Malleeshiyaadja Shabaab ayaa billaabay in ay maanta ka qaxaan magaalada Baydho ee xarunta gobolka Baay, kadib markii ay ku soo dhawaadeen ciidamada XDS oo u jira magaaladaasi masaafo ka yar 50 K.mitir.
Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu soo waramayaa in ay haawaneyso kadib markii malleeshiyaadkii shabaab iyo horjoogayaashoodiiba ay saaka billaabeen in ay ka qaxaan magaaladaasi, dadka reer Bardhabo ayaa saaka ku baraarugay malleeshiyaadkii shabaab oo magaaladaasi ka qaxaya iyo gaadiidkii shabaab oo u soo cararaya dhinaca Muqdisho, waxeyna sidoo kale shabaabku billaabeen in ay xaasaskoodii ka kaxeystaan magaaladaasi.
Qiimaha lagu raaco gaadiidka yaryar ee ka shaqeeya Baydhabo ilaa Muqdisho ayaa sare u kacay kadib markii ay saameyn ku yeelatay shabaabka ka qaxaya Magaaladaasi, markii hore waxaa lagu raaci jiray gaadiidkaasi ilaa Sadex Boqol oo Sh.So. halka maanta uu gaaray ilaa Lix Boqol, taas oo muujineysa sida malleeshiyaadka shabaab aysan ugu diyaarsaneyn in ay u jilib dhigaan howlgallada ciidamada XDS oo ay si hal haleel ah uga huleeleen magaaladaasi,
Dadka reer Baydhabo oo muddo sanaddo ah kooxda shabaabku ku hayeen cadaadis farabadan ayaa Maanta dareemay neecaw xornimo ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada XDS, iyadoo wali uu socdo qulqulka qaxa maleeshiyaadka Shabaab ee Baydhabo ayeey kooxdu isla maanta magaaladaasi ku dileen Laba nin oo ka mid ahaa shacabka magaaladaasi kuwaas oo mid ka mid ah ay toogasho ku dileen xilli uu Tyrada ka furanayay gaari lugaha ka banjaray oo kooxda shabaabku ka carareen, halka midka kalena ay dileen xilli uu guranayay raashin ay uga carareen meel xarun u aheyd kooxda oo ku taala magaaladaasi, sida ay Radio Muqdisho u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka reer Baydhabo.
“Karbaashkii, xariggii, baaddi, cabsi gelintii, gaboodfalladii shabaab maanta waxey u muuqataa inaan ka baxnay mar hadii aysan suuqyada iyo waddooyinka ka muuqan kuwii afka duubnaa ee nolosha, farxadda iyo xorriyadiiba noo diiday, in kastoo wali ay dadku baqayaan haddana waxaan isu diyaarineynaa soo dhaweyna ciidamada XDS”ayuu yiri mid ka mid ah dadka reer Baydhabo oo magaciisa ku soo gaabiyay Maxamed.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada XDS oo shalay la wareegay degmada Bardaale ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gacanta ku dhigaan magaalada Baydhabo oo shabaabkii joogay ay ka huleeleen.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Qeyr
Erya Erya Erya,,,,waa tuugadiiye hala Eryo
Dulliga waa sune halaga ciribtiro jiritaanka,,,thanks RM.
HAMBALYO DHAMAAN UMADDA SOOMAALIYEED
waa alle mahadiis maanta haddii dad qalatadii al-qaacidda aan ka sheekeynayno kala firdhadkoodii waxaa ayaan iyo masiib leh qofkii goob jooge ka noqda meesha caddaladda lagu horkeeni doono kuwii cabay dhiiga dadka soomaaliyeed ee ay ka mid yihiin godane, roohoow , aweys , calidheere iyo jaabdadii kale ee midiyaha dadka masaakiinta ah ku birayn jiray waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa ciidamadda geesiyaasha ah ee xoogga dalka soomaaliyeed oo aan lee yahay mid kasta oo ka mid ah wuxuu mudan yahay in la siiyo billad geesi ( geediga wada sooma jeestayaashiiyoow)
ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ILAAHAYOW mahadas adiga ayaa iska leh o manta cadawga kadulqaday magaladas ILAAHAYOW inta dhimanna raacsii o gabi ahaantuudba naga dulqaad
kuwani way nakadiideene ILAAHAY jab iyo halaag haku rido