Wednesday, June 19th, 2013

Shacabka Beledweyn Oo U Dabaal Degay Sanad Guurradii Koobaad Ee Kasoo Wareegatay Markii Ay Al-Shabaab Ka Xoroobeen “DAAWO SAWIRRADA”

Published on January 2, 2013 by   ·   12 Comments  ·   5,451 views

Munaasabad si heer sare ah loosoo qaban qaabiyey islamarkaana ay shacabka iyo maamulkaba ugu dabaal degayaan sanad guurradii Koobaad ee kasoo wareegatay markii ay magaalada Beledweyn ka xorowday Maleeshiyada argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa xalay lagu qabtay magaaladaasi.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,kan degmada Beledweyn,saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa walaalaha Jabuuti ee ka howlgalaya kubolkaasi iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyn.

Bilowgii Munaasabadda ayaa waxaa lagusoo bandhigay suugaan wadani ah taasi oo ay soo bandhigeen koox fanaaniin ah oo Munaasabadda ka qeybgalay ayadoo sidoo kalena goobta lagusoo bandhigay ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah kuwaasi oo ay aad u jecleysteen dadkii kala duwanaa ee Munaasabadda kasoo qeybgalay.

Goobta ay Munaasabadda ka dhacday oo aheyd xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo wadooyinka magaalada ayaa waxaa lagu xardhay islamarkaana lagu sharxay leyrar kala midabo ah iyo calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadeenna maadaama aysan Maleeshiyaadkii argigixada Al-Shabaab ee magaalada la xoreeyey ogoleyn muujinta Calankeenna.

Gebagebadii Munaasabadda ayaa waxaa goobta laga jeediyey khudbaddo kala duwan kuwaasi oo ay jeediyeen mas’uuliyiinta iyo saraakiishii Ciidammada ee iyagu farxadda xoriyadeed la qeybgsanayey shacabka Beledweyn.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn waxa uu ku dheeraaday isbedellada hormarineed ee ay Beledweyn ku talaabsatay kadib xornimadeeda iyo waxqabadka maamulka gobolka Hiiraan mudada sanadka ah ee qeybo ka mid ah gobolkaasi laga xoreeyey maleeshiyada Al-Shabaab waxaana uu Gudoomiyuhu tilmaamay in mudadaasi sanadka ah uu maamulka gobolka Hiiraan waxbadan u qabsoomay kuwaasi oo la xiriira dhinacyada ammaanka iyo hormarinta arrimaha bulshada lagasoo bilaabo dib u dhiska xarumaha uu hada maamulku ku shaqeeyo.

Dhinaca kale waxa uu gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax ka hadlay waxyaabaha uu qorsheynayo inuu maamulka gobolka qabto mustaqbalka dhow kuwaasi oo ay ugu horeeyaan hirgelinta mashaariic hormarineed oo gobolka laga hirgeliyo waxaana uu ugu dambeyntii ka codsaday qurba joogta gobolkaasi u dhalatay ee dalka dibaddiisa ku nool iney ka qeyb qaataan hormarinta dhulkooda Hooyo.

“waxaan Alle inooga rajenayaa sanadka cusub ee inoo bilowday inuu dadka reer Hiiraan u noqdo sanad hormar,nabad iyo barwaaqo badan, waxaanse dadka ku dhaqan Beledweyn iyo qeybaha kala ee gobolka Hiiraanba ka codsanayaa iney si isku duubni ah maamulka ula shaqeeyaan si gaar ahna hay’adaha amniga waayo hadii ammaanka ka wada shaqeyno sanadka soo socda waan gaari karnaa dhammaan waxyaabaha aan hiigsaneynoo ee hormarka ah” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax.

Munaasabadda ayaa kusoo gebageboowday jawi farxadeed oo aad u sareeya waana dabaal deggii ugu horeeyey ee magaalada Beledweyn ka dhaco kaasi oo loogu maamuusayo xornimadii ay magaalada ka xorowday maleeshiyada kooxda argigixsada ah ee Al-Shabaab.

Photo By:-C/shakuur Cismaan Cali 

Readers Comments (12)

  1. mohamud says:

    MAASHA ALLAH

    • Abdi hussein says:

      mashaa alaah waa guul usoo hoyatay umada somaaliyeed ee ku nool baladweyne iyo sida nabada leh ee isugu soo baxeen waa aan ku farax sanahay sida loo wacyi gilinta bulshada isugu soo baxday kuna dadaala nabada nabadu wiil ayaa ku dhasho ee ku dadaala walaalayaal reer hiiraan gacanta is qabsada oo tageera dolada hana qaaday ee wanaagsan rag iyo dumar saa u dhantahiin walaalayaal ala u barya in ay lugaheeda ku istaagto aamiin aamiin waa cabdi carab oo ka soo jeedo bwene

  2. rashiid says:

    WAXAAN HALKAAN SALAAN DIIRAN UGA DIRAYAA BAHDA RADIOMUQDISHO OO RUNTII AAN AAD UGU AMAANAAYO HOWSHA ADAG EE AAY U HAYAAN SHACABKA SOOMAALIYEED, WAXAAN KALOO SALAAMAYAA GUDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN MUDANE C/FATAAX XASAN AFRAX

  3. liibaan says:

    radiomuqdisho waan idiin salaameeynaa ilaaheey ha idin karaameeyo walaalayal walaahi waan ku faraxnaa mar walbo oo aan soo booqano boga radiomuqdisho waxaana idinku amaanayaa sawirada quruxdii baladwayne ee aad soo galiseen mahadsanidiin walaalayaal thanks.

  4. Dawlad jecel says:

    Hiiraan waa xuduntii Dalka waa soo saarihii inta badan madaxdii qaranka. Hiiraan waa dhul taarikh leh ma aheyn in Sheytaan Shabaab intaas heystaan. Guul Hiiraan Guul Somaliya .

  5. muwaadin says:

    masha alh waa farxad weyn runtii ee ilaahow noo siyaadi aamiiiiiiin yaa rabi

  6. xaliimo says:

    A/S WAXAN SALAAN HALKAAAN UGA DIRAYA BAHDA RAADIO MOQDISHO OO SUURA GELIYEY FARXADAAN IN AAN KALA SOCONO USA WAXANA LEEYAHAY HAMBALYO REER HIIRAN ILAAH WAXAN KA BARYAYA INTA DHIBKA KU HEYSA GOBOLKEENA OO HORUMARKA UDIIDAN IN ILAAH NAGA QABTO VIVA B/WEYN

  7. najma says:

    hi waxaan halkaan ka salaamay dhamaan Shaqaalaha radio muqdisho , sidoo kale waxaan salaamay Al-fanaan Saydii cali wenkey waxaan leeyahay aad bad u mahadsantihiin

  8. Tall says:

    Aqaaniya ninka photo da sogudbi mashalah

  9. abdi yare says:

    salaan qaali ah,bahda raadio mogadishu,waxaad na tustaan dalkeenii oo idil,allah nabad noogusoo dabaalo aamiin.

  10. Well Done & Victory For Hiran Region Of Somalia(Beledweyne-City) & All Somalia

    Nabad & Horumar & Barwaaqo Ayaan U Rajeeynayaa Gobolka Hiran(Beledweyne-City) & Somalia Guud Ahaanba.BY:Abdulkadir Hussien Hassan(Cadaay)London,UK.Hiran International Diaspora Group London,UK.

  11. Abdi hussein says:

    mashaa alaah waan ku farxay midnimada somaaliyeed ee ka dhacday magaalada balad weyne ee gobolka hiiraan sida farxada leh ee looga dabaal dagayo iyo heesaha qiirada badan ee wadaniga ah aniga oo jirkeega jiriricyo ku taganeeyd waa guul guul u soo hoyatay reer hiiraan ku dadaala nabada iyo wadani nimada iska ilooba qabiil waa cadawee




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararka

Sequence 06.Still008

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii Maleeshiyaadka Shabaab ku Qadeen Xarunta UNka ee Magaalada Muqdisho

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda soomaaliya ...
DSC01626

Mashaariic Ururka Iskaashiga Islaamka uu ku Dhisayo Iskuulo oo Maanta Muqdisho Laga Bilaabay“SAWIRRO”

Mashruuc ururka iskaashiga islaamka ee OIC uu ku ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421154

War Deg Deg ah:-Ciidamada Qalabka Sida oo Soo Gabagabeeyay Howlgalkii Xarunta UNka.

Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya  ayaa goor dhow ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421

War Deg Deg ah:Ciidamada Qalabka sida oo Gudaha u Galay Xarunta UNDP

Ciidamada qalabka sida  ayaa gudaha u galay xarunta ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421

War Deg Deg ah:Qarax Goor Dhow ka Dhacay Xarunta ay UNDP ku Leedahay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wararka aan ka heleeno xarunra UNDP ay ku ...
Galgaduud

Bulshada Ku Nool G/Galgaduud Oo Soo Dhaweeysay Shirka Looga Hadlayo Aayaha G/Dhexe

Iyadoo uu socdo shirka looga hadlayo aayaha gobolada ...
IMG_7595

DAAWO SAWIRRADA:- Shir-weynaha Qaran Ee Waxbarashada Oo Maalinitii Labaad Ka Socda Muqdisho

Akhristayaasha Sharafta Leh waxan halkan idinkugu soo bandhigeynaa ...
Galmudug-Logo

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Galmudug Oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Caruur Habeen Ka Hor Aabihii Dhalay Uu Dilay Hooyadood

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa deeq lacageed ...
astaanta-warka1

Dhageyso Warka Subax

WARKA SUBAX 19.6.2013
astaanta_qaranka13

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Qaban-qaabineysa Shir-weyne Qaran Oo Looga Hadlayo Ammaanka Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka ...
Dhalxa5

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka F.S. Oo Qaahira Uga Qeybgalaya Shirka Baarlamaannada Carabta

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Baarlamaanka u qaabilsan xiriirka ...
shir qaran

Shir-weynaha Qaran Ee Waxbarashada Oo Galay Maalintiisii Labaad

Shirka heerka Qaran ee looga hadlayo dib u ...
DSCN6079

Arday Soomaaliyeed Oo Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Dalka South Africa”Sawirro”

Munaasabad Shaahaadooyin Lagu Gudoon siinayay arday Dhameysatay Barashada ...
US-Taliban

Maraykanka iyo Taliban oo Wada Hadalo Nabadeed oo Fool ka Fool ah ku yeelanaya Dalka Qadar

Saraakiil sar sare oo ka tirsan aqalka cad ...
RadioMogadishu_logo

WARGELIN:-Dhageysiga Tooska Ah Radio Muqdisho Ee Internetka Oo Dib Loosoo Celiyey

Waxaan ku wargelineynaa Akhristayaasha sharafta leh ee Websiteka ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada125

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
DSC01330

DAAWO SAWIRRADA:-Shirweynaha Qaran ee Looga Hadlayo Waxbarashada Dalkeena oo Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Akhristayaasheena sharafta lahow waxaan halkan idinkugu soo gudbineenaa ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

WAR HABEEN 18-06-2013
Wafdi Baarlamaanka Midowga Yurub 1

Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Qeybgalay 20 Sano Kadib Shirka ACP-EU Oo Brussels Ka Furmay “SAWIRRO”

Wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ...
Sequence 06.Still008

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maanta Muqdisho Kulan kula Qaatay Odoyaasha Dhaqanka“SAWIRRO”

Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ...
DSC06024

Xaflad Loogu Dabaal Degayey Aas Aasyada Dhalinta Ubaxa Qaranka Oo Lagu Qabtay Degmada Wadajir “DAAWO SAWIRRADA”

Xaflad SI heer sare ah loosoo agaasimay oo ...
Sequence 01.Still008

Hay’adda CCD oo Maanta Kulan Lagu Wacyi Galinayo Dhalinyaradda Ku Qabtaya Degmada Kaaraan“SAWIRRO”

Hay’adda wada Hadalka Bulshada ee CCD ayaa xarunta ...
Sequence 05.Still001

Kulan Looga Hadlayay Arrimaha Jubboyinka oo Maanta Muqdisho Lagu Qabtay“SAWIRRO”

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad,siyaasiyiin,aqoonyahano,haween ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

WAR DUHUR 18.06.2013
MOBASA

Booliska Kenya oo Mombasa ku toogtay Laba Nin oo Argagixiso ah

Ciidmada booliska Kenya ayaa magaalada Mombasa ku toogtay ...
DSC01420

Ra’iisul Wasaaraha oo Maanta Furay Shirka Heerka Qaran ee Dib-u soo Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya:-WARSAXAFADEED+(Sawirro)

Muqdisho, 18, June 20133…Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ...
TubtaToosan Logo

Barnaamijka Tubta Toosan Hal-Abuurnimada Soomaalida

 Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
Ra'iisulwasaare Saacid

Ra’iisulwasaare Saacid”Waxbarashada waxaan siin doonnaa ahmiyad ka badan gaashaandhigga”

Waxaa 10:30 Barqonimo ee maanta magaalada Muqdisho ka ...
DSC01183

Daawo Sawirradda:- Shir-weynaha Qaran Ee Waxbarashada Dalka oo Goor Dhow Ka Furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow maanta magaalada Muqdisho ka furmay ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Subax

WARKA SUBAX 18.6.2013
South-Africa

Burcad Koofur Afrikan Ah Oo Boob U Geysatay Hanti Ay Lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa boob u ...
Ciidammada Asluubta

Taliska Ciidanka Asluubta Oo Muddo Bil Ah U Qabtay Iney Uga Guuraan Dadka Deggan Dhulalkii Asluubta

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddo Bil ah ...
astaanta_qaranka13

Shir-weynaha Qaran Ee Waxbarashada Dalka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon ...
wiish

Garsoore Soomaaliyeed oo qabanaya cayaarta furitaanka CECAFA “SAWIRRO”

Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish ...

Tubta Toosan

TubtaToosan Logo

Barnaamijka Tubta Toosan Hal-Abuurnimada Soomaalida

 Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
TubtaToosan

Sidee loo heli karaa saxaafad xor ah oo mas’uul ah?

Soomaaiya  sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
TubtaToosan1

Barnaamijka Tubta Toosan talo ka dhiibo-DHAGEYSO

Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...

*