Barqanimadii maanta ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga shir ay Dowladda Turkiga marti gelineyso kaasi oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya si gaar ahna rajada Mustaqbalka.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya wufuud heer caalami ah oo kakala socota 54 dal oo Caalamka ah, Madaxda sare ee Qaranka,Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug,Ahlu Sunna,Odayaal Dhaqameedyo,Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka waxaana uu shirku socondoonaa Laba cisho oo maanta iyo berri ah.
Wufuudda Dowladda Soomaaliya ee Shirkaasi ku sugan waxey kala yihiin:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas
Ra’isulwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane C/laahi Xaaji Xasan
Wasiirka Warfaafinta,Boostada Iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn
Wasiirka Dastuurka,Dib u Heshiisiinta Iyo Arrimaha Federaalka Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/laahi Goodax Barre
Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Iyo Lacagta Mudane C/naasir Maxamed Cabdulle
Wasiir Kuxigeenno iyo Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Mudada labada cisho ee uu shirku soconayo ka sokoow furitaanka maanta oo laga hadlay horumarinta Dhaqaalaha,bani aadannimada iyo dadaallada xiligan ay wado DKMG ee dalka looga saarayo marxalada KMGnimada waxaana la filayaaa in maalinnimada berri ah laga hadlo Siyaasadda ayadoo laga eegayo rajada Mustaqbalka Soomaaliya.
Waxaa loo kala qaaday Afar Ajande oo kala ahaa Tamarta,Biyaha,Wadooyinka iyo La dagaalanka Abaaraha ayadoo shirkana lagasoo jeediyey tallooyin ku aadan sida arrimahaasi loo hormarinkaro ayadoo Walaalaha Turkiga gacanta koobaad siinayaan Soomaaliya.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo furitaankii Shirka khudbad ka jeediyey ayaa muujiyey in xiligan ay jirto rajo weyn oo ku aadan in dalka uu ka gudbo KMG waxaana uu Walaalaha Turkiga uga mahad celiyey kaalinta lama ilaabaanka ah ee ay ku taageereen Shacbiga Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’isulwasaare C/weli ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in guusha Meleteri ee hada la gaaray ay barbar socoto mid horumarinta dhaqaalaha ah waxaana uu ku tilmaamay Ra’isulwasaare Erdogan inuu doonayo inuu bedello muuqaalka Soomaaliya xiligan ayagoo nagataageeraya horumarinta dhaqaalaha.
Ra’isulwasaaraha oo sidoo kale ka hadlayey Shirkan hada ka soconaya magaalada Istanbul waxa uu uga duwanyahay shirarkii hore ee Soomaaliya loo qaban jirey ayaa tilmaamay in Shirkan labo arrimood uu shirarkaasi hore kaga duwanyahay mid koobaad oo Dowladda marti gelineysa ay tahay Dowlad xiligan saameyn gaar ah ku leh taageera dhab ahna siisa iyo mid labaad oo ah xiliga la marayo oo ay Soomaalidu fahansantahay Dowladnimada oo ay ka go’antahay iney ka gudbaan KMG.
Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga Receb Tayib Erdogan oo ka hadlayey Shirjaraa’id oo Wadajir ay u qabteen isaga iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Turkiga uu iskaashi dhow ayada oo si gaar ah looga taageerayo dhaqaalaha iyo dib u dhiska.
Ra’isulwasaare Erdogan ayaa tilmaamay ineysan ka daali doonin dadaallada ay la garab taaganyihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya inta ay Soomaaliya cagaheeda iskaga taageyso waxaana uu xusay in rajada Turkiga ee Mustaqbalka Soomaaliya ay tahay mid aad u weyn islamarkaana la hirgelin doono dhammaanba mashaariicda horumarineed.
Mashaariicda laga hirgelinayo Dalka oo ay Walaalaha Turkigu fulinayaan ayaa kala ah sidii Caasimadda Muqdisho ay ku heli laheyd biyo Nadiif ah taasi oo qeyb ka ah heshiiskii ay wada gaareen Labada Duq magaalo ee Istanbul iyo Muqdisho,tamarta iyo Wadooyinka dalka oo dhismahooda ahmiyad gaar ah la siinayo.
Dad badan ayaa qaba in socdaalkii uu magaalada Muqdisho ku yimid Ra’isulwasaaraha Dalka Turkiga Recep Dayib Erdogan bishii August ee sanadkii hore ay sabab u tahay muuqaalka indhaha caalamku ay xiligan ka aaminsanyihiin Soomaaliya iyo isbedellada xiligan jira oo ay Dowladdu sameysay.
Guud ahaanba dhinacyada ka qeybgalaya shirka oo ay ugu horeeyaan Madaxda sare ee Dalka ayaa muujinaya rajo ku aadan in shirkan oosoo gebageboobaya gelinka dambe ee maalinnimada berri ah ay kasoo baxdo natiijo wax ku ool ah.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
waaaaaaaaaaaaa ooyay turkiga ilaaheey abaalkooda magudikarnee ha u abaal gudo aamiin somaaliyeey hurdada kakaca oo wadankiina uistaaga balanteenu waa iskaashi isha alaah
hassan says waa ooyay qofkii dareen waddaninimo ku jiro waa ogyahay waana ka marag sida dawladda turkiya ugu so gurmatay dadka somaliya maashaa allah,gudi makarno abaalkey noo galeen haddana weli wadaan.
raadiyo muqdisho iyo tvga qaranka waxaan ka codsaneeynaa hadaan nahey soomaalida reer toronto canada inaad heestan axmed naaji aad ku soo celcelisaan inttow shirka turki ka dhamaaanayo.
Maashaa allaah
Mashaa allh dowlada turki weey mahadsanyihiin taageerada eeysiin doowlada soomalia&shacabka soomaliyeed waana u amaal gudi doonaa illaaah hadoowyiraa ee waxaan kacodsaneeynaa doowlada soomalia ineey waxqabsato oo eeysan isqabqabsan sida naaga la islaqabo hadii kale waligeeyna heer magaareeyno thanks
masha alah turkia iyo cidwalba e wax noo tartay ilahow kor yeel anakane kuwii abaabkooda ilobin alaha naga dhigo inta dhimane alha noo dhamestiro
Masha alaah walaalaha Turkiga dadaalkey wadaan aloow lagarabgal amin allow somaali israaci oo ka dhig shirkii ugu dambeey eey isku raacdo amin amin
masha,laah waa arin aad u fican qorshaha laga wado somaliya aad ayaan u soo dhaweyneynaa taageerida walaha Turkiya ay nala garab taaganyihiin ilaah haka abaal mariyo maalin ayaan insha,laah abaalkaas gudi donaa ilaah haduu yiraa
Asc hada ayaa wax fahane hurdada ka gacne oo wax ogaane waxaa guushas leh madaxwenaha shiikh shariif shiikh axmad ayaa leh ooo dowlad nimada wax naka tuse guuul ayan leyahay shirka waxaa alah haka dhiko kii somali nawad ku soo dabaali lahay guuul guuul
GUUL LAHA KU SOO DHAMEEYO WANAAG MID AAN KU GAARNANA ILAAH HA INOOGA DHIGO
mashaa.allah turkiga waana idin mahad celinaa waqtigii aad idin bahneen aad na soo gaarten madaxda qaranka waa in ee nooga faaideyan turkiga turkiga maahin wadan yar oo waa wadan caalamka ku leh awoos dhaqaale mid melateri iyo mid siyaasadeed waana in laga fekeraa sida loola dhaqmaayo siyaasad ahaan ogoow turkiga mar kale mahadsanid dayib erdogan
Many Thanks to our Turkish Brothers and Sisters For Bringing Somali’s Hope alive, This is The First Sincere Meeting without Foreign meddling, May allah’s Mercy on Prime Minister Erdogan and His Government, Un forgettable history Was taken Place and We Thank Prime Minister 70.000 Times, Yashasi Yashasi, Thanks Also Alustad Ahmed Naji, Barbaariyiheygii xilligii aan ka midka ahaa Ardayda Dugsiyada Gobolka banadir ee Waberi la Jiibisa Heesaha wadaniga Allah Yacizak Alustad Ahmed naji Sacad
Allahu akbar
masha,alaah radiyaha qarankeena waan jecelnehee alaha ıdın jeclaado waad hormarıseen wadanka ıyo bulshada shaqadaad u haysaan waadna ku mahadsantıhıın waa maxamaed xasan oo ku sugan dalka turkıga kana mıd ah ardayda wax ka barata halkaas aad ıyo aadaan ıdınkugu mahad colınaa shaqaalaha qaranka
Mash’Allah, Runtii waa wax lagu farxo oo rajo muuqato ah.. Rabiyooow nabad da dag kasoo dhali Iftiin aa nosoo ifooyo walhi…
Wlaalaheeyn Turkiga aad ayee u mahadsanyihiin mar aan u baahanahay ayee na caawiyeen Taarikhda ayaa xusi doonta…
waa in aan ubixinaa caruurteena (erdugan) ninkaas walaalkeena oo aan kusharafno wiilasha haloo baxsho,xaaskiisa magaceedana haloo baxsho gabdheheena.
naanaystaydu waa cabdiraxmaan erdugan
Ilaheybaa mahad leh. Waxaan u mahad celinayaa dowladda Turkey oo ah rutii walaalaheen garteyna in somaliya la iloobay 21sano oo dagaalo gaajo iyo waranku taag ah ku jirtey.Fursaddan qaaliga ee ah in caalamku u soo jeestay somaliya waa in si fiican looga faaidaystaa oo tanaasul badan ay muujiyaan masuuliyiinta somaliyeed.
masha’alah waa war lagu farxo sida wanaagsan ee turkigu markasta ulagarabtaganayahay shacabka somaliyeey midnimadda iyo u dib u soo celinta nabadda iyo kala dambaynta wadabka guul turkiga guul
70 toban kun jer mahad an latiri kareynban uso tabinayaye taa ilawi meyne taarikh lama ilawan turkiga ino galayeeee turkigaa inoogalay
Somaliya tan wa fursadii ugu danbesay haysatan hada ka faaidaysan waysan waxa hubaal ah in wadamo african ah ay idin gumesan doonan waligiin …iska iloba wixii hore ka fakara futureka somaliya manta gacantiina ku jirta
wlh calool xumo ayan la ooyay maxa yeelay dowlada turkish waxa ay noo qabaneyso ma ahan wax aan gudi karno wlh maxa yelay markan aqristya wadoyinka muqdisho aya la hormarinaya wlh waan farxay maxa yelay muqdisho waxey u bahantahay in niyad la siiyo kaliya lkn wan qabna wadan qurxon oo jawi dagan leh cimilo wanagsan oo xeebo loo dalxiso leh masha allah an ku daree lkn radiomuqdisho& sntv waxan ka codsaneynaa hestii axmed naji sacad in la wado ina uu shirka socdo wlh waa hees qiiro leh markan dawado oo an ilmeeyo wlh dhanka kale sntv waxan ugu mahad celineyna waxa uu noo so dubaya meelihi lagala waregay shababka ceelahs ilaa afgooye wan dawanay xitaa hees qiiro leh ayey noo saren oo shababka ay dhibeyso oo hes wadani ah c/fitah dahir jaye mahad sanid bro nin culus, dhaman shaqlaha radiomuqdisho and sntv waan idiin jeclahay wlh wcs
Turkiga in uu na taageero waa u diyaar ee ilaahayow soomaali ka dhig kuwii ka faa’iideystay oo aan fursadan iska lumin
waxaan la ilimaynayaa farxad waxaan alle kabaryaa in soomaalida oo dhan qalbigood mideeyo turkiga waa umad alle noosoodiray alle ha u abaal gudo
mashaa alaah tariiq lama ilawaan ayeynoqoneysa ee alow nabada noo adkee amiin
wa mahadsan tihin walaha turkiga wa mahadsan tihin
A.s Umada Somaliyeed Meelkasta aa joogtaan Waa Idiin Salaamay Qasatan Dhalinta Darda Yar anan arag Dawlad Somaliyeed Waxa Idiin Leeyahay Iftiin Yar ayaa Inoo Sobaxayo aan Ka fa Idaysano Codkeena aa ku dhacsano Xuriyada Dalkeena Iyo Dadkayna Iyo Diinteena Donimayno Quri Danbe Dalka Lagu Qarabiyo Viva Dawlada Walaalaha Nahay Turky♥♥