Shirka Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Arrimo Ay Ka Mid Yihiin Ammaanka “DAAWO SAWIRRADA”
Published on August 9, 2012 by Canab · No Comments · 4,467 views
(Muqdisho, 09 Augst 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hirgalintii Dastuurka, siyaasada iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka, arimaha Amniga, iyo Degmooyinka cusub ee la magacaabay.
Ugu horayntii Golaha ayaa isla soo qaaday hirgalintii Dastuurka waxayna ku tilmaameen inay ahayd ansixintiisu guul taariikhi ah taas oo lagu bixiyey juhdi faro badan suurtana galisay in Soomaaliya yeelato Dastuur mudo 43 sano kadib, iyadoo wixii farsamo ahna loo gudbin doono Baarlamaanka cusub,
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha ka hor akhriyey siyaasadda iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka madaama la galay waqti xasaasi ah, warbixintaas kadib goluhu wuxuu taageeray masuuliyada wasaarada warfaafinta ee ku aadan ilaalinta shuruucda iyo habraaca lagu dhaqayo warbaahinta qaranka, sidoo kale Goluhu wuxuu isla qaatay in lagu dhaqmo xeerka iyo siyaasadda wasaaradu u dajisay warbaahinta gaar ahaan waqtiga uu socdo isbadalka siyaasadeed.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dhacdooyinkii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana Goluhu faray Hay’addaha Amniga inay ka hortagaan wixii khal-khal u keeni kara amniga madaama wadanka ku jiro marxaladd kalaguur ah, isla markaan sheegay in baaritaano ku sameeynayaan dadka ka danbeeya dhacdadii maanta.
Waxaa sidoo kale laga warbixiyey magaacaabista dagmooyinka cusub inay wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka
Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.



















Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
WAR HABEEN 25 05 2013
akhristeyaasheena sharafta leh waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa ...
Madaxweynaha dalka Kenya Uhura Kenyata ayaa sheegay in ...
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ...
Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ...
War Duhur 25-05-2013
Waxaa ka socda caasimada dalka Kuwait qabanqaabada loogu ...
Wasaarada arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta ...
Hay,adda maaeaynta musiibooyinka qaranka ayaa maanta deeq raashin ...
Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Raashinka ay Soomaalidu dhaqanka ...
WAR SUBAX I 25 05 13
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ...
Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanno ...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ee ...
Shir looga looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga waddankan ...
Kulan looga hadlayay dhibaatooyinkna soo wajaha haweenka soomaliyeed ...
Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa laga ...
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha maamulka gobolka Gal-gaduud ...
WAR HABEEN 24.05.2013
Wasaarada ammaanka maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ...
War Duhur 24-May-2013
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir ...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ...
WAR SUBAX 24.05.2013
Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obaama ayaa sheegey in awoodii ...
Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka ...
Maamul gobaledka Galmudug ayaa arrin lagu farxo ku ...
Puntland oo xukun dil ah ku riday dad ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Muddooyinkii dambe horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa soo kala ...
Shareecada Islaamku aad ayay uga dardaar warisay dhagarta ...
Dabayaaqadii 2010 ilaa bartamihii 2011-kii Soomaaliya waxaa ka ...