Shabaab ka dib, maxaa la gudboon dhalliinyarada Soomaaliyeed ee la khalday?-DHAGEYSO
Published on October 15, 2012 by Yusuf Isse · 8 Comments · 4,221 views
Toddobaadyadii u dambeeyay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa nabad ilaalinta AMISOM ayaa guulo xooggan ka gaarayay dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Shabaab iyo Alqaacidda.
Waxaa laga qabsaday magaalooyin badan oo ay ugu dambeysay Kismayo oo ay argagixisadu ka heli jireen dhaqaale ay dagaalka ku huriyaan.
Si weyn ayuu u wiiqmay itaalka Alshabaab oo haatan ku soo ururay dilal gaadmo ah iyo miinooyin la aaso.
Sanado badan ayay Alshabaab iyo Xulafadooda Colooshood u shaqeystayaasha ah ee Alqaacidda ay si kasta u dulleynayeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wax walba oo xun kula keceen.
Alshabaab iyo Alqaacidda waxay ka tageen taariikh madow oo jiilba jiil u warin doono, waxaa lagu xusuusan doonaa qaraxyadii faraha badnaa ee ay maatada ku gumaadeen, sida Qaraxii Beledweyne, Qaraxii Shaamow, Kii Hotel Muna, Gumaadkii Hargaha iyo Saamaha ee Alshabaab iyo falal kale oo waxshinimo oo ciidda ka badan.
Alshabaab oo haatan gabbalkeedu dhacay waxaa lagu xusuusan doonaa in ay tahay kooxdii nolosha, tacliinta iyo nabaddaba u diidday Shacabka Soomaaliyeed. Kooxdii cunaha qabatay shacabka kana hor istaagay in gargaar loo fidiyo markii ay abaaruhu ku dhufteen.
Marka Alshabaab la xusuusto waxaa lala xusuusan doonaa in ay tahay kooxdii gaalo ku tilmaantay dadka Soomaaliyeed ee muslimka ah, carruurtana ku ababisay in ay gaalnimo u dilaan qof masjid ka soo baxay, mararka qaarna ay masjidka dhexdiisa ku dilaan.
Dhammaadka Alshabaab ka dib, maxaa la gudboon dhallinyarada la marinn habaabiyay? Waa mowduuca toddobaadkan ee barnaamijka Tubta Toosan. Waxaa nagala qeyb galaya Sheikh Cumar Daahir Sheikh Cabdiraxmaan.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka ...
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Baarlamaanka u qaabilsan xiriirka ...
Shirka heerka Qaran ee looga hadlayo dib u ...
Munaasabad Shaahaadooyin Lagu Gudoon siinayay arday Dhameysatay Barashada ...
Saraakiil sar sare oo ka tirsan aqalka cad ...
Waxaan ku wargelineynaa Akhristayaasha sharafta leh ee Websiteka ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Akhristayaasheena sharafta lahow waxaan halkan idinkugu soo gudbineenaa ...
WAR HABEEN 18-06-2013
Wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ...
Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ...
Xaflad SI heer sare ah loosoo agaasimay oo ...
Hay’adda wada Hadalka Bulshada ee CCD ayaa xarunta ...
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad,siyaasiyiin,aqoonyahano,haween ...
WAR DUHUR 18.06.2013
Ciidmada booliska Kenya ayaa magaalada Mombasa ku toogtay ...
Muqdisho, 18, June 20133…Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ...
Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
Waxaa 10:30 Barqonimo ee maanta magaalada Muqdisho ka ...
Waxaa goor dhow maanta magaalada Muqdisho ka furmay ...
WARKA SUBAX 18.6.2013
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa boob u ...
Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa muddo Bil ah ...
Shirka dib u habeeynta waxbarshada dalka oo socon ...
Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish ...
Dadka soomaaliyeed ma yihiin dad la xukumi karo ...
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
Madaxweynaha Cusub ee isbedel doonka ah ee Dalka ...
Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay awood milatari ...
WAR HABEEN 17-06-2013
Ardayda jaamacadda Plasma ayaa maanta lagu talaalay xarunta ...
Iyadoo tartanka CECAFA Kagame Club cup lagu wado ...
Kulankan wadatashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay ...
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ...
Dadlkeenna Soomaaliya waxaa uu sanado badan ku jiray ...
Soomaaiya sanadihii la soo dhaafay waxaa ka hana ...
Barnaamijka Tubta saddexdii sano ee la soo dhaafay ...
waxaa lagudboon in ay qaladkoodi ku badalaan wax sax ah oo kii hore kabadalan sida, In aydiinta si fecan ubartaan oo aysan seeflaboode dhageesan dhiiga islaamkana loobaneen xaataa kaalka haduu shicibyahay macnaheedu maha waaladili karaa berkee marka ladhahay dilka waa marka aad kula jirtid dagal maha shicib waa saas oo aad jano kuheleesid ayalaku leeyahy waayo hadaa tiraa kaal odhan ayaan dilayaa macquul manoqoneeso waayo ilaahay ayaasamestay oo laxisaabtamaya taas waa koow laba waa inay waxbartaan uku danbeen waa inay bartaan waxa qaanuun intuu halwadan udagay hadana ula baxay halmagac sida (Somalia) macnaheedu waxaweeye dadka dunida kale daga ayaan iskaka sokeena waa marka waa inay bartaan SOMALINIMO waxay tahay.RM waxan codsanaya heesaha wadaniga inraadiyasha lagu badiyo thanks
waxaa la gudboon in ay ka soo noqdan dariiqi xuma ay ku socdeen una soo jeestaan dalkooda nabadeyntiisa iyo dib u dhiskiisa media qaranka isagoo kaashanaya culimada abwaanada waa in la baraarujiyaa dhalntaas la qalday
Waxay ilatahay labo qeybbood ayaa lokalasarayaa qeybta hore waa qeyb marki horeba kuraacday dhaqaale, waxa lagudboon inay isaga solaabtaa insha allah jid iyo jahadidka ummada muslimka ah iska leynaayo, dhamaantood waxaan kulatalinlahaa wadanka waa wadankoodi dadka waa dadkoodi ha unaxaristaa waxaan idin leyahay cid juuq iidin dhihikarta majirto hadaa dadkina iska sodhaxgashaan dhibla aan dowlada waxan usojedinayaa in ciddi lugu helaa faldanbiyeed, daalada lahorkeena hday qofdishay ladilaa, hdikalene dowlada waxaan leyahay waxkaste oo aad qabaneysaan cadalada kusaleya ayadaa nadeeqdo asc radio yaha qaranka waadmahadsantihiin
waxa lagudbon dadka diinta kuqarabta ugana qarabta moryanimo inaykaso haran
Wad salamantihiin dhaman weryasha radiyaha qaranka
hadan uguda galo muwduca laga hadlaayo aniga wan ka mid ahaa
mujahidiinta balse manta wan ka baxay sas ay tahay as xabteyda mar walba waxay leyihin murtadinta dhankoda mad ku birtey maya aniga gala kuma birin ee waxan kalo fur sad siinayaa dowlada cusub siday u dhaqanto
haday shisheyaha sii jogan waxan ku qasbanahay mar kale in an qoriga godka kula soo baxo
lkn haday arinta is badasho wadankana gala ha iska mamusho noqataa !!!
Ninmankan waa dhagar lawayaashi kuwa ka imanaayo xitaa an la hubeen maxa yelay waxay qabaan jiro ah dadka dila kuna beegsada goobaha cibaadada iyo waxbarashada dadka way goowracaan aduunyada oo dhan way na bareen xumaha ayee no horsedeen dowlada waxan ka codsanaynaa midki ay ku soo qabtaan fal ah in u watay hub waa in u ahaadaa jisidisa dil maxa yelay dadbu dililahaa ama wuba soo dilay khawarijtaan ilaah garabkoda ka baway
marka laga hadlaayo shabaab waxaan ognahay in fikradda ey leeyihiin dad shisheeye ah fulintana ey leeyihiin dhalinyarada la marin habaabiyey sidaas daraadeed waxaa la gudboon in ey kasoo laabtaan dhqanka fikirka mabaadi,da shabaab unasoo laabtaan shacabka soomaaliyeed oo ah kii ey ka dhasheen falalkoodiina u bedelaan iney u daneeyaan dadkii ey horay dhibaatada ugu haayeen islamarkaasna ciidamada ka kaalmeeyaan dhinaca warbixinada kuna biiriyaan waxyaabaha ey xog ogaalka u yihin ee dhinaca shaabaabka inta kasoo hertay iwlm
waxaa lagudboon diinka sida dhabta ah inay ufasiran oo qaladka kadhafan hadii sida dhabta ah loogo dhaqmo diinta islamka ah leys qilafimayo