Thursday, July 24th, 2014

Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Oo Kormeeray Xabsi Ay Ku Jiraan Boqolaal Maxaabiis Soomaaliyeed “DAAWO SAWIRRADA”

Published on January 12, 2013 by   ·   13 Comments  ·   7,592 views

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa maanta kormeeray xabsi ku yaala magaalada Mombasa oo ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah oo burcad badeednimo ku eedeysan.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa saakay oo jimce ah ku aaday magaallo xeebeedka Mombasa kormeer uu ugu kuurgalayo sida ay noloshooda tahay maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada ku yaala magaaladaasi ayadoo safiirkana uu si gaar ah u kormeeray xabsi ay ku jiraan in kabadan 100 dhalinyaro oo qaarkood sanaddo xabsi ah lagu xukumay kadib markii lagu helay dambi la xiriira burcad badeednimo.

Safiirka oo salaadda Jimcaha la tukaday maanta maxaabiista ku jirta xabsigaasi ku yaala magaalada Mombasa ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Mombasa dalkooda loo keeni lahaa si ay ugu dhameystaan mudada xabsiga ah ee lagu xukumay.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa indha dheeyey sida ay tahay noloshooda dhalinyarada Soomaaliyeed ee xabsigaasi ku xeran, halka ay seexdaan,caafimaadkooda iyo cuntada la siiyo waxaana uu kala hadlay safiirka saraakiisha heysata xabsigaasi inaanay lagu xadgudbi Karin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsigaasi ku xeran.

Kormeerkan uu safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ku tagay xabsigan ku yaala magaalo xeebeedka Mombasa ayaa qeyb ka ah kormeerro uu safiirku ugu kuurgallo had iyo goor nolosha ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool.

 Photo By:-Maxamed Axmed Ilkacase

Readers Comments (13)

  1. abdalah says:

    ofkii caqli u saaxaab ah waxuu kaqaadan karaa tani inaytahay sawir kufilan oo muujinaya halka soomali maanta taagan yahay waa kuwaas dhalintii wadanka usoo kacay maxaynu sugnaa ilaahow waa taada naxariista ilaah way furantahay waxaan rajaynayaa dadka maanta talada haya inay itaalkooda dedaali doonaan inkastoo xaalku aanu sahlanayn ilaahow nadabaqabo

  2. ashaa.alaah safiirka hawl qaran oo wanaagsan ayuu qabtay waana dublamaasiga kaliya ee wax muuqda qabta khayr alaha kaasiiyo taariikhda ayaa ku xusi doonta sacaadatul saafiir ilaahay dadkeena meelkasta ku dayacan ha u gar gaaro oo sawladeena iyo nabada ha inoo adkeeyo aamiin

  3. hilowle says:

    Maashaa ALLAH Jaalle Safiir hadaannahay qurba joogta Somaliyeed aad aan ugu faraxsanahay markasto dadaalka aad ugujirto in aad kaalmeeyso Ummadda Somaliyeed ku dhibaateeysan Xeryaha qaxotiga iyo Xabsiyada Wadanka Kinya waxaan leenahay ajir ALLAHA kaa siiyo ha daalin oo hadaalin.

  4. farax says:

    Thank you H.E.keep going

  5. cabdiraxmaan says:

    salaan mudane danjire marka labaad isku dey in aad soo deysid kuwa sherci darada kuxerxeran qaasatan tahriibayaasha marka sidaxaad danjirayaasha kale iyo wasaaradada arimaha dibada waxaan ka codsan lahaa in ey il gaar ah ku eegaan dhalinta xabsiyada caalamka kuxerxeran

  6. xiis says:

    maansha alaah tanxigta safiirkeena salaan qaaliah hadaanahay qurbajoogta xilkaaga waxaad u gudataa si kudheehan soomaalinimo. waxaan kaloo dowlada soomalia kulatalinlahaa in ay wiila sheena dib ugusooceli yaan soomaalia. waxey kaqeeyb qaadanayaan dibu dajinta dalka ragaan rag horay ooga shaqeysanjiray bada kaluumeysi ayay ubadnaa yeen, hadaba sida aad ogsoon tihiin waawada badmaax, waa in tabar loofuraa siay oola dhiirigaliyaa walaahi waxaan dhihi lahaa hadii laxareeyo oo tababar lasiiyo waxeyba noqan lahaa yeenba ciidanka bada qaranka soomaliyeed, kuwahada falalkaxunkujirana ayagaaba sooqab qabanla haaba.nimankan hadii waxay kunoolaadaan lasiiyo waano iyo wargalin bas ayeey ubaahan yihiin,halakeeno muqdisho kadibna waxyar bila ah dhaqan celin haloo sameeyo. ayagaaba qarka difaaci doono iyo badoodaba.kuwasoo qabtayna waaba burcad badeed awood buuxda leh. Taas waan wada ognahay hadana xaalufiin ayeey kujiraan, bada malaay majiro kuweena dibada kunool ayeeyba naga iibiyaan. waan ognahay bililiqada soomalia laga wado.marka wiilasha yaanlagu dheeraanin hala soo dhaweeyo

  7. ali says:

    masha allah waa kumahadsantahay shaqada wanaagsan oo aad ummadaada uheyso

  8. Abdullahi Alas says:

    Mudane Ambassador Maxamed cali Ameriko aad baad umahadsan tahay, xaqiiqdii dowlada soomaaliya waxaa ku waajib ah in muwaadiniinta soomaaliya ay difaacdo xuquuqdooda hadii ay danbi leeyihiin waa in dalkooda goaan cadaaladeed looga gaaraa hadiise danbi lagu waayo waxay xaq uleeyihiin in xorriyadoodii loo soo celiyo,,inta ka horeysa waxaan ka codsaneynaa dowladeena in ay si deg deg ah dhalinyaraas soomaaliyeed ka soo saarto xabsiyada kenya oo dalkooda dib ugu soo celiso,,tani waa waajib qaanuuni ah oo saaran dowlada soomaaliya.

  9. wadani says:

    asc salaan kadib waxaan kula talaa shacabka somalia ineey wadankoda soo aadaan

  10. Maasha’allah Aadbaan Ugu Farxay Dadaalka Aad U Gashay Shaqada Lagu Xilsaaray Allah Ku Fududeeyo Walaalaheyga Soomaaliyeed Meel Walba Eey Ku Dhibaateysanyahiin Allah U Furo Faraj Kheyr Qaba Insha’allah Alla Dowladnimo Macaanaa Allow Wadankena No Hagaaji Midnimo Soomaali Meel Walbaa Jogtaan

  11. cabdi dhiblawe says:

    hajiro hajoogo halyey cali amiriko hal halkaada kawad dadaalka dhalinyarada

  12. AMIIN says:

    dhamaan soomalida soo booqata page-kaan waad salaaman tihiin

    wax kale oo safiirka oo daacad ah maba muuqdaan hadii safiirada kale sidaan oo kale u shaqeeyaan aadbaa somalida ugu farxilaheed

    allaha kuu fududeeyo arimaha aad somali u qabaneyso

  13. nabad doon says:

    safiirka somalia mahad sanid as hante sana safirweytu..safiir u need to free this young mans and send them come home i know kenya wat its no one tells me about kenta/safiir shaqadadu aad u jogta kenya waa iin somalia ahey hesha xushmadeedi somalida kenya jogtana dignatii kujogaan iyo sharaaf.. runtii safirka kenya waa the only safiir oo somali wax muqdaa u qabtey iinta safiira la dortey u are number one,mr ameerico.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Toos U Dhageyso Radio Muqdisho

Wararka

Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Waaberi oo Caawa u soo gudbay Wareegga ugu dambeeya ee Tartanka “Final”

Tartamayaasha Degmooyinka Warta Nabadda Vs Waaberi oo ka ...
astaanta_qaranka11 ok

Warbixintii Labaad ee horusocodka Guddiga Maamulka Maaliyadeed “War-saxaafadeed”

Mogadishu, 24 July 2014: Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
IMG_5216

Wafdiga ka socda Xukuumadda ee ku sugan Gobolka Hiiraan oo la kulmay hay’adaha samafalka “SAWIRRO”

Wafdiga ka socda Xukuumadda Fedaraalka ah ee ku ...
astaanta_qaranka11 ok

Shaqaale ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo tababar loo soo gabo gabeeyay

Tabarkaan oo  ay  si wada jir ah  usoo ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-HABEEN-24.07.2014.mp3"][/audio]
4-70B4D5A4-1552850-480

Ururka horumarinta ardayda Soomaaliyeed oo siminaar u qabtay arday “SAWIRRO”

Ururka horumarinta ardayda Soomaaliyeed oo marka magacooda la ...
baaq-nabadeed

Odoyaasha dhaqanka ee Gobolada Jubbooyinka oo baaq u diray dagaalada Caabudwaaq

Odayaasha dhaqanka Gobolada Jubbooyinka ayaa canbaareeyay dagaallo labo ...
unnamed

Shirkii Golaha Wasiirada oo lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka “SAWIRRO”

Muqdisho, 24, Luuliyo, 2014....Golaha Wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ...
IMG_8154

Qoysas ku dhaqan degmada Hodan oo raashin afurin ah loo qeybiyay “SAWIRRO”

Hay’adda bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa maalintii ...
ciidanka

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kala dhex-galay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay degmada Caabudwaaq ee g/Galguduud

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka XDS Col. Sulub ...
DSC_0720

Madaxda Sare Ee Dalka Oo Ka Qeybgalay Aas Qaran Oo Muqdisho Loogu Sameeyey Xildhibaanad Saado Cali Warsame “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud,Gudoomiyaha Baarlamaanka, ...
astaanta_qaranka11 ok

Wasaaradda amniga Qaranka oo Go’aano dhanka amniga ah soo saartay

Wasaaradda amniga Qaranka ayaa maanta go’aanadan dhanka amniga ...
DSC04941

Howlaha laanta socdaalka iyo hababka loo qaato Baasaborka Soomaaliga oo la balaariyay”Sawirro”

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Generaal C/laahi ...
saado-cali-warsame

Warbixin ka hadleysa dilkii xildhibaan Qaran Saado Cali iyo gabar Soomaliyeed oo Al-Shabaab ay ku dileen Diinsoor

  Al-shabaab waxa ay dadka Soomaaliyeed ka dileen dad ...
toogasho

Maxkamadda C.Q.S oo maanta dil toogasho ah ku fulisay 4 kamid ah Argagaxisada Al-Shabaab”Sawirro”

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waaberigii ...
Tartan Cilmiyeedka

Tartan aad u adag oo Caawa dhacay iyo Tartamayaasha Degmada Cadale oo u soo gudbay wareegga afarta

Tartamayaasha Degmooyinka Cadale Vs Galdogob oo ka kala ...
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo u soo gudbay Wareegga Afarta “Semi final” Dhageyso

Tartamayaasha Degmooyinka Jawiil Vs Kaaraan oo ka kala ...
IMG_5056

Xubno Wasiiro ah oo ku sugan gobolka Hiiraan oo la kulmay beel ka mid ah beelihii dagaalamay “SAWIRRO”

Wafdiga ka socda Xukuumadda Fedaraalka ah ee ku ...
muungab

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo shacabka uga tacsiyeeyay falkii lagu dilay Saado

Muqdisho, 23 July 2014 –Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna ...
AU

Midowga Afrika oo cambaareeyay falkii lagu dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame

Sii hayaha xilka Wakiilka gaarka ah ee Midowga ...
Sawirka Gudoomiye Jawaari

Guddoomiye Jawaari oo Xildhibaannada iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dilka Xildhibaan Saado

Muqdisho, 23 July 2014 –Guddoomiyaha Baarlaamanka Federaalka ah ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WAR-HABEEN-23.07.2014.mp3"][/audio]
saacid

Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid “Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay cadaaladda horkeento kooxihii dilay Xildhibaan Saado”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax ...
President

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Saado Cali

Muqdisho, 23 July 2014 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
IMG_8095

Qoysas danyar ah oo loo qeybiyay raashin Afurin ah “SAWIRRO”

Hay’adda bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa maanta ...
KAY

Qaramada Midoobay oo cambaareysay dilka Xildhibaan Saado Cali

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ...
saado-cali-warsame

Dowladda Maraykanka oo Cambaareeysey Dilkii loo geeystey Xildhibaan Saado Cali Warsame

 July 23, 2014 Dowladda Maraykanka ayaa si kulul ...
cabdiweli1

R.W Cabdiweli: “Xildhibaan Saado waxay ahayd wadinyad ay dadka Soomaaliyeed tabi doonaan”

Mogadishu, July 23, 2014…… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ...
MAGAALADA-KISMAAYO-OK1

Wafdiga Qaramada Midoobey ka socda oo la kulmay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba

Wafdigan ka socda Qaramada Midoobey ee maanta gaaray ...
Muugaab2

Muungaab: “Muqdisho waxa ay u baahantahay Amni iyo Kala dambeyn” Akhriso

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan ...
IMG_3731

Wasiiro munaasabad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga “SAWIRRO”

Mogadishu, July 23, 2014-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta ...
astaanta-warka16

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

[audio mp3="http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2014/07/WARKA-DUHUR-23.07.2014.mp3"][/audio]
Tartan Cilmiyeedka

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo xalay soo gaaray Semi final iyo afar degmo oo caawa balansan (Dhageyso)

Tartamayaasha Degmooyinka Warta Nabadda Vs Boosaaso oo ka ...

Tubta Toosan

images (12)

Ramadaanka & Daadinta Dhiigga

Waxaan ku ku jirnaa tobankii dhexe ee bisha ...
TubtaToosan Logo

Ramadaanku waa Fursad Cibaado iyo Towbad Keen-DHAGEYSO

Waxaan ku jirnaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo ...
July

Islaamka iyo Waddaniyadda

Iyadoo loo dabbaaldegayo maalintii xorriyadda iyo Qarannimada Soomaaliya, ...