KARAAN taa micnaheedu waxaa weeye HALKEEN KALA SOO XIRIIRNAA LAAMAHA AMNIGA, SIDEESE LAGU AAMINAA, QOFKA TALEEFANKA NAGA QABANAYO WAA QOF NOOCCE AH, MA DHAGATRQABIHII KHAWAARIJKA AHAABA MASE WAA WADANI DAACADA AH. XAQIIQATAN WAXAA JIRA SARAAKIIL KA TIRSAN NABAD SUGIDDA OO SI TOOS AH ULA SHAQEEYA SHABAAB. marka arrintaa xal haloo helo ka dibna shacabka nala shaqeeya ha la dhaho. waa la aamini karaa dowladda haddii laba aaglayaasha la dhameeyo marka hore! ANIGA SHAQSI AHAAN MAALiN KASTA WAXAAN ARKAA RAG AAN HUBO OO SHABAAB KA TIRSAN OO CIYALA SIYO ISKA DHIGAYA FaNAANADO CIYAARTOYDANA WATO markaan arko afkeyga ayaan qabsadaa aniga oo ciil i haayo si aan nafteyda uun u badbaadiyo sababtoo ah cid aan la xiriiro ma aqaani!! MARKA HADII TALADA DADWEYNAHA LA RABO WAA IN LA SAMEEYAA QODOBADA SOO SOCDA:-
    1- in dowladdu baabi,iso marka hore ragga ku dhex jira ciidamada ee laaluush qaatayaasha ah lana shaqeeya dhagarqabayaasha KHAWAARIJTA shabaab-ka ah.
    2- in la sameeyo TALEEFOON gaar ah oo uuna qaban doono qof wadani aha oo aan laaluush qaate aheen.
    3- in la sameeyo CIIDAMO GAAR AH oo uu wargalinayo qofka la soo wacay isla markaana ka howl gala aagii loo tilmaamay iyo qfKii loo tilmaamay.
    4- in la sameeyo CIIDAMO DHAR CAD ah oo dagma waliba ka howlga oo isugu jira rag iyo dumarba kuwaasina ey noqdaan ciidamada ugu badan ee loo adeegsado nabad sugidda magaalda muqdishu iyo dalka oo dhan.
    5- in LACAGTA UGU BADAN EE DOWLADDA LAGU BIXIYO AMNIGA MEELNA LA SAARO MUSHAARKA CIIDAMADAAS DHAR CADDA.
    6- in QOFKA LOO QORAAYO NABAD SUGIDDA in badan la tixraaco taariikh nololeydkiisa, qoyskiisa iyo inta ey la egtahay wadaniyad jaceylka ku jiro qokaas iyo daka uu ka soo jeedu sifaadka ey ku leeyihiin bulshada dhexdeeda iyo inuu qofkaasi maalin uun soo qaatay fikradaa kooxaha khawaarijta ah ama qoyskiisu ey maalin uun al dhceen fikradahaha khawaarijta shabaab MRKA TAA AAD HALOOGA DIGTOONAADO.
    WASALAAMU CALEYKUM.

  9. Aqon yahan somaliyed iidle says:

    asc dhaman umada somaliyed iyo walalaha fikirkooda saliimka ah kubirayay dib udhiska dalka .
    wa su,aali muhiim ah runtii adoweyn logubahanyahay in la fahmo macnaha kujira su,ashan cilmibaris dherna lagu sameyo lana aruuriyo firkadaha wadaniyiinta dacada u ah dalka ,diinta iyo shacabka somaliyed.
    sida walalihi iga horeyay ayba shegen waxan kubiirin laha :
    1. in ladhiso cidamo amniga suga oo dacad u ah dowlada ,dalka iyo diinta lehna aqoon kufilan shaqada ay qabanayaan, aniga waliba waxan kusi dara in loqoro cidamada dalka dadka aqoonta leh uguyaran secondary kaso baxay hadi lahelikaro ama guuto kasta koox uga jiran .
    2.in lasiyo ciidanka shaqada qabanaya musharkoda lana hubiyo inu kufilan yahay una qalmo shaqada uu qabanayo.
    3.in ladhiso cidan amni ama dharcad oo dacad u ah dalka lehna aqoon kufilan lana siiyo qalabka shaqada ay kuqaban lahayen iyo musharkooda.
    4. in laga saro magaliyinka sida casimada cidanka meliteryga ah, lana dhiso cidanka booliska oo tayo leh aqoon kufilana leh iyo siday shacabka ukasban lahayen waliba qodobkan wa mid xasasi ah amanka, in boliska somaliyed ay kastabadan tagerada iyo lashaqeenta shacabka tasna wa in ay la imadan policy iyo strategic lagula shaqen karo tasna waxa loga fadhiya dowlda somaliyed iney la imato qorshe wada shaqeen oo dhab ah.
    5.shacabka somalyedna waxan ushegi laha wadan kasta dadkiisa aya dal ka dhigta amankisa sugtana ee police wax ma qaban karo hadi ay dacad yihin xita wada shaqen la an wadaniga dhabta .
    6.waxa sido kale muhiim ah cidanka trafficga ah oo amanka kalin weyn kaqata in ey kahool galan wadooyinka magalada meel kasta una sameyan sharci iyo kala dambeen kana sifeyan baburta sharci la an ta kujooga magalada wayo dadka aman darida kawada magalda waxa ay isticmalayan babuur iyo wadoyinka magalda.
    dadka wac yigooga in ladhiso iyana wa muhiim shacabka iyo dowladana yaysan kaniyad jabin in xoreystan wadankooda .
    thnks




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

DSC03854

Dowladaha Sudan iyo Soomaaliya oo Hishiis Dhanka Ciidanka Xooga ah kala saxiixday :- Daawo Sawiro

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka habeennimo ee radio Muqdisho

WAR HABEEN 22.05.2013
DSC03786

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka gaashaandhiga oo Galabta booqday Meelo dalxiis iyo Xarumaha Sports-ka ee Raacsaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiin ...
DSC00908

DAAWO SAWIRRADA;-Sida Ay Shacabku Ugu Damaashaadaan Xeebta Liido Maalmaha Aan Jimcaha Aheyn

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ...
PM AU (4)

R/wasaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Africa “war-saxaafadeed+sawirro”

(Muqdisho, 22, May, 2013) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
20130518_141000

DAAWO SAWIRRADA:- Bandhig dhaqamed ay ka qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Turkiga

Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen in kabadan ...
shabaabaaa-620x330

Haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo boob ku haya xoola dhaqatada G/Hiiraan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ...
astaanta-warka16

Dhageyso warka duhurnimo ee radio Muqdisho

WAR DUHUR 22.05.2013
naafada

Naafada danyarta ah ee ku nool degmada Dhuusamareeb oo gargaar loo geybiyay

Deeq Raashin gargaar ah  ayaa maanta loo qeybiyay ...
k 1

Bukaanada jiifa cisbitalka Keysaney oo loo qeybiyay deeq lacag ah”Sawirro”

Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada ...
kulanka baarlamanka

Baarlamanka oo maanta kulmay iyo mudanayaasha oo dib uga laabtay mowshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulmay iyadoo mudanaayal ka ...
Fiqi

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo la kulmay madaxweynaha dalka Sudan.

Wasiirka gaashandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka Subax ee Radiomuqdisho

War Subax Arbaco 22-05-2013
Qadar 10

Shirka Isku-imaatinka 13-aad ee Doha oo maanta la filayo in lagu soo gabagabeeyo magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. ...
r

Maamulka Galmudug oo ganaax lacageed dul dhigay Gawaari ay ku rarneyd Dhuxul laga jaray deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka beeraha iyo xaanaanada xoolaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ...
DSC01526

“Daawo Sawirrada”Gudoomiyaha gobolka Hiiraan kormeerkii uu ku tagey Deegaanada Ceelgaal iyo tuulooyin kale oo katirsan gobolkaasi.

Booqashadaan oo ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdi ...
nn

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta bilaabaya dooda Mooshinka laga keenay xukuumadda.

Kulankan oo ay maanta yeelanayaan xubnaha golaha shacabka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12511

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
elman

Isku aadka tartanka CECAFA Kagame Club Cup oo lasoo saaray

Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

War Habeen 21-May-2013
DSCN6980

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Koonfur Afrika oo ka shiray Arimo Muhiim ah “SAWIRRO”

Kulan ay si wada jir ah ugu qeybteen ...
afhayeenka amisom

Ciidamada AMISOM oo sheegay iney guri guri u baaridoonaan Muqdisho

Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ...
astaanta-warka

Dhageyso Warka Duhur

WAR DUHUR 21.05.2013
1

Baarlamanka oo maanta ansixiyay miisanadiyadda Sadexdii Bilood ee ugu dambeeyay sanadkii hore

Baarlamanka oo maanta anxisiyay Miisaaniyada  Sadexdii bilood ee ...
odayaasha-hawiye

Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamanka oo ku baaqay in laga naqdo mowshinka laga keenay xukuumadda

Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ...
IMG_0165 2

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo abaalmarinno guddoonsiiyay wariye iyo Cameromanno ka tirsan SNTV”Sawirro”

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Gaadiidka Xukuumadda ...
DSC00586

DAAWO SAWIRRADA:- Dibadbax lagu tageerayo waxqabadka ay xukuumaddu muujisay oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday ...
IMG_3133

DAAWO SAWIRRADA:- dib u dhis xoog leh oo laga dareemayo Gaalkacyo

akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineyna ...
TubtaToosan1

Shirkii London iyo diidmada Al-Shabaab-DHAGEYSO

Shirka waxaa wada jir u guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya ...
astaanta-warka1

Dhageyso warka Subaxnimo ee radio Muqdisho

WARKA SUBAX 21.5.2013
baladweyne1

Maamulka G/hiiraan oo amar ka soo saaray dadka wata hubka iyo dharka shacabka

Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ...
images

ciidamada dowladda oo howlgal ka wado qeybo ka mid ah dagmooyinka G/banaadir

Ciidamada dowaladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka howlgalo ...
BOQASHADA  MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN (1)

Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo oo ka soo horjeestay maamulka looga dhawaaqay Kismaayo

Odaayasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee ...

Tubta Toosan

TubtaToosan1

Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Dhagarta?-DHAGEYSO

Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
TubtaToosan1

Macluushii ka dhacday dalka iyo kaalinta Al-Shabaab-DHAGEYSO

Dabayaaqadii 2010 ilaa  bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...
Fatwo

Horjoogayaasha Shabaab oo Godane Cambaareeyay!

Maalmihii la soo dhaafay waxaan tebineynay khilaafka u ...

*